Pervez Musharraf  | Madaxweynihii hore ee Pakistan

Pervez Musharraf wuxuu ku dhashay New Delhi, India bishii Agoosto 11, 1943, hooyadii waxaa la oran jirey Zarin Musharraf, sarkaal ka tirsanaa militariga Pakistan oo xukunka kula wareegay afgambi 1999,,Wuxuu madaxweyne ka soo noqday Pakistan 2001 ilaa 2008 .

Pervez Musharraf waxa uu ahaa sarkaal militari iyo siyaasi Pakistani ah oo noqday madaxweynihii tobnaad ee Pakistan kadib markii ay milatarigu la wareegeen dawladii dhexe 1999, waxa kale oo uu soo noqday gudoomiyihii 10-aad ee guddiga isku dhafka ah ee shaqaalaha 1998 ilaa 2001 iyo taliyihii 7aad ee Ciidanka Xoogga Dalka 1998-kii ilaa 2007-dii.

Noloshiisii gaarka ah

Musharaf ayaa ahaa wiilka labaad ee saddex carruur ah oo dhammaantood wiilal ah oo uu dhalay aabihii, Walaalka ka weyn waa Javed Musharaf kan ka yarna waa Naved Musharaf.

Musharraf qoyskiisa waxay ka soo guureen New Delhi una guuray Karachi sannadkii 1947-kii, markaasoo Pakistan ay ka go’day Hindiya, waxa uu ku noolaa dalka Turkiga intii u dhaxaysay 1949-56.

Musharaf wuxuu ahaa wiilka labaad ee waalidkiis wuxuuna lahaa laba walaalo ah Javed iyo Naved, Javed waa howlgab hore u ahaa sarkaal heer sare ah oo ka tirsan shaqaalaha rayidka dawladda Pakistan, Naved waa suuxiye ku noolaa Chicago tan iyo markii uu dhammeeyey tababbarka degenaanshiyaha ee Xarunta Caafimaadka ee Jaamacadda Loyola ee 1979.

Qoyska Musharaf waxay u guureen Ankara 1949-kii, markii aabbihiis uu ka mid noqday dublamaasiyiin Turkiga uga timid Pakistan, wuxuu bartay ku hadalka Turkiga, waxa uu lahaa eey la odhan jiray Whiskey, 1956 wuxuu ka tagay Turkiga wuxuuna ku laabtay Pakistan, 1957  ku biirey dugsiga Saint Patrick ee Karachi waxaana laga aqbalay Jaamacadda Forman Christian College ee Lahore, Musharraf waxa uu doortay xisaabta oo uu heer sare ka gaaray, balse markii dambe wuxuu xiiseeyay dhaqaalaha.

Musharaf waxa uu guursaday Sehba oo ka timid Karachi 28 December 1968, waxay dhaleen gabadh lagu magacaabo Ayla, iyo wiilkooda Bilaal.

Ku biiristii Ciidanka qalabka sida

waxa uu ku biiray ciidanka 1964-tii, waxa uu ka qalin jabiyay Taliska Ciidanka iyo Kulliyada Shaqaalaha ee Quetta, waxa uuna galay Kuliyadda Difaaca ee Royal ee London.

Wuxuu uu soo qabtay dhowr jago  oo isugu jira madaafiicda, ciidamada lugta iyo cutubyada kumaandooska, wuxuuna sidoo kale wax ka dhigay Kulliyada Shaqaalaha ee Quetta iyo Garabka Dagaalka ee Kulliyada Difaaca Qaranka,raiisel wasaare Nawaz Sharif ayaa u magacaabay madaxa ciidamada qalabka sida October 1998, musharaf ayaa la rumeysan yahay inuu door muhiim ah ka qaatay duulaankii lagu galey gobolka Kashmiir qeybta ay Hindiya maamusho xagaagii 1999, cadaadis caalami ah ka dib Sharif ayaa Ciidamada amar ku siiyay in ay dib ugu soo laabtaan dhulka ay Pakistan maamusho, tallaabadaas oo ka careysiisay militariga.

Afgambigii 1999

Oktoobar 12, 1999 isagoo Musharaf dalka ka maqan yahay Nawaas Shariif ayaa xilkii ka qaadey, wuxuuna isku dayay inuu ka hor istaago diyaaradii Musharaf u siday inay ku degto garoonka diyaaradaha ee Karachi, ciidamada qalabka sida ayaa la wareegay gacan ku haynta garoonka diyaaradaha iyo xarumaha kale ee dowladda, waxayna xilka ka qaadeen Shariif, taasi oo u gogol xaareysay in Musharaf uu madax ka noqdo dowlad militari.

In kasta oo guud ahaan loo tixgeliyey in uu qabo aragtiyo dhexdhexaad ah oo uu ballan qaaday in uu soo celin doono xukunka rayidka Musharaf waxa uu laalay dastuurkii oo kala diray baarlamaanka, wuxuu sameeyay Golaha Amniga Qaranka, oo ka kooban dad rayid ah iyo militariga si ay u maamulaan Pakistan si ku meel gaar ah.

Xilkiisii madaxweynenimo

 Horraantii 2001-dii ayuu la wareegay xilka madaxtinimada, kaddibna wuxuu isku dayay inuu Hindiya kala xaajoodo heshiis ku saabsan gobolka Kashmir, Kadib weeraradii 11-kii Sebtember ee sanadkii 2001-dii ee Maraykanka iyo duulaankii xigay ee Maraykanku ku qaaday Afgaanistaan ​​dabayaaqadii sanadkaas, dawladda Maraykanku waxa ay xidhiidh dhaw la yeelatay Musharaf iyada oo isku dayday in ay xididdada u siibto kooxaha xagjirka Islaamiga ah ee ku sugnaa xadka Afgaanistaan ​​iyo Pakistan.

Waxa uu dib u soo celiyay dastuurka 2002 inkastoo si weyn wax looga beddelay, Doorashooyinkii baarlamaanka waxa la qabtay Oktoobar 2002, dabayaaqadii 2003 sharci-dejintu waxay ansixiyeen dastuurkii.

Sannadkii 2007-dii Musharaf waxa uu doonayey in loo doorto madaxweyne, balse waxa ka hor yimid maxkamadda sare ee Pakistan, Maxkamaddu waxay fashilisay isku daygiisii ​​ahaa inuu shaqada ka joojiyo guddoomiyaha maxkamadda sare, bishii Nofeembar ayuu Musharaf ka jawaabay isagoo ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.

Isagoo ka duulaya hanjabaadaha xagjiriinta ee isa soo tarayay, waxa uu mar labaad laalay dastuurkii, waxa uu xilka ka qaaday guddoomiyihii maxkamadda sare, waxa uu bedelay garsooreyaal kale oo ka tirsanaa maxkamadda sare, waxa uu xidhay hoggaamiyeyaasha siyaasadda mucaaradka, waxa uuna xayiraad ku soo rogay saxaafadda iyo warbaahinta madaxa bannaan, bishaas dabayaaqadeed maxkamada sare oo dib loo dhisay ayaa meesha ka saartay caqabadihii ugu dambeeyay ee dhanka sharciga ahaa ee ku saabsan dib u doorashadiisa, wuxuuna iska casilay xilkii militariga si uu u noqdo madaxweyne rayid ah, Musharaf waxa uu soo afjaray xaaladdii degdega ahayd bartamihii bishii December 2007.

Ka tagistii xilka

Doorashadii baarlamaanka ee Febraayo 2008 ayaa si weyn loogu arkay diidmada shacabka ee madaxweynaha iyo xukunkiisa, doorashooyinku waxay keeneen isbahaysi mucaarad ah oo ay madax ka yihiin Sharif iyo Asif Ali Zardari oo ahaa saygii ay ka dhimatey ra’iisul wasaarihii hore Benazir Bhutto taasoo la dilay December 2007, Iyagoo tixraacaya xadgudubyo waaweyn oo dastuuri ah, isbahaysiga ayaa u dhaqaaqay horraantii Agoosto 2008 si ay u bilaabaan dacwado ka dhan ah Musharraf, Musharaf ayaa ku dhawaaqay inuu xilka iska casilayo 18-kii Agoosto 2008.

Bishii Oktoobar 2010, ka dib in muddo musaafuris iskiis ah, Musharaf wuxuu ku dhawaaqay samaynta xisbi siyaasadeed oo cusub (All Pakistan Muslim League), wuxuuna wacad ku maray inuu ku laaban doono Pakistan wakhtiga doorashada qaranka ee 2013, waxa uu sidaas sameeyay March 2013, laakiin isku daygiisii ​​ahaa in uu isu soo taago doorashada waxa uu la kulmay caqabado kala duwan oo xagga sharciga iyo siyaasadda ah oo ay ku jiraan dhawr dambi baadhiseed oo furan oo la xidhiidha ficilladiisii ​​madaxweynenimo.

Maxkamadeytii Pervez Musharraf

18-kii Abriil 2013 maxkamad ayaa ka mamnuucday inuu galo tartanka sababtoo ah baaritaan socda oo la xiriira hakinta dastuurka 2007, waxaa la xiray maalintii xigtay si uu u wajaho eedeymo ka dhashay baaritaanka, bishii Agoosto 2013 Musharraf oo weli ku jiro xabsi guri eedeymo dil ayaa lagu soo oogay oo la xiriira dilkii Bhutto ee 2007.

2016-kii Musharaf ayaa loo ogolaaday inuu dalka ka dhoofo si uu Dubai daawayn ugu aado, dabayaaqadii 2018 ayaa la ogaaday in caafimaadkiisu si degdeg ah uga sii darayo, Waxa la xukumay sanad ka dib isaga oo maqan isaga oo lagu eedeeyay khiyaamo qaran waxaana lagu xukumay dil, inkasta oo xaaladiisa caafimaad ay keentay in dib ugu soo laabashadiisa Pakistan aanay suurtogal ahayn, bishii Janaayo 2020 maxkamadda gaarka ah ee xukunkan soo saartay ayaa ku tilmaantay mid aan sharciga waafaqsanayn waxaana la laalay xukunkii lagu riday.

Intii uu xukunka hayay waxa uu ka badbaaday isku day dil oo badan, waxa uuna isku arkay safka hore ee halganka u dhaxeeya Islaamiyiinta mayalka adag iyo reer galbeedka.

Musharaf ayaa la il darnaa cudur xubnaha jirka ah oo naadir ah oo lagu magacaabo amyloidosis, waxaana la dhigay isbitaal sannadkii hore ka dib markii uu aad u xanuunsaday, sida ay sheegeen qoyskiisa.

Musharaf waxa uu ku biiray waxa ay Washington ugu yeertay “dagaalka ka dhanka ah argagixisada”, isaga oo siinaya ciidamada Mareykanka dhul iyo cirba in ay galaan Afgaanistaan ​​oo aan bad lahayn si ay u baacsadaan mintidiinta al-Qaacida.

Go’aankan ayaa ka horimaanaya taageerada Pakistaan ​​ee mudada dheer ay siin jirtay Talibanka oo xiligaasi ka talinayay Afgaanistaan, wuxuuna Musharaf ahaa bartilmaameedka kooxaha mintidka ah ee gudaha, Waxa uu ka badbaaday ugu yaraan afar isku day dil.

Kooxda Tehreek-e-Taliban Pakistan oo ah dallad ay ku mideysan yihiin ururrada mintidka ah ee Pakistan oo la aas aasay ka dib markii Musharaf uu la dagaalamay kooxaha xagjirka ah ayaa u dabaaldegay dhimashadiisa.

Gudaha xukunkii gacan birta ahaa ee Musharaf wuxuu abuuray qalalaase, Xaaladii degdeg aheyd ee 2007dii waxa ay ujeedadeedu ahayd in la joojiyo mudaaharaadyadii ka dhashay cabudhinta lagu hayay garsoorka iyo warbaahinta, Isla sanadkaas dowladdiisa waxaa lagu dhaleeceeyay inaysan bixin ammaan ku filan ka hor dilkii Taliban Pakistan ay u geysatay Ra’iisul Wasaarihii hore Benazir Bhutto oo aheyd siyaasi ay iska soo horjeedeen oo la dilay xilli ay ku jirtay olole doorasho qaran.

Musharaf oo ahaa madaxweynihii Pakistan intii u dhaxeysay 2001 iyo 2008 ayaa ku geeriyooday magaalada Dubai ka dib markii uu muddo xanuunsanaa, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay ciidamada dalkaasi.

wuxuu ku dhintay Dubai, imaaraadka bishii Febraayo 5, 2023.

Resource: https://www.britannica.com/biography/Pervez-Musharraf


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply