Taariikh Kooban: Wadanka Afghaanistaan

Last Updated on August 9, 2024 by Taariikh24

Afghanistan waa wadanka xiran ( wadan aan bad laheyn) oo ku yaalo koonfurta ama bartamaha qaaradda aasiya, wadankaan waa wadan buuraley ah, wuxuu xuduud la leeyahay wadamada kala ah Tajakistaan, Uzbakistan iyo Turkumaanistan oo waqooyi ka xigaan, Iiraan oo galbeed ka xigta, Shiinaha oo bari ka xiga halka wadanka Pakistan uu ka xigo dhanka koonfur.

Magaca Afghaanistaan waa dhulka afghan, caasimadda wadanka waa Kaabuul, Afghaanistaan wuxuu leeyahay taariikh aad u dheer waxaa soo marey dagaalo sokeeye oo aad badan, Afghaanistaan waa mid ka mid ah wadamadii uu ka dhacay dagaaladii u dhexeeyey Sofiyeetka iyo reer galbeedka

Wadanka Afghaanistaan waa mid ka mid ah sababihii uu la burburey midowgii Soofiyeetka, wadankaan waa wadan isku xira bariga, galbeedka, koonfurta iyo bartamaha Aasiya, waana wadan ay dano badan ay ka leeyihiin reer galbeedka, bedka dhulka Afghaanistaan waa 647500 km2, qabiilka ugu badan waxaa loo yaqaanaa bashtuun, waana dadkii bilaabey siyaasadda casrika ah ee afghaanistaan.

waxaana aasaasey Axmed Shaah sanadkii 1709  wuxuuna caasimad ka dhigtey Qandahaar , balse caasimadda waxaa la bedeley 1776 waxaana loo bedeley Kaabuul.

Taariikhdii gumeystaha

Laga soo bilaawo 1838 ilaa 1842 waxaa heystey Britain waxayna wakiil u magacowdey Shaah shujaah, balse 1842 ayaa la shirqooley waana la diley, Ingiriiska iyo hindidii ku nooleyd wadanka waxay la kulmeen leyn iyo barakicin maadaama la diley ninkii ay wakiil u magacowdeen waxayna iskaga bexeen kaabuul.

1878 ilaa 1880 waxaa socday dagaalkii labaad ee Afghaanistaan iyo Britain, dagaalkaas wuxuu horseedey in ay heshiis gaaraan labada dhinac kaas oo Afghaanistaan lagu siinaayo maamulkeeda arimaha dibdda.

Xornimadii Afghanistan

Sanadka markuu ahaa August 19, 1919 amiirkii Afghaanistaan Amaanullaah Khan ayaa ku dhawaaqey in ay Afghaanistaan ka xurowdey gumeystihii Britain.

1926 amiir Amaanullaah wuxuu isku dayey inuu bulshada heshiis dhexdhigo balse caqabado adag ayuu la kulmey Kaabuul ayuuna iskaga baxsadey 1929, Mohammed Daahir Shaah ayaa boqor ka noqdey Afghaanistaan heshiis la gaarey ka dib,

17- julaayo 1973 waxaa afgambi kula wareegay Mohamed Dawaad Khan iyadoo ay jirtey khilaafaad siyaasadeed iyo mashaakil badan, balse wuxuu naftiisa ku waayey khilaafaadkaas waxaana la diley 1978, waxaa ka dib qabtey Nuur Mohamed Taraaqi, wuxuu u leexdey uu oo garab ka dhigtay soofiyeetka, isagana Marso 27, 1979 ayaa la afgambiyey, waxaana xilka qabtey Babraak Karmal,

Isagana bishii November 1986 ayuu xilka iska casiley isagoo ku wareejiyey Mohammed Najiibullaah.

Wuxuuna xilka hayey ilaa 1992 markii ay islaamiyiintu qabsadeen Kaabuul, Najiibullaah wuxuu magangalyo u galey xarunta qaramada midoobey wuxuu magangalyo weydiistey India balse way diidey, 1996 waxaa Kaabuul xoog kula wareegey ururka Taalibaan

 Taalibaan ayaa xoog kula soo baxay Najiibullaah 27kii   September 1996 wayna cadaabeen ilaa ay ka dilaan ka dibna waxay meydkiisa sureen bartamaha wada Kaabuul ku taal.

Mohamed najiibullaah

Dagaalkii Soofiyeetka

1978 dhalashadii dowladihii shuuciga aheyd ka dib, Afghanka oo ah dad muslimiin ah way adagtahay in ay aqbalaan shuuciyadda.

Taasi waxay horseedey kacdoon ka dhan ah dowladdii shuuciyadda oo markaa hogaaminayey Nuur Mohamed Taraaqi, Afghaanistaan waxay gashey dagaal ka dhan ah nidaamka shuuciyadda halka Soofiyeetka oo ahaa shuuci iyo Mareykanka oo kasoo horjeedey ay kor kala socdeen iskuna hubeynayeen nidaamkii shuuciga iyo kacdoon wadayaashii kasoo horjeedey.

Soofieetka wuxuu ciidan usoo direy aAfghaanistaan 1978 si ay u taageeraan dowladda shuuciga aheyd dagaalna ula galaan kooxihii kasoo horjeedey ee u badnaa islaamiyiin, Soofiteetka wuxuu ogaadey in uu lugaha la galey dagaal aan dhamaad laheyn askar aad u badanna looga diley.

1985 Afghaanistaan waxaa kusoo qulquley islaamiyiin ka kala yimid wadamada muslimiinta ah Mareykanka wuxuu hub ku taageerey kooxihii islaamiyiinta isagoo eegaya dantiisa oo aheyd jebinta Soofiyeetkii heystey Afghaanistaan waxaa tabarucaad looga aruurin jirey wadamada muslimiint.

RaggiI ugu caansanaa kooxaha kacdoon wadayaasha waxaa ka mid ahaa Axmed Ahaah Mascuud, Jalaalu Diin Xaqaani, Qalbu Diin Xikmatiyar, Cabdalla Cazaam iyo Burhaanu Diin, ka dib toban sano oo dagaal lagu riiqmey Soofiyeetka ayaa iskaga baxay afghaanistaan 1989, wuxuu ka tagey dowladdii shuuciga aheyd ee uu taageerayey.

Burburkii dowladda

1992 ayey burburtey dowladdii shuuciga Afghaanistaan markii islaamiyiinta ay galeen Kaabuul oo ah caasimadda wadanka, ka dib kooxihii kacdoonka wadey ayaa isku soo jeestey wxaa qarxay dagaalo aad xun, 1996 waxaa kaabuul soo galey Taalibaan oo ka awood badisay dhammaan kooxihii isku hayey awoodda dalka, Taalibaan waa koox islaami ah oo lagu aasaasey magaalada qandahaar ee koonfur bari afghaanistaan sanadkii 1994 waxaana aasaasey Mullah Mohamed Omar 

Si ay Afghaanistaan ugu xukumaan diinta islaamka waxaa la aaminsanyahay in ay dowladda baakistaan aasaastey, waxayna ku dhawaaqeen dowladda islaamiga Afghaanistaan, waxayna talinayeen 1996 – 2001, ka dib weerarkii lagu qaadey mareykanka dowladda mareykanka ayaa Taalibaan ku eedeysay in ay gabbaad siiyaan Osama Bin Laden oo kooxdiisa Alqaacida sheegatey weerarkii daarihii mareykanka lagu burburiyey.

Mareykanka ayaa Taliban ka dalbadey in ay usoo gacan galiyaan bin Laden balse Taliban ayaa ku gacan seyrtey waxayna dalbadeen cadeyn, october 2001 Mareykanka iyo 45 dowladood ayaa kusoo duuley dowladdii Taalibaan ee Afghaanistaan, bshii November ee isla sanadkaas ayey mareykanka iyo xulafadiisa qabsadeen Kaabuul, waxay xilka u dhiibeen Xaamid Karazaay.

Si ku meel gaar ah 2002 xulafadii soo duuley waxay amniga dalka ku wareeiyeen dowladdi ay dhisteen ee Karazaay, 2004 ayaa Xaamid Karazaay si rasmi ah loogu doortey madaxweynaha Afghaanistaan, sanadii 2009 ayaa mar kale shan sano loo doortey.

2014kii Ashraf Ghaani ayaa loo doortey madaxweynaha dalka balse August 15, 2021 ayuu dalka iskaga baxay ka dib markii ay Taalibaan  la wareegeen xaafadaha magaalada Kabul.

Taalibaan ayaa mar kale  gudaha u galay caasimadda Kaabuul Augist/15/2021 iyagoo la wareegey madaxtooyada dalka Afghanistan, Taalibaan ayaa ka taliya wadanka Afgaanistaan waxayna bedeleen calankii hore iyo magaca dowladda oo ay ka dhigeen Imaarada Islaamiga ah ee Afgaanistaan, sanadkaan 2024 waxaa maamula Hibatullah Akhundzada oo Taalibaan madax u ah.

Hibatullaah-Akhundzaada

Qowmiyadaha daga Afghanistan

  1. Bashtun: 62% ayey dalka ka yihiin.
  2. Dhaajek: 25% ayey dalka ka yihiin.
  3. Hazaara: 3% ayey dalka ka yihiin.
  4. Baluush: 2% ayey dalka ka yihiin.
  5. Turkuman: 2 ayey dalka ka yihiin.
  6. Uzbik: 7,5% ayey dalka ka yihiin.
  7. Kuwa kale: 2,5% ayey dalka ka yihiin.

Tirakoobkaan waa 2021 waxaa laga yaaba in ay wax isbedeleen ka dib 2021.

Boqolkiiba 77% waxay ku hadlaan Persian ama Dari, Pashto waxaa ku hadla boqolkiiba 48%, Uzkek waxaa ku hadla 11%, English 6%, Turkumen 3%, Urdu waa 3%.

Magaalooyinka ugu waaweyn

  1. Kaabuul
  2. Qandahaar
  3. Waharaat

Cimilada Afghaanistaan waa mid xun xilliga jiilaalka waxaa aad u da,a baraf.

Codeka Afghaanistaan laga galo waa +93.


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

One thought on “Taariikh Kooban: Wadanka Afghaanistaan

Leave a Reply