Last Updated on November 18, 2022 by Taariikh24
Ururkii SYL waxaa la aasaasay 15 May 1943 waxaana lagu aasaasay magaalada Mogadishu gaar ahaan guri ku yaaley wadada via rooma, waxaana aasaasay 13 dhalinyaro ah, inta badan Da’da dhalinyaradii aasaastey xisbiga SYL waxay u dhexeysay 15 ilaa 21 sano, SYL wuxuu ahaa xisbi siyaasadeedkii ugu horeeyey soomaaliya.
Markii hore waxaa loogu magac darey naadiga dhalinyarada soomaaliyeed (SYC) si gumeystaha loo qaldo maadaama gumeystuhu aanu ogoleyn xisbi siyaasadeed in dalka laga dhiso balse sanadkii 1947 ayaa loo badaley SYL (somali youth league), qof walba oo soomali ayaana ku biiri karey xisbiga, xilligii la aasaasayey SYL dalka wuxuu ku jirey gumeysi, waxaa xisbiga uu xarumo ku yeeshay dhammaan gobolada dalka.
Aasaasayaashii SYL
SYL waxaa aasaasay 13 dhalinyaro ah oo kala ahaa
- Cabdiqaadir Sheekh Saqaawadiin. Waxa uu ku dhashay Degmada Tiyeeglow ee ka tirsan Gobolka Bakool sanadka markuu ahaa 1919kii, ( xiligaasi wuxu jirey 24 sano) Waxaana loo doortey Hogaamiye.
- Maxamed Xirsi Nuur (Siidii), waxa uu ku dhashay Magaalada Mareeg oo ka tirsan Gobolka Galguduud sanadka markuu ahaa 1915kii, (xiligaasi wuxuu jirey 28 sano) waxaana loo doortey hogaamiye ku xigeen.
- Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharma’arke , waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug sanadkii 1917kii (xiligaasi wuxuu jirey 26 sano) Waxaana loo doortey Hogaamiye Xoghaye.
- Xaaji Maxamed Xuseen Maxamed waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1917kii (xiligaasi wuxuu jirey 26 sano) waxaana loo doortey – hogaamiye ku xigeen.
- Cismaan Geedi Raage, waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1925kii (xiligaasi wuxuu jirey 18 sano).
- Dheere Xaaji Dheere. Waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1926kii (Xiligaasi wuxuu jirey 17 sano).
- Daahir Xaaji Cusmaan. Waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug sanadkii 1925kii (xiligaasi wuxuu jirey 18 sano).
- Cali Xasan Maslax waxa uu ku dhashay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug sanadkii 1927kii.
- Maxamed Cali Nuur, waxa uu ku dhashay Degmada Shangaani oo ka tirsan Gobolka Banaadir, sanadkii 1927kii (xiligaas wuxuu jirey 16 sano).
- Maxamed Faarax Hilowle waxa uu ku dhashay Mareeg oo ka tirsan Gobolka Galgaduud sanadkii 1925kii xiligaasi wuxuu jirey 18 sano.
- Xaaji Maxamed Cabdullaahi (Xayeesi), Waxa uu ku dhashay Muqdisho, Gobolka Banaadir sanadkii 1918kii (xiligaasi wuxuu jirey 25 sano).
- Huudoow Macallin Cabdulle Saalax waxa uu ku dhashay Mareerey oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose sanadkii 1926kii (xiligaasi wuxuu jirey 17 sano).
- Maxamed Cusmaan Baarbe waxa uu ku dhashay Baardheere oo ka tirsan Gobolka Gedo sanadkii 1910kii( xiligaasi wuxuu jirey 33 sano).
Ujeedooyinkii SYL
kuwaani waa qaar ka mid ah ujeedooyinkii SYL
- In laga sifeeyo gumeystaha dhammaan dhulka soomaalida iyo in la mideeyo ummadda soomaaliyeed hal calan la hoos geeyo.
- In soomaaliya laga dhigo jamhuuriyad madaxbanaan oo dimuquraadi ah.
- In laga takhaluso kooxeysiga iyo qabyaaladda.
- In la faafiyo waxbarashada iyo luuqadda carabiga.
- In la ilaaliyo danaha muwaadiniinta soomaaliyeed.
- In la raadiyo soomaaliweyn oo hal calan hoos timaada.
- In kor loo qaado heerka dhaqaalaha, siyaasadda iyo aqoonta shacabka soomaaliyeed.
Qaar ka mid ah dhacdooyinkii ay la kulmeen SYL iyo Xornimo gaarsiintii dalka
- Dhacdadii 11 janaayo 1948
Waxaa dhacay dagaalkii la magac baxay hanoolaato waxaa dibad bax ka dhacay Mogadishu, dibad baxaas oo uu ururkii SYL soo qabanqaabiyey ayaa wuxuu kusoo aadey xilli ay dalka soo booqadeen guddi ka socdey dalalkii ku adkaadey dagaalkii labaad ee dunida oo ahaa USA, UK, Faranciiska iyo ruushka.
SYL ayaa boqolkii qofba u sameysay hogaamiye iyo labo calan wade, dibad baxaas waxaa ku shahiidey 14 qof oo soomaali ah oo ay ugu caansantahay halgamaa xaawo taako, halka talyaanigana kaga dhinteen dad lagu qiyaasay 52 talyaani ah.
- Dhagaxtuur
5 October 1949 ayuu dhacay dagaalkii dhagaxtuur wuxuuna u dhexeeyey SYL iyo Gumeystihii ingiriiska, dagaalka ayaa looga soo horjeedey in talyaaniga dib ugu soo laabto soomaaliya, dibad bax balaaran ayaana ka dhacay caasimadda.
Ciidanka ingiriiska ayaa isku dayey in uu hor istaago dadka dibadbaxyada dhigayey balse dadkii soomaalida ayaa bilaabey in ay dhagxaan ku tuuraan ciidanka gumeystaha, ciidankii ingiriiska ayaa ugu jawaabey rasaas oo ay ku dhaawacmeen qiyaaskii 50 iyo labo ku dhimatey halka ciidankii ingiriiska laga dhaawacay labo askari.
21kii Nofembar 1949 ayaa Golaha Guud ee Qaramad Midoobay soo saaray go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan.
Bishii Abriil 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay maamulka Soomaaliya, Maamulkaas oo la magacbaxay “Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia” (AFIS).
Waxaa Talyaaniga weheliyey guddi ka kooban saddex dal: Masar, Filibiin iyo Kolumbiya oo wakiil ka ahaa Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay.
- Dhacdadii cirbaddii sunta ee SYL lagu curyaamin rabey:-
28-october-1948 alle ha u naxariistee Cabdullaahi Ciise oo markaa ahaa xoghayihii xisbiga leegada(SYL) ayaa u dhoofayey dibadda si uu uga qeyb galo shir ka dhacayey dalka faransiiska si uu arimaha soomaaliya ugala hadlo dowladihiii shirka isugu yimid, gumeystihii ayaa Cabdullaahi Ciise ka dalbadey in uu istalaalo.
Ururkii leegada ayaa ka shakiyey talaalkaa maadaama aan horey soomaaliya looga baran waxaana looga shakiyey in ay tahay cirbad sun ah gumeystuhuna uu rabo in uu curyaamiyo dadaalka uu wadey SYl laguna khaarijiyo Cabdullaahi Ciise.
Ururkii leegada ayaa ku tashadey in la raadiyo shakhsi kale oo Cabdullaahi Ciise u eg oo talaalka lagu duro si uusan Cabdullaahi Ciise uga baaqan shirka una tago isagoo badqaba, leegadii waxay soo heshay oo isaguna raali ka noqdey talaalka xittaa hadduu naftiisa ku waayayo halgamaa Maxamuud Yuusuf Aadan Muuro maadaama uu u ekaa Cabdullaahi Ciise.
Sidaa ayaana Maxamuud Yuusuf Aadan Muuro loo talaaley Cabdullaahi Ciise na ku dhoofey, waxaa la sheegaa in Maxamuud Yuusuf Aadan Muuro uu ku xanuunsadey talaalkii dhowr biloodna uu sariir u saarnaa.
Qaar ka mid ah Dadkii ugu caansanaa SYL
- Cabdullaahi Ciise oo ahaa ra’iisul wasaarihii ugu horeeyey soomaaliya wuxuuna xilka qabtey 1956, wuxuu ahaa numberkii 29 ee ururkii SYL
- Aadan Cadde oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyey soomaaliya wuxuu ka mid ahaa ururkii SYL wuxuuna ahaa numberkii 30Aad oo wuxuu ku xigey Cabdullaahi ciise oo halmar ay is qoreen.
- Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ahaa madaxweynihii labaad ee soomaaliya.
- Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo soo noqday ra’iisul wasaarihii soomaaliya.
- Maxamuud Yuusuf Aadan Muuro oo ahaa halgamaagii iska dhigey Cabdullaahi Ciise si uu isaga loogu duro cirbad lala rabey in lagu duro Cabdullaahi Ciiise.
- Xaawo Osman Taako oo gumeystuhu ku diley dagaalkii hanoolaato.
Ururka SYL wuxuu ahaa xisbi wadani ah una adeegi jirey maslaxadda iyo danta shacabka soomaaliyeed wuxuu difaaci jirey qadiyadda shacabka, SYL wuxuu hogaamiyey dhaqdhaqaaqa halganka shacabka soomaaliyeed oo ay kaga soo horjeedeen gumeystihii ku habsaday dhulka soomaalidu dagto.
Wuxuu halgan kula jirey gumeystihii oo dhinac ah iyo xisbiyo qabiileed oo gumeystuhu abuurey oo dhinac kale ah, wuxuu hogaaminayey dhaqdhaqaaqyadii wadaniga ee soomaaliya ilaa xornimada laga helay sanadkii 1960.
Leegada ayaa ku guuleysatey 12 October 1954 in ay taagaan calanka buluugga ah ee soomaaliya waxaana calanka sameeyey halgamaa Maxamed Cawaale Liibaan oo SYL ka tirsanaa.
Xornimadii soomaaliya 1960 ka dib leegada ayaa qabatey hogaankii dalka waxayna ku guuleysteen dhammaan doorashooyinkii dhacay 1954 ilaa 1969, Ururkii leegada ayaana taariikh ka dhigey qaarada afrika ka dib markii 1967 si dimiquraadi ah xilka kula kala wareegeen Aadan Cadde iyo Cabdirashiid Cali Sharma’arke.
Waxayna soomaaliya noqotey wadankii ugu horeeyey afrika ee ka dhacdey doorasho dimuquraadi ah xilkana si nabad ah kula kala wareegey, Aaadan Cadde aayana ah madaxweynii afrika ugu horeeyey ee xilka si nabad ah ku wareejiyey.
Afgambigii 1969 Ka dib
1969 waxaa dalka ka dhacay afgambi aan dhiig ku daadan oo Ciidanka Xoogga xilka kula wareegeen waxaana hogaaminayey Jaalle Maxamed Siyaad Barre, waxaana xabsiga la dhigey qaar ka mid ah madaxdii leegada oo uu ka mid ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo markaa ahaa ra’iisul wasaare.
Ciidankii dalka qabsadey ayaa mamnuucay dhammaan wixii xisbi siyaasadeed ee dalka ka dhisnaa, halkaa ayuuna kusoo afjarmey dhaqdhaqaaqii xisbigii SYL iyo dimuquraadiyaddii soomaaliya, madaxdii xisbigii leegada ayaa noqdey qaar la xirey, kuwa dalka iskaga baxay iyo kuwa beeraley iska noqdey oo siyaasadda faraha kala baxay.
Discover more from Taariikh24
Subscribe to get the latest posts sent to your email.