Taariikh nololeedka Sheekh Umal oo kooban

Last Updated on May 10, 2024 by Taariikh24

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo loo yaqaan Sheekh Umal wuxuu dhashay qiyaastii 1968, caruurnimadiisa wuxuu kusoo qaatay magaalada Wardheer oo ka tirsan Soomaali Galbeed, Sheekh Umal waa ubadka labaad ee ugu weyn caruurta ay dhaleen hooyadii iyo aabihii oo waxaa ka weynaa hal gabar oo curad u aheyd, wiilasha la dhashay isaga ayaa ugu weyn.

Qur’aanka Kariimka wuxuu ku bartay Soomaali galbeed gaar ahaan magaalada Wardheer, Qur’aanka waxaa barey aabihii oo macalin Qur’aan ahaa, gobolka Hiiraan ayuu Waxbarashadiisa aasaasiga ku qaatay xirowna ka ahaa, wuxuuna ka bartay naxwaha iyo luuqadda carabiga.

Nairobi ayuu u wareegay wuxuu halkaa kasii watey waxbarashadiisa islaamiga ah isagoo machadka Kisauni ka baxay 1988, intii uu machadka dhiganayey culumadii ay iskala baxeen waxaa ka mid ah Sheekh Maxamuud Shibli oo isagana caan ku ah faafinta dacwada soomaalidana aad u taqaan.

 Markii machadka uu dhameeyey wuxuu aaday dalka Sacuudiga si uu jaamacad ugu soo dhigto, sanadkii 1993 ayuu ka qalinjabiyey jaamacadda islaamiga ah ee magaalada barakeysan ee Madiina wuxuuna ka bartay kulliyadda Axaadiithta.

Markii uu ka soo qalin jabiyey jaamacadda ka dib wuxuu kusoo laabtey magaalada Nairobi oo adda saldhig u ah halkaa ayuuna ku qaatay noloshiisa inta badan.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa ka mid ah culimada ugu waaweyn ee Soomaalida, Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa aad looga yaqaan dhammaan dhulka Soomaalida isaga oo ku caan baxay doorkiisa dacwadda iyo faafinteeda.

Wuxuu safarro iyo booqashooyin ku bixiyaa meelaha soomaalidu ay ku badanyihiin si uu uga buraarujiyo bulshada waxyaabaha dhibka ku ah, sheikh Umal wuxuu caan ku yahay oo ay dadku aad ugu jecelyihiin Tafsiirka Qur’aanka Kariimka, wacdiga, su’aalo diini ah oo ay bulshadu weydiiso iyo jawaabo uu ka bixiyo.

Reference:-

Wareysii wariye Khaalid Foodhaadhi uu ka qaaaday Halkaan Ka Daawo.


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply