Dagaalkii Badar

Dagaalkii Badar oo loo aqoonsaday mid ka mid ah dagaalladii ugu muhiimsanaa ee soo mara taariikhda Islaamka ayaa Muslimiinta u horseeday isbedel weyn, muslimiinta oo uu horkacayo Nabi Muxamed (ﷺ) waxay dagaalkanla galeen ciidan ka tirsan Qureysh oo uu hoggaaminayay Abuu Jahal meel u dhow magaalada Badar ee gobolka Madiina.

Dagaalkan ayaa sidoo kale lagu dilay madaxdii Qureyshi ee muhiimka ahayd oo ay ka mid ahaayeen Umayyah bin Khalaf iyo Abuu Jahal, marka loo eego caqiidada caanka ah, guushii Muslimiinta ee dagaalkan waxay u gogol xaaraysay xoojinta mawqifka Nabi Muxamed.

Guusha waxaa loo aaneynayaa faragelinta rabbaaniga ah ee ay weheliso xirfadda istiraatijiyadeed iyo geesinimada Nabi Muxamed (ﷺ), waxaa loo yaqaanaa dagaalkii ugu weynaa ee dhex maray Qureysh iyo Muslimiinta.

Goobta uu ka dhacay

Dagaalka Badar ayaa ah mid caan ah oo ka dhacay magaalada yar ee Badar ee ku taal gobolka Madiina, meeshu waxay 130 km u jirtaa magaalada Madiina, waxay 82 km u jirta magaalada dekedda ah ee Yanbu, dhanka kale, waxay 355 km u jirtaa magaalada barakeysan ee Makkah.

Dagaalkii Badar oo loo aqoonsaday inuu yahay guul weyn oo millatari, dagaalkii Badar waxa uu dhacay 17-kii Ramadaan sanadkii 2-Aad ee Hijriyada kuna beegnayd 13 maarso sanadkii 624 miilaadiyada, sannadkii 622-kii ayay Nabi Muxamed (ﷺ) iyo asxaabtiisii ​​ka haajireen magaalada Makkah oo ay degeen Madiina.

Magacyada dagaalkii Badar

Dagaalkii Badar: waxaa loogu magac daray gobolka Badar ee uu dagaalku ka dhacay, Badar waa ceel caan ah oo u dhexeeya Maka iyo Madiina.

Dagaalkii weynaa ee Badar:

  1. Dagaalkii badar ee hore: oo uu Rasuulku SCW u baxay si uu u raadiyo Karaz bin Jaber Al-Fihri oo ka soo duulay magaalada duleedkeeda.
  2. Dagaalkii Badar ee danbe: kaas oo uu Rasuulku SCW ku raacay Abuu Sufyaan oo ahaa hogaamiyihii Qureysh, kadib markii uu dhammaaday dagaalkii Uxud.

Maalintii kala saaridda: Maxaa yeelay waxay ka mid tahay maalmaha Eebbe kala saaray xaqa iyo baadilka, waana sababta Eebbe kor ahaaye ugu yeedhay maalinta kala bixinta, maxaa yeelay Eebbe wuxuu ku kala saaray xaqa iyo baadilka, isagoo liibaanta siiyey rasuulkiisa iyo mu’miniinta.

Sababta Dagaalkii Badar

Waxaa Rasuulka ﷺ soo gaarey warbixin ah in safar Qureysh ah oo uu hoggaaminayo Abuu Sufyaan bin Xarb ay u soo baxeen dhanka shaam, markaasuu usoo baxay inuu raadiyo, hase ahaatee waxay haleeli waayeen ka dib Madiina kusoo laabtay isagoo sugaya inay ka soo laabashada safarka.

Warkii wuxuu soo gaaray Abuu Sufyaan markaa buu Damdaam bin Camr Al-Ghafari direy oo u xilsaaray inuu Qureysh u soo kiciyo si ay u caawiyaan, iyadoo ay arintaa jirto ayaa Catiika bintu Cabdul Mudalib oo aheyd habaryartii Rasuulka ﷺ waxay aragtay riyo waxaa lagu faafiyey Qureysh dhexdeeda waxay tilmaameysay waxa dhici doona, markaasay dadkii ku jees jeeseen, markii Damdaam u yimid si uu ugu digto, ayay dhammaan ka wada kaceen oo waxay u soo baxeen dagaal ka dhan ah Muslimiinta.

Abuu Sufyaan waxa uu dariiqii safarka u leexiyay dhanka xeebta una wareegay dhanka galbeed, isaga oo ka wareegtay wadadii weyneyd ee Badar dhanka bidix ka mareysay, markaa buu la baxsaday safarkii, qureysh ayuuna warbixin u direy isagoo u sheegay inuu badbaaday, wuxuuna kula taliyay inay soo laabtaan oo aysan dagaal gelin, balse Fircoonkii ummaddan Abuu Jahal ayaa ku adkaystay inuu la dagaallamo muslimiinta.

Muslimiintii waxay u soo baxeen inay duulaan ku qaadaan safarkii, hase ahaatee arrintu waxay noqotay iska hor imaad iyo dagaal ay la galeen Qureysh, markaas ayuu Rasuulku (scw) la yeeshay gole talo bixin ah isaga iyo asxaabtiisa, waxaa istaagay Abuu Bakar, Cumar iyo Miqdaad waxay hadleen.

Rasuulku ﷺ ayaa arrintii ku celiyay oo yidhi: “Ila tali dadyow”, waxa uu ula jeedaa Ansaartii isaga u ballanqaaday balankii Al- Aqaba si ay ugu taageeraan guryahooda.

Sacad bin Mucaad wuxuu yidhi: waan ku rumaynay  waxaana marag ka nahay waxaad la timid inay xaq yihiin, waxaana ku siinnay axdi iyo balan ah in aan ku maqalno oo aan ku adeecdo, markaa Rasuulkii Ilaahayow ku dhaqaaq waxaad rabto”, rasuulku ﷺ wuu ku farxay waxay dheheen muhaajiriintii iyo Ansaarta.

Tiradii muslimiinta dagaalkii badar

Muslimiinta waxaa hogaaminayey Rasuulku ﷺ : taradooda wxay aheyd 313 nin oo laba kamid ay fardooleey ahaayeen: Al Zubayr bin Al-cawwam iyo Al-Miqdaad bin Al-Aswad.

Tiradii ciidankii mushrikiinta

Mushrikiintii Qureysh waxaa hoggaaminayay Abuu Jahal Camr bin Hishaam: waxay ahaayeen 950 nin iyo 100 fardooley ah.

Dhacdooyinkii Dagaalkii Badar

Rasuulku ﷺ wuxuu u dhaqaaqay inuu Muslimiinta u hoggaamiyo Badar, wuxuuna doortay meel lagu dagaalamo. Dabadeed Al-Hubab bin Al-Mundhir waxa uu tilmaamay in wax laga beddelayo si ay Muslimiinta ugu fududaato xakamaynta isha biyaha.

Waxa kale oo Muslimiintii u suurto gashay inay soo qabtaan laba wiil oo Qureysh ka mid ahaa oo ay su’aalo weydiiyeen, markaasay ogaadeen tirada ciidanka Qureysh iyo hogaamiyaashii ku jiray.

Eebbe wuxuu soo dajiyay roob, wuxuuna muslimiinta uu u ahaa qabow, nabadgalyo, iyo sugnaan, hoog iyo halaagna wuxuu u ahaa gaaladam Shaydaanka wuxuu dhibay Muslimiintii iyagoo hurda, qaar badan oo ka mid ahna waxay ku riyoodeen riyo xun, markaasaa roobkii u da’ay oo sidaas ku daahiriyey.

Sacad Binu Mucaad waxa uu Nebiga ﷺ u dhisay cariish oo uu ku hogaamiyo  Ciidanka, Rasuulkuna ﷺ wuxuu habeenkii ku dhameystay salad iyo duco, isagoo leh: “Ilaahayow, hadday kooxdani maanta halaagsanto, laguma caabudayo, Ilaahow haddaad doonto maanta dabadeed laguma caabudi doono,” ilaa uu maradiisii ​​garbaha ka soo dhacay.

Mushrikiintii waxay ka codsadeen Cumeyr bin Wahb Al-Jumaxi inuu soo baadho xaaladda muslimiinta, wuxuuna ku yiri: (waxay tiradoodu dhan tahay saddex boqol oo nin, waa qoom aan wax difaac iyo magan gal toona lahayn aan ka aheyn seeftooda, ma arko nin iyaga ka mid ah in la dilayo ilaa idinka nin la idiin ka dilo.

Halkaas waxaa ka dhacay khilaaf iyaga dhexdooda ah: Xakiim bin Xizaam wuxuu damcay inuu ka soo noqdo dagaalka, laakiin Abuu Jahal wuu ka istaagay ra’yigaas, wuxuuna ku adkaystay dagaalka.

Dagaalku wuxuu ku billowday Al-Aswad bin Cabdul-Asad Al-Makhzoumi oo damcay inuu ka cabbo berkeddii ay muslimiintu dhisteen, markaas buu Xamza bin Cabdul-mudalib u soo baxay oo dilay intuusan cabbin.

Dabadeedna saddex nin oo ka mid ahaa fardooleydii Qureysh ayaa u soo baxay dagaal, waxayna kala ahaayeen Cutbah bin Rabiicah, wiilkiisa Al-Walid iyo walaalkiis Shaybah, saddex ka mid ah Ansaarta ayaa soo baxay, wayse diideen, waxayna waydiisteen saddex ka mid ah muhaajiriinta, markaas ayuu Nebigu ﷺ amray: Cubeyda bin Al Xaarith, Xamza bin Cabdul Mudhalib iyo Cali bin Abii Daalib, sidaas ayayna ku baxeen way ka adkaadeen oo dileen seddaxdii mushrikiinta ahaa.

Halkaa waxaa isku dhacay labadii ciidan, waxaana ka dhacay dagaal adag, Muslimiintu safaf bay wax ku dilayeen, halka mushrikiinta ay wax ku dilayeen nidaamka garaaca iyo orodka dabadeedna waxaa u yimid muslimiinta  gargaarkii Rabbaaniga oo ahaa kun malaa’ig oo uu hoggaaminayay Jibriil, nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.

Markaasuu Rasuulku ﷺ soo baxay isagoo leh: “colka waa la jabin doonaa oo dhabarka bay jeedinayaan”. Dabadeedna waxa uu soo qaatay in yar oo quruurux ah, wuxuuna la hor yimid qureysh, oo uu ku yidhi: “Wajiyada way qallafsan yihiin”! markaasuu wejigooda ku firdhiyey.

Ma jiro nin mushrikiinta ka mid ah oo aan ka gaarin indhaha, sanka iyo afka, ma sii nagaanin oo waa la jebiyey dhabarka eyeyna jeediyeen.

Shuhadadii Muslimiinta ee Dagaalkii Badar

Dagaalkii Badar waxaa ku shahiiday 14 nin oo muslimiin ah, 6 ka mid ah waxay ahaayeen Muhaajiriinta iyo 8 ka mid ahna Ansaarta.

Ansaar

  1. Xaaritha bin Suraaqa al-Khazraji, حارثة بن سراقة بن الحارث رضي الله عنه .
  2. Raafic bin al-Mucalla al-Khazraji, رافع بن المعلى رضي الله عنه
  3. Sacad bin Khaythama al-Awsi, سعد بن خيثمة رضي الله عنه .
  4. Cumeyr bin al-Xumaam al-Khazraaji, عمير بن الحمام رضي الله عنه
  5. Cawf bin al-Xaarith al-Khazraaji, عوف بن الحارث رضي الله عنه
  6. Mubashshir bin Cabdil Mundhir al-Awsi مبشر بن عبد المنذر بن زنبر رضي الله عنه
  7. Mucawwidh bin al-Xaarith al-Khazraji, ومعوذ بن الحارث رضي الله عنه
  8. Yaziid bin al-Xarith bin Fus.xuum al-Khazraaji, يزيد بن الحارث رضي الله عنه

