Salman Khan

Abdul Rashid Salim Salman Khan wuxuu ku dhashay magaalada Indore, India 27 Diseembar 1965 , waa jilaa Hindi ah, filim soo saare oo ka shaqeeya filimada Hindiga In ka badan soddon sano, Khan waxa uu helay abaal-marinno badan oo ay ku jiraan laba Abaalmarinta Filimada Qaranka oo filim soo saare ah, iyo laba abaalmarin oo Filmfare ah oo atoore ahaan ku qaatay, Waxaa lagu sheegaa inuu yahay mid ka mid ah jilayaasha ganacsi ahaan ugu guulaha badan, Forbes waxa uu Khan ku daray liisaska dadka caanka ah ee ugu mushaharka badan adduunka 2015 iyo 2018.

Waa wiilka qoraaga caanka ah ee Salim Khan, kaasoo xaqiijiyey dhowr filim oo Super Hits ah sanadihii lasoo dhaafay sida Deewaar, Sholay iyo Don, Sanadii 1988-dii Salman Khan waxa uu bilaabay filimkiisii ugu horeeyey, Isla sanadkaas wuxuu door muuqda ku lahaa Maine Pyar Kiy halkaas oo uu ka noqday shaqsi laga jecelyahay shineemooyinka Hindiya.

waxa uu kusoo bandhigay bandhigiisa cajiibka ah filimada Andaz Apna Apna, Saajan, Karan Arjun, Hum Aapke Hain Koun iyo Kuch Kuch Hota Hai.

Waxa uu diiday doorka laadernimada ee uu Abbas-Mustan u soo bandhigay filimkiisa- Baazigar.

Sannadkii 1998-kii, Salman Khan ayaa boolisku ka soo xireen goobta lagu duubayey filimkii Hum Saath-Saath Hain, kaddib markii uu ugaarsaday xayawaan la ilaaliyo, wuxuuna xabsiga ku qaatay ku dhawaad ​​toddobaad, Sannadkii 2002-dii Salmaan wuxuu qabsadey warbaahinta ka dib markii uu ku dhacay Land Cruiser-kiisa American Express bakery Bandra, halkaas oo uu nin ku dilay kuwa kalena dhaawacay.

Sannadkii 2007 Salman Khan waxa uu hindisay Being Human – Salman Khan Foundation, Ururkan aan faa’iido doonka ahayn wuxuu caawiyaa dadka danyarta ah.

Noloshiisa gaarka ah

Salman Khan waxa uu ku soo barbaaray magaalada Indore ee gobolka Madhya Pradesh, waxaana uu ka dhashay qoys aad u dhisan 27 December 1965, Aabihii, Salim Khan waa qoraa hooyadiina waa Sushila Charak oo Hindu ah, magaceedana u beddeshay Salma Khan, Khan wuxuu wax ku bartay labada diimood yaraantiisii.

salman khan

Aabihii waxa uu rabay in uu noqdo ciyaaryahan Cricket-ka ah,laakin waxa uu mar walba jeclaa in uu noqdo qoraa shaashada sida aabihiis oo kale, Waxa uu xitaa sameeyay qoraalada filimada Chandramukhi iyo Veer, kuwaas oo uu agaasimay.

Salman waxa uu waxbarashadiisa hoose iyo sare ku qaatay dugsiga Scindia ee Gwalior ku yaala iyo St. Stanislaus High School ee Mumbai ku yaala, Intaa kadib waxa uu iska diiwaan galiyay St. Xavier’s College balse wuu isaga baxay sababo la xiriira xiiso la’aan dhanka waxbarashada ah, Wuxuu xiiseeyay jilista isaga iyo saaxiibadiis Chunky Pandey iyo Sajid Khan, waxay iska diiwaan galiyeen akadeemiyada jiliinka ee Daisy Irani, Khan ayaa filimkisii ugu horeyay kasoo muuqday sanadii 1988-dii filimkii Biwi Ho to Aisi ,kaasoo uu qeyb taageero ah ka qaatay.

Kadib markii la dhameeyay Maine Pyaar Kiya, waxaa kale oo uu kasoo muuqday filimka Box-office-ka ah,Baaghi: A Rebel for Love (1990).

Khan sidoo kale waa filim soo saare caan ah , milkiilaha shirkadda Salman Khan Films iyo Salman Khan Being Human Productions.

Salman Khan waxa uu leeyahay afar walaalo ah, Sohail Khan waa jilaa, soo saare iyo agaasime, halka Arbaaz Khan uu sidoo kale yahay jilaa, soo saare iyo agaasime, Arpita Khan naqshadeeyso gudaha ah, Alvira Khan waa soo saare iyo naqshadeeyso fashion.

salman khan family

Khan waxa uu aaminsanyahay Muslim iyo Hindu labadaba, isaga oo faallo ka bixinaya”Anigu waxaan ahay Hindu iyo Muslim labadaba, Waxaan ahay Bharatiya (Hindiya)”, Wuxuu ku macneeyay “Aabahay waa Muslim, hooyadayna waa Hinduu”.

Khan wuxuu degan yahay Galaxy Apartments, Bandra, Mumbai.

Xiriiradii jacayl uu soo sameeyey

Sanadkii 1999-kii wuxuu bilaabay inuu shukaansado atariishada Bollywoodka ee Aishwarya Rai Inta badan xiriirkooda waxaa laga sheegay warbaahinta ilaa lamaanaha ay kala tageen sanadkii 2001, Khan ayaa bilaabay shukaansiga Atariishada Katrina Kaif Sannado badan oo mala-awaal ah ka dib, Kaif waxay ku qiratay wareysiga 2011 in ay xiriir dhab ah la lahayd Khan dhowr sano laakiin wuxuu dhammaaday 2010, Sangeeta Bijlani iyo Somy Ali waxay sidoo kale xiriir dhab ah la lahaayeen Khan.

Salman Khan ma guursan hadda (2023).

Khilaafaadkiisa iyo khaladaad

  1. Kiiskii gaarigiisa uu dadka jiiray: Salman Khan ayaa gaarigiisa ku jiiray dad jiifay wadada xilli dambe oo habeenimo ah sanadkii 2002. Dhacdadan, hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, waxaana lagu xukumay shan sano oo xarig ah, inkastoo markii dambe lagu sii daayey racfaan.
  2. Kiiskii ugaarsiga: Sannadkii 1998-kii, Khan ayaa lagu eedeeyay inuu ugaarsaday bucks isagoo filim ku duubayay Rajasthan, Ka dib waxaa lagu helay danbi waxaana lagu xukumay shan sano oo xarig ah, inkastoo markii dambe lagu sii daayay damiin.
  3. Muranka tallaalka COVID-19: Sannadkii 2021-kii, Khan waxa uu la kulmay diidmo kaddib markii uu sheegay in aanu rumaysnayn tallaallada iyo in aanu iska tallaali doonin COVID-19.
  4. Hanjabaadaha dilka ee burcadda Lawrence Bishnoi: Sida la sheegay, burcadda Lawrence Bishnoi waxay isku dayeen inay dilaan jilaaga dhowr jeer iyagoo doonaya inay u ciqaabaan jilaaga inuu ugaarsaday deerada blackbuck & chinkara (xayawaanka halista ku jira), Sida laga soo xigtay ilo-wareedyada, bishii Juun 2022 iyadoo la baarayo dilka Sidhu Moose Wala, jilaaga ayaa ku dhawaaday inuu dilo nin af-duuban oo gurigiisa banaankiisa taagnaa, Sida la sheegay, Lawrence Bishnoi waxa uu qorsheeyay in uu dilo Salman Khan marka uu subaxii baaskiilka fuulo, xilligaas oo aktarku aanu ilaalin wax ilaalo ah.

Qaar ka mid ah Abaalmarinadii la siiyey

Abaalmarinta Filmfare

  1. 1990: jillaaga ugu Fiican filimkii Maine Pyaar Kiya
  2. 1999: atoore caawiyaha ugu Fiican filimkii Kuch Kuch Hota Hai

Abaalmarinta National Film

  1. 2012: Filim Carruureedkii ugu fiicnaa ee Chillar Party
  2. 2016: Filimka ugu caansan ee Madadaalada filimkii Bajrangi Bhaijaan

Qaar ka mid ah filimadiisa

SanadkaMagaca filimkaMagaca uu ku jilayay
1988Biwi Ho To AisiVicky
1991     Sanam BewafaSalman Khan
1994Hum Aapke Hai KounPrem
1995Karan ArjunAjay/ karan
1997      JudwaaPrem / raja
1999      Hello BrotherHero
2003Tere NaamRadhe Mohan
2009      WantedRadhe
2010      DabanggChulbul Pandey
2015      Bajrangi BhaijaanPawan
2019Dabangg 3Chulbul Pandey
2021      RadheRadhe
2021Antim: The Final TruthInspector Rajveer Singh
Films

Xaqiiqooyin

MagaciisaAbdul Rashid Salim Salman Khan
NaaneysyadiisaSallu, Bhaijaan, rambo of india iyo kuwa kale oo badan
XirfaddiisaJilaa, film Soo saare iyo ganacsade
Dhashay27 December 1965 (age 57) Indore, Madhya Pradesh, India
Filimkii Ugu HoreeyayBiwi Ho To Aisi (1988)
waxbarashadiisaShadaado: Dugsi sare ayuu heystaa, Iskuulada: The Scindia School, Gwalior (M.P.) . St. Stanislaus High School, Bandra (Bombay)
HooyadiisaSushila Charak (dhashay), Helen (Aabihii xaaskiisa kale)
walaalihiisAlvira Khan Agnihotri, Arbaaz Khan, Sohail Khan, Arpita Khan
HiwaayaddiisaFarshaxanka iyo Dabbaasha
Xaaladdiisa guurWali ma guursan                                                                                                    
Xaqiiqooyin
Tumko To Aana Hi Tha

Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply