Taariikhda Cabdirashiid Cali Sharmaarke

Last Updated on December 30, 2022 by Taariikh24

Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuxuu ahaa madaxweynihii labaad ee soomaaliya wuxuuna xilka hayey 10 July 1967 ilaa 15 October 1969, wuxuu dhashay juun 1919 wuxuuna ku dhashay degmada xarardheere gobolka mudug, waxbarashadiisa dugsiga qur’aanka wuxuu dhameeyey 1936, wuxuuna noqdey ganacsade, sidoo kale wuxuu ka mid noqdey ururkiii xornimo doonka ahaa ee SYL.

wuxuu la shaqeeyey maamulkii talyaaniga iyo kii ingiriiska, 1953 ayuu dhameeyey dugsiga sare wuxuuna deeq waxbarasho ka helay dalka talyaaniga jaamacadda rooma, wuxuuna dhameeyey 1958 ka dibna dalka ayuu dib ugu soo laabtey isagoo loo doorteyin uu noqdo xubin ka tirsan golihii lagu magacaabi jirey somali legislative assembly, xornimadii soomaaliya 1960 ka dib wuxuu noqdey ra’iisul wasaarihii ugu horeeyey ee soomaaliya xornimadii ka dib, wuxuuna xilka qabtey 12 July 1960 wuxuuna xilka hayey ilaa 14 Jun 1964, doorashooyin dhacay xilligaa ayaa wuxuu noqdey xubin ka tirsan baarlamaankii soomaaliya, sanadkii 1967 doorashooyinkii dhacay ayuu wuxuu ku guuleystey in uu noqdo madaxweynihii labaad ee soomaaliya wuxuuna xilka kala wareegey Aadan Cadde, 10 luuliyo 1967 ayuuna xilka qabtey.

Waxaa ra’iisul wasaare u ahaa Maxamed xaaji Ibraahim Cigaal, Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxyaabaha lagu xasuusto xilligii uu xilkaa hayey waxaa ka mid ah dhiirogalintiii dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka ahaa ee ka jirey NFD iyo Soomaali galbeed, iska caabintii dagaalo ay xabashida ku soo qaadey dhulka xorta ah ee soomaaliya sida dagaalkii 1964, hadaladii taariikhda ugaley ee lagu xasuusto waxaa ka mid ah hadal uu jeediyey xilligii uu dagaalka socdey oo ahaa:”Gacan waan ku dagaalameynaa gacanna doorashada Ayaan ku galeynaa”.

Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa aad ugu dadaaley dhismaha Ciidanka xoogga Dalka isagoo booqdey dalalka reer galbeedka sida farance iyo Germany si loo dhiso ciidan xooggan balse wax miro dhal ah kama soo bixin balse markii dambe wuxuu heshiis ciidanka lagu dhisayo la gaarey midowgii soofiyeetka,

Mar uu khudbad ka jeedinayey degmada aadan yabaal ee gobolka shabeelada dhexe ayaa waxaa uu yiri:—

Ku Dhawaad 3 sano ka dib xilli uu booqasho uu ku marayey gobolada waqooyi galbeed oo xilligaa abaaro ka jirey ayaa waxaa toogtey askari ka tirsanaa ilaaladiisa, Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa la diley 15kii October 1969, dilka madaxweynaha ayaa la hadal hayey ka hor inta aan la dilin iyadoo haweeney ka mid ah dadkii degenaa goobihii uu socdaalka ku marayey ay u dhiibtey maro cad kuna tiri waa karfantii lagugu aasi lahaa, mar kale ayaa la weydiiyey Cabdirashiid Cali Sharmaarke su’aal aheyd “ ma lagugu yiri laascaanood baa lagugu dilayaa”.

madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa si iimaan leh ugu jawaabey su’aashaas wuxuuna yiri:” haddey teydii noqoto nin kale ayaa ibedelaya”, Saciid Yuusuf Ismaaciil oo ahaa 22 sano jir ayaa Cabdirashiid Cali Sharmaarke ku toogtey magaalada laascaanood ee gobolka sool wuxuuna ahaa nin lagu soo darey ilaaladii madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke intii uu booqashada ku marayey gobolada waqooyi galbeed iyo togdheer.

waxay aheyd maalin arbaco ah goobtuna degmada laascaanood gaar ahaan iriddda xarunta degmada looga taliyo waxaana la sheegey in ay ku dhacdey todobo xabadood halkaa ayuuna ku geeriyoodey Cabdirashiid Cali Sharmaarke madaxweynihii labaad ee soomaaliya, lix maalin ka dib geeridiisana waxaa dalka afgambiyey Ciidanka Xoogga oo horkacayey Jaalle Maxamed Siyaad Barre waxaana halkaa ku soo afjarmey dimuquraadiyaddii soomaaliya, waxaana si rasmi ah loo xaqiijin Karin sababtii loo diley madaxweynaha iyo ciddii ka dambeysay dilkiisa, Saciid Yuusuf Ismaaciil oo ahaa ninkii diley madaxweynaha ayaa isagana la toogtey 10-kii febraayo 1971.

  ilaahey ha u naxariisto madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke.


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply