Taariikh nololeedka isaias afwerki – Madaxweynaha Eritrea

Isais Afwerki oo ahaa halgamaa hore ee xorriyadda Eritrea, waxa uu madax ka ahaa Eritrea tan iyo markii ay xornimada qaadatay 1993, Afwerki waxa uu ku dhashay degmada Abu Shi’aul ee Asmara, Eritrea February 2, 1946.

Xilligaas Eritrea waxa xukumayay gumeystihii  Britain, Afwerki waxa uu dugsiga hoose ku qaatay magaalada Asmara, waxaanu ka baxay dugsiga sare ee Prince Makonnen ee magaaladaas sannadkii 1965-kii, ka dibna waxa uu waxbarashadii injineernimada ka bilaabay jaamacadda Addis Ababa ee Addis Ababa dalka Itoobiya.

Qabsashadii itoobiya ee Eritrea

1952-kii Eritrea waxay noqotay “qeyb ka madax bannaan” Itoobiya,  Eritrea waxa la siiyay ismaamul, si kastaba ha ahaatee 1962dii ayay dawladda Itoobiya meesha ka saartay maqaamkaas, waxayna xoog ugu darsatay Eritrea kana dhigaysa gobol ka tirsan Itoobiya.

Tiro aad u badan oo Eriteriyaan ah ayaa si adag uga falceliyay qabsashadaas, waxaana durbadiiba sameysmay jabhado si ay ula dagaalamaan gumeysiga Itoobiya.

Jabhadeyntii Afwerki

Sannadkii 1966-kii Afwerki wuu ka tegay waxbarashadiisii ​​wuxuuna u socdaalay magaalada Kassala ee dalka Suudaan si uu ugu biiro Jabhadda Xoraynta Ereteriya (ELF) oo la dagaalantay Xabashida, ELF waxay qaaday olole jabhadeed oo ka dhan ah dawladda Itoobiya, waxa uu aad ula dhacay hoggaanka kooxdan jabhadda ah, waxaana sannadkii 1967-kii loo diray tababar milateri dalka Shiinaha.

Dalka Shiinaha, waxa uu kusoo bartay fikradaha Marxist-ka iyo xeeladaha dagaal ee jabhadda, waxa uu ka mid ahaa kooxdii ugu horreysay ee loo diray Shiinaha si ay u soo qaataan tababar ciidan, 1971-kii Afwerki waxa uu qoray qoraal, “Halgankeena iyo yoolkiisa” oo noqday mid ka mid ah dukumeentiyada hagaya ELF.

Dagaalkii gobanimadoonka ee Eritrea waxa uu socday intii u dhaxaysay 1961 ilaa 1991, dadka Eritrea waxa ay u yaqaaniin “Gedli” oo macnaheedu yahay halgan.

Sannadkii 1969kii, khilaaf xagga fikirka iyo xeeladda ah oo ka dhex jiray ELF ayaa horseeday in saddex kooxood ay ka go’aan ELF, qolo ka mid ah ayaa gabaad ka dhigtay buuraha Saaxil, koox kale oo ka amar qaadata Isaias oo tiradoodu ka yarayd toban ayaa u baxay dhinaca bari ee Eritrea.

Kooxdii saddexaad waxay u jiheysteen Cadan, waxayna kusoo noqdeen Eritrea, iyagoo ka degay koonfurta Casab, saddexdan kooxood ayaa aakhirka isku biiri doona si ay u noqdaan kuwo wata magaca Jabhadda Xoraynta Shacabka Ereteriya (ELF-PLF).

1973dii waxaa midoobay jabhado iyo ururo siyaasadeed oo kala duwan oo Eritereeya, waxayna samaysteen Jabhadda Xoraynta Shacabka Eritrea (EPLF), Afwerki waxa uu noqday hogaamiye caan ka ah ururkan cusub, 1975-tii waxa loo magacaabay gudoomiyaha gudiga milatariga ee EPLF.

1977kii, shirweynihii ugu horeeyey ee EPLF, waxa loo doortay ku xigeenka xoghayaha guud ee EPLF, waxa loo doortay xoghayaha guud sanadkii 1987kii.

Dagaaladii Itoobiya ayaa sii socday iyadoo ciidamada Eritereeya ay noqdeen kuwo aad ugu kalsoon in ay guulaysan karaan, 1989kii Afwerki waxa uu noqday Xoghayihii Guud ee Dawladdii Ku-meel-gaadhka ahayd ee Eritrea.

Bishii Maajo 1991kii dagaalyahanadii EPLF waxay u soo baxeen Asmara, waxaana la soo afjaray dagaalkii 30-ka sano ahaa ee ay xornimada kaga qaadanayeen Itoobiya, Ereteriya ayaa markaas qabatay afti madax-bannaani iyadoo in ka badan 98% codbixiyayaashu ay u hiiliyeen madax-bannaanida Eritrea.

May 24, 1993, Eritrea waxay noqotay dal madax-bannaan, waana tii ugu horreysay ee xorriyadeeda ka hesho waddan kale oo Afrikaan ah, Afwerki wuxuu noqday madaxweynaha dalka cusub.

Madaxweyne Afwerki

Isaias wuxuu si tartiib tartiib ah u xoojiyay awoodda uu ku leeyahay Eritrea, bishii Febraayo 1994kii EPLF waxay isu beddeshay Front People’s Front for Democracy and Justice (PFDJ) taasoo qayb ka ahayd u ​​gudubka xisbi siyaasadeed.

Marka laga soo tago doorkiisa madaxweyne, Isaias waxa uu soo noqday guddoomiyaha xisbiga PFDJ oo ah xisbiga kaliya ee siyaasiga ah ee loo ogolyahay dalka, Isaias waxa uu baajiyay doorashooyinkii madaxtinimo ee 1997.

2001dii ayuu xidhay madbacadda qaranka isla sannadkaas waxa la xidhay dhawr hoggaamiye oo mucaarad caan ah oo lagu eedeeyay khiyaano qaran, dadka dhaleeceeya taliskiisa ayaa ku eedeeyay inuu isticmaalay muran xuduudeed oo soo jireen ah oo uu la leeyahay Itoobiya si uu uga fogaado dhaqangelinta dastuurkii Eritrea ee la ansixiyay 1997.

Warbixino ay soo saartay Qaramada Midoobay 2015 iyo 2016 ayaa lagu faahfaahiyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo uu geystay taliskiisa, owladda Isaias ayaa cambaareysay natiijada warbixintaas.

Sannado badan ka dib xornimada, xaalad dagaal ayaa ka jirtay Itoobiya, isku dhacyada xudduudaha ayaa caadi ka ahaa labada dal, bishii Abriil 2018, baarlamaanka Itoobiya ayaa Abiy Axmed u doortay ra’iisul wasaare, dhowrkii bilood ee ugu horeysay ee uu xukunka hayay, wuxuu dajiyay xiisadii kala dhaxeysay Eritrea wada xaajood iyo kulamo ayuu la qaatay Afwerki.

July 9, 2018, Itoobiya iyo Eritrea ayaa ku dhawaaqay in la soo afjaray xaaladdii dagaal ee u dhaxeysay labada dal.

Ereteriya waa qaran ku nool xornimo la’aan. Waa “dalka aan waligiis doorasho ka dhicin” oo maanta ka mid ah dawladaha ugu cadaadiska badan Afrika, xadgudubyada xuquuqul insaanka ee taliska ayaa si wanaagsan loo diiwaangeliyay.

Dagaaladii uu galay

Eritrea ayaa tan iyo markii ay xornimada qaadatay soo gashay colaado xuduudeed, gaar ahaan dagaalkii Badme, dagaalku waxa uu bilaabmay ka dib markii ay Eritrea weerar ku qaaday Itoobiya xuduudka lagu muransan yahay ee Badme 6 May 1998, waxaana laba sano gudahood ku dhintay boqolaal kun oo qof.

12kii Diisambar 2000, Eritrea waxay saxiixday heshiiskii Algiers ee lagu soo afjarayay dagaalka, si kastaba ha ahaatee, dalalku wuxuu ku ekaaday ismariwaa “dagaal-la’aan nabad la’aan”.

Eritrea ayaa walaac amni ka qabta Itoobiya, gaar ahaan taageerada ay siiso kooxaha mucaaradka Eritrea ee taagta daran, Eritrea waxay taageertay jabhadaha Itoobiya sida Jabhadda Oromada ee OLF iyo Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (ONLF) si ay u wiiqaan saamaynta gobolka Itoobiya.

Ismariwaaga 20-ka sano ah ayaa soo afjarmay ka dib markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu xukunka qabtay 2018, Abiy wuxuu saxiixay “ku dhawaaqid nabadeed iyo saaxiibtinimo wadajir ah” shir madaxeed laba geesood ah 9kii Luulyo, soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ganacsiga ee Eritrea.

Sannadkii 1998-kii, Eritrea waxay ku eedaysay Djibouti inay u adeegsanayso dekeddeeda inay qalab ciidan siiso Itoobiya, bishii Juun ee sannadkaas, Jabuuti waxay soo dhoobtay woqooyiga cudud milatari si ay uga fogaato in ay soo galaan intii uu dagaalka socday.

Isku daygii Madaxweynihii Jabuuti Hassan Gouled Aptidoon ee Noofambar 1998 si uu u dhex dhexaadiyo dagaalkii Eritereeya iyo Itoobiya intii lagu jiray shirkii Ururka Midowga Afrika (OAU) waxa diiday Eritrea oo ay u aragtay eex.

Jabuuti ayaa eriday safiiradii Eritrea, waxaana shaqada laga eryay Tekest Ghebrai, oo u dhashay Eritrea ahaana xoghayihii hore ee fulinta urur goboleedka IGAD, Eritrea waxay ku eedaysay Djibouti inay la safatay Itoobiya 199kii.

Isku soo dhawaanshaha wadamada ayaa soo noqday bishii March 2000, ka dib dhexdhexaadintii Liibiya. Isaias waxa uu booqday Jabuuti 2001, halka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu booqday Eritrea, booqashadani waxay abuurtay guddi iskaashato oo isku dhaf ah oo samayn doona dib u eegis sanadle ah.

Geelle ayaa 22-kii April 2008 booqday deegaanka lagu muransan yahay, waxaana wasaaradda arrimaha dibadda Jabuuti ay sheegtay in ciidanka Eritrea uu dhowr kiilo mitir ku jiro gudaha dhulka Jabuuti, Eritrea ayaa beenisay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in askarteeda ay qodeen dhufeysyo, waxaana saraakiisha militariga ay kulmeen laba maalmood ka dib si ay isu barbar dhigaan khariidadda xadka.

Jabuuti ayaa ciidan u dirtay deegaanka, Geelle ayaa 9-kii May sheegay in “labada ciidan ay is hor fadhiyaan”; xaaladdu waxay ahayd mid dagaal ah iyadoo ay joogeen ciidamo cadaw ah oo u diyaarsan inay burburiyaan madax banaanida Jabuuti.

Dhex dhexaadinta Qatar ayaa la sheegay labada dhinacba waxay ku heshiiyeen in wada hadal lagu xaliyo iska horimaadka.

Qoyskiisa

Isaias Afewerki waxa uu ku dhashay 1946 tuulada Tselot, degmada Aba Shi’aul ee Asmara, Eritrea, aabihii oo la oran jirey Abraham Afwerki wuxuu ku dhashay tuulada Tselot oo ka baxsan Asmara, wuxuu ahaa sarkaal darajadiisu hooseeyso oo ka shaqeeya shirkad ay dowladdu leedahay oo la yiraahdo Tobacco Monopoly, hooyadii, Adanesh Berhe waxay ka timid Gobolka Enderta, Afewerki waxa uu ka soo jeedaa qowmiyadda Biher-Tigrinya.

Afwerki waxa uu qabaa Saba Xayle oo hore ugu soo dagaalantay xorriyadda Eritrea wuxuu guursaday Xagaagii 1981kii, waxay leeyihiin saddex carruur ah: Abraham, Berhane, iyo Elsa.


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply