General Daahir Aadan Cilmi cilmi Waxa uu ku Dhashay meel u dhow magaalada garacad oo loo yaqaan ceel dhanaane oo ka tirsan gobolka Mudug sanadkii 1948, aabihii wuxuu ahaa lo’lay lo’ badan lahaa.
Major General Dahir Adan Cilmi Indha Qarshe waa taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Wuxuu ku soo biiray Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed 1968, wuxuna tababar ku soo qaatay Kuliyadda Tababarka Ciidanka ee magaalada Odessa ee dalkii Midowga Sofiyet hadana ka tirsan Yukrayn, Sidoo kale wuxuu tababarro guud iyo kuwo khaas ku qaatay dalka gudihiisa (Tababar Abbanduul) iyo dibaddama (Command General Staff College, Kansas, USA), xidigtii ugu horeysay wuxuu xidhay 1971.
General Daahir Aadan Cilmi Wuxuu ka soo shaqeeyay qeybo badan ee Ciidanka Xogga Soomaliyeed (Qeybta 60-aad, Qeybta 21-aad, Qeybta 26-aad), isagoo ka qabtay xilal howlgal iyo mid hogaamiyeed.
Sidoo kale wuxuu jagooyin kala duwan ka qabtay Taliska Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Abaanduulihii Kuliyadihii waxbarashada ee Xogga Dalka Soomaaliyeed, General Daahir Aadan Cilmi wuxuu mudadii Ciidanka uu ka tirsanaa muujiyay Hawlkarnimo, Hoggaamin, Maamul Hufan iyo Geesinimo.
wuxuu sidoo kale qaatay billad dahabka ciidanka xooga dalka soomaaliya oo uu gudoonsiiyey General Maxamed Siyaad Barre wuxuuna ku muteeystay wacdarihii uu ka dhigay dagaalkii 1977 dii ee Xorayntii Soomaali galbeed ahaana guutadii qabatay qabri daharre waxay ahayd magaaladii labaad ay qabsadaan Ciidanka Soomaaliya.
Sareeye Gaas Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) ayaa Mudadii dhowrka iyo labatanka sano ahayd ee uu qaranka soomaaliyeed burburka ku jiray dalkuna uu ka jiray dagaalada sokeeye iyo midka diimeed waxa uu Taliyaha ka mid ahaa muwaadiniintii dibadda ka istaagay dagaladii sokeeye iyo bur-burkii ka dhacay dalka.
waxbarashadiisa
General Daahir Aadan Cilmi waxbarashadiisi dugsiga hoose wuxuu kusoo qaatay Sudan Interior Mission School ee magaalada Buuloburde, dugsiga dhexe waxuu ku soo qaatay American Minnenite Mission oo la oran jiray “Shabeelle Intermediate School” ee magaaladda Jowhar.
Dugsiga Sare wuxuu ku soo qaatay Banaadir Sare ee magaalada Muqdisho wuxuuna ka mid ahaa dufcaddii labaad ee iskuulka ka qalin jabisay, wuxuu aqoonta Jamacadeed ku soo qaatay Maraykanka “University of Massachusetts Boston”.
Dagaalkii 1977
23 July 1977 ciidan uu hogaaminayey Indha Qarshe ayaa ka dhaqaaqay magaalada balanbale iyagoo u dhaqaaqay dhinaca xabashida, General Cilmi ayaa hogaaminayay guutooyinka gaashaaman ee Ciidanka XDS ee galay Qabri Dahare dabayaaqadii 1970-aadkii.
Sidoo kale ciidankiisa ayaa qabsaday magaalada dhagaxbuur oo aheyd difaac aad u adag oo ay gali wayeen ciidankii u xilsaarnaa, dagaalkii jigjiga ayuu sidoo kale door weyn ku lahaa, dagaalku waxa uu qayb ka ahaa qorshe ballaadhan oo uu SNA ku doonayay in dhammaan dhulalka ay Soomaalidu degto ee gobolka Geeska Afrika lagu mideeyo Soomaaliweyn.
Markii uu si guul leh u qabsaday Qabri Dahare bishii Luulyo 1977-kii, Major Daahir Aadan Indha Qarshe wuxuu sii ahaa qayb ka mid ah furayaasha muhiimka ah ee waqooyiga ee hoggaaminayey guutooyinka gaashaaman ee furinta Waqooyi ee hoos tagi jirtay qaybta 26aad.
Taliyaha Ciidanka
Sanadkii 2012 ayaa loo magcaabay taliyaha Guud Ee Ciidanka Xooga Dalka Sareeye Gaas Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe), Sareeye Gaas Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe), waxa uu xilka taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed uu wareejiyay bishii September sanadkii 2015ka.
Waxa uuna muujiyay inta uu hayay Hooggaanka talada Ciidanka Xoogga Dalka soomaaliyeed wax qabad muuqda oo waxa uuna ku Guuleeystay inuu furo Warbaahin ku hadasha Codka Ciidamada Qalabka Sida wuxuuna sare u qaaday tayada iyo tababarada ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed.
August 16, 2018, General Daahir Aadan Cilmi “Indhaqarshe” ayaa mar kale loo magacaabay taliyaha ciidanka xoogga dalka, agoosto 2019 ayuu xilka ku wareejiyey ganaraal Odowaa Yuusuf Raage.
Reference: http://snaradio.so/so/articles/1271/Taariikhda-S-Gaas-Daahir-Aadan-Cilmi-Indhoqarsho
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.