Dr. Zakir Abdul Karim Mohammed Naik waa caalim iyo wadaad caan ku ah faafinta diinta islaamka, waxa uu ku dhashay magaalada Mumbai dalka Hindiya, wuxuu dhashay 18 Oct, 1965, Waa aasaasihii iyo guddoomiyaha hay’adda cilmi-baarista Islaamka iyo aasaasihii TV-ga Peace.
Waxbarashadiisa
Dr. Zakir Naik waa daaci faafiya diinta Islaamka una dhashay dalka Hindiya, Waxa uu ka baxay Kishinchand Chellaram College, wuxuuna shahaadada caafimaadka iyo qalliinka ka qaatay Topiwala National Medical College iyo BYL Nair Charitable Hospital ee Mumbai, waxa kale oo uu shahaadada cilmiga fiqiga Islaamka ka qaatay jaamacadda Islaamiga ah ee Madiina ee dalka Sucuudiga.
Eedeymaha India
Sannadkii 2016-kii, mas’uuliyiinta Hindiya ayaa Dr. Zakir waxay ku soo oogeen lacag dhaqid iyo kicinta nacayb kooxo kala duwan isagoo ku sugan dalka Malaysiya, Zakir Naik kuma soo laaban Hindiya wuxuuna noqday muwaadin Malaysian ah, hay’adda dambi-baadhista qaranka ee Hindiya ayaa ku guul darraysatay inay soo saarto ogaysiis cas oo Interpol ah oo lagu xidhayo maadaama aan caddaymo ku filan heynin.
Dowladda Hindiya ayaa IRF u aqoonsatay urur aan sharci ahayn iyagoo ku eedeeyey ku lug lahaanshaha waxa ay ugu yeeraan argagixisada balse Dr. Zakir wuu diiday inuu wax lug ah ku leeyahay argagixsada.
Peace TV waa ka mamnuuc India, Bangladesh, Canada, Sri Lanka, iyo Boqortooyada Ingiriiska.
Faafinta diinta Islaamka
Dr. Naik ayaa caan ka ah adduunka oo dhan sababtoo ah wuxuu si fududu sharxi karaa diinta taas oo ay fahmi karaan dadka caadiga ah, sannadkii 1991-kii waxa uu aasaasay Mu’asasada Cilmi-baadhista Islaamka (IRF) oo ujeeddadeeda ugu weyni ahayd horumarinta aqoonta Islaamka iyo sidoo kale caddaynta fikradaha khaldan dadka aaminsanyihiin ee la xidhiidha diinta.
Hawlaha Islamic Research Foundation (IRF) waxaa ka mid ahaa qabashada siminaaro, daabacaadda buugaagta iyo kuwa kale.
Sannadkii 2006-dii waxa uu xariga ka jaray TV-ga Peace TV oo ah mid caalami ah oo Islaami ah kaas oo laga soo daayo muxaadarooyin, doodo iyo barnaamijyo ku baxaya luuqado kala duwan, kanaalkani waxa uu soo jiitay malaayiin taageerayaal ah taas oo keentay inuu caan ka noqdo bulshooyin badan oo Muslimiin ah oo adduunka ah.
Mid ka mid ah mawduucyada muhiimka ah ee Dr. Zakir Naik waa doodaha dadweynaha ee uu la galo culimada diimaha kale gaar ahaan Masiixiyadda iyo Hinduuga, wuxuu bixinayay muxaadarooyin ku baxaya Ingiriisi, isaga oo jeedinayay in ka badan 4,000 oo muxaadaro adduunka oo dhan ah, waxa uu daabacay buugaag diini ah.
Muxaadarooyin iyo dodo
Dr. Naik wuxuu qabtay doodo iyo muxaadarooyin badan oo adduunka ah, mid ka mid ah doodihii ugu caansanaa ee Dr. Naik ayaa ka dhacday Chicago bishii Abriil, 2000 oo uu ka soo muuqday William Campbell, mowduuca “Qur’aanka iyo Baybalka: Iftiinka Sayniska”.
11kii Febraayo 2011 Ururka Oxford Union ayaa Zakir ku martiqaaday dood mowduuca ‘Islaamka iyo Qarnigii 21-aad’, ka dibna waxaa xigey kulan su’aalo iyo jawaabo ah.
Dr. Zakir waxa uu yiri “in kasta oo uu ololuhu si adag uga soo horjeeday Islaamka hadana 34,000 oo Maraykan ah ayaa qaatay Islaamka Sebtembar 2001 ilaa Luulyo 2002.”, Waxa uu soo qaatay maqaal uu qoray Edward oo lagu daabacay majaladda Time oo uu ku sheegay in 60,000 oo buug oo ka hadlaya Islaamka iyo Bariga la qoray intii u dhaxaysay 1800 ilaa 1950 oo keliya.
21kii Janaayo 2006 Dr. Naik waxa uu dood diimaha la yeeshay Sri Sri Ravi Shankar, dooda ayaa ku saabsanayd fikradda Ilaah ee Islaamka iyo Hinduuga, waxaa lagu qabtay Bangalore, India iyada oo ilaa 50,000 ay ka soo qayb galeen.
Muxaadaro uu jeediyay Peace TV Luulyo 2008 Dr. Naik wuxuu ku sheegay, waxyaabo la xiriira weeraradii 9/11: “waa sir cad oo qarsoon in weerarkan lagu qaaday daaraha mataanaha uu sameeyay George Bush laftiisa”, si George Bush uu u helo sabab uu ku weeraro iyo gacanta ugu udhigo dalalka qaniga ku ah shidaalka.
Qoyskiisa
Zakir Naik aabihii waxaa la oran jirey Abdul Karim Naik wuxuu ahaa dakhtar, hooyadiina waxaa la oran jirey Roshan Naik, Dr. Zakir waxaa la dhashay Mohammad Naik iyo Nailah Naushad Noorani.
Dr. Zakir Naik xaaskiisa waa Farhat Naik, waxay sidoo kale ay caan ku tahay horumarinta waxbarashada Islaamka, waxayna madax ka tahay Hay’adda Cilmi-baadhista Islaamka (IRF) garabka haweenka, Farhat Naik waxa ay inta badan u raacdaa ninkeeda muxaadarooyinka iyo doodaha ku saabsan mowduucyada Islaamka.
Dr. Zakir Naik wiilkiisa waxaa la yiraahdaa Fariq Zakir Naik Waxa uu dhashay 10 July, 1994 isagana waa wadaad caan ku ah faafinta diinta islaamka, sidoo kale gabadhiisa Rushda Naik ayaa iyadana kasoo muuqata doodaha iyo muxaadarooyinka laga baahiyo tvga Peace.
Abaal marinadiisa
Sanadii 2013 waxaa la gudoonsiiyey Dubai International Holy Quran Award gaar ahaan Shakhsiga Islaamka ee Sanadka waxaana gudoonsiiyey Mohammed bin Rashid Al Maktoum oo hadda ah madaxweyne Ku Xigeenka & Ra’iisul Wasaaraha Emaaraadka ahna boqorka Dubai.
Dr Zakir Naik ayaa 5-tii November 2013 la guddoonsiiyay abaalmarinta ugu sarreysa Malaysia ee ‘Tokoh Macal Hijrah Distinguished International Personality Award’ isagoo ku muteystay adeeggiisa iyo kaalintii uu ka qaatay horumarinta Diinta Islaamka waxaana gudoonsiiyey alle ha u naxariistee suldaan Abdul Halim Mu’adzam Shah.
Sanadka 2013 waxaa la gudoonsiiyey abaalmarinta Sharjah ee Shaqada Mutadawacnimada ah, waxaana 16-ka Janaayo 2014 gudoonsiiyey Sheikh Dr Sultan bin Mohammed Al-Qasimi oo ah hogaamiyaha Sharjah.
Sanadkii 2015 waxaa la gudoonsiiyey abaalmarinta Boqor Faysal ee u adeegidda Islaamkawaxaa gudoonsiiyey ilaaliyaha labada Masjid ee barakeysan Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud.
Reference
https://zakirnaik.com/Introduction-DrZakirNaik/
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.