Taariikhda Bashaar Al Asad

Bashaar Xaafid al-Asad Wuxuu dhashay Sebtembar 11, 1965, wuxuu ku dhashay magaalada Dimishiq ee ah caasimadda Suuriya, Bashaar al-Asad waa wiilka labaad ee madaxweynihii hore ee Suuriya Xaafid al-Asad iyo xaaskiisa Anisa, aabihii, Xaafid, wuxuu xukunka kula wareegay awood militari 1971-kii.

Waxbarashadiisa

Bashaar Al-asad waxa uu wax ku bartay dugsiga Arab-French al-Hurriya School ee ku yaalla Dimishiq halkaas oo uu ku bartay in uu si fiican ugu hadlo Ingiriisiga iyo Faransiiska, sannadkii 1982-kii ayuu ka qalin jabiyay dugsiga, wuxuuna ka sii watay jaamacadda Dimishiq oo uu ka bartay cilmiga caafimaadka, isagoo ka qalin jabiyay sannadkii 1988-kii.

Ka dibna waxa uu isbitaal milateri ku bartay cilmiga indhaha Waxa uu 1992-kii aaday London wuxuu ku biirey isbitaalka Western Eye Hospital si uu waxbarashadiisa u sii wato.

Waddada madaxtinimada

Markii uu jirey 29 sano, Asad waxaa lagu qasbay inuu ku laabto Dimishiq isagoo ka soo tagey London ka dib markii walaalkiis ka weyn Basil oo markii hore loo diyaariyey madaxtinimada uu ku dhintay shil baabuur sanadkii 1994, isagoo 33 jir ah.

Waxa uu galay akadeemiyadda ciidamada ee Homs oo ku taal Waqooyiga Dimishiq, waxaana si degdeg ah loogu dalacsiiyey darajada oo uu noqday gaashaanle dhexe shan sano gudahood, Ka dib waxa loo dalacsiiyay kornayl bishii January 1999kii, muddadaas, waxa uu sidoo kale la taliye u noqday aabbihii.

Markii Hafez al-Asad uu dhintay Juun 10, 2000, baarlamaanka Suuriya ayaa si dhakhso ah ugu codeeyay in la yareeyo da’da ugu yar ee musharrixiinta madaxtinimo iyagoo ka bedelay 40 kana dhigey 34 sano si Asad uu xaq ugu yeesho xafiiska.

Asad waxa uu xilka qabtay July 11, 2000, waxa kale oo loo doortay hogaamiyaha xisbiga Bacath iyo taliyaha guud ee ciidamada, wuxuu khudbadiisii ​​furitaanka ku caddeeyay inay ka go’an tahay hagaajinta dhaqaalaha, wuxuuna ballan qaaday inuu sameyn doono isbedello siyaasadeed.

Bashaar waxa uu diiday dimuquraadiyada qaabkii reer galbeedka ay u rabaan, dhaqaaluhu waxa uu ahaa mid aad u liita, maamulka dawladuna waxa uu adkeeyay in ganacsi gaar ahi uu soo baxo.

“Xaaladda dhaqaaluhu waa mudnaanta dhammaanteen si aan u wanaajino waxqabadkeeda iyo horumarinta nolosha muwaadiniinta, Waa sidaas oo kale musuqmaasuqa,” ayuu yidhi Asad oo guddoominayay Shirweynihiisii ​​ugu horreeyay ee Xisbiga Bacath Party.

In kasta oo ay jireen ballan qaadyo ku saabsan dib u habaynta xuquuqda aadanaha, haddana wax badan isma beddelin ka dib markii Asad uu xilka qabtay.

Sannadkii 2006-dii, Suuriya waxa ay balaadhisay mamnuucida socdaalka ka dhanka ah mucaaradka, iyada oo dad badan ka hor istaagtay in ay dalka ka baxaan, sannadkii 2007 afti ayaa la qaaday si loo xaqiijiyo musharraxa madaxweynaha iyadoo aanay jirin xisbiyo mucaarid ah oo tartamaya.

Cod bixiyayaasha ayaa la waydiiyay in ay ” ogolaadeen musharaxnimada Dr Bashaar al-Asad ee jagada madaxweynaha jamhuuriyadda”, Mar kale, wuxuu ku guuleystay 97 boqolkiiba codadka.

Sida laga soo xigtay Human Rights Watch, 2009, xaaladda xuquuqda aadanaha Suuriya waxay ahayd mid ka mid ah kuwa ugu xun adduunka, oo “waliba ay sii xumaatay”.

Gugii Carabta

Madaxweynaha Suuriya Bashaar al-Asad waxa uu xukunka dhaxlay July 2000 bil kadib markii uu dhintay aabihiis Xaafid al-Asad oo ahaa hogaamiye milatari, laakiin bishii March 2011 markii uu bilowday kacdoonkii Suuriya Asad xukunkiisa Suuriya waxa uu ahaa mid halis ku jira, iyadoo dalkaasi ay hareeyeen rabshado ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 465,000 oo qof.

Ka dib kacdoonkii Carabta ee Tuniisiya, Masar iyo Liibiya, waxa Suuriya ka bilaabmay mudaaharaadyo 15-kii March, 2011, mudaaharaadyada ayaa sii xoogeystay ka dib markii 15 wiil la xiray laguna jirdilay qoraalo ay  ku buufiyeen darbiga iskuulka qoraalkaa oo ay ku taageerayeen gugii Carabta.

Mid ka mid ah wiilasha oo 13 jir ahaa ayaa dhintey ka dib markii si xun loo jir dilay, banaanbaxayaasha waxa ay dalbanayeen isbedello siyaasadeed, dib u soo celinta xuquuqda madaniga ah iyo in la soo afjaro xaaladda degdegga ah ee soo jirtay tan iyo 1963-kii.

Bashaar Al-asad ayaa ku adkeystay in Suuriya ay ka caagan tahay kacdoonka ka socda dalalka Carabta, laakiin mudaaharaadyada dawladda lagaga soo horjeedo ee ku baaqaya “kacaan”, “burburinta musuqmaasuqa” iyo sii deynta maxaabiista siyaasadeed, ayaa ku fiday dalka oo dhan, iyada oo kooxaha xuquuqda ay sheegeen in in ka badan 2,000 la dilay bishii lixaad ee mudaaharaadyada.

Bishii Luulyo 2011, askar ka goosatay militariga ayaa ku dhawaaqay aasaaska ciidanka xorta ah ee Suuriya, koox fallaago ah oo ujeedadeedu tahay inay afgembiyaan dowladda, Suuriyana waxay gashay dagaal.

Iyadoo mudaaharaadyadii 2011 ay u badnaayeen kuwo aan ku dhisneyn kooxeysi ayaa iskahorimaadka hubaysan soo shaac, Suuriyaanku waa Muslimiin Sunni ah, laakiin amniga Suuriya waxaa muddo dheer gacanta ku hayay xubno ka tirsan dariiqada Calawiyiinta ee shiicada ah oo Asad uu xubin ka yahay.

Sannadkii 1982-kii, Bashaar aabbihii waxa uu amar ku bixiyey hawlgal milatari oo ka dhan ah Ikhwaanul Muslimiinka magaalada Hama, howlgalkaas oo lagu dilay tobanaan kun oo qof, isla markana dhulka la la simay inta badan magaalada.

Inkastoo dalalka reer galbeedka iyo kuwa Carabta ay taageerayaan mucaaradka, Asad wuxuu ka badbaaday dhowr sano oo dagaal ah, wuxuuna diiday inuu ka baxo dalka, wuxuu sanadkii 2020 heshiis xabad joojin ah la galay mucaaradkii hubeysnaa , waxaana mucaaradka lagu qasbey in aysan dagaal dambe qaadi karin.

Dhimashada rayidka

Bishii Disembar 2011, Asad wuxuu dafiray inuu dambiile yahay fal dambiyeedka dowladdiisa ee mudaaharaadyada, isagoo sheegay inuusan waligii amar ku siin ciidamada ammaanka oo uu u ahaa taliyaha guud “inay dilaan ama ay dhibaateeyaan”.

“Waa ciidamo militari ah oo ka tirsan dowladda, ma lihi aniga, waxaan ahay madaxweyne Dalka ma lihi, ma jirto dowlad adduunka ka jirta oo dadkeeda disha, in qof waalan uu hoggaamiyo mooyaane,” ayuu yiri December 2011.

Dhammaadkii 2011, wadamo badan ayaa ku baaqayay in Bashaar al-Asad uu is casilo, jaamacada Carabtuna waxay hakisay xubinnimadii Suuriya, taasoo keentay in dowladda Suuriya ay ogolaato in kormeerayaal Carbeed ay dalka soo galaan.

Bishii Janaayo 2012, ayaa la sheegay in in ka badan 5,000 oo qof oo rayid ah ay dileen maleeshiyada Suuriya ee Asad taageersanaa, iyo in 1,000 qof ay dileen xoogagga mucaaradka ah.

Bishii Agoosto 2013, Asad wuxuu dhaleeceyn kala kulmay hoggaamiyeyaasha adduunka, kadib markii uu hubka kiimikada u adeegsaday dadka rayidka ah, si kastaba ha ahaatee, waxa uu awooday in uu joojiyo faragelinta shisheeye isagoo gacan ka helaya madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Sannadkii 2013, Qaramada Midoobay waxay ku qiyaastay in ka badan 70,000 oo qof la dilay tan iyo bilowgii iskahorimaadka bishii March 2011, Bashar al-Asad ayaa sii waday ololihiisa ka dhanka ah xoogaga fallaagada isagoo meesha ka saaray baaqyo dibadda ah oo ahaa inuu xilka ka dago, wuxuu qabtay doorashooyin uu ku shubtey bishii June 2014-kii.

Codbixinta ayaa lagu qabtay kaliya goobaha ay dowladdu maamusho, waxaa laga reebay oo aan doorashada ka dhicin qaybo badan oo waqooyiga iyo bariga Suuriya ah oo ku jiray gacanta kooxaha fallaagada ah, ssad ayaa helay 88 boqolkiiba codadka.

Bishii Febraayo 2016, iska hor imaadku wuxuu sababay dhimashada dad lagu qiyaasay 470,000 oo qof, wuxuuna dhaliyay dood caalami ah oo ku saabsan sidii loo maareeyn lahaa malaayiin qaxoonti ah oo doonaya inay ka baxsadaan naxariis darada Asad.

Bishii Abriil 2017, ka dib markii uu soo baxay warka ku saabsan wareeg kale oo hubka kiimikada ah oo lagu sii daayay dadka rayidka ah, madaxweynihii Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in la weeraro saldhigyada cirka ee Suuriya, isagoo cambaareeyay Asad iyo xulafada Suuriya ee Ruushka iyo Iran.

Qoyskiisa

Bishii Disembar 2000, Asad wuxuu guursaday Asma Fawaz Akhras oo ah muwaadin Ingiriis ah oo asal ahaan ka soo jeeda Suuriya kana timid Acton, London, Asma Fawaz waxay is barteen intii uu wax ka baranayey dalka Ingiriiska.

Asma labadeeda waalidba waa Suuriyaan balse iyadu waxay ku dhalatay dalka ingiriiska isla halkaas ayeyna kusoo barbaartay, sannadkii 2001-dii, Asma waxay dhashay canugeedii ugu horreeyay, waxaana loo bixiyay Xaafid oo waxaa loogu magac daray awoowgii Xafiz Al-Asad.

Bashaar al-Asad wiilkiisa Xaafid waxa uu xagaagii 2023 ka qalin jabiyay jaamacada Moscow State University isaga oo ka qaatay shahaadada heerka labaad (Master’s thesis in theory number, gabadhooda Zein waxay dhalatay 2003, waxaana ku xiga wiilkoodii labaad ee Karim.

Aabihii Xaafi wuxuu dhintey June 10, 2000, hooyadii oo la oran jirey Anisa Makhlouf waxay dhimatey sanadkii 2016, Asad waxaa la dhashay 3 wiil iyo hal gabar, walaalkiis Maher wuxuu ka mid ahaa saraakiisha militariga ee aadka u la shaqeeyey xasuuqana geystey.

Ridistii Asad

Dhowr sano oo dagaalada hakad ay ku jireen ka dib ayey mucaaradka weerar lama filaan ah ku qaadeen dowladda Asad 26-kii bishii November 2024, iyagoo ka soo weeraray deegaanno dhanka waqooyi iyo waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Xalab. 29-30-kii Nofembar ayay gudaha u galeen magaalada, iyagoo xoog uga saaray ciidamada dowladda.

Magaalada xalab waxaa lagu xasuustaa xasuuqii ugu ba’naa ee uu Asad ka geystey waxaana lagu qiyaasaa dadka uu halka ku xasuuqey nus milyan oo qof, weerarka waxaa bilaawey jabhadda Hay’at Tahrir al-Sham (HTS). horey waxaa loogu yeeri jiray Jabhadda Nusra, waxay ahayd garabka rasmiga ah ee al-Qaacida ee dagaalka Suuriya ilaa ay xiriirka u jartay 2016-kii.

HTS oo uu hogaamiyo Abu Mohammed al-Golani ayaa furay tab cusub, waxay muddo dheer ahayd ciidamada ugu awooda badan gobolka Idlib, oo ku yaala cirifka waqooyi galbeed halkaas oo ay fallaagadu saldhigyo ku lahaayeen inkasta oo uu Asad guulo ka gaadhay meelo kale.

Axad, December 8, 2024 mucaaradka Suuriya ayaa ku dhawaaqday in Bashaar Al-Asad ay xukunka ka tuureen ka dib markii ay la wareegeen gacan ku haynta Dimishiq taas oo ku qasabtay in Asad uu Dimishiq ka cararo oo uu soo afjaro 54 sano oo qoyskiisu xukumayay dalka Suuriya ka dib in ka badan 13 sano oo dagaal sokeeye ah.

Asad, oo aan meel fagaare ah ka hadlin tan iyo markii ay si lama filaan ah u soo dhaqaaqeen mucaaradka toddobaad ka hor, ayaa ka duulay Dimishiq isagoo ka dagey saldhig ciidanka Ruushka ay ku leeyihiin dhanka xeebta ee dalka Suuriya ka dibna waxaa uu u sii duuley Moscow halkaa oo uu ka helay magangalyo siyaasadeed.

Asad ayaa gacan bir ah ku xukumayay Suuriya muddo ku dhow shan iyo labaatan sano, sida laga soo xigtay wargeyska Sucuudiga ka soo baxa ee Elav, oo soo xiganaya sirdoonka Ingiriiska ee MI6, hantida qoyska Asad waxay gaaraysaa 200 oo tan oo dahab ah (200000 kg), 16 bilyan oo dollar, iyo 5 bilyan oo Yuuro.

Wadarta ayaa u dhiganta dhammaan miisaaniyada Suuriya 7 sano marka la barbar dhigo xogta 2023, balse lama xaqiijin karo sax ahaanshaha warbixintaan.

References

www.aljazeera.com

www.theweek.in


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Ads Blocker Image Powered by Code Help Pro

Ads Blocker Detected!!!

We have detected that you are using extensions to block ads. Please support us by disabling these ads blocker.