Taariikhda Jeneral Maxamed Cali Samatar

Last Updated on July 21, 2023 by Taariikh24

General Maxamed Cali Samatar wuxuu ahaa siyaasi Soomaaliyeed iyo Sarreeye Guud, Xubin sare oo ka tirsanaa Golihii Sare ee Kacaanka, Laga soo bilaabo 1987 ilaa Sebtembar 3, 1990 wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaarihii qaranka, waa shakhsigii ugu horreeyay ee qabta jagadaas tan iyo 1969, General Maxamed Cali Samatar wuxuu sidoo kale soo noqdey madaxweyne ku xigeenkii soomaaliya xilligii dowladdii kacaanka laga soo bilaabo 1971.

wareysi laga qaadey 1987kii

Maxamed Cali Samatar waxaa uu heer sare ka gaaray Miltariga Soomaaliya isaga oo ahaa qofkii ugu sareeyay ee taariikhda milatariga Soomaaliya ee gaaray darajada Sareeye Guud oo aheyd darjadii ugu saraysay ee ka jirtay Soomaaliya.

Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar, waxa uu ku dhasahay Tuulo lagu magacaabo yoontoy oo hoos timaada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose sanadkii 1931-kii,  Noloshiisa waxa uu yaraantiisa kusoo qaatay miyiga Jubbada Hoose, Qur’aanka wuxuu ku bartey deegaankii uu ku dhashay, Waxbarashadiisii Aasaasiga ah wuxuu ku qaatey magaalada Mogadishu.

Aabihiis Sh. Cali Samatar isaga waxa uu geeriyooday isaga oo 6 bilood jira, hooyadii waxay ku geeriyootay magaalada Muqdisho horraantii sanadkii 1980-maadkii.

waxa uu Ciidamada biiray 1950-kii, isagoo aad u jeclaa in uu noqday saraakiisha ugu caansan dalka, sanadkii 1954 waxaa tababar ciidan loogu direy dalka talyaaniga wuxuuna tababarka ku qaatey Xerada Cessino Di Roma.

Wuxuuna dalka kusoo noqdey 1956, sidoo kale wuxuu tababar boolis ku qaatey xamar wuxuuna ka mid ahaa ciidamadii lagu aasaasey booliska.

1952-kii ayuu Sareeye Guud Samatar qaatay Darajadiisii ugu horeysay oo Hal Alif ahayd, waxa uuna Samatar sidoo kale 1956-kii qaatay Darajada Xidigle

General Samanatar wuxuu bilaabey inuu xil u qabto ummada Soomaaliyeed isagoo jira 25 sano, wuxuu taliya ka noqday Saldhiga Degmada Marka isagoo xiddigle, wuxuuna ka mid noqday saraakiishii dhalinyarada ahayd ee muujiyey karti ay ku hanan karaan sugida ammaanka dhulkooda taasi oo gummeystihii Talyaniga ku kaliftay inuu ogaalaado inay gcanta ku dhigaan maamulka amnigooda, Waxaa iyana xusid mudan in 1Luulyo 1960 habeenkii calanka Soomaalida la saarayey uu general Samantar ahaa taliyihii watay ee dalbanayey cutubyadii calanka salaanta siinayey wuxuuna Samatar markaasi ahaa taliye xiggeenka ciidanka gobolka Banaadir.

1962-kii Waxa uu ka shaqeynayay Xafiiska Maamulka Ciidanka Xooga Soomaaliya, waxa uuna 1964-kii ahaa Abaanduuliihii qeybta Waqooyi ee Ciidamada Xooga Soomaaliya.

Waxaa iyana aan la iloobi Karin kaalintii uu ka qaatey dagaalkii 1964tii ee Ethiopian ku soo qaadeen dawladii da’da yareyd ee Soomaaliya, General Maxamed Cali Samantar wuxuu ka daagaal galay aagga Togwajaale halkaasi oo ciidankii uu watey ka muujiyeen geesinimo dalkana ka difaceen ciidamadii Ethiopia wuxuuna ku muteystey bilad iyo dalacaad.

waxaa uu ahaa saraakiishii ugu horaysay ee si casri loogu tababaro ciidanka qalabka sida ee Somalia, 1965 waxaa tababar loogu qaadey dalka ruushka gaar ahaan Frunze Military Academy oo ku taal magaalada Moscow caasimadda ruushka.

Markii uu dalka dib ugu soo laabtay waxaa uu madax ka noqday hoggaankii Cilmi baarista ee ay howshiisu aheyd horrumarinta teknolojiyadda ciidamada, isaga oo fulinaya barnaamijkii la oran jiray “Spiritual Preparation”.

21 oktoober 1969-kii ayuu Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar wax ka hogaaminayay Kacaankii Afgambiyay Dowladdii Rayidka ahayd ka dib markii 15 oktoobar 1969 la dilay  Allaha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharma’arke, 1970-kii Waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya, isaga oo u dalacay Darajada Sareeye Guuto.

waxaana 1971-kii loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga isagoo hayey ilaa 12 diseembar 1973 oo xal muddo xileed aheyd wuxuuna xilka wasiirka difaaca ka noqonayey wasiirka difaaca ilaa 1987, wuxuu 1973-kii  noqday Guddoomiyaha Golaha Sare ee Kacaanka dhinaca Nabadgelyada u qaabilsanaa, Maxamed Cali Samatar waxa uu 1976-kii u dalacay Darajada Sareeye Guud isaga oo 1976-kii mar qura isku noqday Madaxweyne Kuxigeen 1-aad, Wasiirka Gaashaandhiga & Xubin ka tirsaneed Xisbiga Hanti Wadaaga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS).

General Samanatar oo ahaa Askari loo tababarey difaaca dalka una dhaartey inuu xilkaasi si daacadnimo ah u guto ayaa waxaa taariikhdiisa lagu xusuustaa dhismahii xoogga dalka Soomaaliyeed intii uu ahaa wasiirka gaashaandhiga isagoo gaarsiiyey heer ay Soomaliya yeelato ciidanka ugu tayo sareyeeya Afrika marka laga reebo dawladdii cadaanka ahayd ee konfur afrika.

Waxaa kaloo dunida oo dhami ku baratey General Maxamed Cali Samanatar hogaamintii ciidamadii Soomaaliya ee cududa ku muquuniyey ciidamadii Ethiopia ee lagu tilmami jirey libaaxa  Afrika sannadkii 1977 iyo dagaalgelintii uu u dejiyey dagaalkaasi oo ka mid noqotay  duruusta  lagu barto dugsiya staratijiyada dagaalka ee aduunka.

Samatar waxa uu ahaa shaqsi muhiim u ah siyaasadda Soomaaliya sannadihii 1970-meeyadii iyo 1980-aadkii, Intii lagu jiray ololihii Ogaadeenya ee dabayaaqadii 1970-aadkii, wuxuu hoggaamiyay dhammaan cutubyadii XDS iyo Jabhadda Xoraynta Soomaali Galbeed (WSLF).

Samatar waxa uu ka mid ahaa Golihii Sare ee Kacaanka oo uu Madaxweyne Siyaad Barre xukumayay, Bishii Maajo 1986-kii jaalle siyaad Barre waxa uu dhaawac halis ah ka soo gaaray shil baabuur oo  oo ka dhacay meel u dhow Muqdisho, ka dib markii baabuurkii uu la socday uu dhabarka ka jabiyay bas xilli ay dabeylo jireen, Waxa loo qaadey cusbitaal ku yaal Sucuudiga waxaa jirey dhaawacyo madaxa ah iyo jabniin kasoo gaarey feeraha, Samatar oo markaas ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Soomaaliya wuxuu noqday madaxa dawladda.

 In kasta oo Barre uu ku guulaystey inuu ka soo kabsado oo uu isu soo bandhigo inuu yahay musharraxa keliya ee u sharraxan dib u doorashada madaxweynenimada muddo toddoba sano ah 23-kii December 1986-kii, xaaladdiisa caafimaad-darro iyo da’diisa oo weyn ayaa keentay in la isla dhex-maro cidda isaga ka beddeli doonta xukunka, Dadka la tartami kara waxaa ka mid ahaa wiilkii uu sodoga u ahaa Jeneraal Axmed Suleymaan Cabdille oo xilligaas ahaa wasiirkii arrimaha gudaha iyo madaxweyne ku xigeenkii oo ahaa Jeneral Samatar.

1987-kii waxaa Samatar  loo magacaabay Reysal Wasaarihii ugu horeeyay ee Dowladdii Militariga ahayd maadaama dalku aanan yeelan tan iyo 1969kii.

Ka dib markii uu qarxay dagaalkii sokeeye 26kii bishii Jannaayo sanadkii 1991kii lana riday dowladdii ugu waqtiga dheereyd ee soo marta dalka Soomaaliya wuxuu aadey dalka talyaaniga, wuxuu muddo ku noolaa dalkaa  ka dib wuxuu u wareegay magaalada Virginia dalka Mareykanka.

Samatar waxa lagu eedayn jiray inuu qeyb ka ahaa xasuuqii Isaaqa, Ku dhawaad ​​50,000-100,000 oo isugu  jirey rayid iyo kooxo qabiil ayaa lagu dilay xasuuqaa halka warbixinada maxaliga ahi ay ku qiyaaseen in wadarta dhimashada kor u dhaafeyso 200,000, Samatar ayaa lagu eedeeyay in uu taliye u ahaa ciidamadii weerarka ku qaaday kooxaha dagaalka wadey, isla markaana geystay dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada sida dil wadareed, afduub, xarig sharci darro ah, jirdil iyo waliba dambiyo kale oo dagaal.

Sannadkii 2009 kii dacwad madani ah oo Samatar lagaga dalbanayo magdhaw dhaqaale ayaa laga furay dalka Maraykanka koox yar oo Soomaali ah oo qaarkood haysta dhalashada Maraykanka ayaana dacwadda wadey, dacwoodayaashu may sheegan in Samatar shakhsi ahaan uu u geystay falkaas ama uu si toos ah ugu lug lahaa, Taageerayaasha Samatar ayaa dacwadda ku tilmaamay mid siyaasadaysan oo ay soo gudbiyeen ururka  SNM.

dacwadda ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii gudbiyay Cabdicaziiz Maxamed Diiriye oo isagu ku eedeeyey in dawladii uu madaxwene ku xigeenka ka ahaa General Maxamed Cali Samatar ay dishay Aaabihii, walaalkii iyo dad ay qaraabo yihiin intii uu socday dagaalkii ka qaraxay waqooyiga somalia 1988kii.

 2012, 7 dhibanayaal Isaaq ah ayaa ku guuleystey dacwad $21 milyan oo dollar Maraykanka ah oo ka dhan aheyd Samatar oo ay ku ku eedeeyeen inuu dambi ka galey.

Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar waxa uu 19-kii August, 2016kii ku geeriyooday magaalada Virginia ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku xanuunsanaa, Marxuumka ayaa lagu aasay magaalada Muqdisho.

Hadal jeedintii jeneral maxamed cali samatar sanad guuradii 17Aaad ee kasoo wareegatey aasaaskii ciidanka xoogga dalka.

Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply