Last Updated on November 10, 2024 by Taariikh24
Ciidanka xoogga dalka soomaaliya waxaa la aasaasay 12/Abril/1960 ka dib qoraal uu soo saarey mudane cabdullaahi ciise maxamuud 6dii Abril 1960, ciidanka xoogga dalka wuxuu ka koobanyahay ilaa 3 ciidan oo kala ah :-
- Ciidanka dhulka
- Ciidanka badda
- Ciidanka cirka iyo difaaca hawada
Dalka waxaa uu ciidan lahaa xilligii gumeystayaasha talyaaniga iyo ingiriisk, waxay sameeyeen ciidan boolis ah, waxaa loogu yeeri jirey magacyo kala duwan sida ciidanka owrta, ciidanka xeebta iyo sabatiye oo talyaanigu ugu yeeri jirey.
Ciidanka xoogga waxaa lagu aasaasay siddeed horin oo waqtigaa lagu magacaabi jirey cali boobaaye, , halkii horin waxaa lagu qiyaasey 100 ilaa 120 askari, raggii ugu caansanaa ee ciidanka xoogga lagu bilaabey waxay ka tirsanaayeen ciidanka booliska sida general Daa’uud Cabdulle Xirsi oo ahaa taliyihii ugu horeeyey ciidanka xoogga, Liiqliiqato, Maxamed ibraahim, Jaalle Maxamed Siyaad Barre, Maxamed Cali samatar, Salad Gabayre Kadiye, Cabdullaahi Yuusuf, raggaan iyo kuwa kaloo badan waxaa laga soo wareejiyey ciidanka booliska waxaana lagu bilaabey ciidanka xoogga dalka.
Xilligii ugu horeysay ay soomaalidu arkaan ciidanka xoogga waxay aheyd 1 luuliyo 1960kii xilligaa oo ay u dabaaldageen xoriyadda soomaaliya waxayna la wareegeen amaanka dalka iyo dadka, markaa ciidanka xoogga waxay gaarayeen ilaa afar kun oo askari oo kala ahaa kun askari oo uu talyaanigu ka tagey, labo kun oo markaa laga kala qorey 6 gobol oo ka tirsan gobolada koonfureed degmo kasta waxaa laga soo qorey 50 askari iyo kun askari oo ka yimid waqooyiga soomaaliya {Somaliland}, ciidankii xornimada ka hor ka jirey gobolada Waqooyi waxaa lagu magacaabi jirey (somali scouts), waxayna ka koobnaayeen lix horimood iyo ciidan talis oo yar, ciidankaa ma laheyn saraakiil xornimada ka hor laakiin waxaa tababar dibadda loo direy markii ay xornimada soo dhawaatey rag uu ka mid ahaa Xasan Cabdulle Walanwal, lixda horimood waxaa lagu kala magacaabi jirey:-
- A. company
- B company
- C company
- D company
- E company
- F company
Markii ay xornimada soo dhawaatey ciidankaa gumeystihii ingiriiska wuxuu kala dooransiiyey in la ruqseeyo xuquuqdoodana la siiyo ama in xuquuqdooda loogu dhiibo dowladda cusub ee dhalan doonta waxa ayna doorteen in dowladda cusub lagu wareejiyo, dowladda ingiriiska ayaana xuquuqdooda ugu dhiibtey maxamed xaaji ibraahim cigaal.
Markii la aasaasey ciidanka xoogga 12kii Abril 1960 taliyihii ugu horeeyey waxaa noqdey Daa’uud Cabdulle Xirsi halka abaanduulaha loo magacaabey Jaalle Siyaad Barre, general Daa’uud wuxuu xilka hayey ilaa 1965 markaa oo uu geeriyoodey, jagadii taliyaha ciidanka waxaa loo magacaabey Jaalle Maxamed Siyaad Barre wuxuuna hayey ilaa 1969 waxaana xilka taliyaha la wareegey Maxamed Cali Samatar.
Marxadalihii ciidanka xoogga uu soo marey:–
Ciidanka xoogga dalka wuxuu soo marey ilaa 3 marxaladood oo kala duwan:–
1. Xilligii dowladihii rayidka (1960 – 1969): xilligaa ciidanka xoogga wuxuu ku jirey marxalad soo koritaan iyo tababar ah, waxayna ahaayeen kuwa tiro iyo hub yar inkastoo ay tayo ahaan aad u dhisnayn hadana waxay guulo taariikhi ah ka soo hoyeen dagaalkii 1964 ay xabashidu kusoo qaadey dhulka xorta ah ee soomaaliya, adduunka oo dhan ayaana la yaabey in ciidan 4 sano jir ah ay ka adkaadaan ciidan boqortooyo ahaa oo seddex boqol oo sano soo jirey kana ciidan iyo saanad badan.
2. Xilligii kacaanka (1969 – 1990)
waa xilligii uu ciidanka xoogga talada dalka hayey, xilligaas waa xiligii ciidanka xoogga ugu dhismo iyo tababar badnaa waxaana la balaariyey dhismihii ciidanka waxaa la dhisay ciidanka lugta iyo qeybaha kale, sidoo kale waxaa la balaariyey qeybihii gobolada dalka kuwaa soo xarumo u ahaayeen: Mogadishu, Hargeisa, Dhuusomareeb, Baydhabo iyo Kismaanyo, xilligii kacaanka ayaa ciidanka xoogga wuxuu tababaro iyo saanad ka heli jirey dalka ruushka ka hor inteysan iska hor imaan 1977, xilligaas ciidanka xoogga wuxuu gaarey xagga dhismaha iyo farsamada heer aad u sareysa, wuxuu ka soo qeyb galey howlgallo nabad ilaalin oo nabad gelyada loogu soo celinayo dalal ka tirsan Africa sida colaaddii ka dhexeysay uganda iyo tanzaniya, taasoo uu ku kasbadey in loogu yeero libaaxyada Africa.
Ciidanka xoogga wuxuu mar kale dagaal la galey ciidanka xabashida 1977,
dagaalkaa ayaa noqdey mid taariikh reebey oo ka yaabiyey dowladihii waaweynaa ee ruushka iyo mareykanka, ciidanka ayaana qabsadey in ka badan 3 meelood labo meel dhulka soomaali galbeed balse ruushka oo ahaa dalkii hubka iyo tababarka siin jirey ciidanka xoogga ayaa la saftey dowladdii xabashida wuxuuna itoobiya usoo direy ciidamo badan oo isugu jira Cuban, Yemen, Libyan iyo saraakiil ruushka si ay u hor istaagaan ciidanka xoogga oo markaa itoobiya u awood sheegtey, taasi oo sababtey in ciidanka xoogga iskaga soo baxaan dhulka soomaali galbeed waxaa hubaal ah in itoobiya gacanteeda uu ka bixi lahaa dhulka soomaali galbeed haddii aysan soo fara galin dowladdii ruushka iyo xulufadeeda oo ay ka mid ahaayeen dalal carab ah sida Libya iyo yemen.
Tirade ciidankii xilligii dagaalkii 1977 waxaa lagu qiyaasay:-
- 23 guuto oo ciidanka lugta ah
- Labo guuto oo kumaandoos ah
- Sagaal guuto oo taangi ah
- Sagaal guuto oo madaafiicda goobta ah
- Afar guuto oo ciidanka difaaca ah, ciidanka cirka diyaaradahooda waxay gaarayeen 52 diyaaradood, 24 ka mid ah waxay ahaayeen miig 21.
3. Marxaladda seddexaad waa 1980 ilaa 1991:
Ka dib markii laga soo noqdey dagaalkii 1977 ee itoobiya lala galey ciidanka xoogga waxaa ku bilowdey nusqaamid kaasoo sii socdey ilaa 1989 xilligaas oo saraakiil badan ay ku biireen jabhadihii burburiyey dalkeena taasina waxay horseedey in awoodii ciidanka ay hoos u dhac ku yimaado ilaa uu si rasmi ah u burburey 1991markii Cumar Carte Qaalib uu amrey in ay hubka ku wareejiyeen kuwii dalka burburinayey taasina waxaa ka dhashay in hubkii dowladda uu gacanta u galo shacabka iyo hogaamiyaal kooxeed arxan daran.
Ciidanka xoogga waxaa dib loo aasaasay xilligii madaxweyne Cabdiqaasim Salaad si uu dib ula soo noqdo Maqaamkii uu kulahaa qaaradda afrika, ciidanka xoogga iasgoo dib u dhis ku jira ayaa wuxuu guulo ka soo hoyey dagaalka lagu la jiro kooxaha ka soo horjeeda dowladnimada soomaaliya, wuxuu kaloo ka qeyb qaataa nabadeynta beelaha ku dagaalama qeybo ka mid ah gobolada dalka.
Ciidanka xoogga intii uu jirey wuxuu ka qeyb qaatey samata bixinta dadkii ku wax yeeloobey abaartii daba dheer ee dhacdey sanadkii 1974, ciidanka xoogga wuxuu ka loo kaalin muhiim ah ka ciyaarey ololihii bacaad celinta shalaambood ee shabeelada hoose, iyo ololihii horumarinta reer miyiga.
Ciidanka xoogga waxaa soo marey taliyaal sharaf iyo sumcad ku dhex leh ciidanka dhexdood iyo shacabka soomaaliyeedba, taliyaha guud ee ciidanka xoogga mar walba waa madaxweynaha dalka ka talinaya balse waxay leeyihiin taliye ay ka amar qataan ciidanka xoogga
Taliyaashii soo marey ciidanka xoogga dalka soomaaliya 1960 ilaa 2024: –
- General Da’uud Cabdulle Xirsi
- Sareeye Gaas Jaalle Maxamed Siyaad Barre
- Sareeye guud Maxamed Cali Samatar (2 jeer)
- Sareeye gaas Cumar Xaaii Masalle
- Sareeye gaas Aadan Cabdullaahi Nuur Gabyow
- Sareeye guuto engineer Maslax Maxamed Siyaad
- General Ismaaciil Qaasim Xaaji
- General Cabdi Axmed Guuleed
- General Cabdullaahi Cali Cumar (ina libaax san ka taabte)
- General Saalax Xasan Jaamac (saalax liif)
- General Siciid Maxamed Xirsi (siciid Dheere)
- General Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal
- General Maxamed Geelle Kaahiye
- General Cabdiqaadir Sheikh Cali Diini
- General Daahir Aadan Cilmi (indha qarshe) {2 jeer}
- General Maxamed Aadan Axmed (general buud)
- General Axmed Jimcaale Geedi (cirfiid) {2 jeer}
- General Cabdiwali Jaamac (Gorod)
- General Odowaa Yuusuf Raage (22/august/2019 -19 june 2023, mar kale November 10, 2024 – hadda)
- S/Guuto Ibraahim Sheekh Muxudiin (19 june 2023 – November 10, 2024)
Ciidanka xoogga waxay tababaro kala duwan ka helaan dalal ay ka mid yihiin turkiga, mareykanka, ingiriiska iyo dalal kale, ciidanka xoogga hadda jira 2021/Abril/15 waxaa lagu qiyaasaa in kabadn 30,000 (sodon kun), Awooda ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed waa mid aad u sareysa waqtigaan waxayna ku guuleysteen howlgallo muhiim ah waxayna diyaar u yihiin gudashada waajibaadkooda qaran waxayna naftooda u huraan difaaca dalkooda hooyo waxayna mar walba u taagan yihiin ilaalinta qaranimada soomaaliya ciida, calanka, diinta iyo dadka.
Mid ka mid ah meelaha aan ka soo xiganey https://www.radiomuqdisho.net/wax-ka-barro-taariikhda-ciidanka-xoogga-dalka-soomaaliyeed-warbixin/
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.