Taariikhda Aadan Cadde

Last Updated on April 19, 2024 by Taariikh24

Aaban Cabdulle Cusmaan Daar oo loo yaqaaney Aadan Cadde wuxuu ku dhashay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan December sanadkii 1908, wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horeeyey jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuu xilka hayey 1dii luuliyo 1960 ilaa 10kii juun 1967.

Wuxuu waxbarashadiisa dhinaca dugsiga quraanka iyo kuwa dugsiga hoose iyo dhexe ku qaatey magaalada Mogadisho.

Ka hor 1960

Wuxuu ahaa nin ganacsiga ku dhex jirey intuu san ku biirin ururkii xornimo doonka ahaa ee SYL Febraayo 1944 wuxuuna noqdey nambarka 30aad waxaana isku mar la diiwaangaliyey  isaga iyo alle ha u naxariistee Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo ahaa ra’iisul wasaarihii ugu horeeyey Soomaaliya.

Sanadkii 1946 wuxuu ka mid noqdey xubnihii maamulka SYL, waxaana loo doortey xoghayaha SYL u gaabilsan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

 sanadkii 1951 wuxuu noqdey maamulihii gobolka mudug isagoo wakiil uga ahaa xisbiga leegada (SYL), wuxuuna hayey xilkaas ilaa 1953 xilligaas oo uu talyaaniga u xushay in uu noqdo ku xigeenka maamulkii maxmiyadda talyaaniga ee loo yaqaaney territorial council, sanadkii 1954 wuxuu Aadan Cadde noqdey gudoomiyaha xisbiga SYL wuxuuna hayey ilaa sanadkii 1956 bishii febraayo.

Mar kale maajo 1958 waxaa loo doortey xilka ugu sareeya xisbiga leegada iyo gudoomiyaha golihii lagu magacaabi jirey somali legislative assembly, xilkaasi wuxuu hayey ilaa 1dii luuliyo 1960 maalintii xornimada Soomaaliya.

Sanadkii 1959 doorashooyin ka dhacay dalka ayaa waxaa loo doortey xubin ka tirsan golihii sharci dajinta koonfurta soomaaliya iyo gudoomiyaha golahaas.

Sanadkii 1960 ilaa 1967

Aadan Cadde wuxuu noqdey madaxweynihii ugu horeeyey jamhuuriyadda Soomaaliya 1960 ka dib midowgii koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya, golihii baarlamaanka oo gudoomiye u ahaa Sheikh Bashiir ayaa ku dhawaaqey midowgii labada gobol iyo dhalashadii jamhuuriyadda Soomaaliya.

Aadan Cadda ayeyna u doorteen in uu noqdo madaxweynaha soomaaliya muddo hal sano ah, mar uu ka hadlayey qiimaha xornimada iyo midnimada ummada Soomaaliyeed waxaa uu yiri muuqaalkan hoose ka daawo:

Hal sano ka dibna waxaa si rasmi ah uu u noqdey madaxweynaha soomaaliya lix sano, 1960 ilaa 1964 waxaa raiisul wasaare u ahaa alla ha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharmaarke ahna madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, halka 1964 ilaa 1967 oo aheyd markii uu xilka ka degay waxaa raiisul wasaare u ahaa alla ha u naxariistee Cabdirisaaq Xuseen.

 Dowladdii Aadan Cadde waxaa ciidanka xoogga soo hogaamiyey  Generaal Daauud Cabdulle Xirsi ahaana taliyahii ugu horeeyey ciidanka militariga soomaaliya, waxyaabihii Aadan Cadde uu la kulmey xilligii uu madaxweynaha ahaa waxaa ka mid ahaa dagaalkii itoobiya ay kusoo qaadey Soomaaliya 1964 iyadoo kasoo weerartey xad beedaanka wajaale iyo goobo kale.

Damaca itoobiya ayaa ahaa in ay qabsato berbera iyo qeybo ka mid ah Soomaaliya, balse geesinimo iyo iska cabin ay sameeyeen ciidanka xoogga dalka oo markaa curdun ahaa ayaa waxay ku guuleysteen in ay iska difaacaan xabashida, geesiyaashii dagaalkaa ku shahiidey waxaa ka mid ahaa geesigii caanka ahaa Maxamed Cabdulle Xalane.

 Aadan Cabdulle wuxuu ku dadaaley dhisidda ciidanka xoogga dalka iyo raadinta goboladii gumeysigu heystey sida NFD oo markii hore ingiriiska uu heystey balse markii dambe uu raaciyey kenya taasi waxay sababtay in Soomaaliya ay xiriirka u jarto Britain xilligii Aadan Cadde.

Wareejintii xilka

Madaxweyne Aadan cadde wuxuu xilka ka dagay sanadkii 1967 ka dib doorasho uu kaga guuleystey Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Aadan Cadde ayaa xika si nabad ah ku wareejiyey isagoona noqdey madaxweynigii ugu horeeyey qaaradda afrika ee xilka si nabad ah uga dega kuna wareejiya si nabad ah, Soomaaliya ayaa noqotay markaa dal dimuquraadiyadda looga deydo.

 Aadan Aadde wuxuu ahaa madaxweyne daacad ahaa isagoo aan haba yaraata wax musuqmaasuq ama wax la xiriira lagu tuhmin isagoo ahaa nin dadka oo dhan ay aaminsanyihiin.

Burburkii ka dib

Markii uu dalka burburey madaxweyne Aadan Cadde kama uusan cararin dalkiisa isagoo deganaa meesha loo yaqaan mushaani oo u dhow janaale oo ka tirsan gobolka shabeelada hoose, wuxuu aad uga murugoon jirey dhibaatada ku dhacdey Soomaaliya, mar uu la hadley idaacadda BBC Soomaali ayaa waxaa uu ka hadley sababihii ku dhaliyey in uu galo siyaasadda iyo sida uu ku galey siyaasadda waxa uu yiri:

Alla ha u naxariistee madaxweyne Aadan Cadde ayaa ku geeriyoodey magaalada nairobi dalka kenya 8dii bishii juun sanadkii 2007, waxaana lagu aasay magaalada Mogadishu 11 bishii juun sanadkii 2007.


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply