Ka hor inta aan loo magacaabin taliyaha ciidanka xoogga wuxuu hormuud ka ahaa guluf dagaal oo ciidamadu ay ku qabsadeen deegaanada Sabiib,bariire, Owdhiigle iyo Caanoole.
Markii la ansixiyay wax ka bedelka dastuurka ee aftidii April 16 2017, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan waxaa loo doortay Shirweynihii 3aad ee aan caadiga ahayn May 21, 2017 inuu noqdo Guddoomiyaha Xisbiga AK Party kaas oo uu yahay aasaasihii.
Hadraawi waxa uu u guuray Boqortooyada Ingiriiska 1991, Muddadaas, waxa uu si joogto ah ugu socdaalay Yurub iyo Waqooyiga Ameerika oo dhan si uu uga qayb galo xafladaha suugaanta.
Ka dib Cadowga waxaa u suuro gashey in ay qabtaan sheekha sanadkii 1924, waxaana laga dalbadey in uu ciidankiisa ku amro in ay hubka dhigaan, laakiin wuu diidey, ka dib waxaa loo wareejiyey Magaalada Mogadishu waxaana lagu xirey Xabsiga weyn ee loo yaqaan (Gaal shire).
Ingiriiska ayaa ka daba direy Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ergo si uu isku soo dhiibo isagana la siiyo goob diimeed, balse Sayidka waa uu diidey, Oktobar sanadkii 1920kii Sayidka waxaa uu gaarey magaalada Iimeey.
Maxamed mursi ayaa ku jirey xabsi aan qofna ku booqan Karin kaligiina uu ku jiro oo aan qofna ku wehlin, wuxuuna xabsiga ku jirey lix sano oo xiriir ah ilaa uu ka dhintey 17kii June 2019kii maxkamadda dhexdeeda xilli lagu gudo jirey dhageysiga dacwaddda maxkamadeyntiisa.