Taariikh24
92 subscribers
21 videos
24 links
Hoyga taariikhaha, booqo website ka : www.taariikh.net
Download Telegram
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
Qabkii ay ururka Xamaas ugu daateen goobihii yahuuda
Taariikh24 pinned a video
Asalka ururka
Xamaas, oo loo soo gaabiyo Xarakat al-Muqawama al-Islamiya (“Dhaqdhaqaaq iska caabin Islaamiga ah”), waxaa aasaasay Sheekh Axmed Yaasiin oo ahaa wadaad falastiiniyiin ah, bilowgii dabayaaqadii 1960-aadkii, Yaasiin wuxuu wacdiyey oo hawlo samafal ah ka sameeyey Daanta Galbeed iyo Gaza oo labaduba ay Israa’iil qabsatay dagaalkii lixda maalmood socday ee 1967-kii.

Yaasin wuxuu aasaasay Xamaas December 1987 si uu u noqoto cududda siyaasadeed ee Ikhwaanka ee Gaza, sannadkii 1988-kii, Xamaas waxay daabaceen axdiga ururka, wuxuuna ku baaqay in la burburiyo Israa’iil lana dhiso bulsho Islaami ah oo ka jirta Falastiinta taariikhiga ah.

Aasaasayaasha kuwa ugu caansan waxaa ka mid ah: –

1. Sheekh Axmed Yaasiin.
2. Abdul Aziz Al-Rantisi.
3. Ciise Al-Nashar.
4. Abdel Fattah Dakhan.
5. Ibraahim Al-Yazouri.
6. Maxamed Shamca.
7. Saalax shexaada.
8. Xasan Yuusuf
9. Maxamuud Al-Zahaar

Madaxda xamaas
Dhaqdhaqaaqa ayaa markii hore ka koobnaa ku dhowaad 10 aasaase oo uu hormuud u ahaa shahiid Axmed Yaasiin, ka dibna waxaa la dhisay guddiyo dhowr ah oo hoggaamineed oo loo qeybiyay dhinacyada siyaasadda, ciidamada, amniga iyo warbaahinta.

Madaxda ururka waxaa ka mid ahaa kuwii shahiiday sida Sheekh Axmed Yaasiin, Yaxye Ayyash, Ismaaciil Abuu Shanab, C/casiis Al-Rantisii, Saciid Siyam, qaarna weli waa noolyihiin sida Khaled Mishal, Maxamuud Al-Zahar. iyo Ismail Haniyeh.

Xamaas waxay leeyihiin hay’ado hoggaamineed oo badan kuwaas oo qabta hawlo siyaasadeed, ciidan iyo bulsho oo kala duwan, siyaasadda guud waxaa dejiya hay’ad wada tashi ah oo inta badan loo yaqaan xafiiska siyaasadda oo ka shaqeysa dibadda, guddiyada maxalliga ah ayaa maamula arrimaha asaasiga ah ee Gaza iyo Daanta Galbeed.

Khaled Meshcal waxa uu qabtay xilka madaxtinimo ee xafiiska siyaasadda Xamaas sannadkii 1996-kii xilligaa oo uu xirnaa sheikh axmed yaasiin, waxaanu sii waday xilkiisa ka dib shahiid Sheekh Axmed Yaasiin 23-kii March 2004-tii.

Ismail Haniyeh ayaa hadda ah madaxa siyaasada isagoo bedelay hogaamiyihii mudada dheer hayey ee Khaled Meshcal sanadkii 2017, haniyeh ayaa ka howlgala magaalada Doha ee dalka Qatar tan iyo sanadkii 2020, waxaana la sheegay in Masar ay xadiday dhaq dhaqaaqiisa Gaza.

Hogaamiyayaasha Xamaas waxa ay saldhig ka dhigteen Qatar ka dib markii ay isku dhaceen martigeliyahoodii hore ee Suuriya markii qaxootiga Falastiiniyiinta ay ka qayb qaateen kacdoonkii 2011 ee sababay dagaalkii sokeeye ee Suuriya.

Qaar ka mid ah saraakiisha sare ee Xamaas ayaa lagu soo waramayaa inay ka howlgalaan xafiisyada kooxda ee Turkiga.

Arrimaha maalinlaha ah ee Gaza ayaa waxaa dusha kala socda Yahya Sinwar oo horay u soo noqday madaxa garabka militariga ee Xamaas, waxaana uu labo iyo labaatan sano ku soo qaatay xabsiyada yahuuda isagoo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay afduubka iyo dilka labo askari oo Israel ah.

Waxa uu ka mid ahaa in ka badan kun maxbuus falastiiniyiin ah oo la sii daayay 2011-kii oo lagu beddelay askari Israa’iili ah oo ay haysteen Xamaas, laga soo bilaabo Juun 2021, ra’iisul wasaaraha dhabta ah ee maamulka xamaas ee Gaza waa Issam al-Da’alis.

Marwan Issa iyo Mohammed Deif ayaa ka taliya garabka militariga ee Xamaas, guutada Izz ad-Din al-Qassam, ciidamada Israel ayaa ku dilay Salah Shehadeh weerar dhanka cirka ah sanadkii 2002-dii, 15 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerarka, Salah Shehadeh wuxuu ahaa hogaamiyihii garabka militeriga 1996 – 2002, ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale dilay Sheekh Ahmed Yaasiin oo ahaa aasaasihii Xamaas sannadkii 2004-tii.

Saleh al-Arouri ayaa lagu soo waramayaa inuu madax ka yahay laanta Lubnaan, waxa uu sidoo kale la wareegay hogaanka kooxda ee Daanta Galbeed ka dib doorashooyin gudaha ah oo la soo gabagabeeyay 2021, halka Khaled Meshaal loo doortay inuu hoggaamiyo xafiiska qurba joogta, Salameh Katawi waxaa loo doortay inuu maareeyo arrimaha xubnaha Xamaas ee xiran.

Abu Cubeyda waa afhayeenka guutada Izz ad-Din al-Qassam Brigades garabka millatari ah ururka Xamaas.

Weerarkii Hamas 2023
Weerarkii Xamaas ee koonfurta dhulka ay yahuudu heysato oo ay hoggaamiyeyaasha kooxdu ugu magac dareen “Hawlgalka Al-Aqsa”, waxa uu ahaa mid aan caadi ahayn, howlgalka wuxuu bilaabmay subaxnimadii hore ee Oktoobar 7, oo aheyd sabtida Yuhuuda iyo maalin fasax u ah.

Xamaas waxay dhowr kun oo gantaal ku garaaceen koonfurta iyo badhtamaha dhulka la heysto, waxayna garaaceen magaalooyin ku yaal waqooyiga Tel Aviv, xoogaga Xamaas ayaa sidoo kale jebiyey xadka Gaza ee sida weyn loo ilaaliyo waxayna gudaha u galeen magaalooyin iyo tuulooyin badan oo ku yaal koonfurta falastiin, halkaas oo ay ku dileen ilaa 1,400 oo qof, tiro kalena way ku dhaawaceen, kuna qafaasheen.

Hoggaamiyaha Xamaas Maxamed Deif ayaa sheegay in kooxdan ay weerarradooda u qaadeen sababo la xidhiidha go’doominta muddada dheer ee Israa’iil ku hayso Qaza, qabsashada dhulka falastiiniyiinta.

Weerarkii Oktoobar 7-dii waa kii ugu dhimashada badnaa ee soo mara Israa’iil taariikhda shan iyo todobaatan sano oo ay jirsatay, waxaana uu dadkeeda u geystay dhaawac maskaxeed oo qoto dheer, iyadoo falanqeeyayaasha qaarkood ay barbar dhigayaan yaabka Pearl Harbor iyo September 11, 2001, weerarro lagu qaaday Mareykanka.

Hay’adaha sirdoonka ee Israa’iil iyo Maraykanka ayaa lagu soo waramayaa in aysan haynin calaamad muujinaysa in ururka Xamaas uu qorshaynayo weerar noocaan ah.

Israa’iil ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Xamaas iyada oo xoojisay olole ay doonayso in lagu cirib tiro kooxdan oo laga sii daayo ku dhawaad ​​laba boqol oo la haystayaal ah, raiisel wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ka digay “dagaal dheer oo adag” oo ka dhan ah Xamaas.

Israa’iil iyo Xamaas ayaa rasaas is weydaarsanaya maalin kasta tan iyo 7-dii October, Israa’iil ayaa si buuxda u go’doomisay Qaza iyada oo go’doomisay shacab markii horeba laga dayrinayay., saddexdii toddobaad ee ugu horreeyay ee weerarka Israa’iil, ciidammadeedu waxay dileen in ka badan siddeed kun oo Falastiiniyiin oo shacab ah, ku dhawaad ​​40 boqolkiiba waa carruur, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamulaan ee Gaza.

In ka badan saddex boqol oo ciidamada Israa’iil ah ayaa sidoo kale lagu dilay dagaalka, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Israa’iil.

faahfaahin dheeraad ah ka akhriso www.taariikh24.com
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
Mujaahidiin oo yahuuda cashar ugu dhigaya Marinka Gaza - الله أكبر
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali khayre oo ka hadlay deynta laga cafiyay Soomaaliya oo uu door muhiim ah ka qaatay xilligii uu xilka hayey.
https://www.taariikh.net/taariikh-nololeedka-xasan-cali-khayre/
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
Xamaas iyo gumeystaha yahuuda.

Halkan ka aqriso taariikhda hogaamiyaha ururka Xamaas: https://www.taariikh.net/ismaaciil-haniya-hogaamiyaha-ururka-xamaas/
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
Mujaahidiin Xamaas oo Israa’iil iska difaacaya
Shuhadadii Muslimiinta ee Dagaalkii Badar

Dagaalkii Badar waxaa ku shahiiday 14 nin oo muslimiin ah, 6 ka mid ah waxay ahaayeen Muhaajiriinta iyo 8 ka mid ahna Ansaarta.

𝐀𝐧𝐬𝐚𝐚𝐫

1. Xaaritha bin Suraaqa al-Khazraji, حارثة بن سراقة بن الحارث رضي الله عنه .
2. Raafic bin al-Mucalla al-Khazraji رافع بن المعلى رضي الله عنه
3. Sacad bin Khaythama al-Awsi, سعد بن خيثمة رضي الله عنه .
4. Cumeyr bin al-Xumaam al-Khazraaji عمير بن الحمام رضي الله عنه
5. Cawf bin al-Xaarith al-Khazraaji عوف بن الحارث رضي الله عنه
6. Mubashshir bin Cabdil Mundhir al-Awsi مبشر بن عبد المنذر بن زنبر رضي الله عنه
7. Mucawwidh bin al-Xaarith al-Khazraji ومعوذ بن الحارث رضي الله عنه
8. Yaziid bin al-Xarith bin Fus.xuum al-Khazraaji, يزيد بن الحارث رضي الله عنه

𝐌𝐮𝐡𝐚𝐚𝐣𝐢𝐫𝐢𝐢𝐧

1. Dush-shimaal bin Cabdi Camr al-Muhaajiri, ذو الشمالين بن عبد عمرو بن نضلة رضي الله عنه .
2. Safwaan al-Muhaajiri, صفوان ابن بيضاء رضي الله عنه .
3. Caaqil bin al-Bukayr al-Muhaajiri, عاقل بن البكير رضي الله عنه.
4. Cubeyda bin al-Xaarith al-Muhaajiri, عبيدة بن الحارث بن المطلب رضي الله عنه .
5. Cumeyr bin Abii Waqqaas al-Muhaajiri, عمير بن أبي وقاص بن أهيب بن عبد مناف بن زهرة رضي الله عنه .
6. Mihjac bin Saalix al-Muhaajiri, مهجع رضي الله عنه.

𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚𝐛𝐢𝐢𝐬𝐭𝐢𝐢 𝐃𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐤𝐢𝐢 𝐁𝐚𝐝𝐚𝐫

Dagaalkii Badar waxaa lagu dilay 70 nin oo ka mid ahaa gaaladii Qureysh waxaana ugu muhiimsanaa Abuu Jahal iyo Umayyah bin Khalaf, waxaana la qabtay 70 kale

👉: https://www.taariikh.net/dagaalkii-badar/
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
Dhibaatada geeska Afrika Xabashida ayaa sal u ah.
www.taariikh.net
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
Sidaan miyaa xor ku nahay
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
Ciida dhulkeyga iyo waxa dhex yaala marna layma.
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
Alle ha u naxariistee Prof Maxamed Cusmaan Jawaari wuxuu ahaa halyey qaranka ka baxay.

Taariikhdiisa oo kooban ka akhriso Taariikh24.

https://www.taariikh.net/taariikh-nololeedkii-prof-maxamed-sheekh-cismaan-jawaari/
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
ajnabi dalkaan waxba uma qabanayo iney ka shaqeystaan ayey u imaadeen.
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
Ninkii dhoof ku yimid baa geeridu dhibaysaa
Waqtigii dhamaayoo wuu dhaqaaqi doonaa.