Taariikh nololeedkii ismaaciil haniya

Last Updated on August 5, 2024 by Taariikh24

May 6, 2017, Xamaas  ayaa alle ha u naxariistee Ismail Abdulsalam Ahmed Haniya u doortay madaxa xafiiska siyaasadda ee kooxda isagoo bedelay Khaled Meshaal, waa siyaasi Falastiini ah wuxuu soo noqday ra’iisul wasaaraha maamulka Falastiiniyiinta (PA) 2006-2007 ka dib markii ururka Xamaas uu ku guuleystay inta badan kuraasta doorashadii sharci dejinta ee Falastiin 2006, Haniyeh waxa kale uu noqday hoggaamiyaha dawladda dhabta ah ee Marinka Gaza (2007–2014).

Ismail Abdulsalam Ahmed Haniya waxa uu ku dhashay xerada qaxoontiga Shaati ee Gaza 29 Janaayo 1962, waxaana dhalay waalidiin ka soo qaxay magaalada Asqalan ka dib markii la aasaasay maamulka Israa’iil sannadkii 1948-kii, Haniya waxa uu wax ka bartay machadka al-Azhar ee Gaza, waxaa uu ka qalin jabiyay Islamic University Gaza.

Intii uu jaamacadda dhiganayay 1983-kii, Haniya waxa uu ku biiray ururka ardayda Islaamka oo horudhac u ahaa Xamaas.

Sannadkii 1987-kii ee uu qalin jabiyey, waxa uu bilow u ahaa kacdoonkii shacabka Falastiin ee ugu horreeyey ee lagaga soo horjeeday gumaystaha Israa’iil, kaas oo loo yaqaannay Intifada kowaad iyo aasaaskii ururka Xamaas oo ahaa urur rasmi ah.

Maamulka Israel ayaa Haniya xabsiga dhigay isagoo xabsiga ku jirey18 maalmood ka dib markii uu ka qayb qaatay mudaaharaadyo looga soo horjeeday qabsashada yahuuda dhulka Falastin.

Sannad ka dib, 1988-kii waxa mar kale la xidhay lix bilood, saddex sano oo kalena wuxuu ku qaatay xabsiga 1989-kii isagoo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Xamaas.

Ka dib markii la sii daayey, Israa’iil waxa ay Haniya u masaafurisay koonfurta Lubnaan isaga iyo madax kale oo sare oo Xamaas ah halkaas oo uu sannad ku qaatay, kadib markii heshiiskii Oslo ay wada saxiixdeen Israel iyo ururka xoreynta falastiin waxa uu dib ugu laabtay Gaza.

Waxa kor u kacday darajooyinkiisa dhaqdhaqaaqa dhexdiisa isaga oo ahaa gacan yaraha aasaasihii Xamaas, Marxuum Sheekh Axmed Yaasiin sannadkii 1997-kii, sanadkii 2001dii markii uu qarxay Intifada Labaad, Haniya waxa uu xajistay booskiisa mid ka mid ah hogaamiyeyaasha siyaasadeed ee Xamaas, wuxuu galay kaalinta saddexaad ka dib Yassin iyo Abdul Aziz al-Rantisi.

Haniya iyo Yaasiin waxay ka badbaadeen isku day dil sannadkii 2003-dii, isku day dil oo fashilmay oo ay Israa’iil ku doonaysay inay ku disho weerar dhinaca cirka ah oo ay ku qaadday guri dabaq ah oo ku yaalay badhtamaha magaalada Gaza oo ay ku kulmayeen labada nin.

Dhawr bilood ka dib, Yaasiin oo ahaa naafo ayay diyaarado Helicopter ah oo Israa’iili ay beegsadeen oo ay dileen xilli uu ka soo baxay masjid uu ku tukaday salaaddii subax ee hore.

Haniya waxa uu caan noqday sanadkii 2006-dii markii uu Xamaas ku hogaamiyay doorashadii sharci dejinta ee uu kaga guuleystay dhaqdhaqaaqa Fatah oo xukunka hayay in ka badan toban sano.

In kasta oo uu ra’iisul wasaare ka ahaa maamulka Falastiiniyiinta (PA) muddo kooban, diidmadii beesha caalamka ee la shaqaynta Xamaas, ismari waaga iyo gacan ka hadalka labada dhinac ee falastiiniyiinta ah ayaa aakhirkii horseeday in la burburiyo dawladdii midnimada ee 2007, kadib markii Xamaas ay la wareegtay gacan ku haynta marinka Qaza.

Haniya waxaa xilka ra’iisul wasaarenimo ka qaaday madaxweynihii xisbiga PA, Mahmoud Abbas, laakiin wuxuu weli ahaa hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa ee marinka Gaza.

Dhowr jeer Haniya wuxuu sheegay inuu aqbali doono dowlad Falastiin ah oo laga dhiso xuduudihii 1967 oo ay caasimad u tahay Qudus, wuxuu kaloo sheegay in xukuumadda Xamaas ay diyaar u tahay inay la shaqeyso dowladaha reer galbeedka ee wacad ku maray inay taageerayaan xuquuqda Falastiiniyiinta.

Intii uu socday dagaalkii 2014-kii Israa’iil ay ku qaadday Qaza, laba wiil oo uu adeer u ahaa Haniya ayaa lagu dilay, qaybo ka mid ah gurigiisana waxaa lagu burburiyay duqeymo ay Israa’iil geysatay.

U magacaabistii Madaxa Siyaasadda Xamaas

Sanadkii 2017 Ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta ayaa shaaca ka qaaday in Ismaaciil Haniya loo doortay hogaamiyaha guud ee xafiiska siyaasadda ee Xamaas isaga oo bedelay Khaled Meshaal, 2018 dowladda mareykanka ayaa sheegtay in Ismaaciil Haniya u aqoonsatay argagaxiso.

Bishii Diseembar 2019 Haniyeh wuxuu ka tagay Marinka Gaza wuxuuna bilaabay inuu ku noolaado Turkiga iyo Qatar waxaana u fududeeyay awoodiisa inuu u matalo Xamaas.

Booqashooyinkiisa ugu caansan waxaa ka mid ahaa aaskii Qassem Soleimani oo ahaa taliyihii ugu sarreeyay ee Ilaalada Kacaanka ee Iran (IRGC) kaas oo lagu dilay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka bishii Janaayo 2020, iyo caleema saarkii Madaxweynihii Iran Ebrahim Raisi bishii Agoosto 2021.

Dabayaaqadii bishaas, markii ciidamada Maraykanku ka baxeen Afgaanistaan Haniyeh wuxuu wacay hogaamiyaha Taliban si uu ugu hambalyeeyo dhamaadka joogitaanka Maraykanka ee dalka.

Qoyskiisa

Haniyeh wuxuun dhalay 13 caruur ah, xaaskiisa waxaa lagu magacaabaa Amal Haniyeh, Haniyeh gabdhaha walaalihii  oo kala ah Kholidia, Laila iyo Sabah waa muwaadiniin Israel ah waxayna ku nool yihiin Tuulada Bedouin ee Tel as-Sabi koonfurta Israel, waxaa kaloo jira gabadh kale oo lagu magacaabo Suhila Abd El-Salam Ahmed Haniyeh oo ismaaciil la dhalatay, laakiin magaca walaalkiis ayaa weli ah sir si dhow loo ilaaliyo.

Mala awaalyo gaar ah oo ka soo baxaya baaritaannada internetka ayaa soo jeedinaya in Suhila Abd El-Salam Ahmed Haniyeh uu noqon karo walaalkii Haniyeh, si kastaba ha ahaatee, sheegashooyinkani ma laha caddayn, aqoonsiga walaalkiis ayaa weli ah mid aan la helin.

Arrin murugo leh oo ka mid ah taariikhda qoyska Haniyeh ayaa ah geerida naxdinta leh ee walaalkii kaas oo la sheegay in lagu dilay duqeyn cirka ah oo Israel ay ku qaaday guri qoyskooda oo ku yaal Gaza.

Bishii Oktoobar 2023, 14 xubnood oo qoyskiisa ah ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo Israa’iil ay ku qaadday qoyskiisa gurigooda oo ku yaal magaalada Gaza, dadka la dilay waxa ku jiray walaalkiis iyo wiil uu adeer u ahaa.

Bishii Noofambar 2023, gabadh uu awoowe u ahaa ayaa la sheegay in lagu dilay duqayn ay Israa’iil ka geysatay magaalada Gaza, isla bishaas dabadeed wiil uu awoowe u ahaa ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil fulisay.

Geeridii Ismaaciil Haniya

July 31, 2024 madixii siyaasadda ee ururka Xamaas Ismaaciil Haniya ayaa lagu dilay magaalada Tehran ee dalka Iran, ururka Xamaas ayaa sheegay in maamulka Israel ay dileen balse Israel ma sheegan dilka Ismaaciil, Iran ayuu u tagay inuu ka qeyb galo caleemo saarkii madaxweynaha Iran, Iran ayaa sheegtay in Ismail Haniyeh iyo ilaaladiisa lagu dilay guriga martida oo ku yaal waqooyiga Tehran saacadu markay ahayd 02:00AM, xilligaas oo ku dhaweyd waabiriga, iyadoona dilkiisa loo adeegsaday gantaal laga soo ganay meel ka baxsan xudduudaha Iran.

Warar ka madax banaan iiraan ayaa sheegaya in qiyaastii laba bilood ka hor bam lagu qariyay guriga martida, sida ay sheegeen shan ka mid ah saraakiisha Bariga Dhexe, guriga martida waxaa maamula oo ilaaliya kuwa ay ku magacaabeen ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah.

August 2,2024 ayaa aaskii Hogaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh wuxuu ka dhacay dalka Qatar, aaska Marxuumka ayaa lagu qabtay Masjidka Imam Muhammed Abdul Wahhab, waxaa lagu aasay Qabuuro ku yaalla magaalada Lusail ee Waqooyiga caasimadda Qatar ee Dooxa.

Reference: https://www.aljazeera.com/features/2017/5/9/profile-ismail-haniya-hamas-political-chief


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply