Taariikhda Imaam Axmed Gurey

Last Updated on April 25, 2024 by Taariikh24

Magaciisa oo buuxa waa Axmed Ibraahiim alghaazi الغاز, waxaa loo yaqaanaa Axmed Gurey, wuxuu xukumi jirey boqortooyaddii Adal ee Soomaaliya, wuxuu ku dhashey meesha loo yaqaan howbto (Hobat) oo ku taala Soomaali galbeed sanadkii 1506m, xogaha qaarna waxay sheegayaan inuu ku dhashay magaalada zeylac soomaaliya.

Wuxuu dhalinyaro nimadiisa ku qaatey magaalada zeylac, wuxuu guursadey boqorad loo yaqaaney Bati del Wambara oo aheyd gabadhii boqorkii zeylac oo nasab ahaan ku abtirsanayey Cumar Walashma oo ahaa aasaasihii saldanaddii IFAT qarnigii 13Aad.

Axmed Gurey wuxuu ahaa geesi ka mid ah geesiyaashii Soomaalida soo marey, wuxuuna ahaa hogaamiye udhashey hogaaminta dadka, Xabashida waxay xadgudub joogto ah ku haysey dhulka Soomaalida iyo kan muslimiinta kale ee ka agdhow waxaana udhexeeyey dagaalo joogto ah.

Sanadkii 1517 waxaa dagaal dhexmarey boqortooyadii xabashida iyo boqortooyadii Adal gaar ahaan Amiirkii Harar oo la oran jirey Amiir Maxfuud, dagaalkaas waxaa ku dhintey ciidan badan oo ka tirsanaa ciidankii Amiir Maxfuud iyadoo xabashiduna gubtey mid ka mid ah qasriyadii ku yaaley goobihii lagu dagaalamey, ciidankii badda ee burtaqiiska oo markaa xulufo la ahaa xabashida ayaa dhabar jabin ku sameeyey ciidankii Adal waxayna gubeen magaalada saylac.

Boqortooyadii Adal dhexdeeda waxaa ka jirey loolan iyo musuqmaasuq baahsan, waxaa faraha ka baxay amaankii dalka waxaana abuurmey burcad dadka jidka u gasha oo ka dhacda waxa ay wataan illaa uu ka dhacay kacdoon shacab oo uu hogaaminayey Imaam Axmed Gurey ilaa uu ka qabtey hogaanka bqortooyadii Adal sanadkii 1527

wuxuu dajiyey siyaasad iyo maamul awood badan, wuxuu soo afjarey kala qeybsanaantii iyo isdilkii, wuxuu sare uqaadey dhaqaalaha, wuxuuna sugey amniga iyo degenaanta dalka, sidoo kale Axmed Gurey wuxuu dhisay ciidan xoogan oo isugu jira soomaali iyo muslimiintii kale ee degenayd boqortooyadii Adal, Ciidankii Axmed Gurey waxaa u badnaa Qowmiyadda soomaalida ee ku nooleyd dhulkii boqortooyaddii Adal iyo kuwii ka agdhawaa.

Axmed Gurey wuxuu bilaabey inuu ciidan geeyo xuduudaha si uu u sugo amaanka xuduudaha u dhexeeye xabashida iyo Adal, xabashida oo dhibaato iyo carqalad joogto ah ku haysey dadka Soomaaliyeed iyo Boqortooyadii Adal ayaa ka xumaatey in dadkii ay dhibaateyn jirtey dib isku soo abaabuleen.

Waxay isku daydey in ay kala dhantaasho ciidankii muslimiinta waxaana xuduudaha ka dhacay dagaalo u dhexeeyey labada dhinac, dagaalka markuu bilowdey xabashida waxay u Maleysay in Soomaalida dagaalkoodu yahay mid iska yar oo ay burburin karto, balse arinka sidaa waa uu ka duwanaa,

Abril 1529 waxaa dhacay dagaalkii loogu magac darey shimbira kore oo wax ka badaley guud ahaan jawigii ay ku kala sugnaayeen Muslimiintii imaaradda Adal iyo xabashidii, dagaalkaan wuxuu ka dhacay meesha loo yaqaan Shimbira kore oo qiyaastii 130KM kaga beegan dhinaca koonfur bari Addis Ababa caasimadda Itoobiyada maanta.

Ciidanka Itoobiya waxay ahaayeen 16000 Askari oo fardooley ah iyo in ka badan 200000 oo ciidanka lugta, dagaalkaan wuxuu gaystay qasaaro aad u badan oo labada dhinac ah, ciidanka Imaam Axmed Gurey ayaana ku gacan sareeyey dagaalka, waxaa la sheegaa in dagaalkaas ay ku Shahiideen ku dhawaad 3000 oo soomaali ah, ciidanka Imaanka waxaa usuuro gashay in ay gaaaraan dhulka Shewa oo hadda ah bartamaha Itoobiya, waxaa xabashida dagaalkaas kaga dhintay 3 laab inta kaga dhimatey muslimiinta.

Sannadkii 1531-kii, Gurey waxa uu ku guulaystay in uu jebiyo wejigii u dambeeyay ee iska caabintii uu waday lebna Dengel boqorkii xabashida isaga oo sameeyay horumar dheeraad ah, bishii Oktoobar, wuxuu galay Tigray, isagoo jabiyay ciidamadii Dengel ee hadhay.

Sanadkii 1533 ciidankii Imaamka waxay ka talinayeen guud ahaan dhulkii taariikhiga ahaa ee Amxaarada, Xilligaa Itoobiya waxaa boqor ka ahaa Lebna Dengel, Lebna Dengel wuxuu xilka qabtey 1508 wuxuuna hayey ilaa 1540kii, wuxuu kusoo korey agoonnimo ka dib markii aabihii Boqor Na’od lagu diley dagaal uu la galey boqortooyadii Adal.

Waxaana xilka soo gaarsiiyey Boqorad eleena oo xilka sii haysay illaa uu ka gaarey xilli uu ku hanan karo kursiga boqortooyada, wuxuu kusoo aadey xilli boqortooyadii Adal oo dagaal kula jirtey itoobiya uu hogaanka u qabtey Imaam Axmed Gurey.

boqorkii xabashida Libna Dengel wuxuu xilka hayey muddo 32 sano ah oo inta badan uu ku jirey dhuumaaaleysi iyo qax isdaba joog ah ka dib markii ay hareereeyeen ciidankii Imaam Axmed Gurey ka gana yimaadeen jiho kasta, xilligii Lebna Dengel waxaa la sheegaa inuu ahaa xilligaa ugu xumaa ee soo marey dalka itoobiya.

Boqortooyadii jirtey muddo ka badan 400 sano waxay ku wiiqantey dagaal socdey 15 sano oo kaliya, Axmed Gurey waxa uu qabsadey 4/3 (afar meelood seddax meel) oo ka mid ah dhulkii xabashida, waxaa la sheegaa in dadkii xilligaa ku noolaa itoobiya in 10kii qofba sagaal ka mid ah ay qaateen diinta islaamka.

Sanadkii 1535 boqorkii xabashida wuxuu arkey in xaaladda ay ku xuntahay ciidankiisa wuxuuna yaqiinsadey in uusan u babac dhigi Karin ciidankii Imaamka, wuxuu gargaar military waydiistey dowladdii burtaqiiska wuxuuna ka codsadey in ay soo gaarsiyaan gurmad degdeg ah si loo bedbaadiyo intii ka harsaneyd dhulkii xabashida.

Culeyskii iyo duulaanadii faraha badnaa ee ciidankii Imaamku ay ku hayeen ciidankii xabashida wuxuu ku qasbey in ay waayaan fursad ay dab ku shitaan waxaa la waayey dad isku imaada oo muddo wada fadhiya iyagoo ka cabsi qabey in ay arkaan ciidankii Imaam Axmed Gurey, taasina waxay sabab u noqotey in ay hilbihii ku cunaan ceyriinka halkii ay ka karsan lahaayeen arintaan oo illaa hadda dhaqan ahaan ka jirta itoobiya.

Libna Dengel ayaa geeriyoodey sanadkii 1540 isagoo ka baxsanaya ciidamadii Axmed Gurey, Dhimashadiisa ka dib waxaa xukunka la wareegay wiilkiisa oo lagu magacaabi jirey Gelawdewos, isla markiiba waxa uu heshiis la galay boqorkii burtaqiiska si uu uga caawiyo la dagaalanka Axmed Gurey, isagoo ku badashey in wadaad diimeedka burtaqiiska ay soo galaan Itoobiya, kuna faafiyaan Mad’habka kaathooliga halka markaa xabashida ay haysteen mad’habka orthodox.

Burtaqiiska isaga oo heshiiskaan fulinaya waxaa uu sanadkii 1541 soo direy ciidan hubeysan oo gaaraya ilaa 400 oo askari oo ku hubeysan qoryihii ugu casrisanaa xilligaa, waxayna kasoo degeen dekedda Musawac ee dalka Eritrea.

Ciidamada Burtuqiisku waxa hogaaminayey Christopher Da Gama, waxay si fool ka fool ah ula kulmeen Imaam Axmed Gurey bishii April 1542-kii meesha loo yaqaan Jarte, shirkaas ayaan wax natiijo ah keenin iyadoo Da Gama uu ciidamadiisa soo abaabulay oo uu ku kacay ciidankii Imaamka.

Imaamka waxa uu Carabta ka helay 2,000 oo muskeeti ah (Qori), boqortooyadii Cusmaaniyiinta waxay siisay taageero waxayna u soo dirtay ugu yaraan 900 oo nin oo si wanaagsan u tababaran si ay sare ugu qaadaan darajadiisa.

Ciidankii Axmed Gurey iyo isbahaysigii Xabashida iyo burtaqiiska waxaa dhexmarey dagaal aad uqaraar, Axmed Gurey waxa usuuro gashey isla markiiba in ay gaarsiiyaan cadowgooda Jab marba marka ku xigta waxayna ka takhaluseen kala bar ciidankii burtaqiiska oo uu ku jiro Cristophar digaama.

Balse 21 February 1543 dagaal gaadmo ah oo isbahaysigii ay kusoo qaadeen ciidankii Imaamka xilli habeen ah bariga harada ugu weyn itoobiya ee Taana oo hoos tagta gobolka amxaarada ayuu ku shahiidey Imaam Axmed Gurey (AHUN).

Imaam Axmed Gurey waxyaabaha lagu xasuusto waxaa ka mid ah dagaalkii uu la galey burtaqiiskii doonayey in uu la baxo qabriga Nabiga NNKH, burtaqiiska ayaa doonayey in uu qabsado magaalooyinka Makka iyo madiina ka dibna uu qodo qabriga Nabiga NNKH si uu ugu gorgortamo magaalada Qudus oo ay u arkaan magaalo ay masiixiyiintu leeyihiin.

Ciidankii  burtaqiiska ayaa kasoo degey dalka Eritrea si ay halkaa kaga duulaan sacuudiga oo xilligaa hoostagayey boqortooyadii Mamaaliikta ee Fdhigeedu ahaa Masr, burtaqiiskii waxaa dagaal la galey Imaam Axmed Gurey iyo ciidan uu soo direy boqorkii dowladdii cusmaaniyiinta halkaa ayaana lagu soo afjarey hammigii burtaqiista.

Imam Gurey waxa uu taariikhda ku galay in uu ahaa hoggaamiye aad u adag oo dagaal adag la galay boqortooyadii hore ee Xabashida iyo taageeraheedii ugu waynaa ee Boqortooyadii Portugiiska, Imaam Gurey oo muslimiinta dhexdooda loogu yaqaanno guulaystaha waxa uu ka horyimid kuwa geesiyaad isku tilmaamay sida Cristovao da Gama oo uu dhalay sahamiyihii caanka ahaa ee Burtuqiiska Vasco da Gama.

Imaam Axmed Gurey waxaa uu ahaa geesi ifiyey guusha iyo gobonimada, mana istaagin dulmiga xabashida ay ku heyso dhulka Soomaalida iyo dagaaladii lagu la jirey ilaa maanta.

Imam Axmed Gurey waxaa bedelay Nuur ibnu Mujaahid oo ahaa dhaxal sugihiisa, Intii u dhaxaysay 1554-1555 ayuu Nuur ibnu Mujaahid dagaal ku qaaday bariga Itoobiya, sannadkii 1559kii, wuxuu ku duulay Fatagar, dagaal adag oo halkaa ka dhacay wuxuu ku dilay Galawdewos boqorkii xabashida.

Xogaha qaar waxaan kasoo xigtay: TRT World


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply