Taariikh nololeedka Xasan Cali Khayre

Xasan Cali Khayre waa Ra’iisul Wasaarihii 19 ee soomaaliya, Xasan Cali Khayre waxaa xilka loo magacaabay 23 February, 2017-kii, waxayna Baarlamaanka ansixiyeen 1 March ee isla sannadkaas.

April 15 keedii 1968 Ayuu Xasan Cali Khayre ku dhashay degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud. dugsiga hoose dhexe wuxuu Xasan Cali Kheyre kaga baxay degmada Ceelbuur, wuxuuna dugsiga sare kaga baxay iskuulka sare ee Cismaan Geeddi Raage ee magaalada Muqdisho.

Waxbarashadiisa

Xasan Cali Khayre waxa uu markii uu ka baxay dugsiga sare gutay waajibkiisa shaqada qaran waxa uuna ka mid noqday Ciidanka Booliska Qaranka wuxuuna kasoo shaqeeyay Saldhigyada Degmooyinka Marka iyo Hodon.

1989 ayuu Xasan Cali Kheyre magangalyo qoxootinimo ka helay dalka Norway wuxuuna mar kale dib u qaatay waxbarashada dugsiga sarre, 1998 ayuu ka qalanjabiyay jaamacada Oslo ee University of Oslo, wuxuuna bartay cilmiga siyaasada iyo dhaqaalaha.

Wuxuu Xasan Cali Kheyre 2001 shahaaddada labaad ee MBA- da ka qaatay jaamacada Heriot-Watt University, Edinburgh Campus ee magaalada Edinburgh ee Scotland, wuxuuna bartay cilmiga dhaqaalaha iyo ganacsiga isaga oo si gaar ah ugu taqusasay maadooyinka maalgalinta (Investment).

La shaqeyntii NRC

Sanadkii 2002 ayuu ku laabtay Norway wuxuuna ka shaqo bilaabay hay’adda dalkaas u qaabilsan qaxootiga ee loo yaqaan Norwegian Refugee Council (NRC), wuxuuna ka mid noqday saraakiisheeda sare, sanadkii 2006 ayuuna noqday u qaabilsanaha hay’adda NRC geeska afrika.

Soma Oil and Gas

Khayre ayaa ku biiray Soma Oil & Gas wuxuuna noqday Agaasimaha Fulinta ee u qaabilsan qaaradda Afrika, waxa uuna shirkadda ka shaqo bilaabay markii la aasaasay (2013), sida lagu sheegay website-ka shirkadda.

Bishii February 2016, qoraal sir ah oo ay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta xuquuqda aadanaha u dirtay dublamaasiyiin ku sugan dalalka Ingiriiska iyo Norway ayaa shaaca ka qaaday in agaasimaha fulinta ee Afrika ee Soma Oil and Gas ay baaritaan ku hayso kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabateynta Soomaaliya iyo Ereteriya iyagoo uga shakiyey inuu Xiriir kala dhexeeyo kooxaha ka dagaalama Bariga Afrika,

Soma ayaa sidoo kale waxaa ku socday baaritaan la xiriira musuq maasuq balse baaritaanka ayaa la joojiyay maadaama la waayay cadeymo, inkastoo baarayaashu ay ku adkeysteen inay jiraan sababo tuhun keeni kara.

23-kii February 2017, Shirkadda Soma Oil & Gas ayaa boggeeda Internet-ka ku shaacisay in Khayre uu iska casilay xilka Agaasimihii Fulinta ee Afrika.

Ra’iisul Wasaare

23-kii Febraayo 2017, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajio shaaciyay in Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya loo magacaabay Khayre, ra’iisul wasaare Khayre ka hor inta aan xilka loo magacaabin waligiis ma qaban xil dowladeed, inkastoo mudadii uu xilka hayay uu la soo shaqeeyay madax heer sare ah iyo mas’uuliyiin dowladeed oo xilal kala duwan kasoo qabtay.

Kalfadhi ay yeesheen 1-dii March 2017 Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay ra’iisul Wasaare Khayre, 231 ka mid ah mudanayaasha ayaa ogolaaday, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Xildhibaanada uga mahadceliyay taageerada baaxadda leh ee ay siiyeen, waxaana uu21 march ku dhawaaqay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, 29-kii March 2017-kii ayuu Baarlamaanka ansixiyay.

Iscasilaad

25-kii July 2020 Guddoomiyihii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in 170 Xildhibaan ay kalsoonida kala laabteen Xukuumaddii ra’iisul Wasaare Khayre, isagoo ku eedeeyay ra’iisul Wasaaraha inuu ku fashilmay ballan qaadyo ay ka mid yihiin hagaajinta amniga Qaranka iyo hirgelinta doorasho hal qof iyo hal cod ah oo wakhtigeeda ku dhacda.

Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa dood ka keenay sharci ahaanshaha Mooshinka, waxa ayna ku eedeeyeen gudoomiyaha Baarlamaanka inuu ku guuldareystay inuu ixtiraamo xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Xilliga mooshinka laga keenay Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku maqnaa magaalada Dhuusamareeb  halkaas oo uu kaga qeyb galay shirka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ee looga hadlayay arrimaha doorashooyinka dalka.

Markii uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho waxa uu soo saaray qoraal kooban oo uu ku tilmaamay habka uu u dhacay mooshinka kalsooni kala noqoshada oo aheyd mid aan waafaqsaneyn dastuurka dalka, waxaana uu iscasilaadiisa u soo jeediyay in uu tusaale wanaagsan u noqdo hogaanka iyo in la qaboojiyo xiisadaha taagan.

is casilaadii Xasan Cali Khayre

Reference: https://www.wikiwand.com/en/Hassan_Ali_Khaire


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply