Idi Amin Dada

Idi Amin Dada Oumee wuxuu dhashay 1924 ama 1925, wuxuu ku dhashay magaalada Koboko, Uganda, wuxuu ahaa sarkaal militari iyo madaxweynihii dalka Ugaandha (1971-1979) kaas oo nidaamkiisa lagu xusuusto inuu Uganda ku xukumay gacan bir ah.

Idi Amin waxa uu ku koray dalka Uganda wakhti uu wadanku gumaysan jiray Ingiriiska, Ingiriisku waxa uu maamuli jiray wadamo badan oo Afrikaan ah oo ka mid ahaa boqortooyadii balaadhnayd ee gumaystaha.

Qoyskiisa

Taariikhyahanada qaar ayaa sheegaya in aabbihii uu ahaa Muslim Ugandan ah oo magaciisa la odhan jiray Amin Dada, hooyadiina waxaa la oran jiray Assa Aatte waxay aheyd dhir-yaqaan, Idi Amin markii uu yaraa waxa uu galay dugsi Islaami ah oo ku yaallay badhtamaha Uganda, halkaas oo uu ku bartay caqiidada Islaamka iyo qaar ka mid ah aasaaska Ingiriisiga.

Aabihiis wuxuu ka tirsan yahay qowmiyada yar ee Kakwa oo degta waqooyi-galbeed ee Uganda hooyadiina waxay kasoo jeedaa qowmiyadda Lugbara.

Idi Amin oo guursaday xaasas badan, wuxuu guursaday ugu yaraan lix dumar ah oo saddex ka mid ah uu furay, wuxuu guursaday xaaskiisii ​​kowaad iyo labaad oo kala ahaa Malyamu iyo Kay sanadku markuu ahaa 1966.

Sanadkii 1967 wuxuu guursaday Nora, kadibna wuxuu guursaday Nalongo Madina 1972.

1974 wuxuu Radio Uganda kaga dhawaaqay inuu furay Malyamu, Nora, iyo Kay.

Malyamu waxaa lagu xiray Tororo oo ku taal xadka Kenya Abriil 1974 waxaana lagu eedeeyay in ay isku dayeysay inay Kenya geliso waxyaabo sharci darro ah.

Sannadkii 1974-kii, Kay Amiin waxa ay ku dhimatay xaalado dahsoon, iyada oo jirkeeda la helay iyada oo la jarjaray, Nora waxay u qaxday Zaire 1979.

Bishii Luulyo 1975, Amin wuxuu dhigay aroos £2 milyan oo gini ah oo uu la yeeshay Sarah Kyolaba oo 19 jir aheyd, Arooska ayaa la qabtay intii lagu guda jiray shirkii Ururka Midowga Afrika (OAU) ee Kampala, waxaana guddoomiyaha ururka xoreynta Falastiin Yaasir Carafaat uu ahaa ninkii ugu fiicnaa Amin.

 Kahor intaanay la kulmin Amin, Sarah waxay la noolayd saaxiibkeed Jesse Gitta, wuu lumay, mana cadda in qoorta laga jaray ama la xidhay ka dib markii uu u baxsaday Kenya.

Lammaanuhu waxay lahaayeen afar carruur ah, Sarah waxay timojare ka ahayd Tottenham markay dhimatay 2015.

Mama a Chumaru ayaa ka mid aheyd xaasaskii Idi Amin Dada.

Waxa uu dhalay in ka badan 40 caruur ah waxaana ugu caansan Taban Amin oo dhashay 1955, waana kan ugu weyn wiilashiisa, mar ayuu ahaa hogaamiyaha WNBF  oo aheyd koox ka soo horjeeday madaxweyne Yoweri Museveni.

Caruurtiisa waxaa kaloo ka mid ah jaffar amin, Hussein, faisal, haji Ali Amin, Moses Amin, maimuna, khadoja iyo kuwa kale oo badam.

