Taariikhda Jeneral Odawaa Yuusuf Raage

Last Updated on July 21, 2023 by Taariikh24

Odowaa Yuusuf Raage waxa uu ku dhashay Degmada Aadan Yabaal 1987kii, dugsiga hoose iyo dhexe wuxuu ku qaatey degmada aadan yabaal, waxbarashada Dugsiga Sare wuxuu ku dhameystay Magaalada Muqdisho Sanadkii 2005-tii.

General Odowaa Yusuf Raage

Generaal Odowaa Yuusuf Raage, waa nin dhallinyaro ah oo in muddo ah ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka. Waxa uu ka mid ahaa saraakiisha soo hoggaamisa ilaallada madaxtooyada Qaranka.

Odowaa Yuusuf wuxuu ciidanka ku biirey 2005, sanadkii 2007 waxaa tababar loogu qaadey dalka Uganda wuxuuna ku jirey tababarkaa muddo hal sano ah, wuxuuna tababarka ku qaatey taliyenimada ururka.

December 2009 waxaa la siiyey darajada xidigle ka dib markii uu galey dagaaladii xamar ka socdey wuxuuna ka dagaalamayey madaxtooyada ilaa bakaaraha, darajada xidigle  waxaa siiyey madaxweyne shariif sheikh axmed oo xilligaa dalka xukumayey.

Sanadkii 2009 ayaa mar kale layli sarkaal dalka suudaan loogu qaadey, 2010 ayuuna dalka dib ugu soo laabtey.

Isla xiligaas saraakiil uu kamid yahay waxaa loo magcaabay taliyayaal,waxas uu noqday taliyaha horin 2 aad ee ciidanka ilaala madaxtooyada.

Sanadihii 2010-2011-2012 waxa uu ka mid ahaa saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka soomaliyeed ee ka qeyb qaatay ka xoreynta al shabaab Gobolka Banaadir iyo Gobolada Sh,dhexe iyo Sh,hoose, waxaa uu ku mudteystay in la guddoonsiiyo abaal marino.

Sanadkii 2013-kii waxaa tababar ciidan loogu diray Dalka Turkiga muddo hal sano ah kaasoo uu ku qaatay taqasuska ciidanka lugta iyo luqadaha markii uu dalka dib ugu soo laabtay waxaa loo dalacsiiyay Darajada Dhamme .

Sanadkii 2014-kii waxaa uu waxbarasho u aaday Dalka Turkiga gaar ahaan Kulliyada Dagaalka waxaana uu bartey istaraatiijiyadda dagaalka iyo hogaaminta guutada, waxaa uu dalka dib ugu soo laabtay July Sanadkii 2016kii waxaa laga dhigey gaashaanle dhexe, waxaana loo magacaabay Taliyaha Horinta 1-aad ee Ururka 60aad ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada.

Maarso 2018 waxaa loo magacaabey taliyaha ciidanka madaxtooyada, 16-08-2018-kii Digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loogu magacabay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed waxaana loo dalacsiiyay Darajada Sareeya Guuto.

Waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Dhulka 30 March 2019, General Odowaa Yuusuf Raage ayaa loo magacaabey taliyaha ciidaanka xoogga dalka 22/august/2019.

Jeneral Odawaa ayaa xilka kala wareegay Jeneral Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe oo xilka soo hayey muddo ku dhow sanad, Odawaa ayaa noqday mid ka mid ah taliyayaashii ugu da’da yaraa ee qabta hoggaanka ciidamada xoogga dalka.

Ka hor inta aan loo magacaabin taliyaha ciidanka xoogga wuxuu hormuud ka ahaa guluf dagaal oo ciidamadu ay ku qabsadeen deegaanada sabiib,bariire, owdhiigle iyo caanoole.

ganaraal odowaa yuusuf raage ayaa laga qaaday xilka taliyaha ciidanka xoogga dalka 19 june 2023, inta aan xilka laga qaadin bilo ka hor ayaa loo dalacsiiyey darajada sareeye gaas, waxaa xilka kala wareegay S/Guuto Ibraahim Sheekh Muxudiin.

Some Copyright: https://www.ceegaag.com/taariikh-nololeedka-taliyaha-cusub-ee-ciidanka-xoogga-dalka-generaal-odo


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply