Taariikh nololeedkii Yaxya Sinwar

Last Updated on October 19, 2024 by Taariikh24

Ururka Xamaas ayaa maalin talaado 6 August 2024 Yaxya Sinwaar u magacaabay madaxa siyaasadda urur, Sinwar waxa uu bedelay Ismail Haniyeh oo 31 July 2024 lagu dilay caasimadda Iran ee Tehraan ka dib markii uu ka qayb galay xafladda dhaarinta madaxweynaha Iran.

Yaxya 2017 ilaa August 6, 2024 wuxuu ahaa madaxa ururka Xamaas ee Gaza wuxuu ka mid ahaa kuwa Israel ay ugu doondoonis badneyd, 7 October 2024 markii ururka Xamaas uu weeraray dhulka Yahuuda ay heysato Israel waxay duulaan ku qaaday Gaza waxayna magaalada ku daadideen warqado ay ku qoranyihii amaal marin $400,000 oo la siin doono qofkii xog ka keeno Yaxya Sinwaar.

Sinwar ayaa la rumeysan yahay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay galitaankii Xamaas ee Israa’iil October 7, 2023, weerarkaa oo lagu xasuuqay askar qaarna lagu qafaashay, Sinwaar Walaalkiis ka yar waa Mohammed Sinwar waa hoggaamiye milatari oo Xamaas ah.

Noloshiisii hore

Yahya Ibrahim Hassan Sinwar waxa uu ku dhashay xerada Khan Younis ee koonfurta Gaza bishii October, sanadkii 1962-kii, qoyskiisu waxay asal ahaan ka soo jeedaan magaalada al-Majdal ee koonfurta Israa’iil, halkaas oo si qasab ah looga barakiciyay 1948-kii, Sinwar waxa uu ku biiray ururka Ikhwaanul Muslimiinka isaga oo da’yar.

Waxbarashadiisii

Wuxuu wax ka bartay dugsiga sare ee Khan Yunis ee wiilasha, dugsiga sare ka dib, waxa uu galay Jaamacadda Islaamiga ah ee Gaza halkaasi oo uu ka qaatay shahaadada koowaad ee jaamacadda oo uu ka bartay daraasaadka  luuqadda Carabiga.

Sannadkii 1985kii, Sinwar waxa uu aasaasay hay’adda amniga ee Ikhwaanul Muslimiinka oo loo yaqaannay waagaas “Al-Majd”. Ururkaan ayaa diiradda saaray iska caabinta gumeysiga Israel ee Gaza iyo la dagaalanka Falastiiniyiinta la shaqeeya.

Firfircoonida arday ee Sinwar ayaa ka caawisay inuu helo waayo-aragnimo markii dambe u suurtagelisay inuu ka qabto door hoggaamineed ururka Xamaas ka dib markii la aasaasay 1987.

Waxa uu 23 sano ku jiray xabsiyada Israa’iil halkaas oo uu ku bartay luqadda Cibraaniga oo uu si fiican u bartay arrimaha Israa’iil iyo siyaasadda gudaha.

Ku biiristiisii Xamaas

Sinwar waxa uu ku biiray Xamaas isaga oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii ugu horeeyey ​​isla markii la aasaasay kooxdan oo uu aasaasay Sheekh Axmed Yaasiin sannadkii 1987.

Sannadkii xigay waxa xidhay ciidammada Israa’iil waxaana lagu xukumay afar mar xabsi daa’im oo u dhiganta 426 sano oo xadhig ah iyagoo ku eedeeyay ku lug lahaanshiyaha qabashada iyo dilka laba askari oo Israa’iili ah iyo afar looga shakisan yahay inay ahaayeen basaasiin falastiiniyiin ah.

Waxa uu ciyaaray door siyaasadeed iyo mid milatari intii lagu jiray weerarkii todobada toddobaad ee Israel ku qaaday Gaza 2014, sannadkii 2015 Maraykanka wuxuu Sinwar ku tilmaamay waxa uu ugu yeero “argagixiso caalami”.

Markii la xirey

Sannadkii 1982-kii, ciidamada Israa’iil ayaa markii ugu horreysay xiray Sinwar oo sii daayay dhowr maalmood ka dib, waxay xireen mar kale dabayaaqadii sanadkaas iyagoo ku xukumay lix bilood oo xabsi ah “ka qeybqaadashada dhaqdhaqaaqyada amniga ee ka dhanka ah Israa’iil owgii.”

Jan, 20, 1988, Israa’iil ayaa markale xirtay waxayna ku xukuntay afar mar xabsi daa’im ah oo lagu daray 30 sano waxay ku eedeeyeen inuu”asaasay hay’adda amniga ee Al-Majd iyo ka qaybqaadashada aasaaskii garabkii militari ee ugu horreeyay ee Xamaas, oo loo yaqaannay Mujaahidiinta Falastiin.”

2004 waxaa la sheegay in lagu sameeyey qaliin madaxa ah oo looga soo saarey buro maskaxda kaga taalay, dhakhtarkii sababta u ahaa badbaadinta Sinwaar ayaa sheegay in Xamaas ay weerarkii 7 October ku dileen wiil uu adeer u ahaa.

Sinwar waxa uu 23 sano ku jiray xabsiyada Israa’iil ka hor inta aan la sii dayn isaga oo qayb ka ahaa heshiis is dhaafsi maxaabiis ah oo dhexmaray Xamaas iyo Israa’iil 2011 heshiiskaa oo loo yaqaan “Heshiiska Shalit”.

Sida ku cad heshiiska la fuliyay October 11, 2011, Israa’iil waxay sii daysay 1,027 maxaabiis falastiiniyiin ah si ururka Xamaas ay u sii daayaan askariga lagu magacaabo Gilad Shalit oo ay Xamaas qabteen June 25, 2006.

Madaxa Xamaas ee Gaza

Ka dib markii la sii daayay 2011, Sinwar wuxuu ka qayb qaatay doorashadii gudaha ee Xamaas 2012, isagoo ku guuleystay kursi xafiiska siyaasadda wuxuuna qaaday mas’uuliyadda kormeerida garabka milatari ee kooxda, Guutada Al-Qassam.

Bishii Sebtembar 2015, Maraykanku wuxuu Sinwar ku daray liiska waxa uu ugu yeero “argagixisada caalamiga ah.” laamaha ammaanka ee Israel ayaa sidoo kale Sinwar ku daray bartilmaameedka ugu horeeya.

Sannadkii 2017-kii, Sinwar waxa uu noqday madaxa Xamaas ee Gaza isaga oo beddelay alle ha u naxariistee Ismaaciil Haniyeh oo xilligaa loo doortay guddoomiyaha xafiiska siyaasadda ee kooxda, si ka duwan Haniyeh oo gobolka u safri jirey oo jeedin jirey khudbado intii uu socday dagaalka Gaza ilaa dilkiisa, Sinwar ayaa hadlin tan iyo 7-dii Oktoobar 2024.

Laakiin wareysi 2021 uu siiyay Vice News, Sinwar wuxuu sheegay in inkasta oo Falastiiniyiintu aysan raadin dagaal, haddana aysan ruxi doonin calanka cad”.

“Muddo dheer, waxaan isku dayaynay iska caabin nabadeed iyo mid dadweyne, waxaan filaynay in caalamka, dadka xorta ah iyo hay’adaha caalamiga ahi ay garab istaagaan dadkeenna oo ay joojiyaan waxa gumaysaha ay ku kacayaan dembiyada iyo gumaadka dadkeenna nasiib darro, dunidu dhinac ayey iska is taagtay oo daawanaysay,” ayuu yidhi.

Mar la weydiiyay xeeladaha Xamaas, oo ay ku jiraan ridida gantaallada aan loo meel dayin ee waxyeelada u geysan kara dadka rayidka ah, Sinwar wuxuu sheegay in Falastiiniyiinta ay ku dagaalamayaan wax walba ay awoodaan.

Waxa uu ku eedeeyay Israa’iil in ay si badheedh ah u dilayso dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta si guud.

1dii Diseembar 2020, Sinwar ayaa laga helay COVID-19 waxaana la sheegay in uu raacay talada maamulka caafimaadka oo uu qaaday tallaabooyin taxaddar ah.

15-kii Maajo 2021, weerar cirka ah oo ay Israa’iil fulisay ayaa la sheegay in lagu weeraray guriga hoggaamiyaha Xamaas balse ma jirin wax faah faahin ah oo ku saabsan dhimasho iyo dhaawac, duqeymaha ayaa ka dhacay Khan Yuunis ee koonfurta Qaza iyadoo ay socotay xiisadda sii kordheysa ee u dhexeysa Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta.

Si kastaba ha ahaatee, isbuucii xigay, wuxuu fagaare kasoo muuqday ugu yaraan afar jeer midda ugu daran iyo dhiirranaanta leh waxay ahayd shir jaraa’id oo uu qabtay 27-kii Maajo 2021 markii uu ku sheegay inuu guriga aadi doono shirka jaraa’id ka dib waliba lugeynayo wuxuuna ku casuumay Wasiirka Difaaca Israel inuu qaato go’aanka dilka.

Sinwar waxa uu ku qaatay saacaadihii xigay isagoo dhex mushaaxayay waddooyinka Gaza oo uu sawiro selfie ah la galayay dadweynaha.

6 August 2024 ayaa loo magacaabaymadaxa siyaasadda Xamaas, wuxuu ahaa cadowga koowaad ee Israel, inuu noqdo madaxa xafiiska siyaasadeed ee Xamaas waxay farriin cago-juglayn ah u dirtey maamulka Israa’iil, saraakiisha Israa’iil ma aysan qarin rabitaankooda ah inay dilaan.

Dilkii Yaxya Sinwaar

Yaxya Sinwaar ayaa la dilay  maalin Arbaco October 16, 2024 isagoo dagaal toos kula jirey ciidamada maamulka Isreal, Xamaas ayaa Jimcihii xaqiijiyay dhimashadiisa waxayna sheegeen inuu shahiiday xilli uu ku jirey dagaal ka dhacay Tal as-Sultan, Rafah, magaalada ku taal koonfurta Marinka Gaza.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay militariga Israel, Sinwar ayaa la dilay ka dib markii askartu ” Saddex dagaalyahan ay arkeen oo ay la dagaallameen ciidamada oo seddexduba la dilay”.

Kadib markii la baaray seddaxda nin shahiiday ayaa la arkay mid ka mid ah meydadka oo si weyn ugu ekaa hogaamiyaha Xamaas, qayb ka mid ah farta ayaa laga jarey waxaana loo diray Israa’iil si loo baaro, baaritaankii ma qaadan waqti dheer, 17 October Israa’iil waxay ku dhawaaqday in Yaxya Sinwar la xaqiijiyay in la dilay”.

References:-

aljazeera.com

anadolu agency


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Ads Blocker Image Powered by Code Help Pro

Ads Blocker Detected!!!

We have detected that you are using extensions to block ads. Please support us by disabling these ads blocker.