Last Updated on February 21, 2025 by Taariikh24
Vijaya Gurunatha Sethupathi Kalimuth oo loo yaqaan Vijay Sethupathi wuxuu January 16, 1978 ku dhashay magaalada Rajapalayam ee ka tirsan maamulkaTamil Nadu, India, halkaas ayuu ku koray ka hor inta uusan u guurin Chennai waa jilaa Hindi ah iyo soo saare filimada, wuxuu inta badan ka shaqeeyaa filimada Tamilka.
Waxbarashadiisa
Wuxuu wax ka bartey Dugsiga Sare ee MGR ee Kodambakkam, Sethupahi waxa uu xusay in uu ahaa “arday ka hooseeya celceliska laga rabey” sannad dugsiyeedkiisa oo dhan, isaga oo muujinaya xiisaha ciyaaraha ama hawlaha ka baxsan manhajka.
Vijay Sethupati waxa uu shahaadada koowaad ee ganacsiga ka qaatay Dhanraj Baid Jain College ee Chennai, markii hore waxa uu kaaliye xisaabiye ka ahaa meherad sibidhka (Shamiindada) si jumlo ah u iibisa, ka dibna waxa uu u wareegay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu ka sii watay shaqadiisii xisaabiyenimo, wuxuu Hindiya ku laabtey 2003.
Jilistiisa filimada
Vijay Sethupathi waa mid ka mid ah jilayaasha ugu caansan uguna guulaha badan ee Tamil, Isaga oo bilaabay xirfadiisa ciyaarista doorar yar yar oo taageero ah, dhawrkii sano ee ugu horeeyay waxa uu ku sigtay in aan la dareemin laakiin in uu soo jeesto oo uu ka dhigo dhagaystayaasha iyo dadka dhaleecaynaya labadaba doorkiisa ma aha wax la yaab leh.
Wuxuu sameeyey bandhig (jiliinka la sameeyo duubista ka hor) si uu u jilo filimkii Nammavar (1994), laakiin waa laga diiday dhererkiisa oo gaaban awgeed, in kasta oo dib u dhacyadan hore uu la kulmay hadana wuxuu ku adkaystay sii wadista jilitaanka waxay ugu dambeyntii u horseeday xirfad guul leh.
Wuxuu door yar oo taageero ah ku qaatay in ka badan shan sano aflaan ay ka mid yihiin M Kumaran Son of Mahalakshmi, Dishyum, Pudhupettai, Lee, Venila Kabadi Kuzhu, Naan Mahan Illah, iyo filimo gaagaaban oo dhowr ah oo ay ku jiraan Athiyayam, Neer, Thuru, Wind, Kathiyayam, Neer, Thuru, Wind, The Athiyayam, Paalithu Benar, Maalithu Bench Petti Case.
Doorkiisii ugu horeeyay ee hogaamineed wuxuu ku yimid filinkii Thenmerku Paruvakaatru (2010), wuxuu ahaa action-drama ku guulaystay saddex abaalmarino qaran.
Waxa kale oo uu soo bandhigay xirfadda uu u leeyahay jilista doorar kala duwan isagoo laadar ka ahaa filimkii Sundarapandian (2012), waxaa xigay filimada Pizza (2012), Naduvula Konjam Pakkatha Kaanom (2012), Soodhu Kavvum (2013).
Sethupathi waxa uu noqday atoore guulo ka gaadhay filimada ay ka mid yihiin Idharkuthane Aasaipattai Balakumara (2013), Pannaiyarum Padminiyum (2014), Kadhalum Kadandhu Pogum (2016), Iraivi (2016), Vikram Vedha (2017), ’96 (2018), Chekka Chivantha Vaanam (2018), Petta (2019), Master (2021), Vikram (2022), Viduthalai Part 1 (2023), Viduthalai Part 2 (2024), Jawan (2023) and Maharaja (2024).
wuxuu ku guuleystay Abaalmarinta National Film Award ee Jilaaga ugu Wanaagsan doorka Taageerada, in ka badan 16 sano oo waayo aragnimo ah, wuxuu noqday mid ka mid ah jilayaasha loogu doonista badan yahay shirkadaha filimada Hindiya.
Qoyskiisa
Sethupati waxa uu 2003 uu guursadey Ms. Jessy, Sethupati iyo xaaskiisa Jessi waxay leeyihiin laba carruur ah, wiil la yiraahdo Surya iyo gabadh magaceeda la yiraahdo Shreeja, waxa uu ugu magacdarey wiilka uu dhalay saaxiibkiisii hore ee dugsiga, Surya, oo geeriyootay intii ay dugsiga ku jireen, Surya wuxuu kasoo muuqday filimkiisii ugu horreeyay isagoo ku jilaya Sethupahi oo yar filimkii Naanum Rowdy Dhaan (2015).
Surya wuxuu la soo muuqday aabbihii mar kale filimkii Sindhuubaadh (2019), Setupathi waxa uu leeyahay saddex walaalo ah, hal wiil ka weyn, mid ka yar iyo gabar ka yar.
Abaalmarinada uu helay
Sethupati wuxuu ku guuleystey 2 Filmfare Award for Best Actor – Tamil wuxuuna ku kala guuleystey sanadihii 2018 iyo 2019, iyo hal National Film Award, laba Abaalmarinada Filimka Tamil Nadu State iyo dhowr abaalmarino kale ayuu sidoo kale ku guuleystey.

Premium Web Hosting with 20% discount
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.