Taariikh nololeedka Ismaaciil Cumar Geelle

Last Updated on December 1, 2023 by Taariikh24

Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jabuuti, waxa uu ku dhashay magaalada Diridhaba ee dhulka soomaali galbeed 27-kii November, 1947-kii, waxaana uu u dhashay Cumar Geelle iyo Muumina, Markii uu dhammaystay dugsiga sare 1968-kii, waxa uu shaqaale dawladeed ka noqday maamulkii gumaystaha Faransiiska ee Jamhuuriyadda Jabuuti, laba sano kaddibna waxa uu noqday kormeere boolis.

Sannadkii 1975-kii, waxaa laga joojiyay shaqadiisa, sababtoo ah waxaa lagu tuhunsanaa inuu xogta u gudbiyay dhaqdhaqaaqii madaxbannaanida.

Geelle waxa uu ku biirey ururkii LPAI oo ahaa urur u dhaqdhaqaaqi jiray madaxbanaanida jabuuti kaas oo uu madax ka ahaa adeerkiis, Hassan Gouled Aptidon, Geelle waxa uu u shaqaynayay ururka LPAI,waxana uu maamuli jiray wargeys u gaar ahaa oo u ololeeya madax-banaanida.

waxana uu xataa u dhoofay dalka dibadiisa si uu ugu ololeeyo madaxbanaanida Djibouti, markii ay jabuuti xornimada qaadatay 27-kii Juun 1977-kii Aptidon waxa uu noqday madaxweyne, Geelle waxa uu ahaa madaxa shaqaalaha 22-kii sano ee xigay, waxa kale oo uu lahaa mas’uuliyad gaar ah oo uu ku kormeerayo ciidamada amniga gudaha.

Xilka madaxweynaha jabuuti

4-tii Febraayo 1999-kii, Madaxweyne Xsan Gouled Aptidon oo adeer u ahaa Ismaaciil Geelle ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay doorashada soo socota, waxaana shirweyne aan caadi ahayn oo xisbigiisa talada hayay ee Rally For Progress (RPP), uu Geelle u doortay inuu noqdo musharaxa madaxweyne.

Isaga oo ah musharraxa wadajirka ah ee RPP iyo garabka qunyar socodka ah ee Jabhadda Dib usoo celinta Midnimada iyo Dimuqraadiyadda (FRUD), Geelle ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee la qabtay 9-kii Abriil 1999-kii isagoo helay 74.02% codadkii la dhiibtay, isagoo ka guuleystay musharraxa kaliya ee la tartamayey oo ahaa musharraxa madaxbannaan ee Moussa Axmed Idiris.

Wuxuu xafiiska la wareegay 8-dii May, Moussa Ahmed Idriss ayaa la xiray bishii Sebtembar ee xigtay kadib markii lagu helay “in uu u hanjabay ciidamada qalabka sida” waxaana lagu xiray meel aan la shaacin.

Madaxweyne Geelle ayaa sanadkii 1999-kii loo caleemo saaray madaxweynaha dalka Jabuuti oo ah dal ku yaal meel istiraatiiji ah oo ku taal xeebaha bariga Afrika, isagoo raacay wadadii siyaasadeed ee adeerkii Xasan Guuleed Aptidoon oo ahaa madaxweynihii hore ee dalka soo xukumayay tan iyo markii uu xornimada qaatay .

Xilligii labaad 2005 ilaa 2011

Geelle waxa uu RPP u magacaabay inuu noqdo musharaxa madaxweyne mar labaad 7 October 2004, Waxa taageeray dhawr xisbi oo kale, waxaanu ahaa musharraxa kaliya ee ka qayb galay doorashadii madaxtooyada ee 8-dii April 2005, Geelle waxa uu ku soo baxay codadka,waxana uu helay 100% codadka.

Mudaaharaad kooban oo lagaga soo horjeedo doorashada ayaa qarxay, balse waxa si degdeg ah u xakameeyay booliska

Sannadkii 2006-dii, Geelle waxa uu heer jaamacadeed oo buuxda siiyay Jaamacadda Jabuuti ee magaalada Jabuuti.

Sannadkii 2010-kii, Geelle waxa uu golaha qaranka ee Djibouti ka dhaadhiciyay in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka shacabka taasoo isaga u ogolaanaysa in uu mar saddexaad isu soo sharaxo xilka madaxtinimada, taasi waxay u banaysay inuu magaciisa ku dhejiyo waraaqihii codbixintii doorashadii Jabuuti ee 2011-kii.

Muddo xileedkii saddexaad: 2011 ilaa 2016

Axsaabta mucaaradka ayaa qaadacay doorashada, waxaana ku haray hal musharrax, Geelle ayaa ku guuleystay ku dhawaad ​​80% codadkii la dhiibtay, Human Rights Watch ayaa su’aal galisay cadaalada doorashada iyadoo la ogyahay in hogaamiyayaasha mucaaradka dhowr jeer la xiray ka hor doorashada.

Geelle ayaa sidoo kale ku guuleystay doorashadii 2016 isagoo helay ilaa 87% codadkii shacabka, si la mid ah doorashooyinkii hore, mucaaradka ayaa ku baaqay in dalka oo dhan la qaadaco, waxayna ka dalbadeen Geelle in uu qabto “doorasho hufan, xor ah, xalaal ah.

Hogaamiyayaasha mucaaridka iyo ururada xuquuqul insaanka ayaa ka cawday cabudhinta iyo tacadiyada ay boolisku ku hayaan xiliyada doorashada.

Doorashadii 2021

“Runta haddii aan sheego dadka ayaa igu khasbaya. Ayaantii dhaweyd anigoon wali hadlinba, ayay dadweynuhu gaar ahaan dhallinyaradu ay igu dhaheen joog ha dhaqaaqin. Markaas ayaan u soo dhigtay inaan markii ugu dambeysay sameeya(tartanka) oo aan sii joogo,” ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle – bbc Somali.

Geelle ayaa helay in ka badan 98% Codadka la dhiibtay isla markaana la tiriyay, waxa uu sidaas uga adkaaday Musharaxa la loolamay ee Sakariye Ismaaciil Faarax oo aan haysan metalaad Xisbi ah isla markaana ahaa Shaqsi Madax-bannaan.

Si kastaba ha ahaatee, xisbiga ugu weyn ee Geelle kula loolamayo siyaasadda qaranka ee Midowga Badbaadada Qaranka (USN) ayaa qaadacay doorashadii u dambaysay isagoo ku andacoonaya in aanay noqon doonin mid xor ah ama anshax leh.

Bishii Juun 2021, Geelle ayaa tallaalka COVID-19 ka dhigay mid qasab ku ah muwaadiniinta iyo ajnabiga labadaba.

Siyaasadda iyo xiriirada dibadda

Sannadkii 2015-kii, Geelle waxa uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Damodardas Modi intii lagu guda jiray Kulan laba geesood ah oo ka socday Shir Madaxeedka 3aad ee Madasha Afrika ee India oo ka dhacay New Delhi si ay uga wadahadlaan kor u qaadista xiriirka ka dhexeeya Hindiya iyo Jabuuti ee ku saabsan ganacsiga, dhaqaalaha, iyo horumarinta dhaqanka.

Sannadka 2019, Geelle waxa uu helay abaalmarinta qurxinta ee “The Padma Vibhushan” abaalmarinta labaad ugu sarraysa ee India, abaal marinta madaniga labaad ee ugu sarraysa,wuxuu ku mutaystay guulihii uu ka gaadhay in uu si nabad ahuga saaro muwaadiniinta Hindida dalka Yemen.

Dalka Geelle waxa uu hadda martigeliyaa saldhigyo ciidan oo ay leeyihiin Shiinaha iyo Japan kuwaas oo muhiim u ah la dagaalanka budhcad-badeedda ee qaybta galbeed ee gobolka badweynta Hindiya.

Madaxwaynuhu waxa uu sii wadaa taageeridda xidhiidhka dhaw ee dalkiisu la leeyahay dalka Faransiiska oo waqtigii gumaysiga gacanta ku hayay.

Faransiiska waxa uu xornimada Jabuuti siyay 1977, Geelle waxa uu sare u qaaday is dhexgalka dhaqaale ee wadamada Afrika.

Waxa kale oo uu Geelle ku guulaystay in uu xidhiidh dhaw la yeesho Maraykanka,Ruushka iyo Shiinaha oo dhamaantood u arka in Djibouti ay muhiim u tahay danahooda caalamiga ah, Geelle waxa uu si cad uga soo horjeestay duulaanka uu Maraykanku ku qaaday Ciraaq bishii March ee sannadkii 2003.

Amniga gobolka

Dalka Jabuuti ee ku hoos nool xukunka Geelle ayaa weli ah dal xasiloon oo ka tirsan gobolka ay colaaduhu ka jiraan ee geeska afrika.

Geelle ayaa lagu xasuustaa shirkii carta ee dowladdiisu ay marti galisay kaasoo looga hadlayey dib u heshiisiinta iyo nabadda soomaaliya.

Qoyskiisa

Waxa uu ku hadlaa shan luqadood: Soomaali, Amxaari, Faransiis, Ingiriis, iyo Carabi.

Geelle aabihii waxaa la oran jiray Cumar Geelle hooyadiina waa Muumina, aabihii wuxuu u shaqayn jiray shirkadda tareenada ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Jabuuti, Geelle waxa uu qabaa Kadra Mahamoud Haid, waxayna isku dhaleen afar carruur ah, labo wiil iyo labo gabadh.

SOURCE: https://www.wikiwand.com/en/Isma%C3%AFl_Omar_Guelleh


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply