Taariikhda Sheekh Xasan Barsane

Last Updated on April 30, 2024 by Taariikh24

Sheekh Xasan Sheekh Nuur Sheekh Axmed “ Sheekh Xasan Barsane” wuxuu ku dhashay tuulada loo yaqaan abaadey ee hoos tagta Degmada Jowhar ee gobolka Shabeelada dhexe sanadkii 1853, hooyadii waxaa la dhihi jirey xaliima hilowle, aabihii sheikh nuur wuxuu ahaa sheikh ka dhex muuqdey hogaaminta diinta iyo in dadka wax la baro dalkana loo diido gumeystaha gaalada ah ee kusoo duuley.

Sheekh Xasan Barsane wuxuu ka dhashay qoys diinta ku ad adag oo ahlu diin ah wuxuu bartey farda fuulka, wuxuu galey Dugsi quraan oo ku yaaley tuuladiisa, wuxuuna xifdiyey Quraanka kariimka isaga oo yar.

waxbarashadiisa

wuxuu bilaabay raadinta cilmiga, wuxuuna aadey tuulada Mareerey oo hoos tagta degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada hoose , halkaa wuxuu ka bartey tafsiirka iyo Axaadiiithta rasuulka (NNKH), Fiqiga iyo luuqadda carabiga, naxwaha iyo sarfiga.

 Sidoo kale wuxuu wax barasho u doontey caasimadda dalka Mogadishu, wuxuu sidoo kale labo mar oo kala duwan aadey Sacuudiga halka oo uu sidoo kale kusoo gutey waajibaadka xajka, ka dib wuxuu ku laabtey tuuladiisa abaadey.

Aasaaskii xirta

Markii uu dalka kusoo laabtey wuxuu tuuladiisa ka bilaawey inuu dadka baro diinta Islaamka iyo culuumtii kale ee uu soo bartey, wuxuuna yeeshay dad raacsan iyo ardey badan, wuxuuna aasaasay Kooxo iyo ardey badan, wuxuu aasaasay tuulo cusub oo lagu magacaabo Mubaarak goobtaa oo noqotey meesha ugu weyn ee lagu barto diinta iyo cilmiga kale.

Dadka ayaa uga imaan jirey Jiho kasta si ay u bartaan diinta, luuqadda Carabiga iyo cilmiga kale , Ka dib sheekha waxaa uu aadey xajka si uu usoo guto Xajka iyo Cumrada halkaa wuxuu kula kulmey Culimadii ugu waaweyneyd ee islaamka oo uu ka mid ahaa Maxamed al Mahdi oo suudaanees ahaa iyo Maxamed Saalax oo ahaa aasaasihii dhaqdhaqaaqa suufiyada ee saalixiya, sheekh Xasan Barsane wuxuu ku biirey kooxdii Saalixiyada wuxuu halkaa joogey muddo 3 sano ah.

Markii uu soo laabtey dalka waxaa soo buux dhaafiyey gumeystayaal kala duwan oo markaa iyo ka horba ku sugnaa dalka tan iyo markii ay dhacdey qeybsashadii Africa 1884 oo ay dalalka reer galbeedka ku qeybsadeen qaaradda Africa.

Dalalka reer galbeedka oo ay ugu horeeyaan Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga ayaa soo galey wadankeena hooyo ee Soomaaliya, sheekhu wuxuu ka biyo diidey inuu ku hoos noolaado gumeystaha isagoo ka door bidey inuu shahiido isagoo difaacaya dalka iyo diinta.

Bilowgii jihaadka

Sheekhu wuxuu jeclaa xoriyadda wuxuuna necbaa oo uu la dagaalamey Xabashida iyo Talyaniga oo markaa heystey koonfurta dalka, kacdoonkii uu kaga soo horjeedey Gumeysiga wuxuu bilowdey bilowgii qarnigii 20Aad.

Kooxdiisa waxay u dagaalameysay diinta iyo xoreyna dalka, Wuxuu ku dhawaaqey jihaad iyo iska caabin ka dhan ah gumeystaha kusoo duuley dalkeena, shacabka soomaaliyeed ayaana Aqbaley u yeeriddii loogu yeerey difaaca dalkooda iyo diintooda, wuxuu isku keeney ciidamo lagu qiyaasay 20,000 ilaa 30,000.

Sheekhu wuxuu la kulmey hanjabaad iyo baqdin galin kaga imaaneysay gumeystihii Talyaaniga oo markaa wakiil uga ahaa general Mario Devechio balse sheekha dheg jalaq uma uusan siin handadaaddii talyaaniga wuxuuna go’aansadey in uu la dagaalamo kana xoreeyo dalka.

Magaalada jilyaale ayaana uu ka dhigtey saldhigiisa, Xabashida ayaa bilowdey iney soo weerarto Koonfurta soomaaliya iyadoo soo gaartey Taytayley(Balcad) balse sheekh Xasan Barsane ayaa difaac kaga hortagey waxaana dhexmarey dagaalo qaraar oo ka dhacay Jilyaale.

Dagaalkii ugu horeeyey ee uu Xabashida la galey wuxuu ahaa dagaalkii Gumar Sheel oo dhacay 1905, ugu dambeyn xabashida ayaa gadaal uguratey ilaa magaalada beledweyne iyagoo jabey.

Sheekh Xasan Barsane WUxuu ahaa abaanduule ka mid ahaa ururkii Urwayni , dhinaca Talyaniga wuxuu soo direy Fariin uu sheekhu ugu yeeraayo in uu u hogaansamo xukunka Talyaniga, balse sheekha waa uu ku gacansayrey.

Wuxuuna ugu jawaabey (” Ma suuro galeyso in aan daba dhilif u noqdo gumeyste dhacaayo dalkeyga, diidan diinteyda, suura gal ma’aha in aan u hogaansamo, Raadsada dad iibsanaayo diintooda iyo dalkooda, laakiin aniga iyo idinka dagaal uunbaa naga dhexeeya”).

Sheekh Xasan wuxuu bilaawey In uu dadka ku dhiirigaliyo in ay la dagaalamaan gumeystayaasha Talyaniga iyo Xabashida, waxaana ku dhintey Kumanaan isugu jira Xabashi iyo Talyaani iyo boqolaal mujaahidiin soomaali ah.

Dagaaladii ugu waaweynaa: –

  1. Dagaalkii Buulaburde oo dhacay 1922.
  2. Dagaalkii Ceel Dheer oo dhacay 1922 iyo 1923
  3. Dagaalkii Hiilweyne oo dhacay 1923.
  4. Dagaalkii Jilyaale oo dhacay 1924.
  5. Dagaalkii Hareerile oo dhacay 1924.

Qabashadii Sheekh Xasan Barsane

Sheekh Xasan Barsane wuxuu ahaa mid hogaamiya dagaalada, xilli ay dagaallo gobolka Hiiran uga jireen ciidamadii ayaa Talyaanigii wuxuu ka faa’iideystey maqnaanshihii ciidanka sheekha wuxuuna dhabar jabiyey ciidankii Sheekh Xasan Barsane ka dib markii uu hareereeyey xaruntii sheekha isagoo adeegsanaya hubkii ugu casrisanaa xilligaa.

 Waxayna la yimaadeen ciidamo fara badan oo ay kasoo wadeen Cadan iyo waliba wadamo kale oo ay gumeysan jireen kuwaas oo ahaa calooshood u shaqeystayaal sida ku cad buug uu qorey Mario Devechio oo lagu magacaabo ORIZENTO DI IMPERO.

Ka dib Cadowga waxaa u suuro gashey in ay qabtaan sheekha sanadkii 1924, waxaana laga dalbadey in uu ciidankiisa ku amro in ay hubka dhigaan, laakiin wuu diidey, ka dib waxaa loo wareejiyey Magaalada Mogadishu waxaana lagu xirey Xabsiga weyn ee loo yaqaan (Gaal shire).

Geeridii Sheekh Xasan Barsane

Maxkamad talyaani ah ayaa ku xukuntey 30 sano oo xabsi ah iyo waliba shaqo adag iyo jirdil, balse gumeystaha ayaa ku qanci waayey in ay xabisaan oo kaliya waayo sheekha wuxuu ahaa caqabadii ugu wayneyd ee ay kala kulmeen koonfurta soomaaliya waxaana la dhihi karaa sheekha inuu ahaa awooda kaliya ee dagaalo waaweyn kaga hortimid gumeystihii Tayaaniga, waxay isku dayeen in ay dilaan.

 3 sano ka dib sanadkii 1927 sheekha waxaa  la galiyey god yar oo ciriiri ah oo aan la fadhiisan Karin kaliya wuxuu lahaa meel yar oo shabaq ah oo uu ka neefsado kaliya intaasi kuma ay ekaan waxay sun ku buufiyeen godkii uu Sheekh Xasan Barsane ku xirnaa waxaana amarkaa bixiyey nin la oran jirey KABEELO, Halkaa ayuuna ku geeriyoodey Sheekh Xasan barsane 13, janaayo 1927.

Waxaana lagu aasay qabuuraha sheekh Suufi ee ku yaala agagaarka madaxtooyada soomaaliya balse markii dambe waa laga saarey waxaana loo qaadey oo uu hadda ku aasanyahay Jilyaale oo aheyd xaruntii sheekha, Alle ha u naxariisto halgamaa Sheekh Xasan Barsane.


Discover more from Taariikh24

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply