Paul Kagame | Madaxweynaha Ruwanda

Paul Kagame waa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Rwanda, waxa uu soo noqday Guddoomiyaha Midowga Afrika 2018 ilaa 2019, waxaana uu Guddoomiye ka ahaa Bulshada Bariga Afrika 2018-2021, Madaxweyne Kagame waxa uu sii wadaa in uu hoggaamiyo dib-u-habaynta hay’adaha Midowga Afrika oo uu u adeego sidii Hormuudka Midowga Afrika ee Maalgelinta Caafimaadka Gudaha.

Paul Kagame waxa uu dhashay 23 Oktoobar 1957, waa siyaasi reer Rwanda ah horena u ahaan jiray sarkaal milatari waana madaxweynihii afraad iyo hadda ee Rwanda tan iyo 2000, waxa uu hore u soo noqday taliyaha Jabhadda Waddaniga Rwanda (RPF), jabhad hubaysnayd oo ku soo duushay Ruwaanda 1990.

Jabhadda RPF waxay ka mid ahayd dhinacyadii iskahor imaadyada ka dhexeeyey intii uu socday dagaalkii sokeeye ee Ruwaand, ciidamadii jabhadda ayaa soo afjaray xasuuqii Rwanda, waxa loo tixgalinayay in uu yahay hogaamiyaha dhabta ah ee Rwanda markii uu soo noqday madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka gaashaandhiga ee madaxweyne Pasteur Bizimungu intii u dhaxaysay 1994 ilaa 2000 markaas ka dib waxa la baabi’iyay jagada “Madaxweyne ku xigeenka”.

Waxa uu ka dhashay qoys Tutsi ah oo ku nool koonfurta Rwanda, qoyskiisu waxa ay u qaxeen dalka Uganda isaga oo laba jir ah, halkaas oo uu ku qaatay inta ka hadhsanayd carruurnimadiisii ​​xilligii Kacaankii Ruwaanda, kaas oo soo afjaray awooddii siyaasadeed ee Tutsi-ga qarniyo soo jirtay, Paul Kagame waxa uu waxbarashadiisa ku dhammaystay caasimadda Uganda ee Kampala.

Jabhadeyntii Uganda

Sannadkii 1979-kii mucaaradkii Ugaandha oo gacan ka helaya ciidamada Tansaaniya ayaa meesha ka saaray Amin, waxaa xukunka la wareegay Milton Obote, wuxuu ku hanjabay cadaadis ka dhan ah saaxiibadii Kagame ee qaxoontiga Rwanda, Kagame iyo Fred Rwigyema waxay ku biireen dhaqdhaqaaq cusub oo hubaysan oo ka dhan ah taliskii Obote, Kagame waxa uu noqday madaxa sirta ee Museveni waxana uu ku caan baxay musuq-maasuq la’aanisaga oo dhaqan geliyey hab-dhaqan adag.

 Ciidanka iska caabinta oo uu hogaaminayay Yoweri Museveni, guushii iska caabinta ee 1986 ka dib, Kagame wuxuu noqday sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada cusub ee Uganda, guushii uu ka gaaray Uganda ka dib, Kagame indhihiisu waxay u jeesteen waddankiisa hooyo waxaa wehlinayay Rwigyema iyo saaxiibbadii Tutsiga ee Rwanda, wuxuu aasaasay Jabhadda Waddaniga ah ee Rwanda (RPF) wuxuuna qorsheeyay dagaal xor ah oo ka dhan ah nidaamka Rwanda.

Madaxdii talisku way isku soo jeesteen, aasaasayaashii RPF ee Tutsi-ga waxa ku biiray xubno qunyar socod ah oo ka tirsan qowmiyadda Hutu ee Rwanda, kuwaas oo ka niyad jabay taliskii Hutu-ga ee dalkaas.

Ciidanka Uganda ayaa Kagame u doortay in uu wax barasho heer sare ah ka qaato Taliska Ciidanka Mareykanka iyo Kulliyada Shaqaalaha Guud ee Leavenworth, Kansas, Kagame wuxuu ku sugnaa Kansas 1990-kii markii RPF ay soo bandhigtay weerarkii ugu horreeyay oo ay ku qaado ciidamada dowladda ee Rwanda, Kagame ayaa la wareegay maamulka kooxda markii hogaamiyihii hore Fred Rwigyema uu dhintay maalintii labaad ee duullaankii 1990-kii.

Xasuuqii 1994-kii iyo qabsashadii xukunka

Sannadkii 1993-kii RPF waxa ay Rwanda ka samaysay guulo dhuleed, sannadkii 1993kii RPF waxay gacanta ku haysay dhul muhiim ah oo Rwanda ah dawladda Rwandana waxay ogolaatay xabbad-joojin.

Dagaalyahannada ayaa ka wada xaajoonayay heshiis nabadeed markii diyaarad uu la socday madaxweynihii Rwanda Juvénal Habyarimana la soo riday iyadoo ku sii jeeday magaalada caasimadda ah ee Kigali, Habyarimana ayaa ku dhintay dhacdada, hogaamiyayaasha Hutuuga ee xagjirka ah ayaa ku baaqay in la dilo lana eryo dadka Tutsiga ah ee dalkaasi.

Warfidiyeenada idaacadaha iyo xittaa culimaa’uddiinka ayaa hurinayay naceybka isir nacaybka, waxaana dalka ka dhacay mowjado dil ah oo macna daro ah iyadoo derisku is ku laayay wax alla wixii qalab ah oo gacantooda ku jiray, 100 maalmood gudahood xasuuqii Ruwaanda ayaa galaaftay nolosha boqolaal kun oo rag, dumar iyo carruur ah oo u badnaa qowmiyadda Tutsiga, iyadoo ay weheliyaan xubno ka tirsan Hutu oo ka soo horjeeday gowraca, qiyaasta dadka dhintay ayaa u dhexeeya 800,000 ilaa hal milyan.

Kagame iyo RPF waxay dib u bilaabeen dagaalkoodii ka dhanka ahaa nidaamkii Rwanda, 1994-tii kacdoonkii Kagame wuxuu ku guulaystay inuu meesha ka saaro dawladdii Hutu-gu hogaaminaysay oo uu soo afjaro dilalkii tirada badnaa ee dadkooda, Pasteur Bizimungu oo ahaa afhayeenkii qowmiyada Hutu ee RPF ayaa noqday madaxweynaha cusub, Paul Kagame ayaa loo magacaabay madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka gaashaandhigga.

Kagame wuxuu si degdeg ah ugu dhaqaaqay soo celinta sharciga iyo kala dambeynta wuxuuna dacweeyay tiro ka mid ah askartiisa RPF oo ka qayb qaatay dilal aargoosi ah, RPF waxay hakisay xasuuqii ka dhanka ahaa Tutsi-ga 1994-kii, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan hal milyan.

Dagaaladii zaire(DR Congo)

Dadkii soo abaabulay xasuuqaasi ayaa dib isu soo abaabulay oo weeraro ka fuliyay xeryo qaxooti oo ku yaalay dalka dariska la ah ee Zaire(DRC), ciidanka Kagame waxay daba galeen xasuuqii Zaire, Rwanda waxay gashay dagaal sokeeye oo zaire ka dhacay, Kacdoon ka dhan ah kaligii-taliyihii Zaire Mobutu Sese Seko ayaa ka qarxay.

ciidamada Rwanda ayaa soo farageliyay si ay u taageeraan fallaagada, dagaaladii loo yaqaanay dagaalkii koowaad ee Kongo jabhadaha oo taageero ka helaya Rwanda, Burundi, iyo Uganda, ayaa Mobutu ka ceyriyay dalka, Laurent-Désiré Kabila waxa uu noqday madaxweynaha dalkaas, waxaana loo bixiyay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Waxaa si degdeg ah u soo shaac baxay xiisad u dhexeysa dowladda cusub ee Congo iyo dalalka deriska la ah, waxaana markii labaad soo farageliyay Rwanda iyo Uganda, dagaalku wuxuu isu rogay dagaal goboleed oo loo yaqaan dagaalkii labaad ee Kongo ama dagaalkii weynaa ee Afrika oo ay ku lug lahaayeen sagaal waddan iyo ilaa labaatan kooxood oo hubaysan oo kala duwan.

Dagaalku waxa uu caqabad ku noqday hannaankii dib-u-heshiisiinta ee Rwanda, 2000-kii Madaxweyne Bizimungu ayaa is casilay waxaana xilka ku wareegay Kagame, sannadkii 2003dii Rwanda waxa ay qaadatay dastuur cusub .

Madaxweyne

Paul Kagame ayaa loo doortay madaxweynaha Rwanda Sebtembar 12, 2003, isagoo soo afjaray dowladdii kumeelgaarka ahayd ee sagaal sano jirtay, Waxa ugu weyn ee uu diiradda saarayey waxay ahayd dhismaha midnimada qaranka iyo dhaqaalaha dalka.

Sannadkaas Kagame wuxuu ogolaaday heshiis nabadeed oo caalami ah, dagaalkii dheeraa ee Kongo wuu dhammaaday. Ciidamada Ruwaanda ayaa laga saaray Kongo waxayna DRC ogolaatay in hub ka dhigis lagu sameeyo oo ay dib ugu celiso Hutuuga dalka Rwanda.

Kagame hadda waxa uu xor u ahaa in uu sii wado geedi socodka dib u heshiisiinta iyo horumarinta dhaqaalaha, waxa uu ku dhawaaqay barnaamij uu ugu magac daray Hiigsiga 2020-ka, hadafkiisuna yahay sidii uu waddankiisu u gaadhi lahaa maqaam dhexdhexaad ah sanadka 2020.

Laga soo bilaabo 2004 ilaa 2010 waddanku waxa uu celcelis ahaan boqolkiiba siddeed ka ahaa kobaca dhaqaale ee sannadlaha ah.

Sannadkii 2006-dii Rwanda waxay u jartay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Faransiiska ka dib markii garsoore Faransiis ah uu soo saaray amarro caalami ah oo lagu soo xirayo dhowr ka mid ah saaxiibadii Kagame wuxuuna ku baaqay in Kagame lagu maxkamadeeyo Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah, isagoo ku andacoonaya in Kagame iyo hoggaamiyeyaashii kale ee RPF ay amreen weerarkii gantaallada ee sababay shilkii diyaaradeed ee 1994 ee lagu dilay Habyarimana.

Kagame ayaa si kulul u beeniyay eedeynta, waxa uuna dhankiisa ku andacooday in Faransiiska uu hubeeyay oo uu la taliyay jabhadihii ka dambeeyay xasuuqa.

Sannadkii 2007dii dawladda Rwanda waxay bilawday baadhitaan rasmi ah oo ku saabsan shilkii diyaaradeed ee 1994kii, natiijooyinka oo la sii daayay 2010 ayaa tilmaamaya in askarta xagjirka ah ee Hutu ay mas’uul ka ahaayeen soo ridida diyaaradda, dadaal ay ku doonayeen inay ku carqaladeeyaan wadahadalkii nabadeed ee Habyarimana uu kula jiray fallaagadii Tutsiga.

Doorashadiisii labaad

2010 Kagame waxa uu doonayey in dib loo doorto doorashadii madaxtinimada ee bishii Agoosto, waxaa la caburiyay qaar ka mid ah warbaahinta mucaaradka, waxaana la dilay dhowr qof oo ay ku jiraan weriye madax bannaan iyo hoggaamiye xisbi mucaarad ah, inkastoo Kagame uu ku adkeystay n isaga iyo taliskiisa midna uusan ku lug lahayn dilka, dhacdooyinkaas awgii dhawr xisbi oo mucaarid ahaa ayaa awoodi waayey in ay musharraxiin soo saaraan.

Musharaxiinta qaar ayaa la kulmay xarig, qaarna waa ay carareen, qaarna waa laga reebay ka qeyb galka, saddexdii musharrax ee ugu dambeyntii ka horyimid Kagame ayaa la kulmay caqabad yar, natiijooyinkii rasmiga ahaa ayaa tilmaamay in Kagame dib loo doortay isaga oo helay 93 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, waxaana tirada codbixiyaasha lagu sheegay in ka badan 95 boqolkiiba.

Xilli madaxeedkii seddaxaad

Horaantii 2013 Waxaa soo ifbaxday dood ku saabsan wax ka bedelka dastuurka si loogu ogolaado Kagame inuu sii hayo xilka madaxweynaha ka dib markii uu waqtigiisa dhamaado, doodii ayaa sii xoogeysatay sanadihii xigay.

Afti la qabtay 2015 codbixiyayaasha waxay ansixiyeen wax ka bedelka dastuurka oo u ogolaanaya Kagame inuu xilka sii hayo 7 sano oo sadexaad, Intaa waxaa dheer wuxuu xaq u yeelanayaa inuu xilka sii hayo laba xilli kale oo shan sano ah taasoo siinaysa awood uu ku sii hayn karo xafiiska illaa 2034.

Wax yar ka dib markii dastuurka wax laga beddelay, Kagame wuxuu ku dhawaaqay inuu runtii u tartami doono doorashada madaxtinimo ee 2017, go’aankiisii ​​ahaa in uu mar kale isu soo taago xil-hayn kale ayaa waxaa uu dhaleeceyn kala kulmay beesha caalamka.

Waxa uu si fudud ugu guuleystey dib u doorashadii August 4, 2017, isaga oo helay in ka badan 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay oo uu kaga guulaystay labadii musharax kale ee la tartamayay.

Arimaha qoyskiisa

Juun 1989 gudaha Uganda Kagame wuxuu guursaday Jeannette Nyiramongi oo aheyd Tutsi musaafuris ah oo ku noolayd Nairobi, Kenya, Kagame ayaa ka codsaday qaraabadiisa inay soo jeediyaan guur ku habboon waxayna kula taliyeen Nyiramongi, Kagame waxa uu u safray Nairobi oo uu is baray, isaga oo ku qanciyay in ay ku soo booqato Uganda.

Nyiramongi waxa ay taqaanay RPF iyo yoolkeeda ah in qaxootiga lagu celiyo Rwanda, Waxay u haysay Kagame tixgalin sare, lamaanuhu waxay leeyihiin afar carruur ah, Wiilkooda ugu horreeya waa Ivan Cyomo waxa uu dhashay 1990, carruurtooda kalena waxay kala yihiin  Ange, Ian, iyo Brian.

Hooyadii waxaa la oran jiray Austeria Rutagambwa, aabihiina waa Deogratius Rutagambwa.

XIGASHO: https://achievement.org/achiever/paul-kagame/

https://www.paulkagame.com/biography/


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply