Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud waxa uu dhashay 15 Shawwal, 1354H oo ku beegneyd 31 December, 1935 wuxuu ku dhashay magaalada Riyaad ee caasimadda dalka, waa wiilkii 25-aad ee uu dhalay aasaasihii Boqortooyada Sacuudi Carabiya Marxuum King Abdulaziz Al Saud.
Mas’uulka Labada Masjid ee Barakeysan Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis Al-Sacuud ayaa kula soo koray walaalihiis qasriga Boqortooyada ee Riyaad halkaas oo uu aabihii ku wehliyey la kulanka boqorada iyo Madaxweynayaasha Caalamka.
Waxbarashadiisa
Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis Aala Sucuud ayaa waxbarashadiisii hore ka bilaabay dugsiga amiirada ee magaalada Riyaad halkaas oo uu ku bartay duruus diini ah iyo cilmiga casriga ah.
Boqor Salmaan waxa uu xifdinta Qur’aanka Kariimka ah dhameeyay isaga oo toban jir ah xilli uu ka qayb galayay duruustii uu soo jeedinayay Sheekh Cabdallah Khayat.
Waxa uu helay dhowr shahaado sharaf iyo abaalmarino tacliimeed oo ay ku jiraan shahaado sharaf uu ka qaatay Jaamacadda Islaamiga ah ee Madiinah, abaal marinta tacliinta ee Amiir Salmaan, iyo billadda Kant ee ay bixiso akadeemiyada Berlin-Brandenburg iyaga oo uga mahadcelinaya wax qabadkiisa.
Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa muujiyay xiisaha uu u qabo cilmiga, kaddibna waxa uu helay shahaado sharafyo iyo abaal marinno badan oo ay ka mid yihiin: –
- Honorary Doctorate oo uu ka qaatay Jaamacadda Islaamiga ah ee Madiina.
- onorary Doctorate of Literature Jaamacadda Umm Al Qura ee magaalada Makkah.
Gudoomiyaha Riyaad
Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa loo magacaabay duddoomiyaha gobolka Riyaad oo ah mid ka mid ah gobollada iyo caasimadda Boqortooyada Sacuudiga isagoo ku jira marxalad muhiim ah oo taariikhda magaaladan ah.
Boqor Salmaan waxa loo magacaabay Ku simaha guddoomiyaha Gobolka Riyaad isagoo 19 jir ah 11, Rajab, 1373 kuna beegan 16, March, 1954.
Sanad ka dib oo aheyd 25, Sha Shacbaan, 1374 kuna beegan 18, April, 1955 waxaa loo magacaabay guddoomiyaha Gobolka Riyaad isagoo ah darajada wasiir, intii uu joogay qasriga dawladda ee Riyaad boqor Salmaan waxa uu gutay shaqadiisa guddoomiyaha Gobolka Riyaad.
Wuxuu guddoomiyaha Riyadh ahaa April 1955 ilaa December 1960, mar kale February 1963 ilaa Nov. 5, 2011, markaas oo loo magacaabay Wasiirka Difaaca.
Boqor Salmaan waxa uu ahaa gudoomiyaha gobolka Riyaad in ka badan 50 sano, wuxuu Riyad la wareegay iyada oo ay ku nool yihiin 200,000 oo qof wuxuuna ka dhigay mid ka mid ah caasimadaha ugu kobaca badan Carabta oo ay hadda ku nool yihiin in ka badan 5,000,000.
Boqor Salmaan waxa uu la kulmay caqabado badan oo ku saabsan taageerada horumarka iyo kobaca, laakiin waxa uu muujiyay karti sare oo uu u leeyahay in uu fuliyo hindisayaal ay caasimadda Sucuudigu maanta ku noqotay mid ka mid ah magaalooyinka ugu qanisan gobolka.
Wasiirka Gaashaandhigga
Bishii Nofeembar, 2011, Amiir Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa loo magacaabay Wasiirka Difaaca ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ay ku jiraan Ciidamada Dhulka, Cirka iyo Badda iyo Difaaca Cirka.
Muddadii uu xilka hayay, Wasaaradda Gaashaandhigga waxa ay ka markhaati kacday horumar loo dhan yahay oo laga gaaray dhammaan qeybaha kala duwan ee Wasaaradda ee dhanka tababarada iyo hubeynta. Waxa kale oo uu ku guulaystay in uu kormeero Dhoolatuskii ugu ballaadhnaa ee taariikhda ciidamada qalabka sida ee Sucuudiga (Seefta Cabdullaahi).
Arimaha samafalka
Laga soo bilaabo 1956 Boqor Salmaan waxa uu guddoomiye u ahaa guddiyo kala duwan oo bini’aadantinimo iyo kuwo adeeg oo ka samata bixiya masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa ay dadku sameeyeen.
Adeegyadiisa bini’aadantinimo darted waxa lagu abaalmariyay bilado badan iyo maamuus oo ay ku jiraan abaal marinada Bahrain, Bosnia and Herzegovina, France, Morocco, Falastiin, Filibiin, Senegal, Qaramada Midoobay, Yemen, iyo Biladda Boqor Abdulaziz – Heerka Koowaad.
La wareegiddii Boqortooyada
Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis waxaa 3-dii Rabiic Al Thani 1436H (January 23, 2015) loo dhaariyay masuulka labada masjid ee barakeysan kadib markii uu geeriyooday mas’uulkii labada Masjid ee Xaramka Boqor Cabdallah Bin Cabdicasiis.
Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa waxaa dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka u magacaabay Boqor Cabdallah Bin Cabdicasiis Jun 18, 2012 ka dib markii uu geeriyooday Dhaxal sugihii Boqortooyada Nayef bin Abdulaziz.
Intii lagu guda jiray booqasho rasmi ah oo uu ku tagay Mareykanka isagoo ah dhaxal sugaha Boqortooyada bishii Abriil 2012, Boqor Salmaan wuxuu la kulmay madaxweyne Barack Obama.
Qoyskiisa
Salman waa wiil uu dhalay Boqor Cabdulcasiis iyo Xassa bint Axmed Al Sudairi, caruurta uu aabihii dhalay waxay kor u dhaafayaan 72 caruur ah oo ay u kala dhaleen in ka badan 20 xaas, Boqor Salmaan waxa uu qabaa saddex xaas, caruurtiisa waxay gaarayaan 13 carruur ah Maxamed bin Salmaan oo ah dhaxal sugaha boqortooyada ayaa ugu caansan.
Reference
https://stgcdn.spa.gov.sa/king-cv.en.php\
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.