Aadan Madoobe

Taariikhda Aadan Madoobe

Sheekh Aadan Maxamed wuxuu ahaa xoghayaha guud ee xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ka hor inta uusan iska casilin April 19, 2022 markii uu go’aansaday inuu u tartamo gudoomiyaha baarlamaanka.
Taariikh nololeedkii Maxamuud Xarbi

Taariikh nololeedkii Maxamuud Xarbi

Markabkii markii uu yimid meel u dhow Saylac oo hubkii la rabey in jabhadda loo qeybiyo ayaa waxaa banaanka yimid xogtii markabka maadaama la rabey in si qarsoodi ah loo dajiyo hubka halkaana ay ka galaan Xeebta Soomaaliya (Djibouti), markabkii ayaa markaa dib ugu laabtey badweynta hubkiinaa iska soo reebey ka dibna xeebtii isaga soo laabtey isagoo aan waxba sidin.
kooxdii juheymaan

Dhacdadii Xaramka 1979

Juhayman ayaa laga maqlayaa cod maqal ah isagoo Khaalid Al-Yaami ka joojinayay khudbada dhowr jeer si uu raggiisa ugu amro in ay albaabada u laabaan Masjidka Xaramka oo fariisimo shiiska ay saartaan ka sameystaan minaaradaha masaajidka, Juhayman iyo kooxdiisu waxay xanibeen qof kasta oo masaajidka ku jiray oo ay ku jiraan haween iyo caruur, saddex maalmood, ka dib waxay sii daayeen haween iyo caruur, laakiin tiro maxaabiis ah ayaa ku haray gudaha masjidka.
Taariikhda Cismaan Abokor Dubbe

Taariikhda Cismaan Abokor Dubbe

Dabayaaqadii 1990kii wuxu helay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Kulliyadda Caafimaadka (Medicine), laakiin dagaalkii ayaa suurta gelin waayey in uu bilaabo, bishii October 1998kii ayuu galay Koolejka la yidhaahdo Tower Hamlets College, ee London, machadkaas oo uu ka qalin jebiyey July 2000, isaga oo ka qaatay Social Science Diploma.
Taariikhda Imaam Xuseen bin Cali

Taariikhda Imaam Xuseen bin Cali

Subaxdii tobnaad bishii Muxarram ee sannadkii 61-aad ee Hijriyada oo ku beegan October 10, 680, magaalada Karbala ee dalka Iraq ayaa waxaa foodda is daray labadii kooxood, Xuseen wuxuu watay 32 fardooley ah iyo 40 ciidan oo lug ah, waxayna dagaal la galeen 5,000 oo dagaalyahan ah, oo uu hoggaaminayey ninkii ugu sharta badnaa xilligaa oo ahaa Shimr bin Dil-Jawshan, oo aan wacdi fahmin, aayadna dhegeysan.
Taariikhda Cusmaan binu Cafaan

Taariikhda Cusmaan binu Cafaan

Xaaskiisii ​​Naa’ilah, waxay isku dayday inay gacanteeda ku difaacdo, balse waxay ku dhufteen seef oo faraha ayey ka jareen, way ka awood roonaadeen – Ilaahay haka raalli noqdee – oo dhiiggiisii ​​wuxuu ku daatey kitaabkii Qur’aanka, wuxuu shahiiday subaxii Ciidul Adxaa sanadkii 35-aad ee Hijriyada, axaana lagu aasay qabuuraha al-Baqiic.