Taariikh nololeedkii Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari

Professor marxuum Maxamed Cusmaan Jawaari wuxuu ku dhashay magaalada afgooyi ee gobolka shabeelada hoose sanadkii 1945, wuxuu ka dhashay qoys ahlu diin ah, aabihii wuxuu ka yimid buurhakaba hooyadiina waa reer afgooye, aabihii wuxuu afgooye u yimid barashada diinta.

Reerka hooyada prof Jawaari ayaa ka helay aabihii sidaa ayeyna ku siiyeen gabadhooda oo iyadana ku dhashay prof Jawaari, Prof Jawaari wuxuu ku korey degmada Buurhakaba ee gobolka baay, Prof Jawaari qoyskooda waxaa loogu magacdarey tuulo ku taal gobolka Jubbada Dhexe oo loo yaqaan Jawaari.

wuxuu shahaadada macalinnimo ee luuqadda ingiriiska ka qaatay magaalada muqdisho sanadkii 1962, wuxuu macalin dugsi dhexe kasoo noqday degmada marka ee gobolka shebeelada hoose.

Sanadkii 1964 wuxuu shahaado diploma ah ka qaatay machadka daraadsadka islaamiga ah ee ku yaalay magaalada Mogadishu, wuxuu sidoo kale 1967 qaatay shahaadada macalinnimada oo uu ka qaatay machadkii macalinnimada eek u yaalay muqdisho.

waxbarashadiisa jaamacadeed wuxuu sanadkii 1982 ka qaatay jaamacadda ummadda wuxuu ka bartay kulliyadda sharciga.

Sanadihii 1973-1979-kii, waxa uu agaasime guud iyo ku xigeen agaasime guud ka soo noqday Wasaaraddii Shaqada iyo arrimaha bulshada, wuxuu ka hadli jirey luuqadaha Afsoomaaliga, English, Talyaani iyo Norwegian.

Intii u dhexeysey 1979-1985 waxa uu soo noqday Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Gaadiidka dhulka iyo cirka iyo Wasaarads Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, wuxuu ahaa guddoomiye guddigii diyaariyey sharciga shaqaalaha rayidka 1970 meeyadii.

Wuxuu sidoo kale soo noqday wasiirka wasaaradda gaadiidka dowladii Jaalle Siyaad, wuxuu kaloo ka mid ahaa golihii shacabka xilligii dowladii militariga, wuxuu ka mid ahaa xubin ka tirsanaa guddigii farsamo ee diyaariyey dastuurka 1989 ilaa 1990kii.

Markii dowladii dhexe ay burburtey wuxuu magangalyo ka helay dalka Norway oo uu muddo ku noola, dalka Norwey, waxaa uu ka soo shaqeeyey horumarinta iyo waxbarashada isagoo macalin dugsi sare ka noqday dalka Norway.

Intii uu Norway joogay wuxuu xoghaye ka noqday guddi ay muslimiintu leeyihiin, sidoo kale wuxuu xubin ka ahaa guddiga dhexdhexaadinta khilaafaadka garsoorka ee Norway, wuxuu kaloo xubin kasoo noqday guddi isku dhafka ah ee muslimiinta iyo kiristiyaanka siday nabad ugu wada noolaan lahaayeen ka shaqaynayey, dhowr guddiyo kale ayuu sidoo kale xubin kasoo noqday intii uu joogay Norway.

Xilliyadii ay bilowdeen shirarkii wada hadalada dowlad dhiskii Soomaaliya, ayuu ka mid ahaa dadkii ku soo laabtay dalka si qayb ugu noqdo yagleelida dowlad Soomaaliyeed sida uu BBC-da u sheegay Xuseen Sheekh Maxamuud.

Wuxuu ahaa guddoomiyihii guddiga madaxa banaan ee dastuurka ee diyaariyey dastuurka hadda lagu dhaqmo ee qabyada ah, wuxuu sidoo kale soo noqday la taliye sare guddiga dastuurka intii u dhexeysay 2008 ilaa 2012.

Sanadkii 2012-kii ayuu Prof Jawaari, noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Barlamaankaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee lagu doorto gudaha dalka oo ay odoyaasha dhaqanku soo xuleen, sanadkii 2017-kii ayuu mar kale noqday guddoomiyaha Golaha Shacabka balse xilkaas ma dhammaysan muddo xileedkiisa ka dib markii uu iska casiley

Iscasilaadda Prof Jawaari ayaa timid ka dib cadaadis kaga yimid madaxdii xilligaa joogay oo uu ka mid ahaa Farmaajo oo doonayey baarlamaan in ay gacantooda ku maamulaan oo ay waxay rabaan marsiistaan.

Prof Jawaari intii uu ahaa guddoomiyaha baarlamaanka soomaaliya wuxuu nidaamiyey baarlamaanka isagoo gaarsiiyey heer caalami ah, dadka yaqaanay waxay ku tilmaameen in uusan daneyn jirin hantida iskana ilaalin jirey hantida dowladda.

Hadda wuxuu ka mid ahaa guddi madaxwyene Xasan Sheekh u magacaabay difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka dib khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Alle ha u naxariistee prof Jawaari ayaa 28 July, 2024 ku geeriyooday magaalada Mogadishu, alle ha u naxariistee prof Jawaari wuxuu ifka kaga tagay sagaal owlaad ah, shan gabdhood iyo afar wiil.


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply