Taariikhda col Xasan Maxamed Shaati Gaduud

Last Updated on November 15, 2022 by Taariikh24

Xasan Maxamed Nuur Oo Loo Yaqaano Shaati Gaduud Wuxuu Ku Dhashay Magaalada Baydhabo Sanadkii 1946, Waxay Saaxiibadiis Iyo Dadkii La Soo Shaqeeyey Si Kalgacal Xambaarsan Ugu Yaqaaneen Xasanoow Manuur.

Wuxuu Xarunta Peace Building Intiative/Peace & Development Research Ka Qaatay Abaalmarin Halyeeynimo Kulankoodii Sanadlaha Ee Lagu Qabtay London, Uk February/4/2012, Wuxuu Ahaa Hogaanka Ciidanka Wax Iska Caabinta Raxanweyn (Raxanweyn Resistance Army (RRA)) Iyo Sarkaal Awood Leh Ee Nabadsugiddii Qaranka (NSS) Xilligii Kacaanka, Shaati Guduud Wuxuu Shahaado Dhinaca Milatariga Ah Oo Uu Ku Takhasusay Isgaarsiinta Ka Qaatay Akadeemiyadda Milatariga Modena Ee Talyaaniga 1969, Wuxuu Sidoo Kale Tababar Dhinaca Sirdoonka Milatariga Ku Sameeyey Qaahira Caasimadda Masar, Rooma Caasimadda Talyaaniga, Barliin Caasimaddii Jarmalkii Bari Iyo Moosko Caasimaddii Midowii Burburey Ee Soofiyeetiga 1980 Yadii.

1978 Wuxuu Ka Qaatay Shahaado Sharciga Ah Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, Shaatiguduud Wuxuu Ka Soo Noqday Taliye Gobol Ee Nss-Ta Jubbada Hoose 1972-1975, Sanadihii 1980-1982 Wuxuu Ahaa Madaxa Maxkamaddii Badbaadada Hargeysa , 1977-1980 Wuxuu Ahaa Qaadiga Guddoominayey Maxkamadda Badbaadada Muqdishu, Shaati Guduud Wuxuu Ahaa Guddoomiyaha Gobolka Gedo 1982-1984, Wuxuu Soo Qabtay Dhowr Jago Oo Kala Duwan Oo Nabadsugidda Ah Oo Aay Ku Jirto Kaaliya Madaxweyne Jaalle Siyaad Barre Ilaa Aay Ka Dhacdo Dowladdii Jaalle Siyaad, Muddadii Dagaalada Sookeeye Aay Socdeen Shaati Gaduud Wuxuu Si Firfircoon Ugu Howlanaa Dib U Hishiisiinta.

Shirkii Jabuuti Ee Juun-July/1991 Ka Dib, Waxaa Lagu Daray Dowladdii Ugu Horeysay Ee Ku Meelgaarka Ahayd Wasiirka Arrimaha Gudaha Ahaan, 1994 Wuxuu Noqday Xubin Ka Tiran Golaha Sare Ee Xukuumadda Digil iyo Mirifle ( Digil-Mirifle Supreme Governing Council (DMSGC)), Shaati Guduud Waxay Muhimaddiisa Siyaasadeed Soo Baxday Markii La Sameeyey RRA 1995, Taasoo Aay Wada Aasaaseen Malaaq Mukhtaar Malaaq Xasan Iyo Koox Madax Ah, Jhaffey Oo Ah Galbeedka Baydhabo Ayaa Lagu Aasaasaay RRA 13/Oktoobar/1995, 

Shaati Guduud Ayaa Loo Doortay Guddoomiyaha Iyo Hogaamiyaha Dhaqdhaqaaqan Kacdoonka Oo Ah Dhaqdhaqaaq Habeysan Oo Milatari Kii Ugu Horeeyey Taariikhda Casriga Ah Ee Dadka Digil Iyo Mirifle, Dhalashadii Rra Waxaa Keenay Duulaankii Maleeshiyadii Mohamed Farah Aydiid Aay Baydhabo Ku Qaadeen 17/Sitembar/1995, Kaasoo Afgambiyey Dowladdii Ugu Horeysay Ee Digil Iyo Mirifle Ee La Sameeyey March 1995 Taasoo Ahayd Ismaamul Dowlad Goboleed Oo Digil Iyo Mirifle Ah Oo Leh Laba Aqal, Aqalka Wakiilada Iyo Aqalka Odayaasha, Waxay Ahayd Dowlad Ismaamul Goboleed Tii Ugu Horeysay Ee Koofurta Soomaaliya Laga sameeyo burburkii dowladdii jaalle siyaad Barre ka dib, Waxaa Hoos Imaanayey Gobolada Soo Socda: Bay, Bakool, Gedo, Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose, Shabellada Hoose iyo Banaadir.

Xasan Sheekh Oo Loo Yaqaano Dr. Xaseey Ayaa Ahaa Madaxweynaha Dowladda, Shaati Guduud Howshiisa Ugu Weyn Waxay Ahayd In Uu Soo Ururiyo, Tababaro, Oo Uu Hubeeyo Dhalinyaro Rag Iyo Dumar Leh Oo Digil Iyo Mirifle Ah.

Horaantii 1996 Wuxuu Weeraro Lagu Guuleystay Ku Qaaday Meelaha Muhiimka Ah Ee Uu Heystay Aydiid. Muddadii Lagu Jiray Shirkii Dib U Heshiisiinta Iyo Nabadda Ee Sodere Oo Ka Tirsan Itoobiya 1997 Shaati Guduud Wuxuu Ku Adkeystay In RRA Aaysan La Gorgortami Doonin Kuwa Qabsaday Dhulka Ay Maamulayeen, “Wixii Xoog Lagu Qabsado Xoog Kaliya Ayaa Lagu Soo Ceshanayaa”, 1998 Intuusan Dhamaan RRA Waxay Xoreysay Bakool, Bay, Qeybo Ka Mid Ah Gedo iyo Shabeelle, Shirkii Dib U Heshiisiinta Carta Ee May ilaa August / 2000 Dartii  Howlihii Milatari Ee RRA Si Ku Meelgaar Ah Ayaa Loo Hakiyey Iyadoo La Rajeynayey In Dowladdii TNG Aay Keento Nabad Baahsan, Laakiin, Markii TNG-dii Abdulqasim Salad Uu Madaxweynaha Ka Ahaa  Ay Fashilantay RRA Halkii Ayeey Ka Sii Waday Dhaqdhaqaaqeeda Xasan Maxamed Nuur Shaati Guduud-Na Wuxuu Sameeyey Dowlad La Yiraahdo Koofur-Galbeed Soomaaliya 1/abril/2002, Isagaana Madaxweyne Ka Noqday.

Shaati Gaduud Oo Kasoo Jeeda Gobolada Baay iyo Bakool Ayaa Xilal Kala Duwan Kaasoo Qabtay Dalka Soomaaliya, Xukuumadii Milateriga Ahayd Ee Uu Hogaaminayey AUN Maxamed Siyaad Barre Ayuu Kasoo Noqday Sarkaal Ciidamada Nabadsugida Ah, Gudoomiye Degmo iyo Gudoomiye Gobolk Intaba, Col Xasan Maxamed Nuur Ayaa Lagu Xasuustaa Kaalintii Uu Ku Lahaa Xoraynta Magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur Xiligii Ay Duulaanka Ku Qaaday Jabhadii USC Ee Uu Hogaaminayey Maxamed Faarax Caydiid Xiligaas Oo Boqolaal Shacab Ahi Ay Ku Dhiteen Goboladaasi, Marxuumka Ayaa Kamid Ahaa Saraakiishii Hogaaminaysay Jabhadii Rahenweyn Resistance Army ( RRA ) Oo Sanadii 1999 Magaalada Baydhabo Ka Saaray Jabhadii USC Ee Uu Hogaamin Jirey Gen Caydiid,.

Shaati guud Wuxuu Sanadii 2000 Ka Qayb Galay Shirkii Magaalada Carta, Shirkii Lagu Soo Dhisay Dawladii KMG Ahayd Ee Uu Hogaaminayey Madaxweyne Cabdulqaasim Salaad Xasan, Sidoo Kale Shaati gaduud Ayaa Kamid Ahaa Golihii Wasiiradda Ee Dawladii Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf Isagoo 2005 Ilaa 2007 Kasoo Noqday Wasiirka maaliyadda, 2007 waxaa loo magacaabey wasiirka amniga.

Alla Ha U Naxariistee Korneel Shaati Gaduud Ayaa Ku Geeriyoodey Magaalada Bonn Ee Dalka Jarmalka Maalin Talaado 2/Abriil/2013, Waxaa 7/Abril/2013 Meydkiisa La Keenay Magaalada Magodisho Halkaa Oo Ay Janaaso Kula Tukadeen Madaxweyne Xasan Sheikh, Xildhibaano Iyo Golihii Wasiirada Dowladdii Xasan Sheikh, Isla Maalintaas Ayaa La Geeyey Magaalada Baydho, Waxaa Lagu Aasay Duleedka Magaalada Baydhabo Xarunta Gobolka Baay, Dowladdii Xasan Sheikh Ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydho Ugu Magac Dartey Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud.


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply