Taariikhda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Taariikhda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo waa madaxweynihii sagaalaad ee soomaaliya yeelato, Farmaajo wuxuu ku dhashay magaalada Mogadishu gaar ahaan degmada waaberi bishii March sanadkii 1962.

Farmaajo waa aqoonyahan soomaaliyeed oo muddo dheer daganaa magaalada New York ee dalka mareykanka, noloshiisa inta badan wuxuu kusoo qaatey dalka dibaddiisa, Farmaajo hadda waa aabe dhaley afar caruur.

Farmaajo qoyskiisa waxay kasoo jeedaan maamul goboleedka Jubbaland gaar ahaan gobolka Gedo balse wuxuu caan ka ahaa degmada Waaberi ee gobolka Banaadir oo uu ku dhashay.

Waalidiinta Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay xiriir la lahaayeen ururkii gobonimo doonka ahaa ee SYL, intii lagu gudo jirey 1970-yadii farmaajo aabihiis wuxuu ahaa shaqaale dowladeed oo ka tirsanaa waaxda gaadiidka qaranka.

Waxbarashadiisa

wuxuu dugsiga dhexe uga baxay iskuulka 1da Luuliyo, halka dugsiga sare uu ku qaatey dugsiga farsamada gacanta ee lafoole, wuxuu shahaadada  koowaad ee B.A iyo tan labaad ee M.A ka qaatey jaamacadda New York ee ku taalla buffalo sanadihii 1997 iyo 2000.

Shaqooyinkii uu soo qabtey

1981 wuxuu shaqo ka bilaabey wasaaradda arimaha dibadda, waaxda maaliyadda iyo maamulka, 1994 ilaa 1997 Farmaajo waxaa loo doortey inuu noqdo wakiilka guud ee maamulka iyo guryeynta degmada buffalo, 1994 wuxuu ka mid noqdey golaha dhexe ee xisbiga dimuquraadiga Mareykanka.

banner

Wuxuu ka soo shaqeeyey safaaradda soomaaliya ee dalka Mareykanka sanadihii 1986 ilaa 1989 isagoona ahaa xoghayaha labaad.

Shaqooyinkii uu soo qabtey waxaa kaLoo mid ah agaasime guud oo ayuu kasoo noqdey hay’adda u dooda xuquuqda bulshada sanadkii 2002, sanadkii 2015 wuxuu bare ka noqdey Erie college oo ku yaalo buffalo.

Ra’iisul wasaare

Bishii 14 October 2010 waxaa loo magacaabey ra’iisul wasaaraha soomaaliya, isla bishii october 31keeda 2010 baarlamaanka soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey ra’iisul wasaare Farmaajo.

Xilligii uu ra’iisul wasaaraha ahaa waxa uu ku guuleystey bixinta mushaaraadka ciidanka xoogga iyo shaqaalaha dowladda, Wuxuu kaloo ku guuleystay xilligii uu ra’iisul wasaaraha ahaa in uu gacanta ku dhigo boqolkiiba lixdan caasimadda Mogadishu oo xilligaa Alshabaab ay heysteen.

Hase ahaatee dhowr bilood ka dib waxaa khilaaf soo kala dhexgaley ra’iisul wasaare Farmaajo iyo madaxweynihiisa Shariif Sheikh Axmed iyo afhayeenkii baarlamaanka Shariif Xasan Sheikh, khilaafka ayaa salka ku hayey qabashada doorashada August 2011.

June 19, 2011 ra’iisul wasaare Farmaajo ayaa xilka iska casiley ka dib heshiis lagu soo gaarey Kampala dalka Uganda.

Doorashadii 2017

Doorashadii February 8, 2017 dhacdey ayuu madaxweyne Farmaajo ku guuleystey inuu noqdo madaxweynihii sagaalaad ee Soomaaliya, wuxuu tartan adag la galey labadii madaxweyne ee ka horeeyey oo kala ah Xasan Sheikh iyo Shariif Sheikh Axmed, wuxuu kusoo baxay wareegii labaad ka dib markii uu tanaasuley Xasan Sheikh oo ay wareega seddexaad isla aadi lahaayeen.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu February23, 2017 ra’iisul wasaare uu u magacaabey Xasan Cali Kheyre, balse seddax sano ka dib Kheyre ayaa is casiley ka dib khilaaf soo kala dhexgaley isaga iyo madaxweyne Farmaajo wuxuuna xilka ka tagey July 26, 2020, madaxweyne Farmaao ayaana xilka ra’iisul wasaare u magacaabey Maxamed Xuseen Rooble.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa doorasho baarlamaanka ay doorteen kaga guuleystey Xasan Sheekh oo mar kale xilka kusoo noqdey May 15, 2022, Farmaajo wuxuu si rasmi ah xilka uu u wareejiyey May 23, 2022.

Maalintii xilwareeinta 23/5/2022 madaxweyne farmaajo wuxuu jeediyey khudbad kooban oo ku saabsan xaaladda dalka: –

Madaxeyne farmaajo waa aasaasaha xisbiga Tayo oo la aasaasay 2012.

Dhacdooyinkii muddo xileedkiisii

Xillgii uu madaxweynaha ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa dhacay dhacdooyin ugub ku ah Soomaaliya waxaana ka mid ahaa

  1. Dhiibistii Cabdikariim Sheekh Muuse oo loo yaqaano Qalbi-Dhagax oo ah sargaal sare oo ka tirsan jabhadda ONLF, Gaalkacyo ayaa laga soo qabtey August 23, 2017, markii ay taariikhdu ahayd 27-di August ayaa diyaarad loo saaray Itoobiya sida ay sheegtay jabhadda ONLF oo war qoraal ah soo saartay.
  2. October 14, 2017 waxaa dhacay Qaraxii Soobe oo ahaa qaraxii ugu weynaa ee ka dhacay qaaradda Africa, gaari nooca xamuulka qaado ah ayaa ku qarxay isgoyska Soobe galab Sabti ah, xilliga salaadda Casir, oo ku beegnayd 14 October 2017, qaraxaas waxaa ku dhintey in ka badan 600 qof oo shacab soomaaliyeed muslim ah dhaawacana kun ayaa lagu qiyaasay, Alshabaab ayaa ka gaabsatey in ay sheegtaan musiibada halkaa ka dhacday.
  3. Dowladii Farmaajo ayaa tababar ugu dirtey dalka Eritrea 5000 oo dhalinyaro ah waxayna aheyd markii ugu horeysay ciidan intaa gaaraya tababar loo direy, ciidankaa ayaa dib loogu soo celiyey Soomaaliya 2022 ilaa 2023 oo uu dalka madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh, dowladda Xasan ayaa lagu eedeeyey in ay kala direen ciidankaa oo wax weynu tari lahaa Soomaaliya.
  4. Sanadkii 2021 Ciidank la magac baxay badbaado qaran ayaa dagaal la galay ciidankii qaranka, waxaa dagaalka qeyb ka ahaa Xasan Sheekh oo mucaarad ahaa, dagaalka ayaa xooggiisa ka dhacay degmooyinka madaxtooyada u dhow iyo Kaaraan, ciidanka badbaado qaran la magac bacxay ayaa u abaabulnaa hab beeleed.
  5. Soomaaliya ayaa dalka ka eriday January 2, 219 ergaygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom, ayadoo ku eedaysay in uu faragalin qaawan ku hayo madax banaanida Soomaaliya.
Italian Trulli

Premium Web Hosting with 20% discount


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Comments

No comments yet. Why don’t you start the discussion?

Leave a Reply