La shaqeyntii ingiriiska

1946 wuxuu ku biirey ciidankii gumeysiga Ingiriiska ee loo yaqaanay King’s African Rifles wuxuu ahaa kaaliye cunto karis ah, Waqtigaa Amiin waxa uu sidoo kale qaatay tababar ku saabsan ciidanka lugta.

Inkasta oo uu sheegtay in uu ka dagaalamay Burma [Myanmar] intii lagu jiray dagaalkii labaad ee aduunka [1939-45], xogtiisa ciidanku waxay muujinaysaa in adeeggiisu bilaabmay 1946.

Si degdeg ah ayuu darajooyin ugu dalacay, wuxuuna ka soo shaqeeyay dagaalkii Ingiriiska ee ka dhanka ahaa kacdoonkii Mau Mau ee Kenya (1952-1956), Amiin waxa uu ka mid ahaa dhawr askari oo Ugandha ahaa oo darajo sare qaatay ka hor intii aanay xornimada qaadan Uganda 1962-kii, Sannadkii 1959kii, Amin waxa loo dalacsiiyay darajada ugu sarraysa ee uu gaadhi karo nin ka soo jeeda qowmiyaddiisa.

Sanadihii uu ciidanka ku jiray, Idi Amin waxa uu sidoo kale ahaa ciyaaryahan, dhererkiisu waxa uu ka badnaa lix feet oo waxa uu lahaa xoog iyo adkeysi si uu u noqdo feedhyahan guulaysta, dabaasha, iyo ciyaaryahan rugby ah.

Xornimadii Uganda ka dib

1962 Uganda waxay xornimada ka qaadatay Ingiriiska, Idi Amin oo ahaa askari khibrad leh ayaa si degdeg ah u dhex maray safafka, waxa kale oo uu isbahaysi la sameeyay siyaasiyiin awood leh oo uu ka mid ahaa Ra’iisal Wasaare Apollo Milton Obote.

Obote waxa uu hormuud ka ahaa qadiyadii xornimada Ugandha ee ka soo horjeeday Ingiriiska waxana uu xukunka ku yimid isaga oo isbahaysi la samaystay Mutesa II, oo ahaa boqor awood badan oo dalka gudihiisa ah oo madaxweyne laga dhigay.

Sannadkii 1965-kii, ayaa fadeexad gilgishay Idi Amin kaddib markii la ogaaday inuu furay akoon cusub oo bangi ah oo uu dhigay lacag aad u badan oo shaki ah, ra’iisul Wasaare Obote ayaa u gurmaday saaxiibkiis isagoo sheegay in lacagtan ay qayb ka tahay howlgal qarsoodi ah oo lagu taageerayo fallaagada dalka deriska la ah ee Congo oo xilligaa gumeysi ku jiray

Markii ay fadeexadani ku baahday in lagu daro baaritaanka musuqmaasuqa Obote, madaxweyne Mutesa wuxuu bilaabay inuu abaabulo xulafadiisa ka dhanka ah Obote.

Obote ayaa si adag uga falceliyey, wuxuu laalay dastuurkii, wuxuu ku dhawaaqay inuu madaxweyne yahay, wuxuuna xiray kuwii la tartamayey, Idi Amiin waxa uu soo abaabulay ciidan, waxa uu weeraray Mutesa, waxa uu hareereeyay qasrigiisii, waxanu ku qasbay in uu musaafuris ku baxo.

Qabsashadii Awoodda

Isagoo Obote hadda madaxweyne ah, Idi Amin wuxuu noqday madaxa ciidamada iyo ninka labaad ee ugu awoodda badan Uganda, si kastaba ha ahaatee, khilaaf ayaa soo kala dhex galay labada nin.

Sababo kala duwan ayay taariikhyahanadu soo jeediyeen, qaar baa arkay in Idi Amin uu ciidan u qoray rag badan oo Koonfurta Suudaan ah, taas oo meesha ka saartay saamayntii Obote ee ciidanka.

Dadka qaar ayaa soo jeediyay in Britain iyo Israel ay ku lug lahaayeen khilaafka, maadaama ay ka soo horjeedeen siyaasadaha Obote.

Obote waxa uu bilaabay in uu tuhun ka qabto Idi Amin, sannadkii 1970-kii, waxa uu hoos u dhigay awooddii Idi Amin, kaddibna waxa uu bilaabay in uu baadho in uu lunsaday dhaqaalihii ciidanka, waxana uu qorsheeyey in la xidho.

Janaayo 25, 1971 1971-kii, markii Obote uu ka qayb-galayay shir-madaxeed caalami ah oo ka dhacay Singapore, Idi Amin wuxuu bilaabay afgambi, askar ayaa qabsaday dhismayaal muhiim ah oo dalka ku yaalla.

Idi Amin oo khudbad u jeediyay Uganda ayaa sheegay in uu la wareegay awoodda si uu u joojiyo musuqmaasuqa dowladda, waxa uu ballan qaaday in uu sii dayn doono maxaabiista siyaasadda, isla markaana uu qaban doono doorashooyin dimuqraadi ah.

Hal toddobaad kadib afgambigii, Idi Amin wuxuu ku dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha Uganda, Wuxuu laalay dastuurkii, wuxuuna xilal muhiim ah u magacaabay ciidamo daacad u ah, Iyadoo dastuurka Uganda uu weli sheegayo in waddanku yahay jamhuuriyad dimuqraadi ah.

Amiin ayaa si toos ah u xukumay, Wuxuu Aasiyaanka ka eryay Uganda 1972-kii, falkaas oo horseeday burburka dhaqaalaha Uganda, wuxuuna si cad u caayay Ingiriiska iyo Mareykanka iyo sidoo kale madax badan oo caalami ah, wuxuu beddelay xiriirkii wanaagsanaa ee Uganda ay la lahayd Israa’iil, wuxuuna la saaxiibay Liibiya iyo Falastiin.

Sannadkii 1976-kii, Idi Amin waxa uu ku dhawaaqay in uu yahay madaxweyne intuu noolyahay.

Bishii Luulyo 1976 wuxuu shakhsi ahaan ku lug lahaa afduubkii diyaarad Faransiis aheyd oo ku socotay Entebbe, waxa kale oo uu qabyaaladda, oo ah dhibaato muddo dheer ka jirtay Uganda gaadhsiiyay meel xun isaga oo lagu eedeeyay in uu amray in la dhibaateeyo Acholi, Lango, iyo qawmiyadaha kale.

Amiin waxa loogu magac daray “Kawaanlihii Uganda”, waxaana la rumeysan yahay in ilaa 300,000 oo qof la dilay, qaar kalena la jirdilay intii uu madaxweynaha ahaa.

Bishii Janaayo 1977 Amiin wuxuu u magacaabay General Mustafa Adrisi Madaxweyne ku xigeenka Uganda, sannadkaas kala qaybsanaantii Ciidanka Uganda ayaa ka dhex dhalatay taageerayaasha Amin iyo askar daacad u ahaa Adrisi, kuwaas oo awood weyn ku lahaa dawladda oo doonayay in ay ka sifeeyaan ajaanibta, gaar ahaan kuwa Suudaaniga milatariga ah.

Ku qanacsanaan la’aanta sii kordheysay ee Ciidanka Uganda waxaa muujinayay isku dayo badan oo afgambi ah.

Sannadkii 1978-kii, tirada taageerayaashii Amin iyo saaxiibbadiis aad bay u yaraadeen, wuxuuna la kulmay diidmo sii kordhaysa oo ka imanaysa dadweynaha gudaha Uganda ka dib markii dhaqaalihii iyo kaabayaashii dhaqaalaha ay burbureen taasoo ka dhalatay dayaca iyo xadgudubka sannadaha badan.

Ka dib dilkii Bishop Luwum ​​iyo wasiiradii Oryema iyo Oboth Ofumbi ee 1977, dhowr wasiir  ayaa goostay horraantii 1978-kii, Adrisi waxa uu si xun ugu dhaawacmay shil baabuur, waxaana loo duuliyay Qaahira si loogu soo daweeyo.

Amiin ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa waxa uu ka xayuubiyay xilalkii wasiirnimo ee gaashaandhiga iyo wasiirka arrimaha gudaha, waxaanu ku canaantay inuu hawl-gab ka noqday saraakiisha sarsare ee xabsiga oo aanu ka warhayn.

Bishii Oktoobar 1978-kii Amiin wuxuu amray weerar lagu qaado Tanzania ka dib markii ay ubaxsadeen qaar ka mid ah mucaaradkiisa, waxaa caawinayay wadaniyiinta Uganda, ciidamada Tanzania ayaa ugu dambeyntii ka awood roonaaday ciidamada Uganda,  Markii ciidamadii Tansaaniya ay hoggaaminayeen ay ku soo dhawaadeen Kampala, caasimadda Uganda, Abriil 11, 1979 Amin waxaa lagu qasbay inuu caasimadda Uganda uga baxsado diyaarad helikobter ah, Amin wuxuu ka cararay waddanka, waxaa madaxweyne kumeel gaar noqday Yuusuf Luule laba maalmood ka dib.

Ka baxsashadii Uganda ka dib

Idi markii hore wuxuu u baxsaday Liibiya oo uu joogay ilaa 1980, ugu dambeyntii wuxuu degay Sacuudi Carabiya.

Amin waxa uu dhowr sano ku noolaa labada dabaq ee ugu sarreeya Hudheelka Novotel ee ku yaalla Waddada Falastiin ee Jeddah.

Sannadkii 1989-kii, Amin waxa uu ka tagay magangalyadii uu heystay isagoon amar ka haysan dawladda Sucuudi Carabiya, waxa uuna u raacay mid ka mid ah wiilashiisa oo u duulay Zaire (DR Congo), waxa uu damcay in uu abaabulo ciidan fallaago ah si ay dib ugu qabsadaan Uganda oo xilligaasi dagaal kale oo sokeeye ka dhacay.

Reerkiisa intiisa kale waxay joogeen Jeddah, Inkastoo uu isticmaalay baasaboor been ah oo Zairi ah, Amin si fudud ayaa loo aqoonsaday markii uu  yimid Air Zaïre, waxaana isla markiiba xiray ciidamada ammaanka ee Zaïre.

Dawladda Zaïre waxay si aan wanaagsanayn uga falcelisay imaatinka Amin, waxayna isku dayday inay dalka ka saarto, Sacuudi Carabiya ayaa diiday inuu kusoo laabto iyada oo dawladdeedu aad uga xumaatay inuu “ku xadgudbay martigelintooda” isagoo ka tagay fasax la’aan.

Kadib codsiyo uu soo jeediyay Boqorkii Morocco Hassan II, hogaanka Sacuudi Carabiya ayaa ugu dambeyntii u ogolaaday inuu soo laabto taa beddelkeeda, Amiin waxa ay ahayd in uu ballan-qaado in aanu mar dambe ka qayb-qaadan doonin dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo mid ciidan toona ama aanu bixin waraysiyo.

Sidaas darteed waxa uu noloshiisii ​​intii ka hadhay ku qaatay Sucuudiga.

Geeridiisa

Bishii Agoosto 16, 2003, Amiin wuxuu ku dhintay King Faisal Specialist Hospital and Research Centre eek u yaala Jeddah, Saudi Arabia, sababta dhimashada ayaa lagu soo waramayaa inay tahay xubno badan oo jirkiisa ka mid ah oo shaqadii ku guuldareystay, Inkastoo dowladda Uganda ay shaacisay in meydkiisa lagu aasi karo dalka Uganda, haddana waxaa si degdeg ah loogu aasay dalka Sacuudiga.

XIGASHO: https://www.britannica.com/biography/Idi-Amin


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply