Taariikh nololeedka Brahmanandam oo soomaalidu u taqaan leeleefow

Brahmanandam waa jilaa aflaanta Hindida iyo shactiroole, caan ku ah shaqadiisa inta badan shaleemooyinka Telugu, waxaa lagu tiriyaa inuu yahay majaajiliistaha ugu weyn ee abid soo saara filimada Telugu

Brahmanandam oo magaciisa buuxa yahay Kanneganti Brahmanandam wuxuuna caruurnimadiisii ​​ku qaatay faqri wuxuuna  halgan ugu jirey sidii u uku heli lahaa adeegyada aasaasiga ah, Brahmanandam wuxuu dhashay 1dii Febraayo 1956 wuxuuna ku dhashay Muppala oo u dhow Sattenapalli, Andhra Pradesh.

Mar, inta lagu guda jiray Diwali, aabbihii ma awoodin inuu u iibiyo buskudka carruurtiisa laakiin markii Brahmanandam iyo walaalihiis ay ku adkaysteen buskudka, aabbihii waxa lagu qasbay in uu lacag weydiisto cidda uu u shaqeeyo.

Waxa uu haystaa rikoorka Guinness World Record ee jilaaga ugu badan kasoo muuqashada shaashadda, wuxuu kasoo muuqday in ka badan 1000 filim ilaa manta, waxa la siiyay shahaado sharafeed ay siisay jaamacadda Acharya Nagarjuna, waxaa loo tixgeliyey mid ka mid ah jilayaasha ugu wanaagsan uguna mushaarka badan jilayaasha majaajilada Hindiya.

Waxaa lagu sharfay Padma Shri, abaalmarinta madaniga ah ee afraad ee ugu sarreysa Hindiya, wax ku biirintiisa Filimada.

Kadib markii uu dhammaystay Master of Arts, Brahmanandam waxa uu macalin Telugu ka ahaa tuulada Attili ee degmada West Godavari, Andhra Pradesh, Waxa uu jacayl u qaaday jilista markii uu dhiganayay dugsiga hoose halkaas oo uu ku helay abaalmarino badan, Intii uu macalinimo ka shaqaynayay waxa uu sare u qaaday xirfadiisa jilida isaga oo ka qayb qaadanaya tiyaatarada.

Waxbarashadiisa

Waxbarashadiisa waxa uu ku qaatay magaaladii uu ku dhashay wuxuu qaatay Pre-University Course (PUC), kadib markii uu dhamaystay waxbarashadiisa waxa uu ka qalin jabiyay Dantuluri Narayana Raju College, waxa uu sii watay waxbarashadiisa oo uu Master-kiisa ku qaatay cilmiga Fanka Jaamacadda Andhra.

Qoyskiisa

Brahmanandam Kanneganti aabihii waxaa la oran jiray Nagalingachari hooyadiina waa Lakshmi Narsamma, aabihii wuxuu ahaa nijaar (farsameeyaha alwaaxda), Brahmanandam waxa uu leeyahay todoba walaalo ah, shan wiil iyo laba gabdhood.

Brahmanandam wuxuu guursaday Lakshmi wuxuuna dhalay labo wiil oo lagu kala magacaabo Raja Gautham iyo Siddharth, Gautham sidoo kale waa jilaa ka soo muuqday filimada sida Pallakilo Pellikoothuru (2004), iyo Manu (2018).

Jilista filimada

Brahmanandam waxa uu shaqadiisa aflaanta soo bilaabay 1985 asigoo jilaya Filimka Sri Tatavataram Filimkan waxaa Director ka ahaa Satyanarayana Vjella, waxaana uu soo baxay sanadkii 1988-kii. Brahmanandam waxa uu aqoonsi ka helay ‘Aha Na a Pellanta’ intaa wixii ka danbeeyay dib ma eegin, socdaalkiisa guulaha uu ka gaadhay filimada ayaa socday ilaa maanta.

