Taariikh nololeedka Kajol Devgan

Kajol Mukherjee Devgan oo loo yaqaan Kajol, waa atariisho jisha filimada Hindiga ah, Kajol waxay dhalatay Agoosto 5, 1974, waxay ku dhalatay Mumbai, India, waa mid ka mid ah atirishooyinka ugu guulaha badan fanka, iyadoo ku guuleysatay lix abaal marin oo Filmfare Awards ah.

Waxbarashadeeda

Kajol Kajol waxay wax ku baratay St Joseph’s Convent School, Panchgani, marka laga reebo waxbarashadeeda, waxay ka qaybqaadatay hawlo ka baxsan manhajka, sida qoob ka ciyaarka, waxay soo bandhigtay filimkeedii ugu horreeyay  Bekhudi (1992) iyadoo lix iyo toban jir ah, iyadoo weli ku jirta dugsiga.Ka dib, waxay ka tagtay dugsiga si ay u sii wado shaqadeeda film jilista ah, Jaamacad ma aysan dhigan.

Bilowgii xirfaddeeda

Kajol waxay soo bandhigtay filimkeedii ugu horeeyay oo loo yaqaanay Bekhudi (1992), filimkeedii labaadna wuxuu ahaa Baazigar (1993) waxaa ku wehlinayey Shahrukh Khan, oo ay markii dambe  isla keeneen qaar ka mid ah Hit-yada Bollywood-ka sida Dilwale Dulhaniya Le Jayenge (1995) iyo Kuch Kuch Hota Hai (1998).

Markii ugu horeysay sanadkii 1994, Udhaar Ki Zindagi, wuxuu ahaa box-office guuldareystay, laakiin bandhigeeda filimka waxay ku guuleysatay Abaalmarinta Jilaaga ugu Wanaagsan ee BFJA, markeedii xigtay waxay wax ka jishay riwaayaddii jacaylka aheyd ee Yeh Dillagi (1994).

Bandhigeedii Sapna, oo aheyd gabar riyo badan oo ka tagtay gurigeeda si ay nolosheeda u hormariso, waxay ku muteysatay markii ugu horeysay ee loo magacaabo Atariishada ugu wanaagsan Abaalmarinta Filmfare.

Intaa kadib waxay la soo shaqeysay Shah Rukh Khan filimkii Dilwale Dulhania Le Jayenge (1995), waxaa Director ka ahaa Aditya Chopra filimkaan wuxuu noqday mid guuleystay wuxuuna soo xareeyay 1.3 bilyan INR caalamka oo dhan.

Waxqabadkii wacnaa ee filimkan waxay ku guulaysatay abaal marinta Filmfare Award ee atariishada ugu fican, isla sanadkaas, waxay wax ka jishay filimka Karan Arjun ee uu soo saarey Rakesh Roshan, filimkan ayaa noqday superhit, waxaana atariishadan ay soo jiidatay daawadayaasha.

Marka laga soo tago jilidda filimada Hindiga, waxay soo bandhigtay filimkeedii ugu horreeyay Tamil sanadkii 1997-kii iyadoo la waday Rajiv Menon filimkiisii Minsara Kanavu, filimkan waxaa ku wehlinayay Prabhudeva iyo Arvind Swamy, kadib guushii Tamil-ka filimkeedii ugu horeeyay, waxay ku soo laabatay Bollywood-ka waxayna wax ka jishay filimkii Ishq (1997).

Filimkeeda xigay wuxuu ahaa filimkii ugu horreeyay ee Karan Johar​​ uu director ka ahaa ee Kuch Kuch Hota Hai (1998), filimkan waxaa wada jilay Shah Rukh Khan, Rani Mukherjee iyo Kajol, waxaana uu soo xareeyay in ka badan 100 crore adduunka.

Ka dib, waxay markale shaashada kula soo muuqatay King Khan Shah Rukh Khan filimka ‘Kabhi Khushi Kabhie Gham (2001)’.

Sanadkii 2006, waxay la shaqeysay Aktarka Amir Khan filimkii ‘Fanaa’, adib, waxay door hormuud ah la ciyaartay ninkeeda Ajay Devgan filimkiisii ​​ugu horeeyay ee uu agaasime ka ahaa U Me Aur Hum (2008).

Filimkeedii xigay wuxuu ahaa My Name Is Khan, waxaa ku wehliyey Shah Rukh Khan, filimkan oo la sii daayey sanadkii 2010-kii, si wanaagsan ayuu ugu guuleystay box-office.

Shan sano oo fasax ah ka dib, Kajol waxay ku soo laabatay filimada iyadoo Dilwale la jishay Shah Rukh Khan, filimkan waxaa Director ka ah Rohit Shetty halka uu soo saare ka aheyd Gauri Khan, waxaana filimkan uu noqday mid aad u wanaagsan Box-office, Kajol waxaa markii ugu dambeysay lagu arkay filimada ay kamid yihiin Tanhaji: The Unsung Warrior, Salaam Venky, lust stories 2 iyo Sarzameen.

Qoyskeeda

Kajol waxay ku dhalatay Mumbai, asalkeedu yahay Bengali – Marathi, hooyadeed Tanuja waa atariisho, halka aabaheed oo geeriyooday Shomu Mukherjee uu ahaa agaasime filim iyo soo saare, kajol waxaa la dhashay hal gabar oo lagu magacaabo Tanishaa Mukerji.

Habar yarteed  (hooyadeed walaasheed) Nutan waxay aheyd atariisho taasoo heysata rikoorka guulaha ugu badan (shan jeer) ee Abaalmarinta Filmfare Award ee Jilaaga ugu Wanaagsan, ayeeydeed shinaca hooyada Shobhna Samarth iyo Shobhna Samarth hooyadeed Rattan Bai labaduba waxay ku lug lahaayeen shineemooyinka Hindiya.

Adeeradeeda Joy Mukherjee iyo Deb Mukherjee waa filim soo saarayaal, Kajol awoowgeed Sashadhar Mukherjee wuxuu ahaa filim sameeye, Kajol ina adeeradeed Rani Mukerji, Sharbani Mukherjee iyo Mohnish Behl ayaa sidoo kale ah jilayaasha Bollywoodka halka ina adeerkeed Ayan Mukerji uu agaasime ka yahay, Kajol walaasheeda ka yar Tanisha Mukherjee sidoo kale waa atariisho.

Kajol waxay guursatay Aktarka Bollywoodka ee Ajay Devgan sanadii 1999, Intii lagu guda jiray duubistii Gundaraj sanadkii 1994, Kajol iyo Ajay Devgn waxay bilaabeen shukaansi, ugu dambeyntii waxay is guursadeen 24-kii February 1999-kii xaflad meher dhaqameed Maharashtrian oo lagu qabtay guriga Devgn.

Lamaanahaan ayaa hadda waxaa u jooga labo caruur ah – gabadh lagu magacaabo Nysa Devgn iyo wiilkooda Yug Devgn, gabadhooda Nysa waxa ay dhalatay April 20, 2003, todoba sano ka dib waxa dhashay wiilkooda Yug.

Xaqiiqooyin

MagaceedaKajol Mukherjee Devgan
Magaca aabeheedShomu Mukherjee
HooyadeedTanuja
dhalatayIsniin, 05 Agoosto 1974
Goobta dhalashadeedMumbai, Maharashtra, India
walaaleheedWaxaa la dhashay hal gabar: Tanishaa Mukherjee
dhalashadeedaIndia
waxbarashadeedaWaxay ka tagtay St. Joseph’s Convent School jaamacadna ma dhigan
Xilligii guurkeedArbaco, 24 Feb 1999
ninkeedWaa Ajay Devgan
caruurteedaWaa wiil iyo gabar: Yug iyo Nysa
xirfadeedaJilaayad
Filimkeedii ugu horeeyeyBekhudi (1992)

References:

https://zlatoto82.wordpress.com/kajol-devgan/

https://www.filmibeat.com/celebs/kajol/biography.html


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply