Taariikh nololeedka Muuse Biixi Cabdi

Last Updated on December 13, 2024 by Taariikh24

Muuse Biixi Cabdi Xildiid waa hogaamiyihii ee maamulka Soomaaliland ahna hogaamiyihii shanad ee soo maray maamulka waxaa lagu doortey doorasho qof iyo cod oo dhacdey 13 Nofember sanadkii 2017kii, Muuse biixi uxuu ku dhashay miyiga magaalada Hargeysa sanadkii 1948.

Waxabarashadiisii Quraanka wuxuu ka bartey Hargeysa, sidoo kale duruusta islaamka ayaa waxa uu ka qaatey iskuulka Sheekh Baraawe ee Hargeysa, wuxuu waxabarashadiisii dugsiga hoose iyo dhexeba uu ku qaatay magaalada Hargeysa wuxuu dugsiga sare ee Cammuud ee Borama ayuu ka qalin jebiyay 1970-kii, Wuxuu Jaamacadda Hargeysa ka dhammeeyay shahaadada sare ee cilmiga xallinta khilaafaadka, 2008 ilaa 2010.

Ku biiristii Ciidamada cirka

Wuxuu ku biirey ciidanka Soomaaliya, wuxuu sanadihii 1970 ilaa 1973 shahaadada koowaad ee jaamacadda ka qaatey cilmiga ciidamada cirka iyo duuliyenimada isagoo wax kasoo bartey Midowgii Soofiyeetka.

Markii uu soo dhameystey waxabarashadiisii wuxuu kusoo laabtey dalka isagoo ka howlgaley saldhigyadii ciidamada cirka Soomaaliya ee Balidoogle, Baydhabo iyo xaruntii dhexe ee Mogadishu.

Markii uu qarxay dagaalkii 1977 ee u dhexeeyey Soomaaliya iyo Ethiopia Muuse Biixi wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada cirka ee doorka weyn ka qaatey dagaalka, wuxuu ahaa duuliye sare, sida uu sheegay wuxuu duqeeyey ciidamadii xabashida ee dagaalka kaga irey Doolow, Baarey, Jigjiga, karamardha iyo meelo kale.

Muuse Biixi Cabdi wuxuu 1981 ilaa 1982 tababar ku qaatay saldhigga milliteriga Mareykanka ee gobolka Ohio kaas oo lagu magacaabo “Dayton Air Base”, markii uu kusoo laabtey dalka sanadkii 1982 waxaa la dhigey xabsiga isagoo ku jirey muddo lix bilood ah waxaa lagu tuhmey qulqulatooyin ka taagnaa Hargeysa.

Korneyl Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale tababar ku qaatay sakadeemiyada gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ee lagu magacaabo “Fort Lee” sanadihii 1983 illaa 1985, isagoo halkaa ka qaatey shahaadada Military Science, Markii uu waxbarashadiisa dhameystey kuma soo laaban dalka wuxuu ka dagey dalka Ethiopia.

Ku biiristii SNM

Bishii May sanadkii 1985 wuxuu ku biirey jabhadii SNM ee kasoo horjeedey dowladii Soomaaliya, Muuse biixi ayaa noqdey taliyihii aagga galbeed ee SNM, sanadkii 1987 wuxuu ka mid noqdey golihii dhexe ee SNM ka dib shirweynihii ururka.

Markii dowladii ay burburtey ka dib Muuse Biixi ayaa qeyb ka ahaa shirkii gooni isu taagga maamulka Soomaaliland isagoo ka mid ahaa xubnihii ugu sareeyey jabhadii SNM.

Burburkii ka dib

Sanadkii 1993 waxa uu ka mid noqdey golihii wasiirada ee dowladii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal isagoo loo magacaabey wasiirka arimaha gudaha wuxuuna xilka hayey ilaa 1995, sanadkii 2001 wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii ururkii Sahan.

Sanadkii 2002 wuxuu ku biirey xisbiga Kulmiye isagoo ka mid noqdey guddiga fulinta xisbiga, sanadkii bishii Maarso sanadkii 2008 wuxuu noqdey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye.

10kii bishii November sanadkii 2015 shirweynihii xisbiga Kulmiye waxaa loogu doortey inuu noqdo musharraxa xisbiga Kulmiye ee doorashadii 2017, wuxuu kusoo baxay doorashadii dhacdey 13kii November 2017 isagoo helay 55.19% codadkii la dhiibtey.

Balse doorashadii dhacday November 13, 2024 ayaa laga guuleystey Muuse Biixi, wuxuu helay codadka 225,519 votes (34.81%), halka musharrixii la tartamayey oo ahaa Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cirro) uu helay 407,908 votes (63.92%).

Muuse Biixi wuxuu si rasmi ah uu xilka u wareejiyey maalin Khamiis December 12, 2024.

Muuse biixi wuxuu leeyahay laba xaas iyo todoba caruur ah, saddex wiil iyo afar gabdhood.

Maxaa lagu xasuustaa muddo xileedkiisii

Sanadkii 2021 maamulka muuse Biix Cabdi ayaa magaalada Laascaanood iyo xoog uga saarey dad kasoo jeeday Koonfur Galbeed, Muuse Biix ayaa dadka shacabka ahaa ee uu hantidooda dhacay ku eedeeyey inay ku lug lahaayeen amni darrada ka jirtey magaalada.

Ciidamada maamulka Soomaaliland ee uu hogaaminayey Muuse Biixi ayaa ku jabey dagaal ka dhacay Goojacade oo Laascaanood waqooyi bari ka xigta, ciidamada Soomaaliland ayaa xasuuq ka geystey Laascaanood dagaal socdey muddo 8bilood ah, ugu dambeyn 25 Agoosto 2023 ayaa xoog looga saarey magaalada Laascaanood.

Sida ay sheegeen xubno ka tirsan maamulka SSC Khaatumo, dagaalka ayay ku qabteen in ka badan 157 askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland oo 40 kamid ah ay yihiin dhaawac, askarta la qabtey waxaa ku jirey Feysal Cabdi Bootaan oo ahaa taliyihii guutada 12aad ee ciidamada Somaliland, taas oo ahayd mida ugu badan ee ka dagaalameysay xerada.

Muuse Biixi ayaa heshiis is afgarad ah la saxiixdey Ethiopia, Somaliland ayaa sheegtay in dhul dhan 20 Km oo xeebaha ah ay ka kireyn doonto ciidamada badda ee Itoobiya, arrintaas oo ay Addis Ababa xaqiijisay, heshiiska ayaa lagu sheegay in Ethiopia ay Soomaaliland aqoonsan doonto.


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

One thought on “Taariikh nololeedka Muuse Biixi Cabdi

Leave a Reply

Ads Blocker Image Powered by Code Help Pro

Ads Blocker Detected!!!

We have detected that you are using extensions to block ads. Please support us by disabling these ads blocker.