Last Updated on June 20, 2023 by Taariikh24
Recep Tayyip Erdoğan waxa uu ku dhashay Kasımpaşa oo ah xaafad faqiir ah oo ka tirsan magaalada Istanbul February 26, 1954, Qabiilka uu kasoo jeedo Erdoğan ayaa asal ahaan kasoo jeeda Adjara oo ah gobol ka itrsan Georgia, Waalidkiis waxay ahaayeen Ahmet Erdoğan (1905-1988) iyo Tenzile Erdoğan (1924-2011).
Edogan aabbihii markii uu yaraa waxa uu usbuuciiba siin jiray lacag dhan 2.5 Liiraha Turkiga, wax ka yar hal dollar, Edogan waxa uu ku iibsaday kaararkii boostada oo uu dib ugu sii iibiyay wadada, Caagado biyo ah ayuu ka iibin jirey darawalada gaadiidka ku xayiran, Edogan waxa kale oo uu wadooyinka ku iibin jirey rooti.
Waxbarashadiisa
Waxa uu ka qalin jabiyay dugsiga hoose dhexe ee Kasımpaşa Piyale 1965, waxa uuna waxbarashadiisii dugsiga sare ku qaatay dugsiga sare ee Istanbul Imam Hatip School 1973. Isagoo ku guulaystay imtixaanadii loo baahnaa ee koorsooyinka dheeriga ah, Mr.Edogan wuxuu sidoo kale shahaado ka qaatay dugsiga sare ee Eyüp. Wuxuu shahaadada qalin-jabinta ka qaatay Kulliyada Dhaqaalaha iyo Sayniska Maamulka ee Jaamacadda Marmara 1981.
Ku biiristii Siyaasadda
Tan iyo markii uu yaraa, Mr.Edogan waxa uu doortay in uu ku noolaado nolol bulsho oo ku dhex milan siyaasadda. Laga soo bilaabo 1969 ilaa 1982, wuxuu sidoo kale si firfircoon u xiisaynayay kubbadda cagta.
1976-dii,Edogan waxa uu ku hawlanaa siyaasadda isaga oo ku biiray ururka qaran ee ardayda Turkiga, oo ah koox ka hortagta shuuciyadda. Isla sanadkaas, wuxuu noqday madaxa laanta dhalinyarada ee Beyoğlu ee Xisbiga Badbaadada Qaranka Islamiga ah (MSP), ka dibna waxaa loo dalacsiiyay gudoomiyaha laanta dhalinyarada Istanbul ee xisbiga.
Waxa uu jagadan hayay ilaa 1980-kii, waxa uu la-taliye iyo fulinta sare ka ahaa qaybta gaarka ah xilligii ka dambeeyay afgambigii milatariga ee 1980-kii markii la xidhay xisbiyada siyaasadda.
Mr.Edogan waxa uu dib ugu soo noqday dhaqdhaqaaqii siyaasadeed ee xisbiga daryeelka ee la aas aasay 1983-kii,waxana 1984 loo doortay gudoomiyaha degmada Beyoğlu ee xisbiga daryeelka, 1985 waxa loo doortay madaxa xisbiga daryeelka ee gobolka Istanbul,isaga oo isla sanadkaa waxa uu xubin ka noqday golaha dhexe ee xisbiga daryeelka.
Edogan waxa uu galay doorashadii ku celiska ahayd ee baarlamaanka sannadkii 1986-kii isagoo ahaa musharraxa degmada 6-aad ee Istanbul balse ma uusan helin wax kursi ah maadaama xisbigiisa uu ahaa xisbiga shanaad ee ugu weyn doorashada ku celiska ah.
Saddex sano kadib,Edogan waxa uu u tartamay duqa degmada Beyoğlu Wuxuu ku dhameystay kaalinta labaad ee doorashada isagoo helay 22.8% codadka Erdoğan waxaa loo doortay baarlamaanka sannadkii 1991-kii, laakiin waxaa laga mamnuucay inuu fadhiisto kursigiisa sababo la xiriira codbixintii oo la leexsadey.
Waxqabadkiisii istanbul
Doorashadii deegaanka ee dhacday March 27, 1994, Mr.Edogan waxaa loo doortay Duqa Magaalada Istanbul isagoo helay 25.19% codadka dadweynaha, Mudadii uu xilka duqa magaalada ahaa, waxa uu soo saaray baadhitaano sax ah iyo xal u helida mushkiladaha daba dheeraaday ee ka taagan magaalada Istanbul oo ah mid ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dunida ugu muhiimsan, iyada oo loo marayo awoodiisa siyaasadeed, muhiimada uu u leeyahay shaqada kooxeed iyo maaraynta guulaysata ee dhinaca dhaqaalaha.
Dhibaatada biyaha waxaa looga gudbay in la dhigo boqollaal kiilo mitir oo tubo cusub ah, dhibaatada qashinka waxaa lagu xalliyay sameynta tas-hiilaadka dib-u-warshadaynta ugu casrisan, dhibaatada wasakhowga hawada ayaa lagu soo afjaray mashaariicda gaaska dabiiciga ah ee la sameeyay intii lagu jiray xilligii Erdogan, Dhanka ciriiriga isu socodka gaadiidka, waxaa la dhisay in ka badan 50 Buundo iyo waddooyin.
waxaana la sameeyay mashaariic kale oo badan oo lagu hagi lahaa maamullada kale ee magaalada, Erdogaan oo si aad ah uga taxadiraya sida saxda ah ee looga faa’ideysanayo dhaqaalaha dowladda hoose iyo ka hortagga musuq-maasuqa ayaa waxa uu bixiyay inta badan deymihii dowladda hoose ee Istanbul oo uu kula wareegay dayn dhan 2 bilyan oo dollar, waxa uuna mudadii uu xilka hayay ku guuleystay maalgashi dhan 4 bilyan oo dollar.
Mr.Edogan, ayaa sidaas awgeed, waxa uu horumar ka gaadhay taariikhda dawladda hoose, iyada oo hawlihiisu ay tusaale wanaagsan u noqdeen badhasaabyada kale, waxa uu kasbaday kalsoonida dadka.
Sannadkii 1998-kii xisbiga daryeelka aasaasiga ah ayaa lagu dhawaaqay inuu yahay mid aan dastuuri ahayn sababo la xiriira hanjabaadda calmaaniyadda Turkiga waxaana xirtay maxkamadda dastuuriga ah ee Turkiga. Erdoğan waxa uu noqday af-hayeen caan ka ah bannaanbaxyadii ay qabteen asxaabtiisa xisbigu.
12-kii Bishii Disembar 1997 magaalada Siirt, Erdoğan wuxuu tiriyay gabay ay qortay Ziya Gökalp oo u dhaqdhaqaaqi jirtay Turkiga horraantii qarnigii 20aad, Tixdisii waxa ka mid ahaa tuducyo loo turjumay “Masaajiduhu waa xeradeenii, qublooyinka koofiyaddayada, minaaradaha bayaannadayada iyo mu’miniinta askartayada…” balse aan ku jirin gabaygii asalka ahaa, Edogan waxa uu sheegay in gabaygan ay wasaaradda waxbarashadu ogolaatay in lagu daabaco buugaag.
Sida ku cad qodobka 312/2 ee xeerka ciqaabta Turkiga ee xilligaa akhrintiisa waxaa loo arkaa hurin colaad iyo diin nacayb ama isir nacayb, Waxa lagu xukumay toban bilood oo xadhig ah oo uu ka qaatay afar bilood, laga bilaabo 24 March 1999 ilaa 27 Luulyo 1999, Edogan xukunkiisa dartiis waxaa lagu qasbay inuu ka tanaasulo xilkii duqa magaalad.
Xukunku waxa kale oo uu dhigayaa mamnuucid siyaasadeed, taas oo ka hor istaagtay inuu ka qayb galo doorashada baarlamaanka, Waxa uu rafcaan ka qaatay xukunka in loogu beddelo ganaax lacageed, laakiin waxa laga dhigay 120 maalmood, muddadan nolosha Erdoğan waxaa laga sameeyay filim cinwaankiisu yahay Reis.
Mr.Edogan oo xabsiga ku jiray 4 bilood, ka dib waxa uu aasaasay xisbiga cadaalada iyo horumarka (AK Party) Ogosto 14, 2001 isaga iyo asxaabtiisa taas oo ka dhalatay dalabaadkii dadweynaha iyo geedi socodka dimuqraadiyadeed ee soo koraya, waxaana loo doortay aasaasaha guud Guddoomiyaha Xisbiga AK ee Golaha Aasaasayaasha.
Xisbiga AK wuxuu noqdey dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo helay taageeradii ugu ballaadhnayd ee shacbi weynaha dalka sannadkii ugu horreeyey ee dhidibbada loo taagay, isla markaana ka dhigay xisbiga keliya ee talada dalka haya isagoo ka helay baarlamaanka (TBMM) saddex meelood laba meel doorashadii baarlamaanka ee la qabtay 2002dii.
Mr.Edogan ma uusan aheyn musharraxa xildhibaan doorashadii November 3, 2002 go’aan maxkamadeed oo isaga ka dhan ah owgeed, balse wuxuu ka qeyb galey doorashadii ku-xigeenka Siirt ee la qabtey 9-kii March, 2003 markii caqabaddii sharciga ahayd laga qaaday ka dib. waxaa la sameeyay xeerarkii sharciga ahaa ee loo baahnaa. Isagoo helay 85 % codadkii doorashadaas.
Ra’iisul wasaare
Markii uu la wareegay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha 15-kii Maarso, 2003, Recep Tayyip Erdoğan wuxuu hirgeliyay dhowr dib-u-habeyn muhiim ah waqtiga ugu gaaban, dalku wuxuu horumar weyn ka sameeyey dimuqraadiyeynta, hufnaanta iyo ka hortagga musuqmaasuqa taas waxaa barbar socday sicir bararkii aan laga gudbi karin ee sida xun u saameeyay dhaqaalihii dalka iyo cilmi nafsiga dadka dhowr iyo toban sano,
Heerarka deynta ee gobolka ayaa hoos loo dhigay waxaana la gaaray koror laxaad leh oo dakhliga qaranka qofkiiba, Waxaa la dhisay tiro aan hore loo arag oo isugu jira biyo-xireenno, guryo la dego, iskuullo, waddooyin, isbitaallo iyo warshado koronto, Dhammaan arrimahan xaqiijinta ah waxa ay indha-indheeyeyaal badan oo shisheeye iyo madax reer galbeed ahi ku tilmaameen “Kacaan Aamusan”.
Recep Tayyip Erdoğan marka laga soo tago hindiseyaashiisa mira dhalka ah ee lagu tilmaamay inay yihiin isbedel taariikhda dalka ka galay dadaalka uu ugu jiro ka mid noqoshada Midowga Yurub, wuxuu qaaday tallaabooyin wax ku ool ah oo ku aaddan xallinta dhibaatada Qubrus iyo horumarinta xiriir hufan oo uu la yeesho dalal badan isaga oo adeegsanaya siyaasadiisa arrimaha dibadda ee macquulka ah iyo booqashooyin iyo xidhiidho isdaba joog ah oo uu ku sameeyay.
Recep Tayyip Erdoğan oo ah Guddoomiyaha Guud ee Xisbiga AK ayaa guul weyn ka soo hooyey doorashadii Baarlamaanka ee dhacday July 22, 2007, wuxuuna soo dhisay dowladdii 60-aad ee Jamhuuriyadda Turkiga isagoo ku guuleystay 46.6% codadkii la dhiibtay, wuxuuna helay codka kalsoonida.
Mr.Edogan oo ku guuleystay 49 % codadkii la dhiibtay, ayaa si guul ah ku soo dhamaaday doorashadii baarlamaanka ee dhacday 12-kii June 2011, waxaana uu soo dhisay dawladdii 61-aad.
Madaxweynaha Turkiga
1-dii Luulyo 2014,Edogan waxa loo magacaabay musharraxa madaxweyne ee xisbiga AKP ee doorashada madaxtinimada Turkiga. Musharaxnimadiisa waxaa ku dhawaaqay madaxweyne ku xigeenkaii xisbiga AKP, Mehmet Ali Şahin.
Recep Tayyip Erdoğan oo loo doortay Madaxweynaha 12-aad Ogoosto 10, 2014 ayaa sidoo kale ah Madaxweynihii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Turkiga oo lagu doorto cod dadweyne.
Erdogan ayaa wareegii koowaad ee doorashada loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Turkiga isagoo helay 51.79% codadkii la dhiibtay, taasoo meesha ka saartay baahidii loo qabay in wareeg labaad la qabto isagoo ka guuleystay Musharaxa wadajirka ah ee CHP, MHP iyo 13 kale oo mucaarad ah, xoghayihii hore ee ururka iskaashiga Islaamka Ekmeleddin İhsanoğlu ayaa ku guuleystay 38.44% codadkii la dhiibtay. Musharaxa xisbiga HDP ee taageersan Kurdida Selahattin Demirtaş ayaa ku guulaystay 9.76%, 15 July 2016 wuxuu ka badbaadey afgambi iyo isku day dil loo qorsheeyey.
Erdogan ayaa xilka madaxweyne loo dhaariyay 28-kii Ogosto 2014, wuxuuna noqday madaxweynihii 12-aad ee Turkiga, Erdoğan waxaa lagu dhaleeceeyay inuu si cad u sheegay inuusan ilaalin doonin dhaqanka dhexdhexaadnimada madaxweynaha,Edogan waxa kale oo uu sheegay in uu doonayo in uu sii wado door firfircoon oo madaxweyne ahaan ah, sida ka faa’iidaysiga awoodaha uu madaxweynuhu u isticmaalo ee aan naadiga ahayn ee golaha wasiirada,
Markii la ansixiyay wax ka bedelka dastuurka ee aftidii April 16 2017, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan waxaa loo doortay Shirweynihii 3aad ee aan caadiga ahayn May 21, 2017 inuu noqdo Guddoomiyaha Xisbiga AK Party kaas oo uu yahay aasaasihii.
Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ku guuleystay 52.59% codadkii la dhiibtay, waxaana mar kale loo doortay Madaxweynaha doorashadii madaxtinimada ee dhacday 24-kii June, 2018.
Mr.Edogan ayaa 9-kii July 2018 loo dhaariyay Madaxwaynihii ugu horeeyay ee Nidaamka Dawladnimo ee Madaxtinimada ka dib wax ka bedelka Dastuurka ee lagu ansixiyay aftidii 16-kii April 2017.
Erdoğan ayaa markii seddaxaad loo doortay madaxweynaha turkiga doorasho la isla gaaray wareegii labaad oo dhacday 28 May 2023 isagoo helay 52.18 codadkii la dhiibtay.
Qoyskiisa
Edogan waxa uu guursaday Emine Gülbaran (dhalatey 1955, Siirt) 4 July 1978 ayuu guursadey, Waxay leeyihiin laba wiil, Ahmet Burak (dhashay 1979) iyo Necmettin Bilaal (dhashay 1981), iyo laba gabdhood Esra (dhalatey. 1983) iyo Sumeyye (dhalatey. 1985), Erdugan Aabihii oo la oran jiray Ahmet Erdoğan wuxuu dhintay 1988-kii, hooyadiis Tenzile Erdoğan waxay dhimatay 2011 iyadoo da’deedu tahay 87.
Erdoğan waxa uu leeyahay labo walaal, Mustafa (dhashay. 1958), iyo walaashiis Vesile (dhalatey. 1965), erdugan wuxuu kaloo leeyahay laba walaalo oo dhinaca aabaha ah kala ah: Mehmet (1926-1988) iyo Hasan (1929-2006).
Siyaasadda Arimaha dibadda
Erdogan ayaa markii ugu horeysay soo booqdey Somalia August 2011xilli dalka ay ka jireen colaado iyo abaaro baahsan caalamkuna uu daawanayo,
Siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkiga xilligii Erdogan uu ahaa ra’iisul wasaaraha ayaa lala xiriiriyay magaca Ahmet Davutoğlu, Davutoglu wuxuu ahaa lataliyaha ugu sarreeya ee siyaasadda arrimaha dibadda ee ra’iisul Wasaare Recep Tayyip Erdoğan ka hor inta aan loo magacaabin wasiirka arrimaha dibadda 2009, Saldhigga siyaasadda dibadda ee Erdoğan waxay ku salaysan tahay mabda’a ah “cadow ha samaysanin, “dhibaatooyinka eber” dalalka deriska ah.
Erdoğan waa aasaasihii Isbahaysiga Ilbaxnimada Qaramada Midoobay (AOC), Hindisahani waxa uu doonayaa in lagu dhiirigeliyo tallaabooyinka caalamiga ah ee ka dhanka ah xagjirnimada iyada oo la abuurayo wada-hadal iyo iskaashi caalami ah, dhaqan iyo diin ah.
Sources: Recep Tayyip Erdoğan
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.