Taariikhda Maxamed Mursi

Last Updated on September 25, 2023 by Taariikh24

Maxamed Mursi Ciise Alcayaad waa madaxweyne soo marey dalka masar waana madaxweynaha kaliya ee shacabka masar ay si xor ah u doorteen, mursi wuxuu ku dhashay deegaanka cadwah gobolka sharqiyah ee dalka masar 20kii agoosto sanadkii 1951, wuxuu kasoo jeedey reer danyar ah aabihii wuxuu ahaa beeraley hooyadiina waxay ka shaqeyn jirtey guryaha, wuxuuna ahaa inanka ugu weyn lix caruur ah oo ay dhaleen.

Mursi waa aabe dhalay shan caruur ah oo kala ah Axmed, shimah, usaama, cumar iyo cabdullaahi

waxbarashadiisii

mursi wuxuu waxbarashadiisa schoolka ka bilaabey deegaankii uu ku dhashay.

Wuxuu culuumta injineeriyadda ka bartey jaamavcadda qaahira sanadkii 1975, sanadkii 1978 ayuu shahaadada labaadna ka qaatey jaamacadda qaahira, wuxuu samnadkii 1982 shahaadada PhD ka qaatey jaamacadda south California ee ku taal dalka mareykanka gaar ahaan gobolka California.

Sanadkii 1985 ayuu dalkiisa dib ugu soo noqdey wuxuuna macallin iyo maamule ka noqdey jaamacadda saqaasiiq oo ku taaley dalka masar.

Ku biiristiisii Siyaasadda

Intii uu mareykanka joogey ayuu wax ka bartey ururkii ikhwaanul muslimiin wuxuuna ka noqdey xubin wuxuuna ku biirey garabkii siyaasadda sanadkii 1992, Ururka ikhwaanka wuxuu masar ka jirey ku dhowaad 90 sano.

Ururka ikhwaanka oo muddo masar mamnuuc ka ahaa, markii ugu horeysay ay siyaasadda u tartamaan waxay aheyd 1980maadkii.

Maxamed Mursi 2011 ka hor ayaa siyaasadda lagu arkey wuxuu u tartamey xildhibaan inuu noqdo sanadkii 1995 balse kuma guuleysan, mar kale ayuu u tartamey sanadihii 2000 – 2005tii wuxuuna guuleystey xildhibaan.

Sanadkii 2006 wuxuu ka mid ahaa tiro banaanbaxayaal ah oo lagu xirey qaahira ka dib markii ay ka banaanbaxeen labo garsoore oo shaqadii laga badaley ka dib markii ay ka horyimaadeen doorashadii dhacdey xilligaaas waxaana mursi lagu xukumey 7 bilood oo xabsi ah.

Waxaa mar kale la xirey 28 agoosto sanadkii 2011kii ka dib markii ay bilowdeen mudaaharaadyadii isbedel doonka ay ka curteen dalka masar, waxaana la soo daayey maalmo yar ka dib.

Qabashadii Xilka Ugu Sareeya Masar

ka dib markii xilka laga tuurey maxamed xurni Mubarak sanadkii 2011, ikhwaanul muslimiinka waxay sameysteen xisbi ay ku magacaabeen xuriyadda iyo cadaaladda (FJP), Doorashadii ugu horeysay waxay ku guuleysteen kala bar kuraastii baarlamaanka.

Maxamed mursi ayey u doorteen in uu musharax madaxweyne u noqdo ka dib markii bikhayrat shaadir uu ku guul dareystey inuu ka gudbo shuruudihii musharax madaxweyne looga baahnaa 7 April 2012.

Inkastoo uu hogaamiye ahaa waqti dheer haddana waxaa loo arkey nin aamusan oo dadka aan soo jiidan Karin, Maxamed mursi ayaa dadka u balan qaadey cadaalad, harumar iyo inuu masar oo dhan hogaaminayo inkastoo natiijada doorashada aad la iskugu dhowaa.

Maalin axad ah 24 bishii June 2012 abaaro 4:00Pm ayey guddigii doorashada masar ku dhawaaqeen in mursi uu noqdey madaxweynaha masar wuxuuna ku guuleystey 51.7%.

Si ka duwan madaxda carabta wuxuu garab istaag u muujiyey dalka falastiin isagoo si cad u shaaciyey in uu ka soo horjeedo Israel.

Wuxuu Hogaamiye uu u ahaa 100 milyan oo qof haddana wuxuu ku noolaa guri kiro ah oo ku yaaley xaafadaha isku raranka ah ee magaalada qaahira, walaashii intii uu madaxweynaha ahaa waxay la xanuunsaneyd xanuunka beerka waxaana lagu daweynayey isbitaal dowladeed oo ku yaaley dalka , way dhimatey walaashii ilaahey ha u naxariistee umana dirin dalka dibaddiisa sida madaxda caalamka ay sameeyaan oo kale.

Dadka dhaleeceeya waxay sheegaan inuu ku guul dareystey inuu waxqabto sanadkii uu xafiiska joogey.

Waxay sheegaan inuu islaamiyiinta u ogolaadey in ay siyaasadda galaangal ku yeeshaan ayna dhaqaalaha si xun u maareeyaan.

Afgambigii ay ku sameeyeen Ciidanka

maalintii uu u dabaaldagayey sanadkii u xafiiska hayey ee 30 – June – 2013kii Dad badan oo dowladdiisa kasoo horjeedey ayaa isku soo baxyo waaweyn ka sameeyey magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Habeenkii 3dii July 2013kii ayey ciidamada afgambiyeen dowladdii mursi u hogaaminayey waxaana afgambiga hogaaminayey wasiirkiisa difaaca ahna madaxweynaha hadda masar xukuma Cabdilfataax Alsiisi waxayna laaleen dastuurkii waxayna ku dhawaaqeen dowlad ku meelgaar ah.

Ku dhowaad 1000 qof ayaa lagu diley ka dib markii ay xoog ku kala eryeen ciidankii xilka qabsadey taageerayaashii mursi oo iskugu soo baxay magaalada qaahira bishii agoosto 2013, masuuliyiintii kumeel gaarka ayaa sheegey in ay la dagaalamayaan argagixiso, waxayna xabsiga dhigeen xubnihii ugu cadcadaa ikhwaanul muslimiin.

Maxkamadeyn muddo socotay

Markii xilka laga tuurey afar bilood ka dib ayaa maxkamad la horgeeyey mursi iyo 14 sarkaal oo ka tirsanaa ururkii ikhwaanka waxaana lagu eedeeyey kicinta taageerayaashooda oo diley nin saxafi ahaa iyo isku dhacyo dhexmarey taageerayaashiisa iyo kuwa mucaaradka oo ka dhacay magaalada qaahira bishii December 2012kii.

Maxamed mursi oo dhowr jeer maxkamad la horgeeyey waxa lagu kala xukumay xukunno kala duwan sida dil iyo xabsi, balse maxkamadda sare ee militariga ayaa go’aamisay in la joojiyo dilkii lagu xukumey mursi waxayna amartey in dacwad mar kale la qaado.

Maxamed mursi ayaa ku jirey xabsi aan qofna ku booqan Karin kaligiina uu ku jiro oo aan qofna ku wehlin, wuxuuna xabsiga ku jirey lix sano oo xiriir ah ilaa uu ka dhintey 17kii June 2019kii maxkamadda dhexdeeda xilli lagu gudo jirey dhageysiga dacwaddda maxkamadeyntiisa.

waxaa lagu eedeeyey basaasnimo, muddo 30 daqiiqo ah oo uu miirdaboolnaa Ayaan qofna u tagin, garsoorayaasha iyo waardiyayaashana sidaa ayey ku eeganayeen ilaa uu ka dhintey, dowladda masar ayaana diidey in la baaro geerida mursi waxa sababey iyadoo sheegtay in maxamed mursi uu wadnuhu istaagey .


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Ads Blocker Image Powered by Code Help Pro

Ads Blocker Detected!!!

We have detected that you are using extensions to block ads. Please support us by disabling these ads blocker.