Intii lagu guda jiray duubista filimka Chantabbai, Brahmanandam wuxuu is baray Chiranjeevi, oo ah jilaa caan ah, waxa uu u soo bandhigay xirfada uu leeyahay oo uu aad ula dhacay, sidaa darteed, Chiranjeevi ayaa Brahmanandam ku casuumay Madras wuxuuna u balan qaaday inuu ka caawin doono sidii uu fursado ugu heli lahaa filimada.

Saddex qof oo kala ah, Jandhyala, Chiranjeevi iyo D. Ramanaidu ayaa ka caawiyay inuu bilaabo xirfadiisa jiliin.

Sannadihii xigay waxa uu ka soo muuqday aflaan badan oo Telugu ah, waxaana ka mid ah ​​aflaamta Vivaha Bhojanambu (1988), Choopulu Kalisina Shubhavela (1988), Bandhuvulostunnaru Jagratha (1989), Muddula Mavayya (1989), Jagadeka Veerudu Atiloka Sundari (1990) , Bobbili Raja (1990) iyo Bamma Maata Bangaru Baata (1990).

Laga bilaabo 1991, Brahmanandam waxa uu kasoo muuqday doorar majaajillo ah oo kala duwan iyo doorar aad u adag, sanadkii 1991-dii, waxa uu jilay aflaan waaweyn sida Kshana Kshanam (1991) iyo Rowdy Alludu (1991), The Times of India waxay u tixgelisay filimada Chitram Bhalare Vichitram (1991), Jamba Lakidi Pamba (1992), iyo Yamaleela (1994) inay yihiin filimaan aan qofku waligiis ka caajisi karin.

Sannadkii 1992-kii, waxa uu markii ugu horreysay ka ciyaaray doorka hoggaamineed filimkii Hotel Babai.

Wuxuu ku jilay doorarka hogaaminta kaliya labo filim oo kala ah Babai Hotel (1992) iyo Pellama Majaka (1993).

35-kii sano ee uu ku jiray xirfada jilista, Brahmanandam si adag ayuu u shaqeeyay maadaama uu ka shaqayn jiray 3-4 saacadood habeen iyo maalin gobolada kala duwan ee Hindiya, shaqada xad dhaafka a ayaa caafimaadkiisa si xun u saamaysay, hadda, waxa uu jilaya dhawr filim oo keliya.

Bishii Janaayo 2019, Brahmanandam waxaa soo wajahay dhibaato xagga neefsashada ah oo aad u daran, waxaana la geeyay Machadka Wadnaha ee Asian Heart Institute (AHI) ee Mumbai halkaas oo uu ku maray qalliin dhanka wadnaha ah.

Abaalmarinta filimka

Brahmanandam waxa uu ku guulaystay abaal marinta majaajiliistaha ugu wanagsan asigoo ku mutaystay bandhigiisa Aha Naa-Pellanta! Filim, bishii Janaayo 2009, wuxuu helay abaalmarinta Padma Shri.

Brahmanandam wuxuu kaloo ku guuleystey lix state Nandi iyo lix CineMAA Awards, abaal marinta Filmfare Award South iyo saddex abaal marinood oo filimada Koonfur Hindiya ah.

24kii Juun 2010, Diiwaanka Guinness World Records ayaa u aqoonsaday Brahmanandam jilaayaha jilay filimada ugu badan inta nool.

Xaqiiqooyin

Magaciisa oo buuxaBrahmanandam Kanneganti
dhashay1 February 1956
ku dhashayChaganti Vari Palem Sattenapalli, Guntur District, Andhra Pradesh, India
dhalashadiisaindian
diintiisaHinduism
magaca aabihiiNagalingachari
hooyadiiLakshmi Narsamma
waxbarashadiisaM.A
xaaskiisaLakshmi Kanneganti
caruurtiisaSiddharth Kanneganti (kan yar), Raja Gautam Kanneganti (kan weyn)
jilaaga uu xiiseeyoAmitabh Bachchan
filimkiisii ugu horeeyeySri Tatavataram (1985)
aflaamta uu atoore ka ahaaBabai Hotel (1992) iyo Pellama Majaka (1993).
naanestiisaJaffa, Brahmi, soomaalida( leeleefow, isku dhuuq)
wuxuu xiiseeyaaAkhrinta iyo qoraalka

Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply