Taariikhda Cumar Almukhtaar

Last Updated on April 26, 2024 by Taariikh24

Libaaxii Saxaraha: Sheikh Cumar Almukhtaar Maxamed Farxaan Wuxuu Ku Dhashay Magaalo Xeebeedka Zawiyat Zanzuur Oo Ku Taalo Bariga Liibiya  Sanadkii 20/Agoosto1862 Waxaa Kaloo La Sheegaa Inuu Dhashay 1858, Wuxuu Ka Dhasay Qabiilka Almanfa Oo Ka Mid Ah Qabiilada Dega Dalka Liibiya, Aabihii Ayaa Geeriyoodey Isagoo Xajka Usocda, Cumar Almukhtaar Waxaa La Wareegey Sheikh Xuseen Algharyaanii Oo Ahaa Sheekhii Kooxda Sanuusiya garabkii Magaalada Zanzuur {Sanuusiya Waa Koox diimeed oo suufi ah oo Soo Horjeeday Gumeystayaashii qabsadey liibiya iyo suudaan}.

Cumar Almukhtaar Waalidkii Ayaa Kula Dardaarmey Sheekha Inuu Barbaariyo, Wuxuu Geeyey Dugsi Qur,Aan, Ka Dib Cumar Almukhtaar Wuxuu Ku Biirey Machad Ku Yaaley Waaxda Jaqbuub Oo Markaa Aheyd Caasimadda Dacwada Kooxda Sanuusiyada Bariga Liibiya, Wuxuu Wax Ka Baranayey Muddo Siddeed Sano Ah Wuxuuna Bartey Culuumta Sharciga Sida Fiqiga, Xadiithta Rasuulka ﷺ Iyo Tafsiirka Qur’aanka Kariimka, Sheikh Cumar Almukhtaar Wuxuu Kusoo Barbaarey Mabaadiida Iyo Fikradaha Kooxda Sanuusiya Oo Ku Saleysneyd Barashada Jihaadka iyo la dagaalanka gumeystaha.

Shekh Mahdi al_Senussi, 1897-kii wuxuu Sheekh Cumar al-Mukhtaar uu u xilsaaray magaalo la yirahdo Zawiyat al-Qusour oo ka tirsan gobolka ‘Jabalul Akdhar’ isaga oo helay jagada ah ‘Sayidii’, oo looga yeeri jirey odayaasha iyo culimada u dhaqdhaqaaqa Senussi oo kaliya.

Sheikh Cumar Almukhtaar Wuxuu Noqdey Macallin Dadka Bara Diinta Islaamka, Waxa Uuna Safar Dacwo Iyo Wax Barid U Aadi Jirey Dhulalka Suudaan Iyo Chat Oo Markaasi Ay Heysteen Gumeystayaashii Engiriiska Iyo Faranciiska, Cumar Almukhtaar Wuxuu Ka Qeyb Qaatey Dagaalo Badan Ka Hor Inta Uusan Talyaanigu Qabsan Dalka Libya Dagaaladaas Waxaa Ka Mid Ah dagaalladii ka dhax qarxay Senussi iyo Faransiiska ee gobollada Koonfurta Suudaan, waxaana intaa u dheer oo uu Cumar Mukhtaar ka qayb galay dagaalki guumeystaha Faransiiska uu ku qabsanayey dalka Chad ee dhacay 1900, Sanadkii 1908 Wuxuu Qeyb Ka Ahaa Dagaal Ka Dhacay Xuduuda Masar Iyo Libya Oo U Dhexeeyey Kooxdii Cumar Almukhtaar Iyo Gumeystihii Ingiriiska Oo Masar Joogey.

29/Semtember/1911 Talyaaniga Ayaa Ku Dhawaaqey Dagaal Ka Dhan Ah Dowladdii Cusmaaniyiinta Oo Libya Ka Talineysay, Doomihii Talyaaniga Ayaana Bilaabey In Ay Duqeeyaan Magaalooyinka Xeebaha Dhaca Wuxuuna Shaaciyey In Libya Ay Ka Mid Tahay Dhulka Talyaaniga Uu Gumeysto, Cumar Almukhtaar Ayaa Bilaabey In Uu Abaabulo Jihaad Ka Dhan Ah Gumeystihii Kusoo Duuley Dalkiisa Dagaaladii Ugu Horeeyey Ee Uu Talyaaniga La Galo Waxaa Ka Mid Ahaa Dagaalkii Loo Yaqaaney Salaawi Oo Dhacay Dhamaadkii 1911, Cumar Almukhtaar Wuxuu Hogaamiye U Noqdey Kooxdii ugu Weyneyd Taariilkhda Libya Taas Oo dagaal La Gashay Gumeystihii Talyaaniga Gaar Ahaan Markii Ay Dowladdii Turkiga Ka Baxdey Dhulka Libya Sababo La Xiriira Heshiiskii Lowzaan sanadkii 1912 heshiiskaas oo cusmaaniyiinta Ku Qasbey In Uu Libya Ku Wareejiyo Talyaaniga, Talyaaniga Wuxuu Filayey In Uusan Wax Iska Caabin Ah Kala Kulmi Doonin Shacabka Liibiya Wuxuuna Bilaabey In Uu Dhiso Maamul Isaga Hoos Yimaada, Balse Kooxdii Mujaahidiinta Aheyd Ee Uu Hogaaminayey Cumar Almukhtaar Ayaa Dagaalo Qaraar Kala Horyimid Waxayna Dileen Boqolaal Ciidan, Ciidanka Talyaaniga Ayaa Isticmaalaayey Hub Casri Ah Halka Cumar Almukhtaar Iyo Kooxdiisa Aysan Heysan Hub U Dhigmi Kara Kan Talyaaniga Uu Heystey, Cumar Almukhtaar Waxaa Marin U Ahaa Dhulka Saxaraha Iyo Dhulka Buuraleyda Ah, Wuxuu Bilaabey Dagaal Kufo Oo Dhaqaaq ah Waxaana Halkaasi Uga Baxay Magaca Libaaxii Saxaraha.

Guumeystiyihi Talyaaniga iyo Kooxihii iskacaabbinta ee guumeysidiidka uu Cumar Mukhtaar hoggaaminayey iyo ciidamada Talyaaniga waxaa Liibiya ku dhexmaray dagaallo aad u waaweyn, oo uu ka mid ahaa dagaalkii weynaa ee labada maalmood socday ee Derna oo dhacay bishii May 1913-kii. Dagaalkaasi oo ku dhammaaday 70 askari oo Talyaani ah oo la dilay iyo 400 oo kalana lagu dhaawacay iyo dagaalkii Boushamal ee Ceyn-maara ka dhacay bishii Oktober ee 1913-kii. sidoo kale 1914-kii waxaa dhacay dagaallo ay ka mid ahaayeen Shakhnab, Shaldiimah, Zawiitiinah xilligaasi oo uu Cumar Mukhtaar hoggaaminayey dagaalladaasi oo dhan isaga oo isaga gooshayey goobaha ay dagaalladu ka socdaan.

Cumar Almukhtaar Ayaa Dagaal Kula Jirey Talyaaniga 20 Sano, Sanadkii 1922 Markii Kooxdii Sanuusiyada Ay Masar U Wareegtey Cumar Almukhtaar Wuxuu Ahaa Mid Sii Wadey Dagaalkii Looga Soo Horjeedey Talyaaniga, Xaaladda ayaa kasii dartay iyadoo faashiistiyadii ay la wareegeen taladii Talyaaniga bishii Oktoobar 1922-kii, intaas ka dib waxay kordhiyeen howlahoodii milatari ee Libya1926 Gumeystihii Ayaa qabsadey  Meesha Loo Yaqaan Jabal Al – Akhdar Iyo Magaalada Jaqbuub Oo U Dhow Dalka Masar Si Uu Ujoojiyo Kaalmada Cumar Almukhtaar Uga Imaan Jirtey Dalka Masar, Balse Uma Suuro Galin Talyaaniga In Uu Joojiyo Weeraradii Kooxihii Kacdoonka Wadey,  janaayo/1929 talyaaniga pietro Badoglio usoo magacaabey in uu xaakim ka noqdo dalka Libya Ka Dib Talyaaniga Ayaa Yareeyey Dagaalkii Uu Kula Jirey Cumar Almukhtaar Waxa Uuna Ku Baaqey Xabad Joojin Iyo Heshiis Uu La Galayo Cumar Almukhtaar, Balse Sheekha Ayaa Shuruud Uga Dhigey heshiiska:

1. in la sii daayo dhammaan dadkii uu talyaanigu xabsiyada ku gurey.

2. in ciidanka talyaaniga laga saaro magaalooyinka xeebaha bariga liibiya.

3.  In dugsiyadii lagu baran jirey carabiga iyo diinta islaamka dib loo furo.

Balse talyaaniga ayaa iska diidey shuruudaha, talyaaniga ayaa isagana soo bandhigey shuruudo ay ka mid ahaayeen in sheikh cumar almukhtaar uu dagaalka joojiyo dalkana iskaga baxo taas oo horseedey in heshiiskii uu fashilmo, ka dib talyaaniga ayaa Badoglio badaley wuxuuna soo magacaabey Rodolfo Graziani, Cumar Almukhtaar ayaa ogaadey  in gumeystaha uu fulin heshiiskii dagaalka damacsanyahay, labada dhinac waxay xoojiyeen dagaaladii u dhexeeye, 1931 magaalada loo yaqaan kufra ayaa u gacan gashay dowladdii talyaaniga taasi oo horseedey in talyaanigu sii xoojiyo dagaalkii kacdoon wadayaasha.

labaatan sano oo dagaal iyo wax iska caabin ah ugu dambeyn 11/September/1931 dagaal socdey labo maalin ayaa Cumar Almukhtaar isagoo dagaal ku jira waxaa soo gaarey dhaawac ciidankiisiina waa la jabiyey taasoo talyaanigu u sahashay in Cumar Almukhtaar ay nolosha ku qabtaan, Seddax maalmood ka dib 14/September /1931 Cumar Almukhtaar waxaa la horgeeyey maxkamad militeri uu talyaanigu leeyahay oo ku taaley magaalada banqaazi si ay xukun ugu rido, maxkaddii ayaana ku xukuntey daldalaad, 16/September/1931 ayaa lagu fuliyey xukunkii daldalaada magaalada suluq oo ku dhowaad 50km u jirta magaalada banqaazi dalka Libya  waliba shacabkiisa hortood waxaana lagu aasey isla tuulada suluq, ilaahey ha u naxariisto libaaxii saxaraha sheikh Cumar Almukhtaar, muuqaankaan hoose waa qeyb ka mid ah film laga sameeyey sheikh cumar akmukhtaar wuxuuna soo baxay 1981 qeybtaan waxay muujinaysaa ninka matalaya sheikh Cumar Almukhtaar oo xukunkii daldalaada lagu fulinayo:

Cumar Almukhtaar Wuxuu Ahaa Macallin, Caalim Diimeed, Dagaalyahan Iyo Hogaamiye Hal Adag Oo Aan Mabda’iisa Ka Gorgortamin,  Cumar Almukhtaar ayaa sheegay in uu noolaan doonno dhimashadiisa ka dib in ka dheer inta uu noolaan doono kan daldalaaya:

نحن لا نستسلم.. ننتصر أو نموت، وهذه ليست النهاية، بل سيكون عليكم أن تحاربوا الجيل القادم والأجيال      التي تليه، أما أنا فإن عمري سيكون أطول من عمر شانقي

 taana way dhacdey oo Cumar Almukhtaar wuxuu taariikhda ka galey baal dahab ah waxa uuna ka magac dheer yahay kuwii daldaley waxa ay taariikhdiisu noqotey mid aan duugmin, muuqaalkaan hoose waa qeybka mid ah filimkii laga sameeyey sheikh Cumar Almukhtaar wana qeybtii uu saameynta badneyd:


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply