Taariikh nololeedka Bill Gates

Bill Gates waa tignoolajiste, hogaamiye ganacsi, iyo samafale, waxa uu ku koray Seattle, Washington, isaga oo leh qoys la yaab leh oo taageera kuna dhiirigeliyay xiisaha uu u qabo kombuyuutar markii uu yaraa, wuxuu iskaga tagay college ka si uu Microsoft ula bilaabo saaxiibkii carruurnimada Paul Allen.

William Henry Gates III oo loo yaqaan Bill Gates wuxuu dhashay Oktoobar 28, 1955, Seattle, Washington, Waa wiilka William Gates, Sr., iyo Mary Maxwell gates, Gates aabihiis wuxuu ahaa qareen maxali ah, hooyadiisna waxay ku firfircoonayd isku xirka guddiyada maxalliga ah iyo bangiyada.

Gates wuxuu muujiyay karti degdeg o kombiyuutarada uu u leeyahay, markii uu yaraa, waxa uu markii hore rabay in uu raaco wadadii Aabihii oo uu sharciga galo, laakiin taasi way is bedeshay markii uu soo shaac baxay kombuuterka.

Xiisahani wuxuu kordhay ka dib markii Naadiga Hooyooyinka ee dugsigiisa ay iibsadeen qalabka computer ka, Gates waxa uu bilaabay in uu ku qoro barnaamijyo ku baxa luuqado kala duwan oo kombuyuutar ka ah, isaga oo la shaqaynaya asxaabtiisa si uu u balaadhiyo aqoonta uu u leeyahay sida kombayuutaradu u shaqeeyaan.

Gates waxa uu ahaa mid yar marka loo eego da’diisa, dhererkiisuna waa uu gaaban yahay taas oo keentay in isaga loo caga jugleeyo yaraantiisii, halka dhererkiisu uu aakhirka kori doono 5″10′, tani waxay soo bandhigtay arrimo badan Gates markuu yaraa.

Waxa uu markii dambe sheegay in dhererkiisa yar iyo cagajuglaynta ay ka caawisay inuu ka noqdo hogaamiyaha manta, Gates waxa kale oo uu cagajuglaynta u sababeeyey garaadkiisa aadka u sarreeya, oo labaduba ka soo burqanayeen IQ-giisa sarreeya.

Ganacsigii ugu horreeyay ee Gates wuxuu ahaa markii uu jiray 17 jir, isagoo la shaqeynaya saaxiibkiis si uu u bilaabo shirkad sameysa xisaabaadka, tani, dabcan, waxay ahayd horudhac waxyaalaha soo socda.

Guusha tacliineed si sahal ah ayey ugu timid Gates, wuxuuna iska diiwaan galiyay Harvard 1973, marka la eego guusha ganacsigiisa iyo IQ-kisa aadka u saraysa waxaa lagu soo warramey inuu joogo 160, tani lama yaabbana cid kasta oo ag joogta Gates.

Waxbarashadiisa

Gates waxa uu galay Lakeside School isaga oo 13 jir ah, waa halka uu ku qoray barnaamijkiisii ​​kombuyuutarka ee abid ugu horeeyay, waxa uu ahaa mid is daba joog ah marka ay timaado waxqabadkiisa maadooyin kala duwan, caqligiisu waxa uu si hufan ugu soo baxay xisaabta iyo sayniska isaga oo si isku mid ah ugu fiicnaa riwaayadaha iyo Ingiriisiga.

Intii uu ku jiray nolosha dugsiga, Gates wuxuu horumariyay xiisaha uu u qabo kumbuyuutarrada iyo habka ay u shaqeeyaan, waxa uu saacado ku qaatay qolka kombiyuutarka ee dugsigiisa, xiisihiisii ​​hore ee barnaamijka wuxuu u soo baxay qaab barnaamijka tic-tac-toe, kaas oo u oggolaaday isticmaalayaashu inay ciyaaraan ciyaaraha ka dhanka ah kumbuyuutarka.

Bill wuxuu ku dhammaystay dugsigiisii ​​sare ee Lakeside School sanadkii 1973, Xitaa wuxuu keenay 1590 halka guud ahaan laga rabaya 1600 markii uu ka qalin jabiyay Dugsiga Lakeside.

Waalidiinta Gates had iyo jeer waxay rabeen in wiilkooda Gates uu noqdo qareen, markaa waxay u direen jaamacada Harvard ka dib markii Gates uu dhamaystay dugsigiisii ​​sare ee Lakeside, Harvard, Gates wuxuu kula kulmay saaxiibkiis Steve Ballmer.

Laba sano ka dib, wuxuu ka tagay Jaamacadda Harvard, halka saaxiibkiis Steve Ballmer uu halkaas joogay oo uu ka qalin jabiyay.

La kulanka saaxiibkii

Dugsiga Lakeside, Gates wuxuu kula kulmay saaxiibkiisa ugu fiican, Paul Allen, Allen wuxuu laba sano ka weynaa Gates, labadooduba waxay ku kala duwanaayeen shakhsiyaddooda, Gates wuxuu ahaa mid dagaal badan, halka Allen uu ahaa mid xishood badan oo dhawrsanayay marka la barbar dhigo Bill Gates oo aad uga da’yar, in kasta oo la isku khilaafay, waa la wada joogay oo wada shaqayn jiray.

Microsoft

In kasta oo ay kala tageen intii ay ku jireen kulliyadda, Gates iyo Allen way wada xidhiidhi jireen, Allen wuxuu tusay Gates Popular Electronics Magazine, kaas oo soo bandhigay qalabka yar ee Altair 8800, waxay aad ula dhaceen fursadaha uu kumbiyuutarkani u leeyahay xisaabinta shakhsi ahaaneed.

MITS, ama Micro Instrumentation & Telemetry Systems, waxay ahayd shirkaddii samaysay Altair 8800, labaduba waxay la xidhiidheen shirkadda oo ay sheegeen inay soo saarayaan software-ka ku shaqeeya kombiyuutarkan, si kastaba ha ahaatee, waxay u baahdeen Altair si ay ugu socodsiiyaan koodka ama la shaqeeyaan, taas oo aysan haysan.

Ed Roberts oo ahaa madaxa shirkadda fadhigeedu yahay magaalada Albuquerque ee MITS ayaa ka codsaday labada nin inay soo bandhigaan shaqadooda, Gates iyo Allen waxay ku qaateen labadii bilood ee soo xigtay qolka kombiyuutarka ee Jaamacadda Harvard si ay ku qoraan software-kooda oo saldhig u ahaa barnaamijka BASIC.

In kasta oo ayan waligood ku kicin barnaamijka kumbuyuutarka Altair, Allen wuxuu u safray Albuquerque si uu ugu muujiyo MITS, si la yaab leh, barnaamijku wuxuu si fiican ugu shaqeeyay Altair 8800, MITS waxay siisay Allen shaqo, Gatesna wuxuu ka tagay Harvard wuxuuna ku biiray wax yar ka dib.

Isaga iyo saaxiibkiis ugu wanagsan Paul Allen, Gates waxa uu asaasay xididka Microsoft, kaas oo badali doona mustaqbalka compuerka, hal abuurnimada farsamada, xeeladaha ganacsiga iyo tabaha caqliga leh ee Gates ayaa si wada jir ah uga wada shaqeeyay sidii Microsoft looga dhigi lahaa ganacsiga software-ka ugu muhiimsan caalamka.

­ Microsoft oo ah shirkadda ugu caansan ee software-ka, waxaa iska leh Bill Gates, waxa kale oo uu ku leeyahay saamiyo malaayiin doollar ah shirkado kale oo badan.

Bill Gates iyo Paul Allen waxay sameeyeen Microsoft 1975 waxay ku sameeyeen magaalada Albuquerque, gobolka New Mexico, U.S, magaca shirkadu waa isku darka “Micro-computer” iyo “software.”, Allen ayaa keenay magaca Microsoft, waxay soo saartay barnaamijkeedii ugu horreeyay ee ku shaqeeya kumbuyuutarka Altair.

Sannadkii 1978-kii, Microsoft waxay Japan ka aasaastay xafiiskeedii ugu horreeyay ee caalami ah, shirkaddu waxay usoo guurtay Washington 1979kii sababtoo ah programmer’s ka ugu fiican ayaa ku yaraa Albuquerque.

Kuwa xiiseeya kombayuutarka ayaa markaa damcay inay dib u soo saaraan software-ka ka dib markii ay heleen ​​mid ka mid ah koobiyadii hore ee software-ka, dadka xiiseeya kombuyuutarku waxay u qaybiyeen nuqullada software-ka saaxiibadood iyo isticmaalayaasha kale, Gates wuxuu u arkay falkan mid xatooyo ah.

shirkaddu waxay si dhakhso ah u bilawday koritaanka, 1979kii, Microsoft waxay soo saartay $2.5 milyan, Gates wuxuu noqday madaxa Microsoft, Gates wuxuu noqday guddoomiyaha guddiga iyo guddoomiyaha guud, Allen wuxuu noqday madaxweyne ku xigeenka, Steve Ballmer ayaa markii dambe ku biiray Microsoft 1980, Waxa uu ka guuleystay Gates inuu noqdo maamulaha shirkadda (2000-2014).

Horraantii 1983, Allen wuxuu ka tagay shirkadda ka dib markii laga helay kansar, inkastoo uu weli ahaa madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiye ku xigeenka.

Gates waxa uu ku bilaabay hogaamintiisa ganacsi hibada uu u leeyahay horumarinta software-ka, isaga oo shirkada u horseeday dariiq cusub oo guul ah, Wuxuu dib u qoray koodhadhkii markii uu dareemay inay lagama maarmaan tahay.

John Opel oo ahaa madaxa shirkadda IBM, ayaa la xidhiidhay Bill Gates, John wuxuu rabay software cusub oo ku shaqeeya kumbiyuutarada IBM ay soo saartay, IBM waagaas, waxay qalab kombuyuutar siisay shirkado ganacsi.

Wakiilka IBM wuxuu xusay inay u baahan yihiin Microsoft inay u dhisto Software Operating kombayutarkooda soo socda ee IBM PC, Gates ayaa marka hore u gudbiyay Cilmi baarista Dijital ah.

Wax yar ka dib, Gates iyo Allen waxay u soo dhawaadeen IBM, iyagoo soo jeediyay in la isticmaalo 86-DOS, Microsoft waxay xidhay heshiis ay la gashay SCP, iyadoo noqotay wakiilka shatiga gaarka ah ee 86-DOS ka dibna mulkiilaha.

Microsoft waxay IBM u dirtay OS ka PC DOS waxayna ka siisteen lacag hal mar ah oo dhan $ 50,000, si kastaba ha ahaatee Gates uma wareejin xuquuqda daabacaadda OS-ga IBM.

Iskaashiga Microsoft ee IBM waxay ka kasbadeen hanti yar oo kaliya, laakiin aqoonsiga ay kasbadeen ayaa ahaa mid weyn, iskaashigu wuxuu u gogol xaarayey in Microsoft ay noqoto shirkadda ugu weyn ee software-ka adduunka.

Windows OS waxay ahayd jawaab tartan ah oo Microsoft siisay Macintosh GUI ee Apple, bishii Noofambar 20, 1985, Microsoft ayaa soo saartay nuqulkii ugu horreeyay ee Windows, Microsoft iyo IBM waxay ugu horreyn sameeyeen heshiis ay ku abuurayaan nidaam cusub, laakiin kala duwanaanshahooda hal abuureed ayaa hor istaagay, qorshuhuna wuu fashilmay.

Ka dib, OS-gu wuxuu u xuubsiibtey noocyo casri ah oo ka hormarsan, hadda Windows 11 ayaa ah kii ugu dambeeyey.

ganacsi ka baxsan Microsoft

Marka laga reebo Microsoft, Bill Gates waxa uu leeyahay hawlo kale oo ganacsi oo badan oo aanay dadka intiisa badani garanayn, Waa kuwan qaar ka mid ah ganacsiyada caanka ah.

  1. Gates wuxuu leeyahay saamiga ugu weyn ee saamiyada Canadian National Railway(CN).
  2. Bill wuxuu leeyahay 16% saamiga ganacsiga NYSE.
  3. Bill wuxuu aasaasay shirkad maalgashi oo gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo Cascade Investment LLC. Xarunta dhexe ee ururkani waxay ku taal Kirkland.
  4. Gates waxa uu leeyahay 242,000 acres oo dhul ah oo uuu ku leeyahay 19ka gobol ka mid ah gobolada Maraykanka ah.
  5. Gates wuxuu aasaasay Corbis, shirkad shati siinta sawirka dhijitaalka ah.
  6. Gates waxa uu wax ka asaasay oo madax ka ahaa shirkad tamarta nukliyeerka oo lagu magacaabo TerraPower.

Samafalka

Adduunku wuxuu u yaqaan Bill Gates kaliya maaha mid ka mid ah dadka ugu taajirsan adduunka laakiin sidoo kale wuxuu u yaqaanaa mid ka mid ah samafalayaasha ugu waaweyn ee adduunka soo maray, Bill Gates waxa uu bilaabay hay’ad samafal ah 1994kii wuxuuugu magac daray “William H Gates Foundation.”.

Sannadkii 2000, Gates iyo xaaskiisa, Melinda waxay isu geeyeen saddex hay’ad, waxayna abuureen Bill & Melinda Foundation, Bill laftiisu wuxuu ugu deeqay 5 bilyan oo doolar hay’adda, 2013,  waxay noqtay hay’adda samafalka ugu qanisan adduunka.

Lamaanahan ayaa la sheegay in ay ku kharash gareeyeen $36 bilyan intii u dhaxaysay 1994 iyo 2018, intaa waxaa dheer, maalqabeenka Mareykanka ee Warren Buffett ayaa sidoo kale sameeyay ballanqaad aan xilli ku ekeyn si uu ugu deeqo in ka badan 30 bilyan oo doolar.

Mu’asasada ayaa ka shaqaynaysay sidii loo baabi’in lahaa cudurrada sida duumada iyo Aids-ka waxayna iskaashi la samaysay Gavi, Isbahaysiga Tallaalka, si ay u siiso tallaalka COVID-19 waddamada soo koraya.

Hay’adda ayaa deeq waxbarasho siisay 20000 oo arday Maraykan ah oo dakhligoodu hooseeyo, hay’adda waxay ka shaqeysaa 135 waddan waxayna leedahay ku dhawaad ​​​​1600 oo shaqaale ah oo adduunka oo dhan ah oo si hagar la’aan ah uga shaqeynaya sidii hadafka hay’adda loo xaqiijin lahaa.

Amaal marinno

Bill Gates waxa uu ku guulaystay abaal marino dhawr ah:-

  1. Waxa uu ku guulaystay Biladda Tignoolajiyada & Hal-abuurka Qaranka 1992kii.
  2. Waxaa lagu abaalmariyay Buffalo Silver sanadkii 2010.
  3. 2013, Abaalmarinta Bambi Millennium Award waxaa la siiyay Gates, sidoo kale, Abaalmarinta Adeegga Dadweynaha ee Lasker-Bloomberg ayaa la siiyay isla sanadkaas.
  4. Bill Gates waxaa la siiyay Padma Bhushan 2015.
  5. Sannadkii 2016-kii, Bill Gates waxa uu ku guulaystay Presidential Medal of Freedom.

Qoyskiisa

Gates wuxuu ka yimid qoys ka kooban shan qof oo leh gabar ka weyn iyo gabar ka yar, qoyskiisa ayaa lagu tilmaamay inay ahaayeen kuwo aad ugu dhow inay hormaraan, walaashii ka weyn waa Kristi Gates, midda ka yarna waxaa lagu magacaabaa Libby Gates,

Aabihii oo dhintay waxaa lagu magacaabi jiray William H. Gates Sr., wuxuu qareen ka ahaa Seattle, sidoo kale wuxuu ka mid ahaa guddoomayaasha Bill & Melinda Gates Foundation, hooyadiis oo geeriyootay, Mary Gates waxa ay ahayd macallimad iskuul, Jaamacadda Washington regent iyo guddoomiyaha United Way International.

Gates waxa uu guursaday xaaskiisii ​​hore Melinda French,1994, labaduba waxay kulmeen xilli ay ka wada shaqaynayeen Microsoft, waxay isku dhaleen saddex carruur ah oo kala ah Phoebe Adele Gates, Rory John Gates, Jennifer Gates.

Kala taggii xaaskiisa

Bishii Maajo 2021, Bill iyo Melinda Gates waxay soo dhigeen Twitterka waxayna ku dhawaaqeen inay raadin doonaan inay kala tagaan, Ku dhawaaqista Twitter-ka ayaa adduunka ka yaabisay, balse warar dambe ayaa tilmaamaya in mid ka mid ah ilaha khilaafka guurkooda uu ahaa xiriirka Bill Gates iyo Jeffrey Epstein oo ah ganacsade Mareykan ah oo la xiray laguna helay dambiyo badan oo dhanka galmada ah.

Sida laga soo xigtay warbixinnada, Melinda Gates waxay bilawday inay la hadasho qareennada furiinka horaantii 2019, iyadoo xidhiidhka Gates iyo Epstein uu u adeegayo inuu kiciyo dhamaadka xidhiidhkooda.

Furriinka si degdeg ah ayuu u dhacay waxaana la soo gabagabeeyey Agoosto 2021. Sida ku cad shuruudaha, waxaa jiri doona kala qeybsi aan la garanayn oo dhinaca hantida ah, labaduba waxay sidoo kale sii wadi doonaan wada shaqaynta Bill iyo Melinda Gates Foundation.

Qaar ka mid ah Oraahyadiisa

  1. “naftaada hala barbar dhigin qof kasta oo aduunkan jooga, haddii aad sidaas samayso, waxaad caayaysaa naftaada.”.
  2. “Waa wax fiican in la dabaaldego guusha laakiin waxaa aad muhiim u ah in la tixgeliyo casharrada guuldarada.”
  3. “Dhammaanteen waxaan u baahanahay dad na siinya jawaab celin. taasi waa sida aan u horumarino.”.
  4. “Marka la hagaajiyo caafimaadka, awoodsiinta haweenka, kobaca dadwaynaha ayaa hoos u dhacaya.”
  5. “Waxaan doortaa qof caajisloow ah inuu qabto shaqo adag, maxaa yeelay, qofka caajiska badan wuxuu heli doonaa waddo sahlan oo uu ku sameeyo.
  6. “Noloshu cadaalad maaha – la qabso!”.
  7. “Samirku waa shay muhiim u ah guusha.”
  8. “Si aad u guulaysato guul weyn, mararka qaarkood waa inaad halis weyn gasho.”
  9. “Haddii aad u malaynayso in macalinkaagu adag yahay, sug ilaa aad ka helayso madax.”
  10. Marna si buuxda uguma qanacsani badeecad kasta oo Microsoft ah.

Xaqiiqooyin

Magaciisa buuxaWilliam Henry Gates III
Magaca aabihiiWilliam H. Gates Sr
Magaca hooyadiiMary Maxwell Gates
Xilligii uu dhashayOctober 28, 1955
Goobtuu ku dhashaySeattle, Washington, United States
XaaskiisaMelinda French Gates
WalaaladiiWaxaa la dhashay labo gabar kala ah: Libby Gates iyo Kristi Gatesac
CaruurtiisaWaa seddax: Jennifer Gates, Phoebe Adele Gates iyo Rory John Gates
waxbarashadiisaJaamacadda Harvard ayuu labo sano dhiganayey ka dib wuu iskaga tagay.
Natiijada sanadkaWuxuu  keenay 1590 imtixaankii sanadka oo lagu saxayey 1600
Wuxuu bilyaneer noqdayIsagoo 31 sano jir ah.
Wuxuu ahaa madaxa MicrosoftSanadihii 1975 ilaa 2000
Wuxuu coding ka bilaabayIsagoo 13 sano jir ah
Sanadkii wuxuu akhriyaa50 buug sanadkiiba.
HantidiisaOktoobar 11, 2023, Forbes waxay ku qiyaastay in Bill Gates’ uu heysto $109.7 bilyan.

Reference: https://mashummollah.com/bill-gates-biography/


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply