Sadaam Xuseen Abdilmajiid Altikriiti wuxuu ahaa madaxweynihii dalka Ciraaq sanadihii july 16, 1979 ilaa April 9, 2003, wuxuu ku dhashay Alcowja dalka Ciraaq April 28, 1937, wuxuu ku soo barbaarey nolol agoontinimo ah aabihii ayaa xanuun ugeeriyoodey 3 bil ka hor dhalashadiisa, hooyadii waxaa la oran jirey Subha Dhulfaax Al Mussallat , markii uu dhashay waxaa la wareegey adeerkii halka hooyadiina uu guursadey nin kale.
Muddo ka dib ayuu hooyadii usoo wareegey balse cadaadis iyo dhibaato uu kala kulmey ninka hooyadii qabey ayaa sababtey in uu ka baxsado guriga hooyadii isagoo 10 sano jir ah wuxuuna aadey caasimadda Ciraaq ee Baqdaad, muddo uu is koris ahaa ka dib wuxuu miciin bidey guriga adeerkii oo markaasi ka mid ahaa siyaasiyiinka caanka ka ahaa magaalada Baqdaad.
Waxbarashadiisii
Sadaam adeerkii ayaa u guurey magaalada Tikriit halkaas ayuuna Sadaam ka bilaabey waxbarashadiisa aasaasiga ka dibna Baqdaad ayuu ku laabtey oo uu ka sii watey waxbarashadiisa ilaa dugsiga sare, wuxuu iskaga tagey jaamacadda isagoon wali dhameyn si uu ugu biiro xisbigii Al Bacath.
Afgambigii boqortooyada
Xisbiga Albacath ayaa ka soo ifbaxay dalka Suuriya wuxuuna baahinayey fikradihiisa la xiriira mideynta dalalka carabta, Sadaam waxaa haldoor uu ku deydo u ahaa Jamaal Cabdinaasir madaxweynihii Masar.
Sanadkii 1958 koox askar ah oo taabacsan xisbiga Bacath ayaa afgambiyey boqor Feysal oo Ciraaq ka talinayey waxaana afgambigaas lagu diley boqorkii iyo qoyskiisa, waxaana talada la wareegey sareeye guuto Cabdikariim Qaasim waxa uu dhisay xukuumad ay ka buuxaan dhalinyaradii xisbiga Albacath halka nidaamkii boqortooyadiina lagu badaley jamhuuri.
Waqti gaaban ka dib waxaa khilaaf soo dhexgaley Cabdikariim Qaasim iyo garabkii xisbiga Bacath oo doonayey in Ciraaq la la mideeyo Suuriya iyo Masar si loo dhiso dowlad carbeed oo xoog leh.
Markii arintaan la isku fahmi waayey Cabdikariim Qaasim ayaa dhisay xisbi cusub oo uu u bixiyey xisbiga hantiwadaaga Ciraaq wuxuuna mamnuucey aragti walba oo la xiriirtey mideynta carabta, xisbiga Bacath oo arintaa ka caroodey ayaa abaabuley shirqool xilka looga tuurayo Cabdikariim Qaasim waxaana kooxda shirqoolka fulineysa madax looga dhigey Sadaam Xuseen.
Waxaa la dajiyey qorshe ah in rasaas la huwiyo kolonyada Cabdikariin Qaasim, balse shirqoolkii ayaa fashilmey ka dib markii koox ka mid ah kuwii shirqoolka u xilsaarnaa ay bilaabeen howlgalkii xilligii loo qorsheeyey ka hor, iyagoo dhaawacay Cabdikariin Qaasim, markiiba Sadaam ayaa iskaga baxsadey Ciraaq isagoona u baxsadey Suuriya ka dibna usii gudbey Masar wuxuuna Masar ku sugnaa ilaa 1963.
Koox taabacsan xisbigiisa ayaa xilka ka tuurey Cabdikariin Qaasim iyagoo ku dhex toogtey qasriga madaxtooyada, waxay xabsiyada ka sii daayeen dhammaan dadkii ka tirsanaa xisbiga Albacath waxayna ugaarsi ku bilaabeen dadkii taabacsanaa Cabdikariin Qaasim iyagoo toogtey dad lagu qiyaasay 1500 ilaa 5000 oo qof oo u badnaa shiicadii taageerada u aheyd Cabdikariin Qaasim.
Waxaa xilka la wareegey Cabdisalaam Caarif, Sadaam Xuseen wax lug ah kuma laheyn howl galkaasi, wuxuu dib ugu soo laabtey Baqdaad wuxuuna xubin hoose ka noqdey maamulka cusub.
Xabsigii uu galay
Sadaam ayaa mar kale qeyb ka noqdey koox dooneysay in ay shirqool ku dilaan Cabdisalaam Caarif, balse mar kale ayuu fashilmey isku deygii uu qeybta ka ahaa Sadaam Xuseen mar kale ayuuna Suuriya u baxsadey balse markaan waa la soo qabtey waxaana lagu xukumey 2 sano oo xarig ah.
Sanadkii 1966 ayaa waxaa xabsiga ka bixiyey Albakri oo ku xigeynka hogaanka xisbiga ahaa, waqti gaaban ka dibna waxaa shil diyaaradeed ku geeriyoodey Cabdisalaam Caarif waxaana xilka la wareegey walaalkii Cabdiraxmaan Caarif, Sadaam saaxiibkii Albakri oo saameyn ku lahaa madaxtooyada ayaa heshiis dhexdhigey Sadaam iyo madaxweynaha cusub Cabdiraxmaan Caarif, cafis ayaana loo fidiyey waxaana loo magacaabey in uu noqdo madaxa sirdoonka ee xisbiga Albacath.
Isku daygiisii guulaystay
Mar kale ayaa Sadaam galey damac ah in ay xilka ka tuuraan Cabdiraxmaan Caarif, markaan waa ay guuleysteen waxayna afgambiyeen Cabdiraxmaan Caarif, waxaana madaxweyne Ciraaq ka noqdey Sadaam saaxiibkii Axmed Albakri, Sadaam Xuseen ayaana loo magacaabey madaxweyne ku xigeen iyo taliye ku xigeenka hogaanka dhexe ee ciidanka xisbiga bacath, waxaa batey saameynta uu Sadaam ku lahaa dalka Ciraaq, Sadaam wuxuu isbedel muuqata ku sameeyey siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga Ciraaq.
Wuxuu kor u qaadey wax soo saarka shidaalka Ciraaq, wuxuuna waqti gaaban gudohood Ciraaq u suurogaliyey in ay yeelato nidaamka caafimaad iyo waxbarasho ee ugu fiican bariga dhexe, wuxuuna sare u qaadey talayada ciidanka Ciraaq.
La wareegistii xilka
Sanadkii 1979 waxaa xilka iska casilay madaxweyne Albakri sababo caafimaad iyo cadaadis kaga yimi xisbigiisa, waxaana Ciraaq madaxweyne ka noqdey ku xigeenkiisa Sadaam Xuseen July 16, 1979: –
Xukunka Sadaam Xuseen ayaa ku soo aadey wax yar ka dib markii Iran ay la wareegeen kooxda shiicada ah ee isku magacowdey kacaanka islaamiga Iran, waxayna saameyn dhanka amniga ku yeesheen Ciraaq, bartamihii 1980 waxaa xoogeystey khilaafkii Iran iyo Ciraaq oo Sadaam madaxweyne ka ahaa.
Ciidanka cirka Ciraaq ayaa duqeeyey magaalada Tehran caasimadda Iran waxayna beegsadeen garoonka diyaaradaha iyagoo gudaha u galey Iran, ciidanka Ciraaq ayaa aad uga awood badnaa kuwa Iran waxayna si fudud caqta ku mariyeen difaacii Iran.
Sadaam wuxuu taageero ka helayey reer galbeedka, Mareykanka iyo wadamada Carabta oo ka soo horjeeday xukunka shiicada, dagaalka ayaa socdey September 22, 1980 ilaa August 20, 1988 waana muddo siddeed sano ah wuxuu joogsadey 1988 ka dib xabad joojin ay kala dhexdhigtey Qaramada Midoobey.
Dagaalkaan ayaa sababey in uu burburo dhaqaalaha labada dal, xiriirkii ka dhexeeyey Ciraaq iyo Mareykanka ayaa xumaadey ka dib markii uu Sadaam Xuseen uu hanjabaad hawada u mariyey gumeystaha Israa’iil isagoo ugu hanjabey in uu hubka kiimikada ah ku garaaci doono haddii aysan joojin burburinta deegaanada falastiin.
Mareykanka iyo reer galbeedka ayaa cadaadis saarey xukunkii Sadaam Xuseen taasi oo Ciraaq ku qasabtey in ay xiriir la yeelato midowgii soofiyeetka.
Duulaankii Kuwait
Sadaam dowladdiisii ayaa kaalmo dhaqaale weydiisatey dowladda Kuwait balse Kuwait ayaa iska diidey codsiga Ciraaq, Sadaam ayaa codsi kale u direy wadamada shidaanka soo saara ee ku mideysan OPEC si ay kor ugu qaadaan qiimaha shidaalka si ay Ciraaq uga soo kabsato dhaqaala xumada heysatey.
Wadamada carabta oo ay Kuwait ku jirto ayaa codsigaasi diidey, arintaasi ayaa caro ku abuurtey dowladdii Sadaam Xuseen wuxuuna abaabuley dagaal uu ku qabsanayo ceelal shidaal oo ku yaala xuduuda Ciraaq iyo Kuwait si uu u go’doomiyo dhaqaalaha Kuwait.
August 2, 1990 ayuu si buuxda ula wareegey Kuwait maadaama aysan Kuwait heysan ciidan awood leh oo Ciraaq hor istaagi karey, Sadaam ayaa ku dhawaaqey in Kuwait ay tahay qeyb ka mid ah Ciraaq, Kuwait ayaa qeylo dhaan u dirsatey Mareykanka iyo Qaramada Midoobeyugu dambeyn 1991 xulufo uu hogaaminayey Mareykanka ayaa Kuwait soo weerarey waxayna beegsadeen goobihii ciidankii Sadaam Xuseen ay ku sugnayeen iyo goobo ka mid ah dalka Ciraaq taasi oo horseeeday in ciidankii Ciraaq laga saaro dalka Kuwait sanadkii 1991.
cunaqabateyn dhaqaale ayaa lagu soo rogey dalka Ciraaq, waxaana Sadaam Xuseen lagu eedeeyey in uu heysto hubka kiimikada ah ee wax gudaamada.
January 18, 1991 Sadaam Xuseen ayaa amrey in Isra’iil lagu garaacdo gantaalo, waxayna ku rideen 39 gantaal dhanka israa’iil gaar ahaan caasimadda israa’iil ee Tel Aviv, Sadaam ayaa dowladaha kale ee carabta ku xujeystey in ay dhameystiraan midka afartanaad, balse dowladaha carabta ayaa ka cabsanayey israa’iil mid isku deydayna ma jirin.
Ridistii Sadaam Xuseen
September 11, 2001 markii Mareykanka laga fuliyey weeraro lagu burburiyey daaraha dhaqaalaha adduunka iyo xarunta gaashaandhigga Mareykanka madaxweynihii dalka Bush ayaa wadamo ay ka mid yihiin Ciraaq iyo Afghanistan ku eedeeyey in ay ka dambeeyaan weerarka lagu soo qaadey Mareykanka.
March 19, 2003 Mareykanka iyo ururka NATO ayaa si rasmi ah weerar ugu qaadey dowladdii Sadaam Xuseen si xukunka looga tuuro, ka dib weerar jihooyin kala duwan ah ciidamadii Sadaam Xuseen ayaa iskaga baxay Baqdaad caasimadda dalka Ciraaq waxayna u badaleen weerarkooda qaab jabhadeyn ah.
May 1, 2003 ka dib markii xukunka laga tuurey Sadaam Xuseen ayaa Mareykanka wuxuu Ciraaq u sameeyey dowlad uu isaga maamulo, dalka wuxuu galey burbur iyo amni xumo baahsan oo ilaa manta Ciraaq heysata.
Qabashadiii Saddaam Xuseen
Sadaam Xuseen oo muddo baxsad ka ahaa gaalada ku soo duushay wadankiisa ayaa ku dhuumaleysanayey gudaha gobolka Tikriit balse markii dambe waxaa jaasuusay nin wax ka ogaa halka uu joogo ka dib markii Mareykanku lacag dul dhigey madaxa Sadaam Xuseen, December 13, 2003 ayey Mareykanka gacanta ku dhigeen Sadaam Xuseen isagoo ku dhuumanayay god ku yaala Ad-dawr oo u dhow Tikriit,
Maxkamadeyntii Sadaam Xuseen
Bishii June 2004 ayuu Mareykanka gacanta u galiyey Sadaam iyo 14 sarkaal oo ka tirsanaa xukumaddii Sadaam maxkamad ay maamulaan dowladdii shiicada aheyd ee Mareykanku dhistey.
Waxa ayna ku xukumeen daldalaad, waxaana lagu fuliyey xukunkii daldalaadda December, 30, 2006, dilkiisa ayaana lagu beegay maalin Ciidul Adxaa aheyd, ilaahey ha u naxariisto Sadaam Xuseen.
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.