Muhaajiriin

  1.  Dush-shimaal bin Cabdi Camr al-Muhaajiri, ذو الشمالين بن عبد عمرو بن نضلة رضي الله عنه .
  2. Safwaan al-Muhaajiri, صفوان ابن بيضاء رضي الله عنه .
  3. Caaqil bin al-Bukayr al-Muhaajiri, عاقل بن البكير رضي الله عنه.
  4. Cubeyda bin al-Xaarith al-Muhaajiri, عبيدة بن الحارث بن المطلب رضي الله عنه.
  5. Cumeyr bin Abii Waqqaas al-Muhaajiri, عمير بن أبي وقاص بن أهيب بن عبد مناف بن زهرة رضي الله عنه .
  6. Mihjac bin Saalix al-Muhaajiri, مهجع رضي الله عنه.

Maxaabiistii Dagaalkii Badar

Dagaalkii Badar waxaa lagu dilay 70 nin oo ka mid ahaa gaaladii Qureysh waxaana ugu muhiimsanaa Abuu Jahal iyo Umayyah bin Khalaf, waxaana la qabtay 70 kale, Nebigu ﷺ wuxuu la tashaday asxaabtiisa: maxaad ka leedihiin maxaabiistan?.

Abuu Bakar Al-Siddiiq wuxuu yiri:- Rasuulkii Allow, iska daa oo nabad gali Waxaa laga yaabaa inuu Eebbe ka aqbalo toobadkooda.

Cumar bin Al-Khattaab wuxuu yidhi: “Rasuulkii Allow way ku cayriyeen oo way ku beeniyeen,  qoorta ka gooy.

Rasuulku ﷺ wuxuu yidhi: “Ilaahay wuu jilciyaa quluubta dadka ilaa ay ka jilicsan yihiin caanaha, Ilaahayna wuu adkaynayaa quluubta dadka ilaa ay ka adkaadaan dhagaxa”. Markaas buu yiri: “waxaad tihiin maxbuus oo midkoodna lama deyn doono ilaa madax furasho ama madax goyn mooyee.”

Dabadeedna waxaa soo degay hadalkii Eebbe:-

: {مَا كَانَ لِنَبِيٍّ أَنْ يَكُونَ لَهُ أَسْرَى حَتَّى يُثْخِنَ فِي الْأَرْضِ تُرِيدُونَ عَرَضَ الدُّنْيَا وَاللَّهُ يُرِيدُ الْآَخِرَةَ وَاللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ}.

Qaniimadii badar

Muslimiintii waxaa ka dhex dhashay khilaaf ku saabsan qaniimada, maadaama aan xukunkeeda weli la sharciyeyn, markaas ayaa waxaa soo dagay Qur’aanka oo shaxaraya xalaalnimadeeda iyo sida loo qaybiyo iyo in Eebbe kor ahaaye yidhi: {Waxay ku waydiin qaniimada. Waxaad dhahdaa, Qaniimada waxaa iska leh Eebbe iyo Rasuulku ee ka dhawrsada Eebbe, dhexdiinana wanaajiya.

Muslimiintu may joojin inay noqdaan dad kala duwan laakiin markii uu u yimid amarkii Eebbe way u hoggaansameen siduu Rasuulku ﷺ u qaybiyey: wuxuu ciidankii siiyey shan meelood afar meel, si simanna waa loo qaybiyey, kii shanaad wuu ilaaliyey wuxuu u kala qaybiyey siduu u arkayey baahida muslimiinta.

References:-

https://suwaidan.com/badr-great-invasion-detail/

https://zamzam.com/blog/battle-of-badr/

Haddaad ku aragto khaladaad fadlan noogu soo gudbi Emailka: support@taariikh.net


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply