Taariikhda Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi

Last Updated on July 21, 2023 by Taariikh24

Maxamed Ibraahim Warsame oo loo yaqaannay magaca Hadraawi, waxa uu ku dhashay magaalada Burco oo ka tirsan gobolka Togdheer, Qoyskiisu waxay ahaayeen danyar waxayna ka koobnaayeen hal gabar iyo siddeed wiil. Sannadkii 1953 isagoo sagaal jir ah wuxuu aaday magaalada dekedda ah ee Cadan ee dalka Yemen si uu u la noolaado abtigii, Halkaas ayuu hadraawi ka bilaabay inuu dhigto dugsi ku yaalla deegaanka, iyadoo magaca uu ku can baxay ee Hadraawi uu halkaa uga baxay, waraysi uu bixiyay ayuuna ku sheegay magacu inuu asal ahaan yahay(Abuu Hadra) oo uu macallinki dugsigu u bixiyay, maadaama uu ahaa nin ardayda aad ugu sheekeeya misana ka qosliya, Hadraawi waxbarashadiisi aasaasiga ahayd illaa dugsiga sare wuxuu ku qaatay Dugsigii Cadmeed ee wakhtigaa la odhan jirey (St. Anthony’s High School.) mudadii u dhexaysey1956-1964, Marki uu dugsiga ka baxayne wuxuu macallin ka noqday mid kamid dugsiyada hoose ee dalkaYemen 1963kii.

1967 ayuu Cadan ka soo guurey una soo kicitimey xagga Somalia, Waxa uu cagaha soo dhigay magaalada Muqdisho. Waxa uu ka shaqo bilaabay Radio Muqdisho, uxuu ku biiray jaamacadda Umadda, ka qalin jebiyay oo isla iyadana uu bare ka noqday, Waxa kale oo uu ka soo shaqeeyay Waaxda Warfaafinta ee dawladda.

Erayada jacaylka ka sokow, waxa uu ahaa nin aad uga faallooda xaaladda siyaasadda, isla markaana wax ka sheega maamulkii Milateriga ahaa ee jaalle siyaad hogaaminayey, Waxa la xidhay 1973, wuxuuna xabisag ku jiray 5 sano lagasoo billaabi 1973 ilaa 1978, marki uu xabsiga kasoo baxay wuxuu kamid noqday maamulka Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta.

Sannadkii 1973-kii ayuu Hadraawi curiyay maansadii Siinley iyo riwaayaddii Tawaawac (Baroor-diiq) oo labaduba aad u naqdiyi jiray dawladdii milateriga ahayd ee markaas talada dalka haysay, Diidmadaas awgeed waxa lagu xidhay Qansax dheere oo ka tirsan gobolka baay ilaa April 1978.

Markii uu xabsiga ka soo baxay 1978-kii, Hadraawi waxa uu noqday maareeyaha qaybta fanka ee Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Bilowgii 80-meeyadii waxaa uu ku biiray  jabhaddii SNM ee fadhigeedu ahaa itoobiya, waxaa uuna u baxsaday Itoobiya, isaga oo qeyb ka ahaa halgankii looga soo horjeeday kacaankii barakeysnaa ee uu madaxweynaha ka ahaa jaalle maxamed Siyaad Barre

Hadraawi waxa uu u guuray Boqortooyada Ingiriiska 1991, Muddadaas, waxa uu si joogto ah ugu socdaalay Yurub iyo Waqooyiga Ameerika oo dhan si uu uga qayb galo xafladaha suugaanta.

Sannadkii 1999-kii ayuu Hadraawi mar kale ku soo noqday dalkiisa hooyo, isagoo markaan degay Hargeysa.

Heesaha ugu caansan ee lagu xasuusto Hadraawi waxaa kamid ah: Baladwayn oo uu qaaday fannaanka Xasan Aadan Samatar.

Heesta Hooyo oo uu qaaday allaha u naxariistee fannaanki lagu magacaabay boqorka codka Maxamed Saleebaan Tubeec.

Heesta Jacayl Dhiig Malagu Qoray oo iyadana ay qaadday allaha u naxariistee boqoraddi codka Xaliima Khaliif Cumar Magool iyo kuwa kale oo badan.

Gabayadiisana waxaa kamid ah: Gudgude, Daalallay, Daba huwan oo ah gabay aad u dheer kana kooban ilaa 803 tuduc ama bayt. Silsiladdi Sinlay oo uu qayb ka ahaa, iyo kuwa kale oo badan.

Riwaayadihiisii Waxa la soo qaadan karaa Riwaayadii “Aqoon iyo Afgarad” oo ay u jireen saaxiibadiis Maxamed Xaashi Dhamac(Gaariye), Siciid Saalax Axmed, Muuse Cabdi Cilmi iyo Silsiladii maansadii “Siinley” iyo Riwaayadii “Tawaawac” ee ay ku jireen heesaha ay ka midka ahaayeen “Hal La Qalay iyo Ceel Walwaaleed”.

Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi sanadki 2012 wuxu ku guulaystay abaalmarinta Prince Claus Fund oo uu ku mutaystay gabayada iyo heesaha waxtarka u leh bulshada ee uu sameeyay.

Buuggiisa caanka ah ee “Hawaale Warran” oo uu umadda Soomaaliyeed u hibeeyay ayuu ku sharraxay muhiimadda diinta.

“Si badbaado loo helo, diinta Islaamku waa qalabka Ilaahay ugu talagalay in lagu dhaqmo,” ayuu ku yiri qormada buuggaas(Abwaan Hadraawi).

Hadraawi waxa uu ku geeriyooday Hargeysa, somalia 18 Ogoosto 2022, isagoo da’diisu ahayd 79 jir.


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply