Taariikhda Generaal Maxamed Nuur Galaal

Last Updated on April 30, 2024 by Taariikh24

Generaal Maxamed Nuur Galaal, waxaa uu ku dhashay meel u dhaw magaalada Ceelbuur ee gobolka Galagduud sanadkii 1938, wuxuuna waxbarashadiisa asaasiga ah ku qaatay magaalada Muqdisho, markii uu dhameeyay waxbarashada sanadkii 1957-dii waxaa uu ku biiray booliska Soomaaliya.

Waxaana uu kusoo tababartay kuleejkii Ferari xilligii nidaamka daakhiliyada, waxaa uu ka hawlgeli jiray saldhigii booliska ee la oran jray Oriantalle ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay kasoo wada shaqeeyeen Maxamed Siyaad Barre, waxaana lagu qaatay laba Alifle.

Sida uu sheegay Dr Maxamed Cali Kamoole oo ay soo wada shaqeeyeen Jeneraal Galaal, kana mid ahaa hawlwadeenadii dowladii hore ee milateriga, markii la aasaasay milateriga Soomaaliya 1960-kii, Jeneraal Galaal, waxaa uu ku biiray ciidanka, wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee 1960-kii loo qaaday dalka Talyaaniga.

Wuxuu dalka dib ugu soo laabtay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1964 isla sanadkaas wuxuu ka mid noqday saraakiil loo qaaday dalka Ruushka si ay ugu soo tababartaan, waxaana lagu qaatay darajada xidigle. Galaal waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ugu muddada dheeraa ee kusoo tababartay dalka Ruushka oo waxaa uu dalkaas ku maqnaa muddo 5 sano ah.

Waxaa la sheegaa in khibraddiisa ugu badan ay ahayd sirdoonka dhanka milateriga, intii uu joogay dalka Ruushka, wuxuu wax ku bartay akademiyadda Fur’uns, wuxuuna bartay taaktikada dagaalka, hawlgelinta ciidamada, dagaalka dhuumaaleysiga iyo basaasnimada.

Waxaa uu kasoo shaqeeyay magaalooyin badan oo ay kamid yihiin Baydhabo oo uu joogay markii uu inqilaabka dhacay iyo Beledweyne oo uu markii dambe kasoo shaqeeyay.

Maxamed Xaaji Ingiriis oo wax ka qoray taariikhda Galaal, wuxuu sheegay in uu kasoo qeyb qaatay dagaaladii sanadihii 1964 iyo 1977 ay Soomaaliya la gashay Itoobiya.

Dagaalkii 1977 kadib waxaa la sheegaa in uu ku biiray siyaasadda, waxaana mar uu soo noqday wasiir ku xigeenkii gaashaandhigga oo uu ahaa intii u dhaxeysay 1977-dii ilaa iyo 1980-kii, wuxuu kaloo soo noqday wasiirkii hawlaha guud intii u dhaxeysay 1980-1982, sidoo kale dhanka baarlamaanka waxaa uu ka soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin xoghayihii baarlamaanka, xoghayihii guud ee golihii barlamaanka iyo guddoomiyaha guddiga siyaasadda.

Markii uu dalka burburayay, Jeneraalka waxaa uu ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaankii xilligaas jiray, Maxamed Xaaji Ingiriis ayaa sidoo kale sheegay in Jeneraal Galaal uu kamid ahaa raggii fara ku tiriska ahaa ee aqoonta durugsan u lahaa arrimaha ciidamada, waxaa uuna magac ku yeeshay dagaalkii 1977 oo sababta arrintaas loo aaneeyo tababarkii uu kasoo qaatay dalka Ruushka..

Doorkiisii dagaalkii 1977

 Dagaalkii 1977 wuxuu ka mid yahay dagaalladii ugu cakirnaa ee qaaradda Afrika ka dhacay xilligii Dagaalkii qaboobaa Ciidan Soomaaliyeed oo illaa dikreetadii soo baxday bishii April 1960-kii lagu canqarinayey Soomaalinnimo, laguna soo barbaariyey in bartilmaameedkiisu uu yahay xoreynta dhulka Soomaaliweyn ayaa saxaraha dhulka Soomaali Galbeed uga gudbay maalmo gudahood xagaagii sannadkii 1977-kii. Waxaan maanta halkan ku soo bandhigaynaa qeybtii ku saabsanayd duulaankii magaalada qiimaha badan ee Dirirdhabem meelihii uu fara-saarka ugu adag uu ka dhacay waxay ahayd furinta Dirirdhabe.

Iyadoo billowgii hore la qarinayey in ciidanka Soomaalidu ay dagaalka si rasmi ah ugu jiraan ayaa taliskii militariga ee Maxamed Siyaad Barre uu go’aansaday inuu si rasmi ah weerar u qaado.

Maalintii taariikhiga aheyd ee 14-kii Agoosto 1977-kii ayaa General Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii ugu aqoonta iyo kartida badneyd Xoogga Dalka Soomaaliyeed si wanaagsanna Ruushku wax u soo baray, wuxuu isagoo madax u ah Qeybtii 26-aad, isla markaana si gaar ah u hoggaaminaya Gaaskii loo yiqiinnay Gaba-Gabeeye ku dhaqaaqay inuu gacanta ku qabto jiidda bari ee gobolkii Itoobiya u tiqiinnay Hararge, qaasatan dhulka Shinniile, Dirirdhabe iyo Harar.

General Galaal wuxuu gashaday koofi caadi ah, wuxuuna iska dhigay wax kasta oo muujinaya garaadihiisa isaga ayaana ciidanka u hormaray.

Ujeedkiisu waxay aheyd inuu ku dhiirri-geliyo ciidammada inay naftii-hurnimo muujiyaan marka la is farasaaro, goor fiidkii hore ah ayuu Gaaska Gaba-Gabeeye ka dhaqaaqay xuduudka dhinaca Waqooyi Galbeed intii ay jidka ku sii socdeen waxaa soo sahmiyey diyaaradaha Itoobiya.

General Galaal oo hor-socda ciidankiisii wuxuu amar ku bixiyey inaan la istaagin wax kasta oo dhaca xeeladaha dagaalka waxaa ka mid ah in duulaanka iyo weerarka hore ay la socdaan oo la saanqaadaan hamadda askarta iyo degdegta labadaas oo la isku daray waxay keenaan guulo lama filaan ah dhanka xeeladaha istaraatiiji ee militariga.

General Galaal wuxuu taarka wareega kala hadlay Taliska Dhexe ee Muqdisho, isagoo warsaday in la soo kiciyo diyaaradaha dagaalka Soomaalida, si ay hawada ugula diriraan kuwa Itoobiya , diyaarado badan lama soo kicin, wixii la soo kiciyeyna waxaa hawada sare uga adkaaday diyaaradihii Itoobiya oo ay duulinayeen duuliyeyaal ka aqoon iyo khibrad badan kuwa Soomaalida.

General Galaal oo gacanta ku sita khariirad ay dagaalkii labaad sameeyeen saraakiishii gumeysigii Talyaaniga, wuxuu go’aansaday inuu qaldo diyaaradaha dagaalka Itoobiya oo uu Gaaska Gaba-Gabeeye iyo gaadiidkiisaba kala dambeysiiyo, oo ay laba laba iyo saddex saddex isu raacaan, si ay u marin-habaabaan Itoobiyaanka.

Wuxuu ciidankiisa ku hakiyey oo uu raashin ka siiyey kuna biyo cabbeen meel tuulo ah oo uu gumeysigii Talyaanigu ka dhigtay fariisin intii uu ku jiray duullaankii uu ku qabsaday Itoobiya sannadkii 1935-kii.

Halkaas ayuu khudbad ugu akhriyey ciidankii, wuxuuna ku adkeeyey in waajibkoodu yahay inay qeyb ka noqdeen rabitaanka ummadda Soomaaliyeed ay ku doonayso inay ku wada xorowdo, Gaaska Gaba-Gabeeye wuxuu sii watay socodkiisii isagoo roob ku da’ayo.

Ciidanku wuxuu jidka ku sii dhegeysanayaa heesihii qiirada badnaa ee abwaannada Soomaaliyeed oo isxilqaamay ay raadiyo Muqdisho ka sii deynayeen.

Gaaska Gaba-Gabeeye waxaa u suura-gashay inuu si sahlan cagta ugu dhufto ciidammo Itoobiyaan ah oo fadhiyey inta u dhexeysa Dirirdhabe iyo Jeldesam goor galab gaabkii ah, waxay ciidankii soo istaageen duleedka Dirirdhabe, Ummaddii Soomaaliyeed ee ku nooleyd magaalada waxay si garab iyo gaashaan leh isu barbartaageen ciidammada walaalahood ah ee Soomaaliyeed, iyagoo fadhigooda ugu geeyey raashin, biyo iyo xoolo nool oo ay qashaan.

Si loo dhiirri-geliyo ciidammada looguna muujiyo inay yimaaddeen dalkoodii, General Galaal markii uu qiimeeyey awoodda ciidanka Itoobiya ee ka soo horjeeda iyo muhiimadda ay keligii-taliye Mengistu u leedahay magaalada Dirirdhabe oo ku taalla mandiqad muhiim ah oo aad istaraateeji u ah, saldhigna u ah tareenka isku xira Djibouti iyo Addis Ababa, wuxuu go’aan ku gaaray inuu duqeeyo meelaha halbowlaha u ah ciidanka Itoobiyaanka ee magaalada haysta.

Ciidanka Soomaalidu waxay ku durkeen buuraha magaalada ku hareereysan, halkaas oo ay isla markiiba duqeyn ku billaabeen kuna gubeen keydkii shiidaalka u weynaa ee ciidanka Itoobiya waxay kaloo duqeeyeen xerooyinkii ciidammada Itoobiyaanku ay deggenaayeen, iyagoo duqeyntooda ka ilaaliyey inay dadka shacabka ah wax ku gaaraan.

Wixii Itoobiyaan ee magaalada deggenaa oo ay hor-socdaan ciidankoodii si amakaag leh ayay magaalada uga carareen, General Galaal wuxuu la daahay inuu ciidanka geliyo magaalada, halkuu sidaas ka yeeli lahaa, wuxuu hubiyey inuu ciidanka dhigo hareeraha magaalada.

Wuxuu is lahaa ‘armaa holaca shiidaalka gubanaya uu waxyeelleeyaa ciidanka, Sidaa ayaana lagu qabtey Magaalada dirirdhaba…

Geeridiisa

Alle ha u naxariistee general Galaal Wuxuu ku nafwaayey weerar Alshabaab ay ku qaadeen hotel Afriik Magaalada Mogadishu Maalin Axad 31kii January 2021, Ilaahey Naxariistii Janno haka waraabiyo Wuxuu usoo shaqeeyey salkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed.

mar uu Baaq u jeediyey Kuwii uu sababsadey ayaa wuxuu yiri:

References

https://www.bbc.com/somali/war-55882728

https://mustaqbalmedia.net/so/dagaalkii-1977-duulaankii-dirirdhabe-iyo-doorkii-general-galaal


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply