Taariikh nololeedkii Yaasir Carafaad

Last Updated on September 25, 2023 by Taariikh24

Yaasir Carafaat waxa uu ku dhashay magaalada Qaahira bishii August sanadkii 1929-kii, Magaciisa oo buuxa waa Mohamad Abdul Rahman Abdul Ra’uf Carafat Al-Qudwa Al-Husseini dadka ayaa u yaqaana Yaasir Carafaad, waxaana 40 sano kadib loo magacaabay gudoomiyaha ururka xoreynta Falastiin.

Wuxuu hormuud ka ahaa sannado rabshado ah, muranno xuduudeed iyo dhaqdhaqaaqa xoreynta Falastiin, oo dhammaantood ku salaysan Israa’iil, Carafaat waxa uu Israa’iil la saxeexday heshiis sannadkii 1991-ki.

Heshiisyada Oslo, Arafat iyo iyo madaxdii israaiil ee Yitzhak Rabin iyo Shimon Peres ayaa wadaagay abaalmarinta nabadda ee Nobel, laakiin shuruudihii lagu heshiiyey weligood lama hirgelin.

Noloshiisii Hore

Yaasir Carafaat waxa uu ku dhashay magaalada Qaahira ee dalka Masar sanadku markuu ahaa 1929-kii, waxa loo diray in uu la noolaado adeerkii hooyadii la dhashay oo ku noolaa magaalada Jerusalem(Qudus) markii ay hooyadii dhimatay 1933-kii.

Afar sano oo uu Qudus joogay, Carafaat waxa uu ku laabtay Qaahira si uu ula joogo Aabihii oo aanu waligii xidhiidh dhow la yeelan, Carafaat ma uusan ka qeybgalin aaska aabihiis 1952-kii.

Magaalada Qaahira isagoo weli da’yar, Carafaat waxa uu bilaabay in uu u tahriibiyo Falastiin hub si uu ugu adeegsado Yahuudda iyo Ingiriiska kuwaas oo door maamul ku lahaa dhulka Falastiin, Carafaat wuxuu ka tagay University of King Fuad I si uu ula dagaallamo Yahuuda intii lagu jiray dagaalkii Carabta iyo Israa’iil 1948, taasoo keentay in la yagleelo dawladnimada Israa’iil markii ay Yuhuuddu ay adkaatay.

Ururka Fatah

Sannadkii 1959kii, Carafaat iyo qaar ka mid ah la hawlgalayaashii ayaa aasaasay Al-Fatah, shabakad dhulka hoostiisa ah oo u ololaysa iska caabin hubaysan oo ka dhan ah Israa’iil.

Sannadku markuu ahaa 1964-kii wuxuu u ahaa mid saameyn leh kaasoo astaan u ahaa aasaaskii Ururka Xoreynta Falastiin (PLO) kaas oo isu keenay tiro kooxo ah oo ka shaqeynaya sidii loo heli lahaa dawlad xor ah oo Falastiin ah.

Saddex sano ka dib, waxaa qarxay dagaalkii lixda maalmood socday iyadoo Israa’iil ay mar kale la dagaalantay dawladaha Carabtam mar kale Israa’iil waa ay guulaysatay, wixii ka dambeeyeyna Fatah ayaa la wareegay PLO Carafaat ayaana noqday guddoomiyaha guddiga fulinta ee PLO sannadkii 1969kii.

Ururka PLO

PLO ayaa uguurey dalka urdun, Carafaat ayaa sii waday horumarinta PLO, ugu dambayntii waxa eryey Boqorkii urdun Xuseen, si kastaba ha ahaatee, Carafaat waxa uu PLO u raray Lubnaan.

qaraxyo, toogashooyin iyo dilal ka dhan ah Israa’iil oo ay PLO ku kacday iyo walaaceeda waxa ay ahaayeen dhacdooyin caadi ah, gudaha iyo gobolkaba, gaar ahaan dilkii 1972-kii lagu dilay ciyaartoydii Israa’iil ee Olombikada Munich, PLO waxa laga saaray Lubnaan horraantii 1980-meeyadii.’

Carafaat wax yar ka dib waxa uu bilaabay dhaqdhaqaaqa intifada (“gariir”) oo ka soo horjeeday qabsashadii Israa’iil ee Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza, Intifada waxaa lagu asteeyay rabshado isdaba joog ahaa oo ka dhacay waddooyinka.

Heshiis nabadeed

Sannadku markuu ahaa 1988-kii wuxuu Carafaat iyo PLO u calaamadeeyeen isbeddel, markii Carafaat uu khudbad ka jeediyay Qaramada Midoobay uu ku sheegay in dhammaan dhinacyada ay khusayso ay nabad ku wada noolaan karaan.

Geedi socodka nabadda ee ka dhashay waxa uu horseeday heshiiskii Oslo 1993-kii, kaas oo oggolaaday in Falastiin is xukunto iyo doorashooyin ka dhaca dhulka Falastiin kaas oo Carafaat loo doortay madaxweyne 1994.

Sannadkii 1994-kii Carafaat iyo labo Ra’iisul wasaare hore ee Israa’iil oo kala ahaa Shimon Peres iyo Yitzhak Rabin waxay dhammaantood heleen billadda nabadda ee Nobel Prize, sannadkii xigay waxay saxiixeen heshiis cusub Oslo II kaas oo dhidibbada u taagay heshiisyo nabadeed oo u dhexeeya PLO iyo Israel oo ay ku jiraan Hebron Protocol (1997), Memorandum Wye River (1998), Camp David Accords (2000) iyo “Roadmap for Peace” (2002).

Benjamin Netanyahu oo 4 Sep 1996 la kulmay Yaasir Carafaad

Sanadihii dambe

Iyadoo aan loo eegin heshiisyada iyo qorshayaasha ugu wanaagsan ee u dhexeeyay labada dhinac, nabadda ayaa had iyo jeer ahayd mid adag, ka dib markii la soo saaray intifadkii labaad 2000 iyo weerarradii Sebtembar 11, 2001.

Weerar ay qaadeen mintidiinta Xamaas bishii Maarso 2002 ayaa lagu dilay 29 qof oo Israa’iiliyiin ah, iyada oo ka jawaabaya Israa’iil waxay billowday weerar millatari oo weyn oo lagu qaaday magaalooyinka waaweyn ee Daanta Galbeed.

Mahmoud al-Zahar hogaamiyihii Xamaas ee Gaza wuxuu sheegay Sebtembar 2010 in Carafaat uu ku amray Xamaas inay bilaabaan waxa uu ugu yeeray “hawlaha militari” ee ka dhanka ah Israel 2000 markii Carafaat uu dareemay in wada xaajoodka Israel uusan guuleysan doonin.

6-dii Maajo 2002 dawladda Israa’iil ayaa soo saartay warbixin, iyada oo qayb ahaan laga soo xigtay dukumentiyo la sheegay in lagu qabtay weerarkii Israa’iil ee xarunta dhexe ee Carafaat ee Ramallah, taas oo lagu sheegay in ay ku jireen nuqullo waraaqo ah oo uu Carafaat saxeexay oo oggolaaday in la maalgeliyo dhaqdhaqaaqyada guutooyinka Shuhadada Al-Aqsa.

Warbixintu waxay Carafaat ku eedaysay “qorsheynta iyo fulinta weerarrada argagixisanimo”, Carafaat waxa ay Israa’iil ku xirtay xaruntiisa Ramallah.

Carafaat ayaa xilka guddoomiyaha PLO wareejiyay 2003dii balse wuxuu sii ahaa madaxweynaha falastiin.

Qoyskiisa

Aabihii, Abdel Raouf al-Qudwa al-Husseini wuxuu ahaa Falastiini ka yimid magaalada Gaza, Yaasir ayeeyadii, waxay ahayd Masari, Carafaat aabbihii waxa uu 25 sano ka dagaalamayey maxkamadaha Masar si uu u helo dhul qoys oo Masar ku yaal oo qayb ka ahaa dhaxalkiisa, laakiin kuma guulaysan.

Carafaat wuxuu ahaa kii labaad ee ugu yaraa toddoba carruur ah , Jerusalem(Qudus) waxay ahayd guriga qoyska hooyadiis, Zahwa Abul Saud oo u geeriyootay xanuun kelyo ah 1933, markaas oo Carafaat uu ahaa afar sano jir.

Walaalihiis magacyadooda waa Jamaal, Mustafe, Fatxi, In’am, Yusra, iyo Khadiija, waxa uu sidoo kale lahaa walaalo hal dhinac ah waana Muxsin, Mirvet iyo Madiha.

Sannadkii 1990-kii, Carafaat waxa uu guursaday Suha Tawil oo aheyd Kiristaan ​​Falastiini ah, isaga oo 61 jir ah iyo Suha oo aheyd 27 jir ah, hooyadeed ayaa isbartay isaga oo jooga Faransiiska, ka dib waxay xoghayn ka ahayd Tunis.

Lamaanahan ayaa si qarsoodi ah isku guursaday dalka Tunisia sanadkii 1990-kii, xiligaasi oo Suha ay jirtay 27 sano jir iyo Carafaat oo 61 jir ah, bartamihii 1995kii Carafaat xaaskii Suha waxa ay ku umushay cisbitaal ku yaal Paris waxay dhashay gabadh, waxaa loo bixiyey Zahwa waxana lagu samiyey carafaat hooyadii.

Kahor guurkooda, Carafaat wuxuu korsaday konton agoon oo reer falastiin ah, intii ay is guursadeen SSuha waxay marar badan isku dayday inay Carafa ka tagto balse wuu diiday, suha waxay sheegtay inay ka qoomamaynayso guurka.

Dhimashadiisii

Astaantii ugu horreysay ee hoos u dhac weyn oo ku yimid caafimaadka Madaxweyne Yaasir Carafaat ayaa soo muuqatay 12-kii Oktoobar 2004, baadhitaanka caafimaadku waxa uu muujiyay xanuun ku dhacay hab dhiska dheefshiidka, Carafaat wuxuu la bukooday astaamo u eg hargab, xaaladdiisuna way ka sii dartay, Carafaat ayaa diyaarad Helicopter ah loogu qaaday dalka Urdun.

Waxaana 29-kii bishii October loo qaaday Percy Military Training Hospital ee ku yaala magaalada Paris xaafada Clamart ee dalka Faransiiska, halkaasi oo uu ku maray baaritaano caafimaad.waxa uu halkaas ku dhintay bishii xigtay November 11.

laga soo bilaabo dhimashadiisa, aragtiyaha shirqoolka ee ku saabsan sababta dhabta ah ee dhimashadii Carafaat ayaa batay, bishii November 2013, cilmi-baarayaal u dhashay dalka Switzerland ayaa soo saaray warbixin muujineysa in baaritaanno lagu sameeyay haraaga Carafaat iyo qaar ka mid ah alaabtiisa ay taageerto aragtida ah in la sumeeyay.

Caddaynta warbixinta ayaa soo jeedinaysa in polonium radioactive – walax aad sun u ah la isticmaalay, Suha Carafaat oo aheyd xaaskii uu ka dhintay Yaasir Carafaat ayaa ku taageertay natiijada waraysiyo ay warbaahinta siisay inay caddayn u tahay dilka Carafaat.


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply