Last Updated on April 26, 2024 by Taariikh24
Magaciisa waa Sayid Maxamed Cabdullaahi Xasan, wuxuu ku dhashey Tuulada Sacmadeeq oo u dhow degmada buuhoodle sanadkii 1856.
Todoba jir Markuu ahaa ayuu bilaabey barashada Qur’aanka kariimka wuxuuna dhammeeyey isagoo 10 jir ah, Asagoo aan gaarin 20 sano ayuu noqdey sheekh, waxbarashadiisa intuu ku guda jirey wuxuu waxbarasho u tagey Harar, Mogadisho iyo suudaan.
Ku biiristii dariiqada
Sanadkii 1896 ayuu sayidka iyo koox la socotey u kicitimeen magaalada barakeysan ee Makkah Almukaramah si ay usoo xajiyaan.
Intii uu Makkah joogey wuxuu la kulmey sheekh Maxamed Saalax oo ay ku abtirsato Dariiqada suufiyada ee Saalixiyada, halkaa oo uu kusoo qaatey dariiqada Saalixiyada, wuxuuna halkaa ku sugnaa muddo sanad iyo bar ah, Markuu xajka ka soo laabtey waxa uu kasoo dagey magaalada Barbara, waxa uuna bilaabey olole uu kaga soo horjeeday gumeysigii ingiriiska.
Bilowgii halganka
Markii u dekedda Berbera kasoo dagay ayaa waxaa muran dhex martey Sayidka iyo gumeystihii ingiriiska ee Berbera joogay:-
Markii uu sayidku kasoo dagay Berbera ayaa gaalkii joogey dekedda weydiiyey Sayidka in uu canshuur ka bixiyo alaabtii uu watey, Sayidka ayaa ugu jawaabey: adiga markii aad imaaneysay halkaan yaa canshuur kaa qaadey.
Ninkii tarjumaanka u ahaa ninkii gumeystaha ahaa ayaa usheegey in ninkaan uu wadaad waalan yahay, halkaa ayeyna ka raacdey naaneystii uu gumeystuhu ula baxay Sayidka oo aheyd (Mad Mullah ) oo micneheedu noqonaya wadaadkii waalnaa.
Markii uu Berbera yimid ayuu wuxuu soo bandhigey dariiqadiisa cusbeyd ee Saalixiyada balse waxaa ka horyimid kuwii qaadiriyada oo halkaa uga soo horeeyey.
Sanadkii 1898 ayuu sayidku ka tagey Berbera intuu jidka kusii socdey wuxuu sii marey xarun diinta kiristaanka lagu baran jirey wuxuu halkaasi kula kulmey caruur soomaaliyeed oo magacyadoodii bedelay oo magac gaal la baxay.
Ka dibna wuxuu uga sii gudbey ceel qoryaweyn la yiraahdo oo ceynaba udhow, wuxuuna halkaa ka dhistey mowlac uu ku tukado dadkuna diinta uu ku baro waxaana abuurantey xirtii ugu horeysay ee raacdey sayidka.
Sanadka markuu ahaa 1899 wuxuu aasaasay ciidankii daraawiishta oo markaa gaarayey ilaa 300 oo nin oo aheyd xirtii raacsaneyd Sayidka, 1dii bishii September sanadkii 1899 ayuu Sayidku warqad udirey ingiriiska isaga oo ku eedeeyey caburinta islaamka, wuxuu kala dooransiiyey dagaal ama canshuur.
Maalintaa wixii ka dambeeyey gumeystihii ayaa u aqoonsadey nin falaago ah waxaana bilowdey dagaal udhexeeya Sayidka iyo gumeystaha ingiriiska balse dagaalkii ayaa markii dambe waxaa uu noqdey mid u dhexeeya Ingiriiska, Talyaniga iyo Xabashida oo isku dhinac ah iyo Sayidka iyo ciidankiisa daraawiishta oo kasoo horjeeda.
Bilowgii dagaalada
Sandkii 1901 ayuu dagaalkii ugu horeeyey dhex marey Sayidka ciidamadiisa iyo gumeystihii ingiriiska waana dagaalkii Af bakeyle, daraawiishta waxay gaareen guulo is daba joog ah, 17 Abril 1903 dagaal dhexmarey Sayidka iyo ingiriiska waxaa uu ka diley Ugu yaraan 9 Sarkaal iyo 189 Askari,
1904 ciidankii daraawiishta ayaa fariisin ka sameystey degmada Eyl waxayna ka dhisteen 4 qalcadood oo kala ahaa Daawad, Ilig, Kobac iyo Badey, sanadkii 1904 ayuu ingiriisku duqeyn dhanka xeebta ah ku burburiyey qalcaddii Ilig.
Wadahadallo ayaa ka bilowdey Cadan dalka yemen si loo dhexdhexaadiyo Sayidka iyo gumeystihii Ingiriiska, Daraawiishta waxaa wakiil uga ahaa sheikh Cabdalla Shixiri, Sayidku waxaa uu dalbadey afar arimood:
- in uu meel ku yeesho dhulkii uu Talyaniga xukumayey.
- Xornimo diimeed.
- Xornimo xagga ganacsiga
- Inuu xukumo dadka isaga raacsan.
5tii maarso sanadkii 1905 ayey heshiis ku gaareen meesha loo yaqaan Ilig daldala, balse Sayidka ma joojin ololihiisa xornimo doonka ahaa ee dhinaca afka, Ingiriiska waxaa uu bilaabey inuu hubeeyo qabiilada soomaalida si ay ula dagaalamaan Sayidka, balse qabiiladii iyaga ayaa isku Jeestey.
Dagaallo xun ayaana dhexmarey qabiiladii dhexdooda waxaana ka dhashey baahidii loo yaqaaney xaaraama cuna.
Taleex ayaa waxay aheyd xaruntii Daraawiishta waxaana laga dhisay afar qalcadood oo kala ahaa: –
- Qalcaddii Silsilad oo aheyd meel looga talo galey in ay ku hoydaan ilaa 5000 oo neef iyo 2000 oo ciidan ah.
- Qalcaddii Falaat oo aheyd taliskii Sayidka.
- Qalcaddii Daawad oo loogu talo galey martida.
- Qalcaddii Daar ilaalo oo aheyd qalcaddii laga ilaalin jirey xarumaha kale.
Dagaalkii Dulmadoobe
Sanadkii 1913, ciidamada Daraawiishta, waxay dagaal ku qaadeen ciidamadii Ingiriiska oo saldhiggoodu uu ahaa magaalada Burco, halkaas Daraawiishtu waxay ku gaysatay khasaare aad u baaxad weyn, waxayna soo dhaceen xoolo badan.
Markii uu ingiriisku ogaadey in sayidku uu degey Taleex waxaa uu soo abaabuley ciidamo xoogan oo uu hogaaminaayey general Koofil (Richard Corfield), Koofil waxaa 1912-kii loo magacaabay taliyaha xarunta ciidamada Camel Constabulary ee British Somaliland, waxaana loo xilsaaray ilaalinta nidaamka, laakiin waxaa la faray in uu iska ilaaliyo dagaal uu la galo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.
Hase yeeshee, waxa uu jabiyay amarkaas afartii bishii Agoosto 1913-kii, waxaana uu billaabay inuu abaabulo 116 askari oo ahaa booliiska Camel Constabulary, waxa uuna go’aansaday inuu u babac dhigo 2,750 Daraawiish ah.
Daraawiishta ayaa markaasi haystay qoryo ay qaarna Itoobiya ka soo iibsadeen qaarna Ingiriiska laftiisa lagala baxsaday, sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Xaaji Ingiriis, oo ah taariikhyahan, Ciidankii uu watay Richard Corfield iyo raggii lahaa xoolo ay Daraawiishtu soo dhacday ayaa ka daba yimid Daraawiishta iyo xoolihiiba.
Xoolihii oo maraya meesha la yiraahdo Beer, ayay garab mareen oo u fariisteen buurta Dulmadoobe salkeeda, Waxay isku heleen buurta Dulmadoobe, taas oo ciidankii Ingiriiska lagu jebiyay, dagaalkaas oo dhacay bishii agoosto 1913 ayaa lagu diley general koofil iyo ciidamo badan oo ka tirsanaa gumeystihii Ingiriiska.
Sayidka dilkii general koofil waxaa uu ka tiriyey Gabeygii caanka ahaa ee la magac baxay koofil: —
Duqeyntii Taleex
Waxaa Sii socdey dagaaladii udhexeeyey ingiriiska iyo Sayidka, Sayidka fadhigiisu wuxuu ahaa magaalada Taleex waxayna aheyd Qalcaddii ugu adkeyd, ingiriiska ayaa ku weerarey dayuurado dagaal 4tii febraayo sanadkii 1920, waxayna aheyd meeshii ugu horeysay ee diyaarado dagaal lagu duqeeyo Africa oo dhan waxaana hogaaminayey dhamme Gordon waxayna isticmaaleen dayaaradaha noocoodu ahaa DH9, taas oo keentay in Sayidka meesha laga saaro.
Markaas ka dib Sayidka iyo Daraawiishta intii ka hadhay waxay u gudbeen dhulka Soomaali Galbeed, si ay dib isugu soo abaabulaan, 7dii febraayo 1920 ayuu ingiriisku la wareegey xaruntii Taleex.
Ingiriiska ayaa ka daba direy Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ergo si uu isku soo dhiibo isagana la siiyo goob diimeed, balse Sayidka waa uu diidey, Oktobar sanadkii 1920kii Sayidka waxaa uu gaarey magaalada Iimeey.
Qaar ka mid ah dagaaladii ugu waaweynaa
In ka badan 41goobood ayey iskaga horyimaadeen Daraawiishtii iyo gumeystayaashii, haddaan soo qaadano qaar ka mid ah dagaaladii ugu waaweynaa Sayidka uu la galey gumeystayaashii dalka kusoo duuley waxaa ka mid ahaa: —
- Dagaalkii Jigjiga ee udhexeeyey xabashida iyo Daraawiishta sanadkii 1900.
- Dagaalkii Afbakeyle oo udhexeeyey Ingiriiska iyo Daraawiishta bishii Jun sanadkii 1901.
- Dagaalkii Beerdhiga oo udhexeeyey Ingiriiska iyo Daraawiishta bishii Abril 1902.
- Dagaalkii Cagaarweyne oo udhexeeyey Ingiriiska iyo Daraawiishta bishii Abril 1902.
- Dagaalkii Rooga oo dhacay bishii agoosto sanadkii 1903.
- Dagaalkii jidbaale oo dhacay bishii Janaayo sanadkii 1904.
- Dagaalkii Dulmadoobe oo dhacay Sanadkii 1913 ahaana dagaalkii lagu diley General Koofil.
Geeridii Sayidka
21 bishii December sanadkii 1920 ayuu Sayidka ku geeriyoodey magaalada Iimeey ka dib 21 sano oo halgan ah, halkaas ayaana lagu aasay Sayidka.
Sayidka wuxuu ahaa gabyaa, halgamaa iyo halyeey taariikhda umadda soomaaliyeed ka galey baal dahab ah xushmad iyo qadarinna ay u hayaan dhammaanm umadda soomaaliyeed.
References:-
https://www.bbc.com/somali/articles/c4n99y0m3d2o
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.