Taariikh nololeedka madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan

Last Updated on July 21, 2023 by Taariikh24

Cabdiqaasim Salaad Xassan wuxuu ku dhashay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galduduud sanadkii 1941dii, wuxuu ahaa madaxweynihii 5-Aaad ee soomaaliya wuxuu xilka hayey 2000 ilaa 2004, waxaana uu horay u soo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

wuxuu waxbarashadiisii ku dhammeystay magaalada Muqdisho, ka dibna wuxuu waxbarasho u aaday dalalkii la isku oran jiray midowga sofiyet sanadkii 1964dii isago ka bartey sayniska Moscow State University, wuxuu shahaadada koowaad ee jaamacadda qaatay 1967.

Shihaadada heerka labaadna wuxu ku bartey maadada Baylooji jaamacadda Moscow State University kadibna wuxuu kusoo laabtey dalka waxaana xilkii ugu horeeyay loo magacaabay sanadku marku ahaa 1973 isagoo markaa noqday wasiirki warshadaha.

Intii ay xukunka heysay dowladdii ugu waqtiga dheereyd ee soo marta Jamhuuriyadda Soomaaliya wuxuu soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin:-

  1. Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2aad ahna Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee ugu dambeeyay.
  2. Wasiirka Warfaafinta.
  3. Wasiirka Madaxtooyada.
  4. Wasiirka Howlaha Guud & Guryeynta.

Markii uu dhacay dagaalkii sokeeye wuxuu aaday magaalada qaahira dalka masar oo uu ilaa hadda ku noolyahay.

Doorashadii Madaxweyne Cabdiqaasim

Jimco 25 agoosto 2000 waa habeen ay socotay doorashada madaxtinimada soomaaliya, teendho ku taalo magaalada carta ayaa lagu dooranayey madaxweynaha soomaaliya, xilli uu dalku sagaal sano uu dowlad la’aan ahaa, bulshadu waxay ku qanacsaneyd sida ay doorashadu u socotay, magaalada muqdisho ayaa rasaas dabaaldeg isqabsatay ka dib markii madaxweyne Cabdiqaasim uu helay codadkii uu ku noqon lahaa madaxweynaha soomaaliya.

Munaasabaddaas waxay ahayd mid si toos ah ay idaacadaha iyo telefishannadaba ugu soo tebinayeen dadweynaha Soomaaliya meel kastoo ay dunida ka joogeen, waxaana si weyn loogu qanacsanaa sida cad ee aan shakiga ku jirin ee ay cod-bixintaasi u dhacaysay.

Bulshada ayuu ka codsaday in ay faataxada u maraan kuna garab galaan xilka weyn ee loo doortey, wuxuuna balan qaaday inuu cadaalad ku maamuli doono:-

30kii agoosto 2000 ayuu kasoo dagay garoonka balidoogle ee gobolka shabeelada hoose isagoo madaxweyne ah waxayna umadda safneyd wanlaweyn, afgooye, lafoole ilaa xamar gaar ahaan garoonka stadium muqdisho.

 Salaam ka dib wuxuu dadweynaha u sheegay inuu muhiimadda uu siin doono arimaha  nabadgalyada muqdisho, waxaa ciidamada amniga sugayey hogaaminayey janaraal galaal iyo jilicow.

Shaqada amniga waxay aheyd tii ugu adkeyd ee hadana lagu guuleysan, goobo kala duwan oo xamar ka tirsan waxaa lagu xareeyey maleeshiyo beeleedyo kumanaan kor u dhaafayey, inkastoo dowladii Cabdiqaasim wax la taaban karo aan ka qaban amniga muqdisho hadana maleeshiyadii magaalada laga xareeyey iyo wadahadaladii ay la gashay hogaamiye kooxeydyadii ayaa lagu tilmaami karaa guul weyn oo wax ka tartay meesha maanta la joogo.

Dowladii Cabdiqaasim waxay ku guuleysatay soo celinta kuraastii ay soomaaliya ku laheyd masraxyada siyaasadda caalamiga sida kursigii qaramada midoobey, kan midowga afrika, kan jaamacadda carabta iyo kuwa kale.

Khilaafaadkii dhacay

waxaa soo ifbaxay khilaaf udhexeeya dowladii kumeel gaarka aheyd iyo dowladda itoobiya, dowladii Cabdiqaasim ayaa itoobiya ku eedeysay in ay faragalin ku heyso arimaha gudaha soomaaliya, si arintaas looga jawaabo wasiirkii difaaca soomaaliya boqor cabdullahi ayaa ku dhawaaqay inuu isugu yeerayo dhammaan ciidanka xoogga dalka.

Waxayna isugu yimaadeen garoonka stadium muqdisho, laakiin dowladda ayaa ciidanka usheegtay in laga qaatay shan kun oo kaliya inta kalana ay fasax yihiin, ciidankii ayaa niyad jab la tagay maadaama qaarkood ay meelo fog fog ka yimaadeen, dowladda ayaa u sababaysay dhaqaalo xumo iyo in aanay awoodin in ciidan intaasi ka badan mushaar siiso.

Dowladii ayaa la kulantay dhaqaalo xumo baahsan, wixii ay heli kartey iyo deymihiiba waxay ka badnaan waayeen maleeshiyadii xareysnayd iyo hoteeladii ay dowladdu deganayd iyo howlaha dibadda, dhaqaalo xumadaas waxay soo noolaysay hogaamiye kooxeedyadii in muddo ah shiiqsanaa.

Waxaase xaaladu ka dartay markii uu khilaaf ka dhex qarxay dowladii dhexdeeda, madaxweyne Cabdiqaasim iyo ra’iisul wasaare Cali Khaliif ayaa isku maan dhaafay sidii ay wax usocdeen, 29 oktoobar 2000 baarlamaankii kumeel gaarka ahaa ayaa kalsoonida kala laabtay Cali Khalif.

Maarso 2002 ayaa baarlamaankii soomaaliya kalsoonida siiyeen Xasan  Abshir Faarax si uu xukuumadda cusub usoo dhiso, guuldaradii kasoo gaartey dowladda dagaalkii ay la gashay Muuse Suudi Yalaxow ayaa dhiiri galisay hogaamiye kooxeedyadii kale, dagaalkaas ayaa dowladda looga qabsadey baro muhiim u ahaa, dowladda ayaa sheegtay in si ku talo gal ah uga baxday si aan loogu dul dagaalamin shacabka.

Madaxweyne Cabdiqaasim ayaa in badan diidanaa inuu dagaal galo wuxuuna mar walba sheegi jiray in badbaadada shacabku muhiim tahay mar walba, khilaafkii dhex marey Cabdalla Deerow iyo Xasan  Abshir oo isku dhinac ah iyo madaxweyne Cabdiqaasim ayaa xaaladda dowladii ku meel gaar aheyd sii xumeeyey, iyadoo aan heysan taageero caalami ah kuna guul dareysatay inay villa soomaaliya kala wareegto hogaamiye kooxeedkii Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid.

Dowladii Cabdiqaasim ayaa lagu xasuustaa soo celintii magacii dowladnimada soomaaliya, bilowgii dib u dhiska booliska, bilaabidda dib u heshiisiinta qabiilada oo sababtey in dagaal beeleedyadii yaraadaan iyo hanaqaadka nidaamka doorashooyinka soomaaliya.

Waxaa kaloo ay ku suntantahay in ay aheyd dowladii ugu horeysay ee soomaaliyeed ee lagu soo dhisay nidaamka qabaliga ah ee 4.5 oo ilaa hadda laga bixi la’yahay.

Cabdiqaasim wuxuuna xilka hayay ilaa 15kii bishii Oktoobar 2004tii xilligaas oo uu xilkaasi ku wareejiyay Cabdullaah Yuusuf Axmed.

XIGASHO;: https://youtu.be/OjRY7KTxU-Y


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply