Amitabh Machchan

Amitabh Harivansh Rai Bachchan waxa uu dhashay 11-kii October sanadkii 1942-kii, waana mid ka mid ah jilayaashii ugu caansanaa filimada soo mara taariikhda shaleemada Hindiya, si degdeg ah ayaa loo aqoonsan karaa codkiisa  iyo qaab-dhismeedkiisa soo jiidashada leh, Superstar-ka waa qayb muhiim ah oo ka mid ah taariikhda Bollywood-ka.

Asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa Uttar Pradesh, jilaagan ayaa si xoog leh u qabsaday Bollywoodka sanadihii 1970-meeyadii iyo horaantii 80-maadkii isagoo sameeyay filimaan ay ka mid yihiin Anand, Zanjeer, Deewar, iyo Amar Akbar Anthony, waxqabadkiisa waxa uu wax ka beddelay muuqaalka jilayaasha, Amitabh Bachchan doorarkiisa aflaanta awgeed, waxa loo yaqaannaa “Ninka xanaaqsan” ee Hindiya.

Bachchan wuxuu sii ahaanayaa mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu caansan Bollywoodka, xitaa wuxuu sameeyay filimkiisii ​​ugu horeeyay Hollywood ee The Great Gatsby, 2013.

Noloshiisii Hore

Asal ahaan waxaa lagu magacaabi jiray Inquilab Shrivastava, Amitabh Bachchan waxa uu ku dhashay Hindiya markii uu Ingiriisku xukumayey, waxaana dhalay Abwaan caan ka ah hindiya oo lagu magacaabi jiray Harivansh Rai “Bachchan” iyo Teji Bachchan 11-kii October 1942-kii, wuxuuna ku dhashay Allahabad (Prayagraj).

Magaciisa ayaa markii dambe loo beddelay Amitabh wuxuuna qaatay magaca aabbihiis ee “Bachchan” Shan sano ka dib, Amitabh Bachchan waxaa loo dhalay walaal ka yar oo lagu magacaabo Ajitabh.

Kadib markii uu dalaal ka ahaa magaalada Calcutta, ninkan dhalinyarada ah ee hamiga lahaa ayaa go’aansaday inuu u wareego Bombay oo uu u tago dhanka goobta Bollywood-ka oo aad u kobcayay.

Noloshiisa gaarka ah

Amitabh Bachchan waxaa dhalay gabayaagii caanka ahaa ee Hindi Harivansh Rai Bachchan iyo Teji Bachchan oo u ololeeyn jirtay arrimaha bulshada, waxayna kala dhintteen 2003 iyo 2007, Amitabh waxaa la dhashay hal wiil oo kaliya oo lagu magacaabo Ajitabh Bachchan.

Wax yar kadib markii uu soo baxay filimka Mega Hit-ka noqday ee Zanjeer sanadii 1973-dii, Amitabh Bachchan waxa uu guursaday Aktarada Jaya Bhaduri, labadan Aktar ayaa markii ugu horeysay ku kulmay Machadka Filimada iyo Taleefishinada ee India halkaas oo Jaya ay sheegtay in ay isla markiiba jeclaatay jilaagan.

Amitabh Bachchan ayaa qirtay inuu jacayl u qaaday wax yar ka dib isagoo ku jira qaybaha filimka Ek Nazar, labadan qof ayaa is guursaday waxaana ay dhalen labo caruur ah – Abhishek Bachchan iyo Shweta Bachchan-Nanda.

Abhishek Bachchan waa jilaa caan ka ah Bollywoodka wuxuuna guursaday Aktaradii hore ee Miss World, Aishwarya Rai Bachchan, lamaanayaashaan caanka ah waxay leeyihiin gabadh.

Gabadha uu dhalay Amitabh Bachchan ee Shweta Bachchan-Nanda waxaa guursaday Nikhil Nanda, lamaanahan ayaa u dhashay labo caruur ah.

Waxbarashadiisa

Amitabh Bachchan waxa uu dhiganayay dugsiga Gyan Prabodhini Boys High School oo ku yaala Allahabad, waxa uu waxbarashadiisa ku sii qaatay Sherwood College ee Nainital, Ka dib, waxa uu waxbarasho sare ka qaatay Kirori Mal College,, Jaamacadda Delhi, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada Bachelor of Science (BSc).

Jilista filimada

Amitabh Bachchan markii uu Bombay yimid wuu dhibtoonayay xitaa dhowr habeen ayuu kursiga keydka ku qaatay Marine Drive, si kastaba ha ahaatee, codkiisa qotada dheer ayaa la isticmaalay 1969-kii, markaasoo Amitabh Bachchan uu ka sheekeeyay abaalmarinta Bhuvan Shome.

Waxa xigay jilitaankiisii ​​ugu horreeyay isagoo ka mid ah toddobada hogaamiye filimkii` Saat Hindustani’, Dadwaynaha ayaa markii ugu horeysay ka war helay atooraha 6`1″ markii uu dhaqtar la jilay Rajesh Khanna filimka Anand wuxuuna ku qaatay abaal marinta Filmfare Award for Best Supporting Actor, filimo isdaba joog ah oo guul dareestay ayaa daba socday balse taasi ma niyad jabin wiilka dhalinyarada ah.

Waxaa uu ka soo muuqday filimkii jacaylka muusiga ahaa ee Abhimaan (1973), Jilaagan ayaa sii watay jilidda aflaan badan oo guulo ka gaaray oo noocyo kala duwan leh, waxaana uu ku muteystay abaalmarino dhowr ah, sanadkii 1975-kii, Superstar-kan waxa uu kasoo muuqday labo filim oo Blockbuster ah, waxaana loo arkaa labada filim ee ugu waa weyn taariikhda shaleemada India –Deewar iyo Sholay.

Superstar-ka caanka ah waxa uu ku mutaystay abaal marin muhiim ah oo uu ku mutaystay bandhigiisa halyeyga jacaylka ah ee Kabhi Kabhie iyo doorkii uu ku lahaa filimkii Mega Hit-ka ahaa 1977-kii Amar Akbar Anthony, waxaa uu sidoo kale si fiican u jilay jilista labo door, gaar ahaan filimada sida Adalat, Kasme Vaade.

Doorarka iyo abaal marinnada ayaa ku sii socday dareenka Bollywood-ka, waxaana xitaa loo magacaabay Filimfare ‘Best Male Playback Singer’ oo uu soo bandhigay 1979-kii filimkii Mr. Natwal.

Bachchan wuxuu noqday wajiga shaleemada Hindiya wuxuuna ku raaxaystay guulo la yaab leh oo uu ku qaatay doorkisa aflaamta sida Suhaag, Dostana, Silsila iyo Mahaan, halkaaso uu ku jilay labo door. Jilaagan ayaa dhaawac halis ah oo ka soo gaaray sanadkii 1982-kii xilli uu duubayay qeybta dagaalka ee Coolie ee uu la socday Puneet Issar.

Umadda ayaa aad uga naxday balse Bachchan ayaa laga soo saaray isbitaalka bilo kadib wuu sii watay duubista, Coolie guul wacan ayuu gaaray balse Bachchan ayaa go’aansaday inuu fasax ka qaato filimada kadib markii laga helay cudurka naadirka ah ee Myasthenia gravis, kaasoo ka dhigay mid aad u daciif ah.

Kadib mudo kooban oo uu siyaasada ku jiray Amitabh Bachchan ayaa kusoo laabtay Box-office-ka filimkii Shahenshah, inkastoo uu xoogaa guulo ah ka helay filimada Hum iyo Agneepath, ninka dhalinyarada ah ee xanaaqsan xirfadiisu waxa ay ku socotay hoos u dhac, jilaaguna waxa uu si wax ku ool ah uga fadhiistay 1992.

Waxa uu samaystay shirkad u gaar ah oo lagu magacaabo Amitabh Bachchan Corporation Ltd, 1996 Shirkadan si dhab ah uma dhaqaaqin xitaa Amitabh Bachchan isaga laftirkiisa  wuu ku guul dareystay inuu hormuud ka noqdo kobaceeda, shirkadda ayaa burburtay 1997-kii waxayna lumisay crores rupees.

Dhowr dagaal oo dhanka sharciga ah ayaa ragaadiyay nolosha ninka oo xitaa waxaa dacweeyay Bankiga Canara, isku dayo badan oo fashilmay oo uu ku doonayay in uu dib u soo nooleeyo xirfadiisa ayaa shaki galiyay rajada jilaaga ee soo noolaynta xiddignimada.

Si kastaba ha ahaatee, sannadkii 2000, xiddiga filimka ayaa ugu dambeyntii dib ugu soo laabtay meesha ugu sareysa, filimka weyn ee Mohabbatein, waxaa soo saaray Aktarka saaxiibkiis hore ee Yash Chopra, halkaas oo Amitabh Bachchan uu ku jilay door taageero ah, Bandhiga Bachchan waxa uu ku mutaystay abaal marin kale oo la wada sugayey ee Filmfare waxana uu dib ugu soo noqday jilaagan ganacsigiisa.

 Amitabh Bachchan ayaa sidoo kale sii waday inuu daadihiyo barnaamijka caanka ah ee Kaun Banega Crorepati (nooca Hindiya ee ‘Who Wants to be a Millionaire’), Super Star-ka ayaa ku riyaaqay guulo kale oo uu ku sameeyay Kabhi Khushi Kabhie Gham, Baghban iyo Sanjay Leela Bhansali’s Black.

Bachchan waxa uu ku soo noqday saaxada, waxana uu kasbaday dhawr heshiis oo taageero ah, intii u dhaxaysay 2005-2006, halyeyga Bollywoodka waxa uu saddex filim oo Hit ah la keenay wiilkiisa Abhishek Bachchan – Bunty Aur Babli, Godfather tribute Sarkar, iyo Kabhi Alvida Naa Kehna.

Sheeko xiiso leh, Amitabh Bachchan wuxuu ku jilay Abhishek Bachchan wiilkiisa da’da yar filimkii Hit-ka noqday ee Paa waxaa soo saaray Amitabh Bachchan Corporation Ltd.

Sanadkii 2013 waxaa la arkay halyeygii shaleemada Hindiya Bachchan oo soo bandhigay filimkiisii ​​ugu horeeyay Hollywood-ka ee The Great Gatsby oo ay wax ka jileen jilayaasha Hollywoodka ee Leonardo DiCaprio iyo Tobey Maguire.

Xaqiiqooyin

magaciisaAmitabh Harivansh Rai Bachchan (soomaalida: Cali Dheere)
Magacyada loo yaqaanBig B, Munna, Angry Young Man, Bollywood’s Shahenshah, Amith
dhashaly11-kii October sanadkii 1942-kii
Ku dhashayAllahabad (Prayagraj), Uttar Pradesh, India)
Magaca aabihiiHarivansh Rai Bachchan
HooyadiiTeji Bachchan
walaaladiiHal wiil ayaa la dhashay waana Ajitabh Bachchan
XaaskiisaJaya Bachchan
CaruurtiisaWaa wiil iyo gabar kala ah Abhishek Bachchan iyo Shweta Bachchan
aqoontiisaWuxuu heystaa Bachelor of Science (BSc) degree
xirfaddiisaJilaaga, Heesaa, Sheekoyahan, Soo saare, Cod Jilid
Filimkiisii ugu horeeyeyWuxuu ahaa Saat Hindustani (1969).
Filimada laga filayoKalki 2898 AD (2024), Vettaiyan (2024)
filimkii aaj ka arjun (1990)

Reference: https://in.bookmyshow.com/person/amitabh-bachchan/138https://in.bookmyshow.com/person/amitabh-bachchan/138


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply