Taariikhda Jaalle Maxamed Siyaad Barre

Last Updated on May 23, 2024 by Taariikh24

Jaalle Maxamed Siyaaad Barre wuxuu ku dhashey degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo 6dii October  ee 1919kii, Jaalle Siyaad wuxuu ahaa madaxweynihii seddaxaad ee soomaaliya isagoo dalka ku qabsaday afgambi aan dhiig ku daadan.

Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo yaraantiisi ahaa wiil yar oo reer baadiye ah hooyadiis waxaa la oran jiray shaqlan warfaa, waxAyna geeriyootay asagoo sideed jir ah, aabihiisna wuxuu geeriyooday 2 sano kaddib waxaana soo koriyay aderkiis Xirsi Bare iyo ayeeydiis Sacdiyo.

Wuxuuna ahaa curudka aabihiis Siyaad Bare oo lagu naaneesi jiray “Siyaad Garba Weyne”, inkastoo ay dadkii yaqaanay Maxamed Siyaad Bare ay sheegeen in aabihiis Siyaad Bare lagu dilay dagaal qabiil uuna ahaa abaanduulihii colkaas.

Waxaa radio muqdisho iyo wargeysyada kacaankuba ay qori jireen in uu siyaad Bare ahaa halgamaa weyn uuna ka mid ahaa ciidamadii uu hogaaminaayay Cumar Samatar oo gumeysigii talyaaniga la dagaalamayay una ku shahiiday aagga Ceel mirikh oo ku yaalay deegaanka Dhuuso Mareeb 1930-kii.

 Xersi bare oo ahaaa Maxamed siyaad bare adeerkiis ahaana ninkii gacanta ku haayay waxaa la dilay 3 sano ka dib dhimashaddii Siyaad Bare abaarihii sanadkii 1933-dii, 1933-dii.

Ku biiristii ciidanka

Sanadkii 1936-dii ayaa Maxamed Siyaad Bare ka soo tagay xoolihii miyiga uu ku xanaaneyn jiray wuxuu yimid degmada Dhuuso Mareeb wuxuuna uga sii gudbay magaalada Beled Weyne, wuxuu iska diiwaangaliyey ciidamo tababar ku galayey xerada tababarada ee Beled Wenye sanadkii 1936.

Markii uu tababarka uu dhameystay waxaa loo soo bedeley magaalada Mogadishu si uu u qaato tababar dheeri ah waxaa la geeyey xeradii ciidamada ee ku taalay degmada Xamar Jajab ee magaalada.

Maxamed Siyaad Bare wuxuu ka tagay howshii ciidanimada 1939-kii, kaddib markii loo soo sheegay geeridii laba adeeradiis ah oo kale ahaa Jaamac Bare iyo Maxamed Bare wuxuuna aaday deegaanka ulasan ee ka tirsan degmada Dhuuso Mareeb oo cidiisu degenaayeen.

Wuxuuna ku guursaday xaaskiisii ugu horeeysay oo lagu magacaabi jiray Faadumo Awmuse sanadkii 1941-dii markaas oo uu ingiriisku kala wareegay awoodii dalka soomaaliya taliskii Talyaaniga oo  dagaalkii 2aad ee dunida lagu jebiyey.

Jaalle Siyaad wuxuu ku biirey ciidankii ingiriiska, wuxuuna dalacaadii ugu horeysay oo aheyd alifle helay sanadkii 1941-dii, alifkii 2aad wuxuu qaatay sanadkii 1944 kii, waxaana waxbarasho loogu diray magaalada Nairobi dugsiga la yiraahdo “gin school” waxaana tababarkaas kaddib uu noqday kormeere koowaad.

Wadanka waxaa dib ugu soo laabtey Talyaniga sanadkii 1950kii, Maxamed Siyaad Barre oo saddex xarigle ah waxaa loo qaaday dalka Talyaaniga sanadkii 1952-dii.

16-kii october, 1954-tii ayuu Siyaad Barre qaatay xidigtii ugu horeysay uuna noqday sarkaal, wuxuu laba xidigle u dalacay sanadii 1955-tii asigoo sanadki 1957-dii noqday kabtan ama dhamme kaddib 1958-dii waxaa uu noqday dhamme ka tirsan ciidanka booliska soomaaliyeed.

April 12, 1960-kii waxaa la dhisay ciidanka xooga dalka soomaaliya uuna hogaaminaayay generaalkii sida aadka ah loo jeclaa Generaal Daauud Cabdullaahi Xersi oo markii uu geeriyooday sanadkii 1965tii uu bedelay oo jagadiisii qabtay General Maxamed Siyaad Barre asigoo noqday taliyihii xooga dalka soomaaliya.

Afgambi aan dhiig ku daadan

15 octoobar 1969 waxaa la diley madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke sidaa dalka wuxuu ku noqdey madaxweyne la,aan,  21kii octobar 1969 ayaa ciidanka xooga oo uu hogaaminayay Jaale Siyaad barre iyo rag kale ayaa afgambi si lama filaan ah ku qabsadey wadanka waliba si nabad ah oo aan dhiig ku daadan.

Jeneraal sare Salaad Gabeyre Kediye iyo hogaamiyaha sare ee ciidanka amaanka Jaamac Korshel ayaa ka mid ahaa raga safka hore kaga jirey ee suurtogeliyey in afgambigu si guul ah ku dhaco, mudane Kediye wuxuu ahaa oo lagu magacaabayay “aabaha kacaanka”.

Jaalle Siyaad wuxuu bedeley barlamaankii iyo maxkamaddii sare isagoo dartuurkana dib u habeyn uu ku sameeyey, wakhti yar xukunka iyo hogaaminta xisbiga kacaanka umada ayaa Jaale Siyaad Barre wuxuu qaatey magaca guulwade asagoo isku fidiyey maamulka iyo hogaanka dowlada cusub ee markaasi taaboqaadeysay.

Xubnihii golihii sare ee kacaanka

  1. Gen. Maxamed Siyaad Barre – Hogaamiye
  2. Maj.-Gen. Jaamac Cali Korshel – Ku Xigeen
  3. Lt.-Col. Salaad Gabeyre Kediye
  4. Lt.-Col. Muhammad Ali Samatar
  5.  Brig.- Gen. Hussein Kulmiye Afrah
  6. Lt.-Col. Ahmed Mohamoud Ade
  7. Maj.-Gen. Muhammad Ainanshe
  8. Lt.-Col. Abdullah Mohamed Fadil
  9. Lt.-Col. Ali Matan Hashi
  10.  Capt. Ahmed Hassan Musa
  11. Maj. Muhammad Sh. Osman
  12.  Maj. Ismail Ali Abucar
  13.  Maj. Muhammad Ali Shirreh
  14. Maj. Ahmed Suleiman Abdulle
  15. Maj. Mohamoud Ghelle Yusuf
  16. Maj. Farah Wais Dulleh
  17. Capt. Musa Rabille Goede
  18. Capt. Ahmed Muhammad Farah
  19. Capt. Muhammad Omer Ges
  20. Capt. Osman Mohamed Jelle
  21.  Capt. Abdi Warsama Isaak
  22. Capt. Abdirazak Mahamud Abubakar
  23. Capt. Abdulkadir Haji Muhamad.

Waxqabadkii kacaanka

Sanadihii badnaa ee Jaale Maxamed Siyaad Barre hayay talada wadanka wuxuu gaadhsiiyey umadda iyo wadanka heerkii ugu sareeyay ee soomaali waligeed gaadho, waxaa horumar muuqda lagu sameeyay wax soo saarka wadanka ayadoo la dhisey warshado faro badan.

Xaga ciidanka xooga iyo kuwa qalabka sida aad ayaa loo dhisay, waxayna soomaaliya ka mid noqotey shanta wadan ee ugu awoodda badan qaaradda afrika.

Dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo shaqooyinka ayaa si xowli ah u koray, dadka soomaalida oo 90% reer baadiye ahaa ayaa noqdey ilaa 40% reer magaal aqoon leh.

Dowladdii Jaalle Siyaad waxay aheyd dowlad shuuci ah (hanti wadaag) bishii luuliyo 1976kii ayaa xisbigii guulwade Siyaad Barre baabi’iyey golihii sare ee kacaanka waxayna ku bedeleen xisbiga kacaanka umada soomaaliyeed midkaasi oo ku salaysnaa fikradda ah hal dowlad oo wadanka ku maamusha sharciga bulshada iyo diinta islaamka.

Midaasi oo qorshuhu ahaa in a la is waafajiyo dhaqanka bulshada reer guuraaga ee soomaaliyeed iyo nidaamka shuuciga isla markaana meelo badan laga soo xigto quraanka kariimka.

Dowladdii aalle Siyaad wadanka horumar balaaran ayey gaarsiisay waxaa iska wax uqabso lagu dhisay iskuulo, jidad, warshado iyo waxyaabo kale oo badan, warshadihii la dhisay waxaa ka mid ahaa warshaddii kalluunka ee laasqorey oo la dhisay 1970, warshaddii hilibka ee kismaanyo oo la dhisay 1973kii, warshaddii shamiindada (sibidhka) ee barbara.

Waxyaabaha kale ee lagu xasuusto waxaa ka mid ah ololihii horumarinta reer miyiga iyo baristii qorista iyo akhrinta afsoomaaliga oo bilowdey 1974 socdeyna ilaa 1975, waxaa laga bilaawey caasimadda xamar iyada oo shaqaalaha dowladda lagu amrey in ay bartaan qoridda iyo akhrinta afka hooyo, ololahaasi waxaa ka qeybqaatey 25000 ardey, 3000 ciidanka xoogga si ay u tagaan miyi iyo magaalaba si dadka loo baro qorista iyo akhrinta afsoomaaliga.

Dhacdooyin

  1. 20 oktoobar 1970 wuxuu Jaalle Siyaad ku dhawaaqey in soomaaliya noqotey shuuci.
  2. May, 5, 1971 Jaalle siyaad wuxuu xirey qaar ka mid ah raggii ugu sareeyey kacaanka oo uu ku jiro Salad Gabeyre Kediye oo markaa ahaa ku xigeenka Siyaad Barre, Salad Gabeyre  markii dambe waa la diley.
  3. January -21 – 1971 waxaa la dhisay guddigii qoridda afka hooyo.
  4. 1972 qoriddii afka hooyo ( afsoomaali).
  5. 16kii February 1974 soomaaliya waxay ku biirtey jaamacadda carabta oo hadda fadhiid noqotey.
  6.  January – 11- 1975 Jaalle Siyaad wuxuu soo saarey xeerkii qoyska oo simayey dhaxalka ragga iyo dumarka kaasi oo lid ku ah diinteena islaamka.
  7. January- 23 – 1975 waxaa la laayey culimo ka hortimid xeerkii Jaalle siyaad uu soo saarey.
  8. July – 1977 dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dhacay.
  9. April – 9- 1978 waxaa fashilmey afgambi lala damacsanaa Jaalle Siyaad, waxaa la toogtey qaar ka mid ah kuwii afgambiga isku dayey oo uu ku jiro korneel Mohamed Osman oo hogaaminaayey.
  10. May 1986 madaxweyne Jaalle Siyaad ayaa shil gaari ku galay wadada isku xirta Mogadishu iyo Afgooye, madaxweynaha waxaa madaxa ka gaaray dhaawac loo dhiman karo, feerahana qaar baa burburay waxaa loola cararay Isbitaal ku yaalla dalka Sucuudiga.

Isagoo ka hadlaya xeerkii dhaxalka 1975 Jaalle Maxamed Siyaad Barre wuxuu ka yiri Muuqaalka hoose ka daawo:-

Fashilkii kacaanka

Siyaasaddii kacaanka ayaa fashilantay markii rushkii ay ku tiirsanaayeen iska horyimaadeen,sida laga warqabo soomaalida waqtigaas waxa gacanta ku hayey wadamada hanti wadaaga oo rushku ugu horeeyo.

Markii wadamadii ay ku tiirsanayd aay ka hortimid soomaalidu waxay uguurtey wadamada reer galbeedka kuwaas oo soomalida u ciilqabay taasoo sababteedu tahay shuuciyada soomaalidu dhexgashay, markii wadamada reer gaalbeedku soomaalida xiriirkoodii hore soo laabtay shuuciyadina meesha ka baxda.

Waxaa dhacday in wadanka siyaasadiisa si kale isu badashay, waxay soo jeediyeen in wadanka doorasho xor ah ka dhacdo oo laga baxo xisbi kaliya ama madaxweynaha shaqada ka fariisto, arintaasi ma suuro galin, Jaalle Siyaadna xilkii waa laga fujin waayey oo qolyihii reer galbeedka waxay sameeyeen in wadanka la afgambiyo oo xilka wadanka uu qabto qof aay siyaasadiisa reer galbeedka ujanjeerto.

Hase yeeshee arintaasi si kale ayey noqotay, xaaladda waxay isu badashay dagaal sokeeye oo dabo dheeraaday oo waxa la oran karaa reer galbeedkii waxay ku fashilmeen wixii aay soomaaliya la doonayeen oo waxay qaaday wado khaldan oo aan lagu tala galin illa wadamadii soomaaliya afgambiyey ee reer galbeedka laftigoodii ku halaagsameen oo dad badan uga dhintay khiyaamadii aay galeen ayaa la rogmatay.

Si kastaba ha ahaatee, 21 sano oo xukun milatari ah ka dib ayaa xoogii kacaanka umadda soomaaliyeed lagu khasbey ineey ka baxaan magaalo madaxda wadanka midaasi oo ay ka dambeeyeen ururo mucaarad iyo dagaalyahano qabiilo u dagaalamaya iyo wadamada shisheeye.

Dhicistii kacaanka

Markii uu xoogeystey dagaalkii jabhadaha ay kula jireen dowladdii Jaalle Siyaad, jabhadihii waxay bilaaween dhac iyo in ay xafiisyada dowladda wixii yaaley oo sir ah ay banaanka ku daadiyaan iyagoo u tureyn dalkooda sirtiisa, alle ha u naxariistee Jaalle Siyaad wuxuu jeediyey khudbadii ugu dambeysay oo uu kula hadley jabhadihii dhibaatada wadey khudbaddiisa muuqaalka hoose ka dhageyso:

26kii January 1991kii ayaa Jaale Maxamed Siyaad Barre ka degay maamulka iyo talada dowladii kacaanka ee ka talineeysay wadanka asaga oo wadanka ka baxay, waxaa magangalyo siyaasadeed usoo bandhigey dowlado ay ka mid yihiin Mareykanka, Cuba, Ruushka, Kenya, Yemen, Sacuudiga iyo Nigeria, wuxuuna doortey Nigeria isagoo diidey kuwii kale.

Mar wax laga weydiiyey sababta uu u doortey Nigeria una diidey kuwa kale ayuu ku jawaabey: “ dalkeygii iyaga ayaa burburiyey waxaan ahay afrikaan ma doonayo inaan ku dhinto meel aan afrika aheyn, Kenya waxaan ku diidey dhulkeyga ayey xalaashaneysaa oo deris ayaa nahay, markaa Nigeria soohdin nooma dhexeyso”

Geeridii Jaalle Maxamed Siyaad

 Jaalle Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku dhintey magaalada Lagos ee dalka Nigeria 2dii January sanadkii 1995dii asagoo ah 75 sano jir ah wuxuuna u geeriyoodey cudurka sokorta sida qaar ka mid ah qaraabadiisa ay laanta afsoomaaliga voa ay u sheegeen, maalmo ka dib waxaa lagu aasay magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply