Ravi Teja

Last Updated on March 8, 2024 by Taariikh24

Bhupatiraju Ravi Shankar Raju oo loo yaqaano Ravi Teja waa atoore caan ah oo Telugu ah, Teja waa mid kamid ah atoorayaasha lacagaha ugu badan kasoo xareeyA aflaanta koonfur India gaar ahaan shaleemada Telugu.

Saddex jeer ayuu ka soo muuqday liiska Forbes India ee 100-ka qof ugu caansan sannadihii 2012, 2013, iyo 2015.

Noloshiisii hore

Ravi Teja waxaa dhalay  Raj Gopal Raju iyo Rajya Lakshmi Bhupatiraju wuxuu ku dhashay Jaggampeta, Andhra Pradesh, India 26-kii Janaayo, 1968,  aabihii wuxuu farmashiile ka ahaa tuulada Jaggampeta ee Andhra Pradesh, carruurnimadiisa inta badan waxa uu ku qaatay Waqooyiga Hindiya.

Waxbarashadiisa

Wuxuu dugsi ku qaatay dhowr magaalo oo Hindiya ah sida Jaipur, Delhi, Bhopal, iyo Mumbai ugu dambayntii, Teja wuxuu  ku dhammaystay waxbarashadii magaalada Vijayawada dugsiga NSM Public School, waxa kale oo uu shahaadada BA ka qaatay Siddhartha Degree College ee Vijayawada.

Ravi yaraantiisii waxaa saameyn ku yeeshay Amitabh Bachchan, sidaa darteed wuxuu isku dayay inuu ka cararo gurigiisa Jaipur ee Mumbai si uu ula kulmo Amitabh Bachchan wuxuu rajaynayey inuu helo  fursad uu  filimada uga soo muuqdo.

Ugu dambeyntii fursadiisa waxay timid 1988-kii, waxa uu u guuray Madras si uu shaqadiisa uga bilaabo jilidda filimada.

Jilidda filimada

Teja socdaalkiisa dhanka aflaanta waxuu ku soo bilowday kaaliyaha Director-ka asigoo kasoo shaqeeyay aflaam kala duwan oo Telugu iyo Bollywood ah.

Wuxuu markii ugu horeysay ka soo muuqday filimkii Karthavyam ee 1990, wuxuuna ka ciyaaray door yar ama aan la aqoonsan filimo badan sida Allari Priyudu (1993), Ninne Pelladata (1996), wuxuu kaloo soo muuqday filimada Sindhooram (1997), Manasichi Choodu (1998), Premaku Velaara (1999), Samudram (1999), Annayya (2000) iyo kuwo kale oo dhan 90-meeyadii.

Markii ay xirfaddiisa horumartay, wuxuu ka soo muuqday doorarka caawiyaha sida Annayya (2000), Manasichi Choodu (2020), iyo Idiot (2002), waxa uu ku soo muuqday doorkiisii ​​ugu horeeyay ee hogaamineed filimkii Nee Kosam (1999), kaas oo ku mutaystay Abaalmarinta Jury Award Nandi.

2003, Ravi Teja ayaa hogaanka u haysay Amma Nanna O Tamila Ammayi, kaas oo noqday mid ka mid ah hits-kii ugu weynaa sanadkam sannadkii 2006 aad ayuu gaar ugu ahaa Ravi Teja, maadaama uu sameeyay mid ka mid ah Hit-yada ugu waa weyn waayihiisa, Vikramarkudu oo uu Director ka ahaa S. S. Rajamouli.

Sanadkii 2008, filimka Krishna ee uu director ka ahaa V. V. Vinayak ayaa jabiyay dhamaan rikooradii hore ee Ravi Teja, isagoo noqday Hitkii ugu weynaa ee xirfadiisa.

Maanta Teja waxaa lagu tiriyaa mid kamid ah atoorayaasha lacagaha ugu badan kasoo xareeya fanka Telugum waxa uu ku guuleystey abaalmarino dhowr ah oo ay ku jiraan Abaalmarinta Filmfare Award South.

Noloshiisa gaarka ah

Teja wuxuu guursaday xaaskiisa Kalyani May 26, 2002, lamaanahaan waxay leeyihiin gabadh lahu magacaabo Mokshada oo dhalatay 2003 iyo wiil lagu magacaabo Mahadhan oo dhashay 2006.

Teja waxaa la dhashay labo wiil, labada walaalihiis Bharath iyo Raghu waa jilayaal, Ravi Teja waa waa kan ugu weyn seddexda walaalo, hooyadii waxaa la oran jiray Rajya Lakshmi Bhupatiraju.

Xaqiiqooyin

MagaciisaRavi Shankar Raju Bhupatiraju
Magacada loo yaqaanRavi Teja, Mass Maharaja
Xirfaddiisajilaa iyo filim soo saare
Magaca hooyadiiRajya Lakshmi Bhupatiraju
XaaskiisaKalyani Teja
caruurtiisaWuxuu dhalay wiil iyo gabar kala ah Mahadhan iyo Mokshada
WalaaladiiWaxaa la dhashay labo wiil oo kala ah Bharath iyo Raghu
Filimkiisii ugu horeeyeyWuxuu ahaa Nee Kosam oo la jilay 1999
Filimsiisii ugu dambeeyeyWaa Eagle oo soo baxay February 2024

References: https://in.bookmyshow.com/person/ravi-teja/1848


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply