Taariikhda Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

Axmed Maxamed Islaam oo loo yaqaan Axmed Madoobe wuxuu ku dhashay sida la xaqiijiyey miyiga magaalada Qabri Daharre ee ka tirsan dhulka Soomaali Galbeed qiyaastii sanadkii 1951, wuxuuna kusoo barbaarey deegaankaas.

Wuxuu soo shaac baxay sanadkii 2006 oo uu ka mid ahaa hogaankii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga isagoo hogaaminayey maleeshiyaadkii Raas Kaambooni, waxaa uu ahaa gudoomiyihii Maamulka Gobolada Jubbooyinka ee Midowgii Maxkamadaha Islaamiga, dagaalkii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga iyo ciidamada Itoobiya u dhexeeyey ayaa lagu qabtey isagoo dhaawac ah Itoobiya ayaana lagu soo daaweeyey.

Axmed Madoobe ayaa mar ahaa ku xigeenkii ururka Alshabaab wuxuu goob jog uu ka ahaa madashii lagu aasaasay Alshabaab, sannadkii 2008-dii maleeshiyaadkii Raas Kaambooni oo uu ahaa hogaankooda iyo Al-Shabaab oo isbahaysanaya ayaa magaalada Kismaayo dib u qabsaday Axmed Madoobe ayaa xilligaa ku xirnaa Itoobiya balse sida uu sheegay Alshabaab ayaa qoyskiisa biilayey lix bilood.

Sanadkii 2009 waxaa lagu darey baarlamaankii lagu soo dhisay dalka Jabuuti, balse April 2009 ayuu iska casilay isagoo sheegey inuu markii horeba u galey inuu xabsiga uga baxo owgeed, markii uu ka tagey baarlamaanka wuxuu magaalada Kismaanyo kaga dhawaaqey inuu ka tirsan yahay Xizbul Islam.

Khilaaf soo kala dhexgalay labada urur ayaa keentey in ay iska hor imaadeen, Axmed Madoobe ayaana dagaal looga saarey Kismaanyo ka dibna wuxuu bilaabey dagaal jabhadeyn ah isagoo galey Raas kaambooni.

Axmed Madoobe wuxuu bilaabey jabhadeyn isagoo garab ka heleya ciidanka Kenya, bishii September sannadkii 2012-kii ayuu Alshabaab kala wareegey magaalada Kismaanyo isagoo ay caawinayaan ciidamada Kenya, October 2012 waxaa loo doortey hogaamiyaha ku meelgaarka ah ee maamul laga baxay Jubba.

Doorashooyinkii 2013 iyo 2015

Bishii May 15keeda sanadkii 2013 waxaa uu isku doortey hogaamiyihii ugu horeeyey ee maamulka Jubbaland oo ilaa hadda uu maamulo, dhisidda maamulka ayaa khilaaf badan ka taagnaa, isla markiiba maamulkiisa waxaa taageerey dawladaha Kenya iyo Itoobiya.

Balse xukuumadda Soomaaliya muddo dhawr bilood ah ayay ku qaadatay in ay aqbasho, waxa khilaafkii dhex yaallay markii dambe lagu dhameeyey dhexdhexaadin uu galay ururka IGAD waxaana lagu heshiiyey in labo sano uu maamulo Jubbaland ka dibna doorasho la qabto.

13 Sebtember 2013 ayaa kolanyo uu watay waxa ku qarxay baabuur walxaha qarxa laga buuxiyey isaga oo maraya magaalada Kismaayo gudaheeda waanu ku dhaawacmay, weerarkaana waxa sheegtay ururka Al-Shabaab.

Agoosto 2015 Axmed Madoobe ayaa mar kale loo doortay hogaamiyaha maamulka Jubbaland isagoo helay 68 cod.

Doorashadii Jubbaland 2019

Ogoosto 2019 ayuu qabsadey mar kale doorasho ay kula tartameen sida la sheegay labo musharrax waxayna kala heleen Axmed Mohamed Islaam wuxuu helay 56 cod, Canab Maxamed Daahir waxay heshay 17 cod, Maxamuud Muxumed Cumar wuxuu helay 1 cod.

Mar kale doorashadii sanadkii 2019 waxaa ka horyimid xukuumadda Soomaaliya iyo inta badan mucaaradka maamulka Jubbaland, ergeygii xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Soomaaliya u qaabilsanaa James Swan ayaa isaguna dhaliilay sida loo waday qaban qaabada iyo hanaanka doorashada.

Doorashadaas waxaa taageerey mucaaradkii dowladda oo uu ka mid ahaa madaxweyne Xasan Sheekh isagoo dowladda ku eedeeyey in ay faragalin ku heyso maamulka Jubbaland, caleemo saarkii Axmed Madoobe ayuuna ka qeyb galey Xasan sheikh.

Xiisada u dhaxeysay dowladda iyo Jubaland ayaa cirka isku shareertay, waxaa dagaal culus uu ka dhacay meel ku dhow xad beenaadka Kenya iyo Soomaaliya, Kenya waxa ay dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay ku xad gudubtay madax banaanideeda.

Ugu dambeyn bishii Juun 2020 dowladda waxay u aqoonsatay Axmed Madoobe inuu yahay hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee Jubaland, isagoo si ku meel gaar ah u sii hayn doona muddo labo sano ah si dalka ay uga dhacdo doorashada madaxtinimada dowladda dhexe.

Doorashadii Jubbaland 2024

Bishii may 2022 waxaa dhacdey doorashadii dalka waxaana yimid Xasan Sheekh, kama soo wareegan labo sano iyo bar oo waxay is qabteen Axmed Madoobe, Axmed Madoobe ayaa madaxweynaha ku eedeeyey inuu Soomaaliya ku celinayo colaadii 1991-dii.

November 25, 2024 ayuu qabsadey Axmed Mdoobe doorasho uu isagu soo xushay xildhibaanada codeynaya iyo waliba musharixiinta la tartamaya intaba, sida la sii ogaa isaga ayaa cod aqlabiyad ah ku guuleystey waxaa la tartamey labo musharrax, Axmed Madoobe wuxuu helay 55 cod, musharrax Abuubakar wuxuu helay 4 cod, Feysal Mukhtaar wuxuu helay 16 cod.

Dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh ayaa si adag uga hor timid is doorashada Axmed Madoobe waxaana ciidan diyaarado lagu geeyey deegaanka Raas Kaambooni, November 27, 2024 maxkamadda gobolka Banaadir ayaa taliska Booliiska Soomaaliya waxa ay ku amartay in la soo qabto Axmed Maxamed Islaam oo ay ku eedaysay khiyaano qaran iyo inuu xogta qaranka la wadaagay dalal shisheeye.

Siyaasadda Axmed Madoobe

Axmed Madoobe ayaa la ogyahay inuu isaga is doorto, seddax doorasho oo ka dhacdey Jubbaland ayaa dhamaantood waxaa ka hor yimid dowladda dhexe oo u arkeysay inuu isaga uu is doortey wax mucaarad ahna kama qeyb galin doorashooyinkiisa.

Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Fahad Yaasiin ayaa mar uu sanadkii 2022 wareysi siinayey wariye Farah Abdulkadir Mohamed wuxuu sheegay in Axmed Madoobe uu siyaasadda soomaaliya ku yahay cancer, wuxuu sheegay in Axmed Madoobe uu la dagaalay dhammaan madaxweynayaashii Soomaaliya laga soo bilaabo Cabdullaahi Yuusuf.

Fahad Yaasiin wuxuu sheegay in Axmed Madoobe uu la dagaali doono madaxweyne Xasan Sheeekh oo muddo xileedkii hore is qabteen mar kalena is qaban doonaan.

Maamulka Jubbaland oo ka kooban seddax gobol ayaa mid waliba xaalad uu ku jiraa, Axmed Madoobe wuxuu si buuxda uu u maamulaa Kismaanyo, Afmadow iyo Dhoobley oo ka tirsan Jubada Hoose halka gobolka Gedo aan xaaladiisa fadhiyin, gobolka Jubada Dhexe oo ay ku taalo caasimadda Jubbaland waxaa si buuxda u maamula ururka Alshabaab.

Maamulka Axmed Madoobe wuxuu caan ku yahay tarxiilidda qof kasta oo ka horyimaada ama masuul ha ahaado ama shacab haddii uu ku nool yahay magaalooyinka uu maamulo.


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Ads Blocker Image Powered by Code Help Pro

Ads Blocker Detected!!!

We have detected that you are using extensions to block ads. Please support us by disabling these ads blocker.