Taariikh Nololeedkii Generaal Goobaale

Allahaa u naxariistee Generaal Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale waxaa uu ku dhashay degmada Xarardheere ee gobalka Mudug Sanadkii 1956kii, hooyadii waxaa lagu magacaabi jirey muumino maxamed, Xarardheere ayuuna ka galay dugsiga qur’aanka Kariimka kuna dhameeyey.

Sida aan kasoo xiganay mareegta SNA RADIO wuxuu dugsiga hoose iyo dhexe ku qaatay gobolka mudug ka dibna wuxuu usoo wareegay gobolka shabeelada hoose gaar ahaan degmada sablaaale halkaa oo uu dhameeyey dugsiga sare sanadkii 1975.

Ku biiristii ciidanka

 Generaal Goobaale waxaa uu sanadkii 1976dii uu ka mid noqday Ciidamada Xoogga Dalka wuxuuna tababarkiisa ciidanimo ku qaatay dugsiga Hiilweyne ee gobalka Shabeelada dhexe, Markii uu dhameystay tababarka dhinaca ciidanka waxaa uu shaqadiisi ugu horeysay ka bilaabay Qayta 26 aad ee Ciidamada X.D.S sanadkii 1977dii.

General Goobaale waxa uu ka mid ahaa askar soomaaliyeed oo ka qeyb gashay 27 June 1977 calan saarkii dalka jabuuti oo markaa xornimadiisa ka qaatay Farnsiisla.

Isla sanadkii 1977 ayaa waxaa Marxuum Goobaale uu ka mid ahaa askartii loo diray dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya isagoona ka dagaalamay aaga magaalada Dirirdhaba ee dhulka Soomaali Galbeed waxaana uu halkaasi ku qaatay darajada Xidigle iyo waliba Bilad geesi.

Kadib markii laga soo laabtay Dagaalkii 1977-kii waxaa Marxuum Goobaale uu dib ugu noqday Qeybtii 26aad ee uu ka tirsanaa waxaana loo dhiibay qaybta saadka ee ciidamada.

Sanadkii 1981 Generaal Goobaale waxaa loo diray koorso ciidan oo uu ka galay kuliyada Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho wuxuuna hakaasi ku qaatay xidigtiisi labaad, Sanadkii 1983 waxaa uu qaatay xidigtiisi saddexaad wuxuuna noqtay Dhamme ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya.

Sanadkii 1985 waxaa loo diray koorso ciidan oo uu ka galay dalka Masar wuxuuna koorsadaasi kadib oo ku soo laabtay dalka  Sanadkii 1986 dii ayuu qaatay darajada Gaashaanle, Sanadkii 1989 waxaa uu qaatay darajada Gaashaanle dhexe,kadib burburkii dowladii dhexe ee somaaliya.

Burburkii ka dib

General Goobaale ayaa waxa uu ka hor inta uusan kusoo biirin dawladda Soomaaliya ka mid ahaan Jiray isbaheysigii dooxada Jubba ee Barre Aadan Shire Hiiraale hogaamin jiray fadhigiisuna ahaa Magaalada Kismaayo.

Sanadkii 1999 wuxuu noqday taliyihii ciidamada maamulkii isbaheysiga dooxada jubba, sanadkii 2002 ayaa waxaa Goobaale loo dalac siiyey darajada Gaashaanle sare, sanadkii 2004 wuxuuna xubin ka ahaa wafdigii ka socday maamulka isbaheysiga dooxada  sharkii soomaalida ugu furmay magaalada Eldoret ee dalk Kenya.

Sanadkii 2006dii Generaal Goobaale waxaa uu hogaaminayey ciidamadii magaalada Muqdisho kula dagaalamay ciidamada Itoobiya ee dalka.

Goobaale ayaa maxaakiimtii kadib raacay isbaheysigii dib u xoreynta Soomaaliya ee Shariif Sheekh Axmed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Zakariya Xaaji C/weli iyo xubno kale ay ku jireen ee Asmara ucararay dagaalkii Itoobiyaanka kadib.

Dawladii Cabdullaahi Yuusuf ayuu ka mid ahaa dadkii kasoo horjeeday waxaana kadib uu ku biiray dawladii uu madaxweynaha uu ka noqday Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sanadkii 2009 dowladdi Shiiq Shariif wuxuu gacan weyn ka gaystay dhismaha ciidamada iyo dhaqan celinta maleeshiyooyinka isagoo noqtay taliye sare oo ka tirsan ciidamada dowlada waxaana loo aqoonsanaa taliyaha labada ciidan oo loo jeeda malateriga iyo booliiska.

Sanadkii 2010 marxuum Goobaale waxaa uu qaatay derajada Sareeye Guuto, General goobaale wuxuu lahaa haybad hogaamineed taasoo u suura geliyasay in uu meel sare ka gaaro dhinaca darajada ciidamada.

Geeridii General Goobaale

Allahaa unaxariistee Goobaale waxaa uu geeriyooday 18/9/2016 isagoo xilligaasi ku guda jiray waajibaadkiisi shaqo wuxuuna ahaa taliyihii guutada saddexaad ee ciidamada xooga dalka soomaaliyeed, qarax gaari loo adeegsaday ayaa lagu bartilmaameedsaday magaalada Muqdisho kolonyo uu la socday Jeneraal Goobaale.

19/9/2016 waxaa allahaa u naxariistee Generaal Goobaale aas qaran oo ay ka qayb galeen madax sare sare  loogu sameeyay wasaarada Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho.

Reference:-

http://snaradio.net/so/articles/1976/Taariikh-Nololeedkii-Allahaa-Unaxariiste-Generaal-Maxamed-Rooble-Goobaale


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply