Taariikh Nololeedkii Robert Mugabe

Robert Gabriel Mugabe oo loo yaqaan Robert Mugabe wuxuu ku dhashay tuulada Kutama, Koonfurta Rhodesia – hadda loo yaqaan Zimbabwe, Kutama hadda waa magaalo ku taal Degmada Zvimba oo ka tirsan Gobolka Galbeedka Mashonaland ee dalka Zimbabwe.

Wuxuu dhashay Febraayo 21, 1924.

Noloshiisii hore

Wuxuu dhashay bilo ka dib markii ay Koonfurta Rhodesia hoos tagtay gumaysigii Boqortooyada Ingiriiska, taasi waxay keentay in dadkii tuuladiisa lagu dulmiyo sharciyo cusub oo ay la kulmaan caqabado dhanka waxbarashada ah iyo fursadaha shaqo.

Mugabe aabihii wuxuu ahaa nijaar (dadka farsamada alwaaxyada ka shaqeeya), waxa uu u shaqo aaday Koonfur Afrika markii Mugabe uu ahaa wiil yar, waligiis guriga ma imaan.

Mugabe hooyadiis oo macalimad ahayd, waxaa loo daayay inay keligeed koriso Mugabe iyo saddex walaalihiis ah, carruurnimadiisii, Mugabe waxa uu gacan ka geystay xannaanaynta lo’da qoyska oo uu lacag ka samayn jiray shaqooyin qallafsan.

Waxbarashadiisii

Mugabe wuxuu nasiib u yeeshay inuu helo waxbarasho wanaagsan, waxa uu ku biiray dugsiga deegaanka oo uu kormeerayo agaasimaha dugsiga  O’Hea, O’Hea wuxuu baray Mugabe in dadka oo dhan loola dhaqmo si isku mid ah oo wax loo baro.

Macallimiinta Mugabe oo ugu yeeray “Wiil xariif ah,” ayaa goor hore u aqoonsaday awoodiisa mid la taaban karo.

Kadib markii uu dhameystay lix sano oo waxbarasho hoose ah, 1941 Mugabe waxaa laga aqbalay Kutama’s St. Francis Xavier college, isagoo ka qalin jabiyay 1945.

Mugabe waxa uu waxbarashadiisa ka sii watay jaamacadda Fort Hare ee dalka Koonfur Afrika, isaga oo ka qalin jabiyay shahaadada koowaad ee cilmiga taariikhda iyo Ingiriisiga sannadkii 1951-kii.

Sannadkii 1955kii, Mugabe waxa uu u guuray Waqooyiga Rhodesia, waxa uu afar sano wax ka dhigayey Chalimbana Training College isagoo sidoo kale ka shaqaynayay shahaadadiisa Bachelor of Science ee dhaqaalaha isaga oo u maraya koorsooyin uu ka qaatay University of London.

Ka dib markii uu u guuray Ghana, Mugabe waxa uu dhammaystay shahaadadii dhaqaalaha sannadkii 1958, waxa kale oo uu wax ka dhigay kulliyadda Tababarka Macallimiinta ee St. Mary’s, halkaas oo uu kula kulmay xaaskiisii ​​ugu horreysay, Sarah Heyfron, oo uu guursanayo 1961.

Ghana, Mugabe wuxuu ku dhawaaqay inuu yahay Marxist, taageeridda hadafka dawladda Ghana ee ah in la siiyo fursado waxbarasho oo siman fasallada hoose ee hore loo qoondeeyey.

Mihnaddiisii Siyaasadeed ee hore

Sannadkii 1960-kii, Robert Mugabe waxa uu dib ugu laabtay magaaladiisii ​ isaga oo qorshaynayay in uu gabadha uu guursanayo uu baro hooyadii, si lama filaan ah, markii uu yimid, Mugabe wuxuu la kulmay Koonfurta Rhodesia oo si weyn isu beddeshay.

Tobanaan kun oo qoys oo Madow ah ayay dawladdii cusbayd ka barakicisay, dadka caddaanka ahina waa ay qarxeen, dawladdu waxay diiday xukunka aqlabiyadda Madow, taasoo keentay mudaaharaadyo rabshado wata.

Mugabe ayaa sidoo kale aad uga carooday diidmadan xuquuqda dadka Madowga ah, bishii Luulyo 1960-kii, wuxuu ogolaaday inuu dadka kala hadlo mudaaharaadkii Maarso ee 7,000, ee lagu qabtay Salisbury’s Harare Town Hall.

Ujeedka isu imaatinkan ayaa lagu sheegay in xubno ka tirsan mucaaradka ay ka dhiidhiyeen xariga dhawaan loo geystay madaxdooda, isaga oo iska indho-tiray hanjabaadaha booliiska, Mugabe waxa uu u sheegay dibad-baxayaasha sida Ghana ay si guul leh ugu heshay madaxbannaani iyada oo loo marayo Marxism.

Todobaadyo uun ka dib, Mugabe ayaa loo doortay xoghayaha guud ee xisbiga National Democratic Party, Mugabe wuxuu si degdeg ah u ururiyay urur dhalinyaro xagjir ah si uu u faafiyo ereyga ku saabsan helitaanka madax-bannaanida dadka Madoow ee Rhodesia.

Dawladdu waxay mamnuucday xisbiga National Democratic Party dhammaadkii 1961-kii, laakiin taageerayaashii hadhay ayaa isu yimid si ay u sameeyaan dhaqdhaqaaq kaas oo ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee Rhodesia, Zimbabwe African People’s Union (ZAPU) markiiba wuu kobcay oo noqday 450,000 oo xubnood.

Hogaamiyaha ururka, Joshua Nkomo ayaa lagu martiqaaday inuu la kulmo Qaramada Midoobay, kuwaas oo ka dalbaday Britain inay laasho dastuurkooda oo ay akhriyaan mawduuca xukunka aqlabiyadda.

Laakiin, markii uu wakhtigu dhammaaday oo waxba isma beddelin, Mugabe iyo kuwa kale waxay ka xumaadeen in Nkomo uusan ku adkaysan karin waqti go’an oo isbeddel lagu sameeyo dastuurka.

Si aad ah ayuu uga xumaaday, in Abriil 1961, Mugabe wuxuu si cad ugala hadlay inuu bilaabo dagaal jabhadeed xitaa wuxuu sii socday ilaa uu si qarsoodi ah ugu dhawaaqo nin bilays ah, “Waxaan la wareegeynaa dalkan, mana u dulqaadan doono wax aan macno lahayn.”

1963-kii waxa uu  caawiyay Baadari Ndabaningi Sithole si uu u sameeyo Zimbabwe African National Union (ZANU) oo ka go’ay xisbigii Zimbabwe African People’s Union (ZAPU).

1964-kii waxaa lagu xiray “hadallo qaran dumis” wuxuuna ku qaatay 10 sano oo xabsi ah, muddadaas waxa uu qaatay shahaado sharcig, Isaga oo weli xabsiga ku jira waxa uu hoggaaminayey afgambi sannadkii 1974-kii isaga oo Sithole ka xayuubiyey hoggaamiyaha ZANU.

Dabayaaqadii 1974kii Mugabe waa la sii daayay, intii lagu guda jiray dagaalkii sokeeye ee dadka madowga ah ee Rhodesia ee ka soo horjeeday Ra’iisal Wasaare Ian Smith ee dawladdii cadaanka ahayd ee Rhodesia (1975-79), intii uu xabsiga ku jiray, Mugabe waxa uu ku tiirsanaa isgaadhsiin sir ah si uu u bilaabo hawlgallo jabhadeed oo lagaga xoraynayo Koonfurta Rodesia gumaystaha Ingiriiska, Mugabe wuxuu ahaa hoggaamiye xiriir la leh Nkomo oo ka tirsanaa Jabhadda Patriotic Front (PF) ee Zimbabwe.

Jabhadda xisbiga ayaa howgalo ka dhan ah dawladda Rhodesia fulinaysay iyagoo kaga soo duulayey saldhigyo ku yaallay dalalka deriska la ah sida Zambia, Mozambique, iyo Angola.

1974kii Mugabe ayaa xabsiga ayaa xabsiga laga sii daayey si uu tago shir ka dhacayay Lusaka, Zambia (oo hore loo odhan jiray Rhodesia), Mugabe ayaa taa beddelkeeda dib uga baxsaday xudduudda Koonfurta Rhodesia, isagoo isku soo ururiyay ciidamo ka tirsan jabhadda Rhodesia oo jidka ku soo socday, dagaalladu waxay socdeen ilaa 1970-yadii.

Wada xaajood cusub oo London ka dhacay 1979kii ayaa lagu soo afjaray dagaalka, waxaana uu horseeday doorashooyin cusub oo ay Britain kormeeraysay bishii Febraayo 1980,  xisbiga Mugabe oo hadda isticmaalaya magaca ZANU-PF, ayaa guul weyn ka helay xisbiyadii kale, wuxuuna noqday ra’iisul wasaare.

Ra’iisul wasaare iyo madaxweyne

Raiisel wasaare ahaan, Mugabe wuxuu markii hore raacay barnaamijkii saxda ahaa ee loogu talagalay in lagu xaqiijiyo beeraleyda iyo ganacsatada cadaanka ee Zimbabwe ku haray, kuwaas oo xirfadahooda ay muhiim u aheyd dhaqaalaha.

Waxa uu soo dhisay dawlad wadaag ah oo u dhaxaysa xisbigiisa ZANU-PF (taasoo taageero ka helaysa dadka ugu badan ee Shona), iyo Nkomo’s ZAPU (oo taageero ka helay dadka laga tirada badan yahay ee Ndebele), wuxuuna u hoggaansamay dastuurka cusub ee dammaanad qaadayey matalaadda caddaanka.

Isla mar ahaantaana, Mugabe waxa uu qaaday tillaabooyin uu ku wanaajinayo wax badan oo ka mid ah dadka Madowga ah ee Zimbabwe iyada oo loo marayo mushahar kordhin, horumarinta adeegyada bulshada, iyo kaalmada cuntada.

Sannadkii 1982-kii Mugabe waxa uu Nkomo ka saaray golihii wasiirrada ee isbahaysiga, intaas ka dib colaadaha qowmiyadeed ee u dhexeeyay Shona iyo Ndebele ayaa dalka qalqal galiyey, dhaqaalaha Zimbabwe ayaa si joogto ah hoos ugu dhacay in kasta oo  Mugabe uu taalaabo qaaday, caddaankuna waxay sii wadeen inay u haajiraan.

Mugabe waxa uu waligiis ku talo jiray in uu Zimbabwe ka beddelo dimuqraadiyadda baarlamaanka oo uu ka dhigo dawlad hantiwadaag ah oo hal xisbi ka kooban, 1984-tii ZANU-PF waxa uu qabtay shirweyne, waxaa Mugabe laga dhigay hoggaamiye aan cidina ka hor iman, waxa la dhisay qaab-dhismeed cusub oo xisbi oo ka kooban Gole dhexe iyo Xafiis-siyaasadeed oo loo qaabeeyey in lagu xukumo xisbiga iyo Zimbabwe.

Sannadkii 1987-kii xisbiyadii Mugabe iyo Nkomo waxay ku midoobeen hal magaca ZANU-PF, Mugabe ayaa si buuxda u maamulay, Diseembar 31, 1987, wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Zimbabwe, isagoo si wax ku ool ah u aasaasay xukun hal xisbi ah.

1990kii ayaa mar labaad loogu doortay madaxweyne doorasho xisbiyo badan oo ku astaysnaa cagajugleyn iyo rabshado.

Xasilooni darro sii kordhaysay

Mugabe ayaa dabayaaqadii sagaashamaadkii la kulmay qalalaase sii kordhayay, dhaqaalo xumo iyo go’aankiisii ​​ahaa inuu ciidamo u diro Madaxweynihii Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo Laurent Kabila oo dagaal kula jiray fallaagada ayaa horseeday weeraro, waxaana bishii November 1998-dii rabshado dhacay ka dib markii Mugabe uu ku dhawaaqay in isaga iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ay heli doonaan mushaar kordhin.

Mucaaridkii ugu horreeyay ee dhabta ah ee dawladdii Mugabe waxa ay ka yimaaddeen Movement for Democratic Change (MDC), oo la aasaasay Sebtembar 1999 oo uu hoggaaminayey Morgan Tsvangirai.

Doorashadii baarlamaanka ee sannadkii 2000, MDC ayaa ku guulaystay kala badh kuraastii lagu tartamayey, laakiin ZANU-PF ayaa ku guulaystay ama gacanta ku haysay inta badan kuraastii hadhay, sidaas awgeedna waxa ay si adag u maamulayeen Zimbabwe.

In kasta oo Mugabe dib loo doortay 2002-dii, haddana doorashooyinkii waxa ragaadiyay rabshado oo ay dhaleeceeyeen kormeerayaasha, sharci la ansixiyay dabayaaqadii sanadkaas ayaa Mugabe u oggolaaday in uu sii wado barnaamij uu kula wareegayo beeraha ay caddaanka leeyihiin, in ka badan kala bar beeraleyda cadaanka ah ee dalka ayaa lagu qasbay inay ka tanaasulaan hantidooda.

Nasiib darro, hantida waxaa inta badan sheegan jiray shakhsiyaad siyaasad ku xidhan oo aan khibrad beernimo lahayn, ka fikir la’aanta dawladda in ay ku beddesho shaqaale khibrad leh ayaa gacan ka geystay hoos u dhac weyn oo ku yimid wax soo saarka beeraha.

Markii ay shacbiyaddii Mugabe hoos u sii dhacday, taliskiisu waxa uu noqday mid naxariis daran oo cabudhin badan., xorriyadda saxaafadda waa la dhimay, mucaaradkana waa la dhibay oo la garaacay, waxaana la hirgeliyay barnaamij muran dhaliyay oo sababay in la dumiyo dhismayaal sharci-darro ah, taasoo keentay in boqolaal kun oo reer Zimbabwe ah ay hoy la’aan noqdaan.

Dhaqaalaha ayaa hoos u sii socday, sannadkii 2007-diina waddanku wuxuu lahaa heerka ugu sarreeya ee sicir-bararka adduunka,  sidoo kale mid ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee shaqo-la’aanta.

Inta badan dadka reer Zimbabwe ma aysan helin in ku filan oo badeecadaha aasaasiga ah, sida cuntada ama shidaalka, iyadoo taasi jirto, Mugabe waxa uu caan ku ahaa gudaha xisbiga ZANU-PF, Diseembar 2007-diina xisbigu waxa uu Mugabe u oggolaaday in uu noqdo musharraxa madaxweyne ee doorashadii 2008-dii.

Doorashadii 2008 iyo wixii ka danbeeyay

Bilihii doorashada ka hor, waddanku wuxuu sii waday hoos u dhaca dhaqaalaha, iyadoo heerka sicir-bararka uu kor u dhaafay 100,000 boqolkiiba, taageerada Mugabe ayaa u muuqatay mid liidata, wasiirkii hore ee maaliyadda oo daacad u ahaa xisbiga ZANU-PF Simba Makoni ayaa ku dhawaaqay in uu Mugabe kula tartamayo xilka madaxtinimada.

 MDC oo Tsvangirai uu u yahay musharraxa madaxweynenimada ayaa shacbiyadiisa kor u kacday guud ahaan dalka, xitaa meelaha inta badan ahaa dhufeysyadii ZANU-PF.

Doorashooyinkii Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Deegaanka waxa la qabtay March 29, 2008.

Natiijooyin horudhac ahaa oo aan rasmi ahayn ayaa tilmaamayay natiijo wanaagsan oo u soo hoyatay Tsvangirai iyo MDC, laakiin, ka dibmaalmo tirinta socday iyadoo gaabis ah, natiijadii baarlamaanka ayaa la sii daayay (iyo gabi ahaanba ay mqantahay natiijadii madaxtinimo), dad badan ayaa ka cabsi qabay in Mugabe iyo ZANU-PF ay natiijada wax is daba marinayaan.

2-dii Abriil xisbiga MDC ayaa soo saaray xisaabtooda gaarka ah ee natiijadii doorashada madaxtinimo, taas oo muujisay in Mugabe uu ku guuldarreystay isagoo helay wax yar kala bar codadka, sheegashada MDC waxaa meesha ka saaray ZANU-PF.

Natiijooyinkii rasmiga ahaa ee la sii daayay gelinkii dambe ee maalintaas ayaa muujinayay in xisbiga ZANU-PF uu lumiyay aqlabiyaddii uu ku lahaa Aqalka Baarlamaanka, si rasmi ah looma shaacin natiijada ugu danbeysay ee tartanka madaxtinimo ilaa 2-da May, markaasoo lagu dhawaaqay in Mugabe uu helay 43.2 boqolkiiba codadka halka Tsvangirai uu helay 47.9 boqolkiiba.

Si kastaba ha ahaatee, maadaama uusan jirin musharrax helay aqlabiyadda codadka, waxaa lagama maarmaan noqon doonta doorasho ku celis ah, taasoo markii dambe loo qorsheeyay 27-ka Juun.

Todobaadyo ka hor doorashada ku celiska ah waxaa hareeyay rabshado siyaasadeed, kuwaas oo MDC ay sheegay in ay maalgaliyeen xukuumadda Mugabe uu hoggaamiyo ee ZANU-PF,  dawladda ayaa iyaduna sheegtay in MDC ay masuul ka tahay.

Rabshadihii sii kordhayey ayaa sii xoojisay dhowr tallaabo oo dowladeed oo ay ku jiraan xarigga Tsvangirai iyo dhowr kale oo ka tirsan saraakiisha iyo taageerayaasha MDC, iyo sidoo kale dhowr dublamaasiyiin oo ka kala socda Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka kuwaas oo ku dhex jiray baaritaanka warbixinnada rabshadaha ka hor doorashada.

Hakinta dhammaan howlihii gargaarka bini’aadantinimo ee dalka, iyo hadallada ka soo yeeray Mugabe oo tilmaamaya in uusan awoodda ku wareejin doonin mucaaradka haddii looga guuleysto doorashada ku celiska ah.

Wax ka yar toddobaad ka hor doorashada, Tsvangirai ayaa ku dhawaaqay inuu ka tanaasuli doono tartanka, isagoo sabab uga dhigay inaysan suurtagal ahayn doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda jawiga hadda dalka ee rabshadaha iyo cabsi gelinta.

Si kastaba ha ahaatee, doorashadii ayaa wali socotay, waxaana lagu dhawaaqay in Mugabe uu ku guuleystay inkastoo kormeerayaasha madaxa banaan ay sheegeen in doorashadu aysan ahayn mid xor iyo xalaal ah.

Awood qeybsi

waxaana jiray baaqyo ku saabsan in MDC iyo ZANU-PF ay sameystaan ​​awood. dawlad wadaaga, si taas loo gaaro, Ururka Southern African Development Community (SADC) ayaa maalgeliyay wada-xaajood, oo uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Thabo Mbeki, wuxuu u dhexeeyay Mugabe, Tsvangirai, iyo Arthur Mutambara, oo ahaa hoggaamiyaha jabhadda MDC.

Dhowr toddobaad oo wadahadal ah ka dib, saddexda hoggaamiye ee Zimbabwe waxay saxiixeen heshiis dhammaystiran oo awood qaybsi ah oo loogu yeeray Heshiiska Siyaasadda Caalamiga ah – Sebtembar 15, 2008.

Si heshiisku ahaa, Mugabe ayaa sii ahaan doona madaxweynaha laakiin wuxuu awooda qaar ku wareejin doonaa awoodda Tsvangirai oo noqonayay ra’iisul wasaare, Mutambara waxa uu ahaa ra’iisul wasaare ku xigeen.

Bilihii xigay, Mugabe iyo Tsvangirai waxay ku heshiin waayeen sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiska, iyagoo ku muransanaa sidii loo qoondayn lahaa wasaaradaha muhiimka ah ee dawladda cusub ee ZANU-PF iyo MDC.

Wadahadallada hakad galay iyo isku dayga soo noqnoqda ee ay SADC ku doonayay in ay dib ugu soo celiyo wada-hadallada ayaa socday iyada oo lagaga soo horjeedo xaaladda dhaqaale iyo tan bini’aadantinimo ee ka sii daraysay ee Zimbabwe.

Intaa waxaa dheer, daraasiin taageerayaasha MDC ah, wariyeyaal, iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa la waayay, MDC waxay ku eedeeyeen in ay afduubteen ZANU-PF- iyo ciidamada huwanta ee dawladda.

Taageerada caalamiga ah ee wada xaajoodyada sii socday ee lagu hirgelinayo awood qaybsiga dowladda ayaa hoos u dhacay, iyadoo dadka dhaliila qaarkood ay ku baaqeen in Mugabe uu xukunka ka dego, wuxuu si adag u diiday inuu sameeyo, isagoo leh, “Weligay, weligay, weligay ma isdhiibayo, Zimbabwe anigaa iska leh, waxaan ahay Zimbabwean, Zimbabwe dadka reer Zimbabwe.”.

 Waxa uu markii dambe ku dhawaaqay inuu doonayo inuu iskii u soo dhiso dawlad haddii Tsvangirai iyo MDC aysan ka qayb qaadan.

Dabayaaqadii bishii Janaayo 2009 Tsvangirai cadaadis kaga yimid SADC waxa uu ogolaaday in uu Mugabe ku biiro dowlad cusub, in kasta oo uu walaac ka muujiyay, waxaana loo dhaariyay xilka Ra’iisul Wasaaraha February 11, 2009.

Dawladdii midnimada waxay ahayd mid qalalaase badan, MDC iyo ZANU-PF waxay halgan ugu jireen inay ku heshiiyaan magacaabista kala duwan, Tsvangirai wuxuu dhalleeceeyay xad-gudubyada xuquuqda aadanaha ee socday, sannadihii xigayna waxaa sii socday is-afgaranwaa arrimo badan oo ay ku jiraan qorista dastuur cusub.

Muran badan ka dib, labada dhinacba waxay taageereen qabyo-qoraalka kama dambaysta ah, kaas oo lagu ansixiyay afti bishii March 2013, waxaana saxeexay Mugabe bishii May 2013.

Dabayaaqadii bishaas maxkamadda dastuuriga ah waxay ku dhawaaqday in doorashada soo socota ee madaxweynaha iyo baarlamaanka la qabanayo dhamaadka dhamaadka bisha Luulyo, Mugabe ayaa markaas ku baaqay in doorashada la qabto July 31, 2013.

Inkastoo walaac laga qabay in aan la helin waqti ku filan oo lagu abaabulo doorashooyin lagu kalsoonaan karo, doorashada ayaa loo qabtay sidii loogu talagalay, codeynta ayaa ku socotay si nabad ah, balse waxaa jiray cabashooyin badan oo ku saabsan khaladaad dhanka cod bixinta ah, kuwaas oo intooda badan u muuqday kuwo faa’iido u leh Mugabe iyo ZANU-PF.

Ugu dambeyntii, Mugabe ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay 61 boqolkiiba codadkii la dhiibtay (taas oo meesha ka saartay baahida loo qabo doorasho ku celis ah) ilaa 34 boqolkiiba Tsvangirai ayaa helau.

Xataa ka hor inta aan natiijada kama dambaysta ah la soo saarin, Tsvangirai iyo xisbigiisu waxay ku gacan sayreen doorashada iyagoo ku tilmaamay mid khaldan, markii natiijada lagu dhawaaqay, MDC waxay dacwad sharci ah u gudbiyay maxkamadda dastuuriga ah, iyagoo doonaya inay baabi’iyaan natiijada iyo qabashada doorasho cusub.

Toddobaad ka dib MDC waxay la laabteen codsigoodii iyagoo rumaysan in aanay awoodi doonin inay helaan dhegaysi cadaalad ah.

Maxkamaddu way iska dhego tirtay ka-noqoshada, waxayna go’aan ka gaartay codsiga, iyadoo taageertay guusha Mugabe, waxaa la caleema saaray 22kii Agoosto 2013.

Murankii badali lahaa Mugabe

Markii Mugabe xilka loo caleema saaray 2013, waxa uu ahaa 89 sano jir, waxaana dad badan ay is weydiinayeen intee in le’eg ayuu xukunka sii wadi karaa iyo, cidda ugu dambeyntii beddeli doonta, wuxuu ka fogaaday in si rasmi ah looga hadlo mowduuca, taas oo ay weheliso daciifnimadiisii ​​sii kordheysay iyo hoos u dhaca caafimaadkiisa sanadaha soo socday.

Joice Mujuru ayaa loo malaynayay inay tahay musharaxa ugu weyn ee u tartamaya xilka Mugabe, Mujuru waxay aheyd halgamaa caan ah oo ka qabqaadatay dagaalkii jabhadda ee ka dhanka ahaa dawladdii caddaanka ee Rhodesia, waxaanu ka mid aheyd labadii madaxweyne ku xigeen ee Zimbabwe.

Sannadkii 2014-kii xaaska Mugabe, Grace ayaa weerarro afka ah ku qaaday dabeecadda Mujuru, iyadoo ugu dambayntii Mujuru laga eryay madaxweyne ku-xigeenka bishii Diseembar 2014, lagana saaray xisbiga bilo ka dib.

Emmerson Mnangagwa oo ahaa geesi kale oo ka mid ahaa halgamayaashii xoreynta, isla markaana sumcad weyn ku lahaa xisbiga ZANU-PF, ayaa beddelay Mujuru madaxweyne ku xigeen, waxaana uu diyaar u ahaa in uu noqdo musharrax u tartamaya xilka Mugabe.

Laakiin sidoo kale, waxa uu dhibane u noqday weerarro afka ah oo ay ku qaadday Grace, waxa laga xayuubiyay Madaxweyne ku xigeenka 6-dii November 2017, waxaana la sheegay inuu dalka ka baxsaday, isla markiiba waa laga saaray xisbiga.

Grace oo siyaasadda ku soo biirtay sannadkii 2014-kii, waxa ay ku guulaysatay in ay si degdeg ah kor ugu kacdo, iyada oo heshay jago saamayn leh oo ah madaxa xisbiga haweenka ee ZANU-PF dabayaaqadii 2014, taas oo si toos ah uga dhigtay xubin ka tirsan xisbiga ZANU-PF ee siyaasadda awoodda badan.

Markii la ceyriyay Mnangagwa, waxaa u suurtagashay in ay nafteeda isu taagto, iyadoo taageero ka helaysa ninkeeda, cayrinta Mnangagwa ayaa u muuqatay in ay u gudubtay xadka milatariga, si kastaba ha ahaatee, 13-kii Nofembar Gen. Constantino Chiwenga, oo ahaa madaxa ciidamada Zimbabwe ayaa ku hanjabay in uu soo faragelin doono haddii ZANU-PF aysan joojinin inay xisbiga ka sifeeyaan mujaahidiinta xuriyadda usoo halgamay.

Tallaabo ciidan iyo iscasilaad

Faragelintan ayaa timid saacadihii hore ee November 15, 2017. Milatarigu waxa ay la wareegeen talada dalkaasi, waxaana ay xabsi guri galiyeen Mugabe, hadal uu ka jeediyay taleefishinka, afhayeen u hadlay militariga ayaa carabka ku adkeeyay in falka militari uusan ahayn afgambi balse uu yahay howlgal lagu bartilmaameedsanayo “dambiilayaasha” ee hareereeyay Mugabe oo mas’uul ka ahaa dhibaatooyinka dhaqaale iyo bulsho ee dalka.

Marka la horkeeno cadaaladda, xaaladdu waxay ku soo noqon doontaa sideedii, Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in amaanka Mugabe iyo qoyskiisa la dammaanad qaaday, Mugabena uu weli yahay madaxweynaha iyo taliyaha guud.

Milateriga ayaa bilaabay baadigoobka iyo xariga xubnaha golaha wasiirada Mugabe iyo sidoo kale hogaamiyayaasha caanka ah ee G40 iyo taageerayaasha Grace.

Calaamad kasta oo muujinaysay taageerada muuqatay ee Mugabe ee dadweynaha guud ahaan waxay bilaabeen inay baaba’aan, iyadoo kumanaan reer Zimbabwe ah ay isugu soo baxeen waddooyinka bannaanbaxyo nabadeed oo ay ugu baaqayeen inuu xilka ka dago.

Taageerada xubnaha xisbiga ayaa sidoo kale meesha ka baxday, shirkii golaha dhexe ee ZANU-PF ee November 19, xubnuhu waxay u codeeyeen in Mugabe laga qaado hoggaamiyaha xisbiga laguna beddelo Mnangagwa.

Guddiga ayaa sidoo kale u codeeyay in Grace laga xayuubiyo madaxii ururka haweenka oo laga eryay iyada iyo qaar badan oo ka mid ah taageerayaasheeda G40 ee xisbiga.

Intaa waxaa dheer, ZANU-PF waxay ugu baaqday Mugabe inuu iscasilo, iyagoo ugu hanjabay inay xilka ka xayuubin doonaan haddii uusan iskii u casilin, 21-kii Nofembar, ka dib markii Mugabe uu dhag jalaq u siin waayay baaqyada ah in uu iscasilo, ZANU-PF waxa ay bilaabeen dacwado xil ka qaadis ah oo baarlamaanka dhexdiisa ah oo ay ku jirto eedeymaha ah in madaxwaynuhu uu u ogolaaday xaaskiisa in ay si xaq darro ah xukunka u hesho iyo in uusan awoodin in uu guto waajibaadkiisa.

Isla maalintaas, Mugabe waxa uu gudbiyay warqad uu ku sheegayo in uu xilka iska casilayo, isla markiibana dhaqan galaysa, Mnangagwa oo ay u doorteen golaha dhexe ee ZANU-PF si uu ugu adeego inta ka hartay muddada Mugabe ayaa dalka ku soo laabtay maalintii xigtay.

Waxaa loo caleemasaaray inuu noqdo madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee Zimbabwe November 24, 2017.

Qoyskiisa

Robert Mugabe xaaskii ugu horeysay uu guursaday wuxuu guursaday sanadkii 1961, waxaa la oran jiray Sally Hayfron, Wiilkii keliya ay isku dhaleen oo la oran jiray Michael Nhamodzenyika Mugabe oo dhashay 27 Sebtembar 1963, ayaa 26 December 1966 ayaa Ghana ugu dhintay duumada maskaxda halkaas oo Sally ay ka shaqaynaysay intii uu Mugabe xabsiga ku jiray.

Intii uu Mugabe xilka hayay Sallywaxa la soo darsay xanuun dhanka kelyaha ah, waxaan ay markii hore ku qasbanaatay in ay u safarto dalka Britain si ay u sifeeyaan.

1987 Mugabe waxa uu bilaabay xidhiidh guur ka baxsan oo uu la yeeshay xoghayntiisii, Grace Marufu, Waxay ahayd 41 jir isaga ka yar, wakhtigaas waxaa qabay Stanley Goreraza.

Sannadkii 1988-kii waxay u dhashay Mugabe gabadh loona bixiyey Bona, 1990-kii ama 1991 wiil loo bixiyey Robert, xidhiidhku waxa uu ahaa mid qarsoodi ah oo laga qariyay dadweynaha reer Zimbabwe, Hayfron way ka warqabtay sida laga soo xigtay ina adeerkeed Patricia Bekele, oo ay si gaar ah isugu dhawaayeen.

Hayfron waxay dhimatay 1992 kalyo xanuun joogto ah awgood.

Ka dib dhimashadii Hayfron ee 1992, Mugabe iyo Marufu waxay isku guursadeen xaflad weyn oo Catholic ah Agoosto 1996, marwada koowaad ee Zimbabwe, Sannadkii 1997-kii, Grace Mugabe waxay Mugabe u dhashay canugii saddexaad oo lagu magacaabo Chatunga Bellarmine.

Robert Mugabe iyo Xaaskiisii Grace Marufu

Robert Mugabe Jr iyo walaalkii ka yar ee Chatunga ayaa caan ku ah in ay ku soo bandhigaan qaab nololeedkooda quruxda badan baraha bulshada taas oo keentay in siyaasiga mucaaradka ah ee Tendai Biti uu ku eedeeyo in ay lunsanayaan lacagta canshuur bixiyayaasha Zimbabwe.

Qaar ka mid ah Xilalkii uu soo qabtay

  1. 1986 – September 1989 xoghayihii guud ee ururkii Non-Aligned Movement September.
  2. Guddoomiyaha Ururka Midnimada Afrika 1997 – 1998.
  3. Ku-xigeenka Guddoomiyaha Midowga Afrika 2014 – 2015.
  4. Guddoomiyaha Midowga Afrika laga bilaabo Janaayo 2015 – 2016.

xikmadihiisii iyo qaraaxadiisa

  1. Shukaansiga nin caato ah waa qabow, dhibaatadu waxay tahay marka aad ku jiifsato laabtiisa ka dibna feerahiisu waxay wejigaaga ku sawiraan xariiqyada Adidas.
  2. Dumarow haddii saaxiibkiin uusan idiin rajeynin farxada maalinta hooyada ama uusan kuugu heesin hooyo macaan, waa inaad joojisaan naas nuujinta.”
  3. Haddii aad fool xun tahay, waad fool xun tahay Jooji ka hadalka quruxda gudaha, sababtoo ah nimanku kuma socdaan raajada si ay u arkaan quruxda gudaha.”
  4. “Mar kasta oo arrimuhu u muuqdaan inay si wanaagsan u billaabanayaan noloshaada, Shaydaanku wuu soo socdaa oo wuxuu ku siinayaa ‘saaxiibti’.”
  5. “Walaashay, ha ku kadsoomin nin qoraal kuu soo qoraya “waan kuu xiisay” kaliya marka roob da’ayo, waayo dallad ma tihidin”.
  6. “Mararka qaar waxaad dib u milicsataa hablihii aad lacagta ku bixisay halkii aad hooyadaa u diri lahayd waxaadna ogaanaysaa in sixirku dhab yahay.”.
  7. “Haddii madaxweyne Barack Obama uu doonayo inaan u ogolaado guurka lammaanaha isku jinsiga ah ee waddankayga (Zimbabwe), waa inuu yimaadaa halkan si aan marka hore u guursado isaga.”
  8. “Koonfur Afrikaanku waxay soo ridi doonaan taallo nin caddaan ah oo dhintay, laakiin iskuma dayi doonaan inay dharbaaxaan mid nool, haddana waxay dhagxi ku dili karaan nin madow sababtoo ah waa ajnabi.”
  9. “Ninka kaliya ee cad ee aad aamini karto waa nin cadaan ah oo dhintay.”
  10. “Ilaahii i magacaabay oo keliya ayaa iga qaadi doona.”
  11. “Dadka cadaanka ah uguma naxariisan doono dhulka, mana yeelan karaan ciiddayada.”
  12. “Haddii ninkaagu ku khiyaameeyo ha la doodin walaashay waayo ma guulaysan doontid, Naftaada ka badbaadi dhiig karka, kaliya beddel dhammaan magacyada hablaha telefoonkiisa, ha tirtirin lambarrada. Isku qas, Natasha ku beddel Lisa, Nikki ku bedel Grace iyo wixii la mid ah. sug wakhtiga uu wacayo ama SMS mid mid ugu soo diro. Koob kafee ah isku diyaari oo is deji, waad ii mahad naqaysaa hadhow.”
  13. “Gabdhaha qaarkood ma tagaan goobta jimicsiga laakiin waxay u muuqdaan kuwo jir ahaan taam ah sababtoo ah nin ayey ka cararayaan nin kale ayey usii cararayaan.”
  14. “Gabadha marka ay dhib ku jirto u caawi, waxaana hubaal ah inay ku xasuusan doonto marka ay dhibaato kale soo gaarto!”
  15. “Haddii nin ku tuuro ama qalbiga kaa jabiyo, qaado teleefankiisa oo bax, u wac Hooyadii oo u sheeg in ninka dhintay, U sheeg inaad runtii ka soo wacayso goobta shilku ka dhacay, ka dibna dami teleefankaas, Kaligaa ma ooyi kartid, waa inay sidoo kale dareentaa xanuunka inay si fiican u korin waysay.”
  16. “Xisbigayagu waa inuu sii wadaa inuu cabsida ku dhufto wadnaha ninka cad, cadawgeena dhabta ah!”
  17. “Ma doonayno inaan mar dambe waydiisanno dhulka, laakiin waxaan qaadanaynaa gorgortan la’aan.”
  18. “Ninka caddaanka ah maaha mid Afrika u dhashay, Afrika waa Afrikaan, Zimbabwe waxaa loogu talagalay dadka reer Zimbabwe.”
  19. Hadaad gabar kastoo qurux badan aad comments keeda kadhiibato ama ku qorto waaw waaw waxaad ogaataa inaadan ahayn bini aadan balse waxaad tahay ambulance.
  20. Haddii aad foolxuntahay ma ahan inaad guryaha iska joogtid oo aad walwasho, Iskuday inaad socoto oo aad wareegto yaa og waxaa lagayaaba in 2019 filim horror ah aad  kasoo muuqatid.
  21. “Afrika waa inay ku noqotaa sidii ay ahaan jirtay gumaystaha ka hor, waxay ina kala dhex-dhigeen xuduudo aan jirin
  22. “Wali waxaan ahay Hitler-ka qarnigan. Hitler wuxuu lahaa hal aragti oo ah xornimada, xuquuqda iyo madaxbanaanida dadkiisa. Hadii uu sidaa ahaa, anna waxaan ahay Hitlerka manta.
  23. Haday Daanyeeradu lacag lahaan lahaayeen, waxaa la arki lahaa dumar fara badan oo duurka kunool
  24. Haddii aad u dirtid $3 oo hadana ay kusoo dirto message ah “fadlan isoo wac” gabadhaa guurso maxaa yeelay waxay taqaan lacagta sida loo dhigo.
  25. Tayada camerada aya ka dhigi karta gabdhaha qaar in aysan kula level ahayn, my brother xaqiiqda ka danbeysa camerada  tayada leh ayaa ah fakhri iyo gaajo.
  26. “Hadii aad tahay nin xaas leh islamarkaana aad is aragtay adiga oo ka hela gabdhaha iskooleyda ah, xalku waxaa uu ku jiraa in aad xaaskaaga u soo iibiso yunifoomka iskoolka.”
  27. “Sidee ugu qancin kartaa jiilka soo socda “in waxbrashadu ay tahay furaha guusha” madaama indhahooda ay qabanayaan dad soo qalinjebiyey oo faqiir ah xilli dambiilayaashana ay yihiin hantiilayaal. “
  28. “Malaayiin dad ah ayaa cilmiga kimistiri ka barta jaamacadaha gaarka loo leeyahay ee nigeria, mana jir ilaa hadda qof iyaga ka mid ah oo soo hindisay wax fikrad, xitaa ha noqoto masasax saliid! “.
  29. Waalidka afrikaanka ah waa kuwa kaliya intay ku dharbaaxaan hadana ku dhahaya maxaad la oynaysaa.
  30. Ha guursan naag garoob ah oo cunug wadata waayo lama arag ciyaar ku bilaabata hal iyo eber.

Geeridiisii

Mugabe ayaa ku dhintay cisbitaalka Gleneagles ee Singapore bishii Sebtembar 6, 2019, halkaas oo muddo dhowr bilood ah loogu daweynayay xanuun aan la shaacin.

XIGASHO: https://www.britannica.com/biography/Robert-Mugabe


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply